Garta Odayga naqow, Melez ma garanaysaa!?

Published on March 31, 2010 by   ·   5 Comments   ·   print

W/Q: Xareed Saalax Cadaawe
e-mail:Xareed130@yahoo.com

Abbaaraha 8:00 a.m markii ay maraysay ayaan xaafadii gabadhu joogtay wacay, si aan u ogaysiiyo in aan gaari taksi ah oo soo qaada u soo dirayo, illeen ballanta takhtarka ayaa sidaas ahayde. “masoo bixi karayno, wadooyinki oo dhan waa xiran yihiin, meel kasta askar ayaa daadsan, xitaa gurigu dusha ayuu nagaga xiran yahay!” gabadhii ayaa iigu jawaabtay.

Cajiib! Waxaan toyday sida wax u jiraan. Cabbaar ka dib waxaa la idhacsiiyey in ay ku qorshaysneyd in Madaxwaynuhu (puntland) safar dibedda u aadayo. Dabcan, ammaanka Madaxwaynaha ayaa aad loo adkeynayey, kol haddii xaafada gabadhuna ku oollayd wadada Madaxtooyada sida wax u jiraan waa loo-qaateen. Naguma cusba qarooma-rujiska aan waxba ku toornayn ee madaxda Soomaalida, mararka ay wadooyinka marayaan iyo waliba goobahooda shaqada. Kuma gaabsan intaase, si dhib yar ayaan isu iri: oo tolow, safarka Madaxwaynuhu waa xagee? Warfidiyeenada maxalliga ah maad dhegadhegayso?

Intuba inta ka dhaqso lehe, waxaa igu soo duulay warkii aan tammadiyey, imase farax gelin. Waxay Idaacad si wayn magaalada (Bosaso) looga dhegaysto ku warantay: in Madaxwaynuhu u kicitimay Magaalada Adis-ababa, safarkan oo lala xiriirinayo ka dib isbedelo uu ku sameeyey maamulkiisa oo is afgaranwaa ka dhashay, gaar ahaan saraakiisha ammaanka! Haa! Xaalku tuur ma kula yeeshay!? Waxaa iswaydiin adag igu dhalisay socdaalka iyo sababta ka danbaysa? Markaas ayaan soo gocday dhowr beri ka hor dhacdo tan xiriir la lahayd: kooxda Ahlu Sunna Wal jameeca iyo Dawlada Shariif ayaa wax ay heshiis ku magacaabeen ku kala saxiixday Adis-ababa. Shariif oo si xishood la’aan ah u difaacaya doorashada Adis ayaa warbaahinta kaga andacooday: in ay muhiimadu tahay in heshiis la gaaro ee aysan ahayn meesha lagu qabanayo kulanka.

Kama boodsani in sannadahan danbe talada Soomaaliya u wareegtay Ethiopia; waxaanse la yaabay sida ay wax caadi ah ula ekaatay dadwaynaha oo idil! Waa yaab, intaan gaws-qaniinay oo isla muusooday, ayaan madaxa u ruxay dooddii C/risaaq Xaaji Xuseen (ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya). Qoraal uu hadda ka hor C/risaaq ku shaaciyey interner-ka ayuu kaga faallooday tabaha Melez Zanawi marayo si uu Soomaaliya u xalaalaysto. Waxaa qorshahaas ka mid ahaa: in Melez marka hore beesha caalamka ka dhaadhicinayo in arrimaha Soomaaliya aan looga maarmayn doorka Ethiopia; marka xigana uu isla arrintaas ka dhaadhicinayo Soomaalida qudheeda.

Runtu ragga kama nixiso e, qorshahaas qorshe guulaystay iga dheh. Melez diric dantiisa yaqaan iga dheh; Soomaalidana quruun rabbi doorshoo doc loo raaco lahayn iga dheh.

Heer kasta ha joogeene, haddii hogaamiyayaashi siyaasadeed ka talo qaadanayaan Melez, qolyihii Culimada isku wadayna is dhiibeen, hogaamiya dhaqameedadii xagee isku ogyihiin? Ma la socdaan in geed-fariisigooda iyo gar-naqoodu ka maarmi doonin Melez iyo Adis? Oo hadba odaygi Melez dhinaca saaro gudoonkiisu jiri doono (waa haddii sidan xaalku ku socdee). Tanna macnaheedi noqon doono in talada gayiga Soomaalida guud ahaan uu cadawgu, siduu qorshaynaayey, wada taabay, iyadoo la ogol yahay.

Walle haddaan sidaan si dhaanta Soomaalidu doooran, waxay u muuqdaan ummad dabar-go’aysa. Madax-bannaanida faceedu nus-qarniga yahayna waxay noqon doontaa majaajilo waqti dhexe la soo maray!

 Aragtida Qoraalka waxaa leh Qoraaga ku saxiixan.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



No related posts.

Readers Comments (5)

  1. Dahir says:

    As c w w walaalka qoray maqaalka mahadi haka gaarto waxa uu qorayna aad ayay ii taabatay waana hubaal in addis shar ma ogi ee aanay somali khayr uga imaanaynin inta ay saliibiyiintu ka talinayan allaha fahamsiiyo madax ku sheegyada iyo ummadda somaliyed. Mar kale waa mahad sanyahay “xareed” hadalka aad qortay yaa xareed ka macaan.

  2. C.laahi sanka says:

    Asc arinta u ka hadlay walaalka caqliga badan fahmayna nabarka ka raysan wayay somali waa menez waxana run ah qof walba oo aminsan sharciga eey jajiyen galada ino ka marmin menez waxan ilaah ka baryaya ino ilaah bad badiyo umadan qarka u saran jahileyada insha alaah san si dhanta ban haleyna mar dhow

  3. yare says:

    ASC WAAN IDIN SALAAMAY SOMALIMIRROR LAKIN SOMALIDA WAA TALO MA QADATO ILEEN WAA JAAHILIIN GAALO RAAC AHE LAKIN ARINKU SIDUU MALIZ WADO MA NOQONDOONO INTEEY MUJAAHIDIINTA JOOGAAN INSH

  4. waddani says:

    WALLEE KARBAASH QOYAN AYAA MASKAXDA NAGA SAARAN.

  5. c/qaadi says:

    sxb xareed aad ayaad ugu mahadsantahy ,,alle hakuu siyaadiyo cimrigaaga iyo aqoontaada
    siina wad maqaalda wanagsan ee aad noo tabiso sxb




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

No related posts.

Latest Headlines