Beryahan danbe waxaa soo xumaanayey Xiriirka ka dhaxeeya Dowladaha Kenya iyo tan FKM ee Soomaaliya, waxa uuna khilaafka ka dhaxeeya ku saleysan yahey ciidamo Soomaaliya oo Saraakiil Kenya tababaro siiyeen.
Labada dhinac ayaa isku khilaafey cida sida rasmiga u qabaneysa hogaanka ciidamadan oo ka soo jeeda Soomaaliya, sida ilo xog-ogaala oo labada dhinac ka kala tirsan ugu xog warameen aljazeera.net.
Dowlada KMG ayaa u xaglineysa ciidamadan in la hoos geeyo Wasaarada Difaaca iyo tan Arimaha Gudaha, halka Kenya-na rabto in la hoos geeyo Wasaarada Gaadiidka iyada oo ka duuleysa inaan ciidamadan dhanka Muqdisho loo soo daadgureyn.
Xilli khilaafkan adag taagan yahey, waxaa dalka Kenya Isbuucii hore safar ku tagey Ra’isul Wasaaraha DKMG Cumar C/rashiid oo kulamo dhowra la qaatey madaxda sar-sare ee Dowlada Kenya, si xal loogu helo muranka labada dhinac soo kala dhex galey ee ku aadan Ciidamadan iyo inuu u sharxo Ujeedka ay ka leeyihiin, balse isaga oo aan wax natiijo ah soo hoynin ayuu dib Muqdisho ugu soo noqdey.
Intii kulamadaas socdeen, Cumar C/rashiid waxa uu Madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki u gudbiyey warqad uu uga sidey dhigiisa DKMG, Sh Shariif oo ku aadaneyd ciidamada Muranku ka taagan yahey.
Shariif waxa uu qoraalkiisa uga codsadey Mwai Kibaki in Mas’uuliyada ciidamadan ka wareejiyo Wasiirka Gadiidka Maxamed Cabdi Gaandi kuna wareejiyo Wasiirka Difaaca C/lle Boos Axmed ama Wasiiru-dowlaha arimaha gudaha C/rashiid Xidig, balse Kenya codsiga Sh Shariif way diidey si Aljazeera.net ay ugu xog warameen Mas’uuliyiin Kenya ah oo Soomaaliya u dhashey.
Kenya ayaa ciidamadan ka leh Ujeedooyin dhowra oo ka mid tahey iney ku ilaashato amaanka Xuduudka Soomaaliya kala dhaxeeya.

Related posts:
waxaan aad ula dhacsanahay diidada ay kenya diiday in ciidamada xamar lageeyo
nimankaas madaxaynaha iyo ra isulwasaaraha iyo intii lasocotana waxay katalin hayaan sidii arintaas ay ufashilin lahaayeen gaandina ay uga takhalusi lahaayeen marka kenya aadbay arintaas ugu mahadsantahay
inaali laahi wa inaaa ilayhi raajicuun waar heedhee ninkii shariif la odhan jiray msidanaa u danbayay inuu intuu gaalo gacanta hoos dhigto aliba laga ddiidio walaahay haadaa khasaaratu dunyaa wal aakhirah ilaaaahw sharaftaa hanaga qaadin shariifoow adaa sharafta iska qaaday lasiiqaadyahaw madaxa xun leh kiiniya danteeda ayay taqaanaa oo shariiif iyo daba dhilif kale toona waxba ka dhaagaysanmayso
As. ilaeyn ruuxu hadduu bakhti cune noqdo waxba kama xishoodo.. bal eega nimankan dowlada isku sheegaya oo haddana gaal xun oo gafuur weyne ah, beeja qab ah ka baryaaya in wasaaradahoodii howshii u tiil uu isagu kala maamulo.
Walee shariif haddanu waalayan ama sixranayn maanta ceeb bay ku tahay gaal beeja qab ah inuu ka baryo wasaarad hebel iiga wareeji oo tan kale iigu wareeji..
hana ku tusaale qaato ruux kastaa oo kitaabka Allah dhabarkiisa ka tuura
Mar hore ayu madaxwenaha hore ee kenya arab moi uyiri kenya iyo itobia,somalia inay nabad noqoto oo dowlad yelato umaogolan,arintana tas ayay siixojineysa,
”2badii xaaraan ku heshiida xalaal kuma heshiiyaan”
”Allow 2 dibi isku soo jiid uu mid noo jebi”
Somalimirror, maxaa u soo qori weydeen bannaan baxii weynaa ee maanta ka dhacay Muqdisho oo Alshabaab looga soo hor jeeday?
