Daalibaan oo duqeysay Saldhiga Bagram waxyar kadib markuu ka baxay Obama & Diyaarad NATO laga soo riday.

Published on March 30, 2010 by   ·   6 Comments   ·   print

Xarakada Daalibaan ayaa bayaan ka soo baxay oo lagu faafiyey Barteeda Internetka ku Shaacisay inay Duqeysay Saldhiga Milatari ee Bagarm oo Magaalada Kabul ku dhaw waxyar kadib markii uu ka ambabaxay Madaxweynaha Mareykanka Barak Obama, waxaana ka dhashay Weerarkaas Dhimasho farabadan, iyadoona dhanka kale Diyaarad helicopter ah isbaheysiga NATO looga soo riday koonfurta Dalkaas.

Bayaanka ka soo baxay Xarakada Daalibaan ayey ku tiri:“Sedex Gantaal ayaa lagu tuuray Saldhiga waxayna ku dhaceen Difaacyadii Ciidanka waxaana ka dhashay Dhimasho aad u badan”.

Dhanka kale Afhayeen u hadlay Isbaheysiga NATO oo Kabul ku sugan ayaa qirtay in Saldhigaasi uu Weerar Sawaariikh ah lakulmay saacado yar kadib markii uu kabaxay Madaxweynaha Mareykanka.

Waxa uu sheegay Afhayeenka u hadlay NATO inay Rasaas culusi barbarsocotay Weerarkaas isagoona intaa ku daray inaysan Qasaarooyin Nafeed ka soo gaarin wuxuuna Carabaabay in Obama Saldhiga ka baxay Wax yar ka hor weerarka.

Obama ayaa galabnimadii Axada ka noqday Kaabul kadib Booqasho dhuumaaleysiya oo uu ku tagay Afqanistan taas oo noqotay tii ugu horeysan tan iyo intii Xilka loo dhiibay.

Dhanka kale Diyaarad Nooca Helicopter-ka ah oo ay la haayeen Ciidamada NATO ayaa Shalay lagu soo riday koonfurta Afqanistan waxeyna Daalibaan Sheegatay inay Dagaalyanahanadeedu soo rideen Diyaaradaas kadib markii ay Gantaal laheleen isla markaana ay ku dhinteen burburkeeda dhamaan Dadkii saarnaa.

NATO ayaa dhankeeda qiratay inay ka burburtay Diyaaradaas laakiin waxay sheegtay inaan Cadeymo muujinaya in lasooriday aan laheyn waxayna intaa ku dareen inay kaga dhaawacmeen 14 Askari oo Diyaarada Saarnaa.

Dhanka kale Askari kamid Ciidamada NATO aya Shalay lagu Dilay Miino loo dhigay wadada dhinaceeda taas 137 ka dhigeysa tirada Askarta Ajaanibta ah looga dilay Afqanistan tan iyo bilowgii sanadkan.

Qaraxa lagu dilay Askarigaas ayaa ka dhacay Koonfurta Afqanistan sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay NATO laakiin tafaasiil dheeriya kameysan bixin arinkaa.

Miinooyinka Wadada dhinaceeda la dhigo ayey dhimashada ugu badani ka soo gaartaa Ciidamada NATO ee Dagaalka gumeysiga ah kawada Dalka Afqanistan mudo kabadan 8 Sano.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Askar NATO looga dilay Afqabistan & Diyaarad Mareykanka uga buburtay Ciraaq.
  2. Daalibaan oo soo riday Diyaarad Dagaal
  3. Daalibaan oo Duqeysay Saldhiga Ciidamada Jarmalka ee Qandahaar
  4. Daalibaan oo soo riday Diyaarad
  5. Obama oo 30 kun oo Askari u diraya Afqanistan & Daalibaan oo wacad kumartay baabi’ntooda.

Readers Comments (6)

  1. mohamed says:

    mujaahidiinta afghanistan ilaahay wuxu ku sharfay sabir iyo adaysi , waa rag raga .

