16 qof ayaa ku dhimatey 20 meeyo kalena dhaawacyo kale duwan ayaa ka soo gaarey dagaal xun oo saaka ka dhacey deegaan u dhaxeeya Camaara iyo Bacaad-weyn oo ka tirsan Gobolka Mudug.

Dagaalkan ayaa u dhaxeeya beelo walaalo ah oo deegaanada dagaaladu ka dhaceen wada dega, waxa uuna dagaalkan daba socdaa kuwo bilihii ugu danbeeyay halkaa ka socdey oo soo noq noqdey.
Dagaalka saaka ayaa yimid ka dib markii Maleeshiyaadka beelaha dirirtu u dhaxeyso oo gaadiidka dagaalka ku hubeysan uu dagaal si kedisa uga dhex qarxey.
Dagaalka ayaa ku bilowdey sida wararka lagu helayo hubka waaweyn, si rasmiyaana looma oga sababta rasmiga ee ku bilowday.
Dagaalka oo aroortii hore ee Saaka qarxey labada dhinacna isku noq-noqdeen ayaa la sheegayaa khasaaraha ka dhashey intaa uu ka badan yahey gaaranaya dhimashada iyo dhaawaca labada dhinac 60 meeyo qof.
Ma jirto cid labada dhinac ka madax banaan oo xilligan u istaagtey iney kala dhex gasho si loo hakiyo khasaare kale oo ka dhasha dagaal danbe oo xilli walba la filan karo labada dhinac iney ka dhex qarxaan.

Related posts:
Waxaan ka codsanaynaa culimada u dhalatay labadan qolo inay u istaagaan kala dhexgalka labadaan maleeshiyo, maxaa yeelay intaas inay isku dhintaan , waxaa naaga fiican inay ku dhintaan dagaal ay kula jiraan gumaysiga oo markaa ay dalkoda difaacdaan ayaguna iswalaalsadaan
ilaahayna waxaan ka baryeynaa inuu maslaxad dhex dhigo ,
aaaaaaaaaaaamiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiin
Waxaan leeyahay maxay isku haystaan labada beelood yaa ii sheegi kara sababta keentay in lays dilo bilaa sabab mise qubays ayaa dhul doon ah ama saleebaan ayaa uqubo raadis ah war daaya dagaal ka aan anjadaha lahayn waa kii sacad kareebay h/gidir ta kale
inaa lilaahi wa inaa ilaahi rajicuun ayaan dhihi karnaa dhibaatada kataagan meeshaas waxaanse dhihilahaa kuwa kudagaalamaya meeshaas wargadaal waalaga soo daaley ee isdaya oo alle idinka idin uuntey kabaqa hadii aad tihiin dad islaama ah dhiigiinu waa kala xaaraan ee alle kayaaba odayaasha qabqablayaasha ah oo caruurta kakorsada in ey dad siku layan waxaan dhihi lahaa waqti ayaa xisaabtiinu imaandoontaa insha alaah oo ninkii maslaxo yiraahda waa qaldanyahey dadka wanaaga jecel ee kasoo jeeda 2beelood waxaan dhihilahaa fadhiga kakaca oo kubaxa meesha kana qabta dadka cawaan ah oo meesha dad ku dhameynya alle ha idinla garabgalo insha alaah
asc Alle waxaan ka baryayaa In uu Quluubtooda Isku soo dumo Labadan beelood ee walaalaha ah Balse Gardaratu Way Iska cadahay
Asalaamu calaykum
Anigu waxaan oran lahaa Si shareecada loo oogo, qabaa’iilkan deriska la ihi ha dhexgaleen tii laga madaxwaayona ha la isu tago waayo waa wax laga xummaado maalin kasta in la maqlo qabaa’il abaaro, colaado iyo gumaysi kale wareeriyey ayaa haddana ayagu is dilaaya…Fadlan mid cawda haloo jaro hadday nabadda diido haddii kale sidii cambaartii ayuu dhankasta u fidayaa cadowyo fara badanina way ka faa’iidaysanayaan