BISMILLAAH.
khilaafkoodu waa qowda maqashii waxna ha u qaban , quluubtoodu waa kala tagsan tahay, markay ISLAAMKA la dagaalayaanna waxaad moodaa inay hal saf wada yihiin, waxaase aan la hilmaami karin in keenya iyo axmaarada iyo jabuuti iyo yugaanda iyo dhammaan inta ISLAAMKA
necebi inay maanta diyaar u yihiin inay ka saftaan ISLAAMKA iyo muslimiinta oo ay banaystaan wax kasta oo u suura galin karta inay gumaadaan dhammaan muslimka ku nool geeska
afrika .
muslimoow baraarug intaan lagu dagin wax iska fiiri oo dagaalku waa khudcee iska ilaali cadawgaa ha ku qaldamin shanqartiisa kore iyo midda hoose.
WALLAAHU ACLAM.
A S C W,mida hore ciidamadan dad baa aruursaday oo labo dano kala leh, 1 kuwii soo aruusaday oo doonaya in eey ku jabiyaan kooxdan xag jirka ah oo ku waashay jihaad been-been ah iyo gar nifaaq ah iyo cumaamad loo isticmaalayo si shuftanimo saba too ah cumaamadu madaxa ayaa loogu tala galay ee wajiga ma’ahan in lagu qarsado ,2 waa keenya oo soo tabaratay oo dooneeysa in eey ku difaacdo xuduu beenaadka iyo in eey isku mashquuliso wax ma garatada somalida ah,laakiin waxaa wax lataageero ah ciidamadan in loo adeegsado sidii looga saari lahaa al-habaabka duulaanka iyo boobka ku ah deegaano eeysan u dhalanin jubooyinka somalinimo mooyee,kii maanta wali aaminsan al-shabaab in eey wadaan jihaad waxaan umaleeynayaa in cumaamada iyo jihaadka lagu qarinayo qabyaalad oo saas daraadeed jihaad aan xaq eheen lagu qaado muslimiin.
Prof. Gaandi wuxuu rabaa in uu dhiso maamul goboleedka Jubbaland, Sh.Sharif iyo Ina C/Rashiid taas ma rabaa.Sheekada dhan intaas weeye. Sharif iyo Ina C/Rashiid waxaa gadaal ka soo taabtay waa Meles Zenawi.
Prof Gaandi waxaa la Socoda Faarax Macalin iyo Wasiirka Gaashaandhiga Kenya Yuusuf Xaaji.
Haa wakuraacsanahay in shariif saas loola dhadhmo sababtoo ah asagaba balan ayuu oga baxay gandhi & omaar oo ahaa wasiirki aramaha dibada, sidaasna waxaa ku amray itoobiya.
ilaah ayaa ku mahad san inuu iska hor keenay kuwii ku heshiiyay cadaawada islaamka iyo ehelkiisa ay u qabaan taasoo markii horaba ku bilaabatay qaab qabyaalad ka buuxdo,labadii xaqdaro ku heshiiso xaq ayaa iska hor keeno ,waayo makri ninkii falo naftiisa ayuu ku laabtaa sida ilaah quraanka noogu sheegay,dhamaan labada qolo ee hadda qaylinaya waxey wadeen danaha gumeysiga kenya iyo ethopia,wax soomlia dan u ahna meesha kama jirin markii horaba ,ilaahey mujaahidinta dhiigooda qaaliga ah u huray iney gaalo sidey rabto naga yeesho ha celiyay guusha goor walba ha siiyo,af lagaadana waxba ma tarto ee nin waliba waxaa sugaya xisaabtii rabbi ee ha leys jiro inta goori goor tahay waayo qabiil qabri kula gali maayo,naftaada u nax inta aad balaayo ku ridi lahayd,
Warka oo Kooban:
Ethiopia, Alshabab, Daahir Aweys, Dawlada Shariif, dhamaantood waxay ka soo horjeedaan qorshaha Prof Gaandi ee ah in la dhiso “Jubbaland State”.