  2. sundus says:

    ascwr tcwb waxaan aad iyo aad ogu mahad celinayaa mahad dhammaanteed allaha caalamka iskaleh

    intaa kadib waxaan aad iyo aad iyo aad ogu faraxsanahay dhibka soo gaaray cadowga alle iyo cadowga diintiisa waxaana sidoo kale aad ogu faraxsanahay waxa ay sameeyeen (weerarka) ciidanka alle

    waxaanna allaah karajaynayaa inuu guul iyo nasri usoo hoyiyo ciidanka muslimka ah uuna ku hoojiyo gacmahooda iyo cadaabkiisa cadowga soo duulay allaahna uu u fududeeyo dhibka haysta muslimiinta meelkasta oo ay joogaan muslimiinta uu dul fadhiyo cadowgu

    gaar ahaan dalalka kala ah filistiin, daalibaan, afgaanistaa, soomaaliya iyo ciraaq allaah waxaan karajaynayaa kana tuugayaa oo ka baryayaa inay muslimiintu ka guulaystaan cadowgooda oo maanta ayagaa duullaan lagu yahaye ay ayagu ku duulaan gaalada kana guulaystaan

    waxaan kaloo ka baryayaa allaah inuu quluubta gaalada ku rido argagax, cabsi, baqdin iyo niyad jab

    quluubta muslimiin tana uu ku rido cizzi,sabir,dulqaad iyo sharaf uuna sugo gomodohooda ilaahayow u gargaar daalibaan, filistiin, afgaanistaan, ciraaq, soomaaliya iyo dhammaan muslimiinta meelkasta oo ay joogaan cadowgoodana jabi aaamiin aaamiin aaamiin.

    wassalaamu calaykum waraxmatul laahi tacaalaa wabarakaatuh.

  3. Adoon Alle says:

    Asc. mahad o dhan Ilah ayey u sugnatay. ilah mahadi ha ka garto camiliyada muhimka ah ee kheyrka ah ee uu u fududeyay fulinteda walalaheyna musliminta ah ee la dulmay e daliban. Ilah qalbigoda ha ku rido argagax iyo cabsi inta xaga diidan. Asc.

  4. khaadimul-ISLAAM says:

    BISMILLAAH.
    ALLAAHU AKBAR ALLAAHU AKBAR ALLAAHU AKBAR ALLAAH BAA MAHAD kulligeed iska leh , ammaan oo dhanna ASAGAA LEH SUBXAANAH,
    guulaysta walaalayaal mujaahidiinta fiisabiiLILLAAH, walaalayaal guushu ha idinku danbayso oo cadawgiin ha jabo meelkasta oo aad joogtaan, ku wada gantaalaha iyo seefaha cadawga ALLAAH IYO RASUULKIISA IYO MUUMINIINTA
    WALLAAHU ACLAM.

  5. Abu Abdala says:

    waa dad ehlu ii maan ah cadawga alana ku raaxaysta dhibkiisa malayaan haweenka iyo cssruurta sida al shabaab .
    waxaan leeyahay al shabaaboow ku dayda dhaalibaan oo aada cadawga allah

  6. Arqam says:

    Al xamadulilaah Ilaah kheer ha siiyo mujaahidiinta ree afgaan gaalada Ilaah ha jabiyu dhulkana hala gooyo meel walbu eey joogaan .




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Askar NATO looga dilay Afqabistan & Diyaarad Mareykanka uga buburtay Ciraaq.
  2. Daalibaan oo soo riday Diyaarad Dagaal
  3. Daalibaan oo Duqeysay Saldhiga Ciidamada Jarmalka ee Qandahaar
  4. Daalibaan oo soo riday Diyaarad
  5. Obama oo 30 kun oo Askari u diraya Afqanistan & Daalibaan oo wacad kumartay baabi’ntooda.

Latest Headlines