Markab Xamuul oo lagalahaa Dalka Imaaraadka oo ay saaraayeen Shaqaale gaaraya 24 ayey Burcad Badeed Soomaali ah Afdubteen sida uu sheegay Mas’uul kamida Barnaamijka Badmareenada Bariga Africa.
Andrew Mwangura oo ah iskudabaridaha Barnaamijka Kaalmeynta Badmareenada Bariga Africa ayaa sheegay in Markabkaasi ay laheyd Shirkad Imaaraad ah isla markaana uu waday Culeys dhan 4500 oo tan uuna ka dulbabanayey Calanka Dalka Baanama, waxaana ku rarnaa Markabka Qalab Spar parts ah wuxuuna ka tagay Dekeda Cadan isagoona ku siijeeday Imaaraadka.
Waxa uu intaa ku daray Mwangura in shaqaalaha saaran markabkaas ay u dhasheen Dalalka Yemen, Banama, Pakistan, Ghana, Indian iyo Suudaan.
Waxa uu tilmaama in laga afduubtay Markabka meel 10 mile badeed u jirta Dekeda Cadan.
Mushkilada Burcad Badeeda ee ka dilaacdey Biyaha Soomaaliya ayaa loo arkaa iney sabab u yihiin Maraakiibta Shisheeye ee sida Sharci darada ah u gurta kheyraadka Biyaha Soomaaliya.

Related posts:
Mabruuk ciidamada qalabkasida ee badada subxaanallaah dadna weygadanayaan badii dadna Allaaku arsaaqay. Mida kale dalka imaaradka waa walaalaheen balse maxaa lo saray calanka Banama?WARQABTA WAXAAD ARAGTIIN SILOGA BAQO BADEENA SOMALIMIRROR RA’AYIGAYGA HAQARININA PLS.