Dhinaca Kale, Faarax Macalin, Wasiirka Gaashaandhiga ee Kenya Yuusuf Xaaji iyo ONLF, dhamaantood waxay rabaan in la dhiso Jubbaland State.
shabaabna danaha kuwa ladagaalaya wadamada muslimiinta oo idil ayeey wataan oo mawataan in aay badbaadiyaan shacabka somaliyeed. Shaiifka aniga shakhsiyana taageero ayaan uhaye laakiin hada waan kala noqday waayo waa nin Ethiopia ka amar qaata.
Dowlada kenya somali wanaag badan ayeey ugashay, culimada maanta kunool si nabad galyo ah kenya kismaayo oo shabaab haaysto matagi karaan sidii sheeikhii burco loo galay ayaa gacanta laga jabini.
Ethiopia waa cadowga umada somaliyeed. Waxeey taageertaa oo kaliya kuwa ayida ushaqeeyo. Ethiopia waxeey dagaal kuwadaa somaliya khaasatan hal qabiil beeysan rabin in aay ka muuqdaan siyaasada somaliya. Hadee hadii dadkaas labada juba iyo qeeyb kamid ah bakool degaan ma laga mamnuuci siyaasada somalia.
MAHADI WAXAY U SUGNAATAY ALLIHII ISKA HOR KEEENAY GAALADA IYO KUWA KALKAALA .
ALLENA HA U SIYAADIYO KHILLAAFKA .
GUUL IYO GARGAAR DEG DEG AHNA ALLE HA SIIYO MUJAAHIDIINTA {AMIN }
MAHADI WAXAY U SUGNAATAY ALLIHII ISKA HOR KEEENAY GAALADA IYO KUWA KALKAALA .
ALLENA HA U SIYAADIYO KHILLAAFKA .
GUUL IYO GARGAAR DEG DEG AHNA ALLE HA SIIYO MUJAAHIDIINTA {AMIN }
ACW
Noocay rabto ha ahaate mooryaan weligeed heshiin meeyso.
Dagaalku waxaa uu isu beddelay mid qabyaalad oo cad oo meelay ku dhamaanayso la ogayn.
Waxaan la yaabanahay sida ay mareexaan iwm u doonayaan inay adeegsadaan marin habaan iyo
Shariif,
Shabaab
Xabashida
CIA
Kenya
si ay u gaaraan dana qabiileed ee ku aadan jubbooyinka oo dadka Absamaha iwm leeyihin
Dhinaca kale waxaan la yaab kale ah sida ay Ogaadeen ama Absame rabaan inay u adeegsadaan
-Kenya
Si ay u hantaan gobolladooda jubbooyinka
Waxa intaasi oo dhan ka yaab badan sida shabaab u oggol yihiin danaha Mareexaan iyo shariifka marka ay timaado Absame.
Illayn siyaasad beeleed waa isu keentaa kuwa mabaadi’ kala duwan wata. Yaab.
Waxaan oo dhan ma dhaceen haddii Xasan Turki Shabaab u dhiibi lahaayeen jubbooyinka.
Khaladkii halkaasi ka dhacay waxa billaabay siyaasad xumida shabaab oo xasan turki gacan wayn ku lahaa maamulkii hore. Maanta waxa uu u dhirin dhiray inuu qaato wejiyaal badan.
Haddii Turki loo dhiibi lahaa talada gobolllada jubbooyinka;
Maanta ma dhaceen:
-Dagaalkii shabaab ku qaadeen mujahidiinta
- Ma soo baxeen Mooryaanka Gaandhi iyo mooryaantiisa kenya soo ururisay
- Doolow kuma urureen Barre Hiiraale iyo mooryaantiisa xabashida soo sameysay
Laakin Somalidu waxay tiraahda tala adigaa ku nool iyada kuguma noola.
Waxaa oo dhacaya Godane xaalkiisu waa lax dhukane abaar mood.
Ilaahow na sii fiqhi siyaasadeed ee ku aadan maareynta hagaagsan ee degaannada buuqa ka taagan yahay.
