Dagaal aad u Xoogan oo leysku adeegsanayo Hubka noocyadiisa kala duwan ayaa Saaka Aroortii ka dhacay qeybo kamida Degmada Shibis ee Magaalada Muqdisho wuxuuna u dhexeeyey Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin iyo kuwa DKMG oo dhawaanahanba isku horfadhiyey aagagaas.
Dagaalka oo bilowday Salaadii subax ee saaka ayaa waxa weerarka qaaday Ciidamada Al-Shabaab sida uu shabakada Warbaahinta Somalimirror u Xaqiijiyey mid kamida Saraakiisha shabaabul Mujaahidiin.
Sarkaalka la hadlay Somalimirror ayaa sheegay inay Ciidamadoodu Dagaalka guulo ka gaareen isla markaana kula wareegeen Fariisimo ay ku sugnaayeen Ciidamada DKMG gaar ahaan Xarnta Degmada Shibis ee Magaalada Muqdisho.
Wuxuu intaa kudaray Sarkaalkaasi inay haatan Xaaladu Degen tahay Ciidankooduna joogaan Goobihii ay saaka dagaalka ku qabsadeen wuxuuna carabaabay inay Xarunta Degmada ugu tageen meydadka qaar kamida Askartii Dowlada ee halkaa horey ugu sugnaa.
Dhanka kale Sarkaal isna u hadlay Dhanka DKMG ayaa sheegay in dhakooda la soo weeraray laakiin ay iska difaaceen weerarkaas ayna ku sugan yihiin Fariisimadoodii caadiga ahaa, wuxuuna intaa raaciyey inay dib isaga caabiyeen dhinacee kale ee soo weeraray qasaarana gaarsiiyeen.
Rasaas iyo Madaafiic goos goos ah ayaa wali laga maqlayaa Goobihii Saaka lagu dagaalamay kuwaas oo ay isku ridayaan mararka qaar dhinacyada Dirirtu u dhexeysay oo aan aad u kala fogeyn.
Lama garanayo qasaaraha rasmiga ah ee Dagaalka iyo Madaafiicda ka soo garay dadka Rayidka ah waxaase la sheegayaa inay jiraan dhaawacyada tiro dad rayid ah iyo dhimashada ugu yaraan halruux oo ay Haleeshay Rasaas Wiifto ah iyo Madaafiic habow ah.
Majiro war dhinacyada kamadax banaan oo laga helayo goobaha dagaalada maadaama ay Dadku ka Barakaceen inta badan Goobaha Dagaaladu ka dhaceen.

Related posts:
asc wr wb waxaan kula talin lahaa dhanka dowladda sheegtay iney isku dhiibaan walaalaha xaq u dirirka ah oo aysan la safan gumeysiga madaw waxa la dhammeynayaa waa un wiilashii soomaalida alloow adigaa quluubta xukumee kuwaan dowladda la jira noosoo hadee aamiin xal kheyr qabana noosoo dedeji aamiin
BISMILLAAH.
Waxaa guushu ku danbayn mujaahidiinta bi’idniLLAAH, Waxaase hoog ku danbeeyaa basaasiinta gaalada.
WALLAAHU ACLAM.
ya shababul mujahidiin tagnaada (NAXNU LADINA BAYACU MUXAMADA CALAL JIHAADI MAABAQEYNAA ABADAA) laaya kufartaas amisom iyo walalohoooda allah kacmihiina hakucadaabe nasiga wasodowyahay sabra ikhawaani camalkana ajir allah hanigasiiyo wallaaha kalena waxaan leyahay ducada wanagsaan yaalaga ilaabin mujahidiinta