Cali-guure maalmahan ayaan ka nasanay qabyaaladaadii iyo quri isugu dhiibka beelaha walaalaha ah ee daarood oo aanad u dhalan adiga sidaad afkaagu ku qiratay marka mareexaan iyo absame haday isku dhacaan ugaasyo iyo salaadiin kala saarto ayey leeyihiinee adigu kuuma taale doc ka yeernimada jooji. Tankale absame ayaa jubooyinka iska leh ayaa la soo taagan tahay waxaadna inkiraysaa aayad quraan ah oo alle.sw. Uu ku leeyahay arlada allaah ayaa iska leh bal eeg jahligaagu meeshuu gaarsiisan yahay ee aanad war u haynin wamaca daalika rag kaa cilmi badan ayaad jahli ku sheegaysaa. Marka aan mathal usoo qaato sh. Adan godane wuxuu haystaa double master shareecada islaamka iyo dhaqaalaha adiguna waxaad halkan noogu sheegtay in aqoontaadu ku egtahay 15-may iyo macadka siidam bal marka hore u qir sh. Adan godane inuu kaa cilmi badan yahay adiguna aad ka jaahilsan tahay sheekha aad maalin walbo aad jahliga ku tilmaamayso markaa waa laga yaabaa inaan dood cilmiya kula furo hadaad qiri weydo jahligaaga iyo in sh. Adan godane kaa cilmi badan yahay waxaad ku sifoobaysaa xaasid been badane ah oo masayr dhuunta joogo oo aan istaahilin inlala doodo balse mudan inlala caytamo siduu u caayo mujaahidiinta uusan gaari karin kabahooda.
TO cali Guure
ASC walalayaal dhamaan waad salaamantihiin
waxaana idin kula talin lahaa in aad xaqqa u hiilisaan
cali Guure waxuu mujaahid sheegto, waxuu maanta soo fatahay qabyaaladda uurkiisa ku jirta
Jubbooyika Allah subxaanahu watacaalaa ayaa leh
dad muslim ah na waa ku nool yihiin
xagee diinta uga aragtay dhulka qabiil hebel
Ummadda muslimka ah ha isku dirin,
hadda waa wada nool yihiin waana wada daganyihiin
Islaamka ayaana lagu dhaqaaa
qabaa,ilka aad sheegayso ayaana ugu badan kuwa diinta ku dhaqaya ee xaqqa fahmay
ummad la isku laayo waa dhamaatay
waxaadna u ciil qabtaaa waa shabeelaha Hoose
waana ku naqaan in aad ka mid ahayd Mooryaantii Yuusuf indhacadde
riyada ka toos,
sxb
asc wr wb waxan ku raacsanahey walalkey raage ugaas in prof gaandi iyo faarax macalin iyo wasiirka difaaca kenya ey rabaan jubba land oo aysan dan ka laheyn dowlad soomaaliyeed waa yaabe yaa degge jubaland ama jubooyinka ma qabiilka ogaden baa dega waa la ogyahey beeshas in lagu talaley mashruuci denwadagaha ee wasiirkii qaxootiga dowladii siyad barreee la oran jirey TARAX kkk aawey qabiiladaii kale ee degi jirey jubooyinka waa wax kama jiran in hal beel ey wadato maamul dhul eysan degeneyn madaxweyne sh shariif iyo reysalwasare dr cabdirashiid waa inqorshahas la fashiliya teeda kale kenya ciidamada hadey yihiin ciidamo kenyati ah ha heysato , hadey yihiin ciidamo soomaaliyeedna war lagamo weydinayo ciidamoo dhana waxey hoostagayaan wasiirka difaaca soomaaliya mudane boss. faarax macalin waxan moodi jirey nin wadani ah waxa uu filimkisa ku qarxey oo fadexad ku dhacdey markuu hargeysa tegey oo VOA laga wareystey markii la yiri ma aqoonsan laheyd sland oo go,do taas uu sidii la rabey maya oran, aamuskuna waa haaaaaaaaaaaaa.
Raage
ACW.
Taxliillinta waaqaca ka dhacaya jubbooyinka ama lala maagan yahay mahan mid Cali Guure ka dhigaysa qabyaalad u doode. ilaah ha ku cafiyo.
Haddii aad i taqaanno maxay tahay xiriirka naga dhaxayn kara aniga iyo reer kismaayood? Sifir so maha? Cajiib.
Taxliilkaan qoray hadii uu wax ka khadlan yahay ama inta uu sax ku yahay ma sheegi kartida miyaa adiga oo aan diintayda durin?
Waxaad tiri
“waxaadna u ciil qabtaaa waa shabeelaha Hoose
waana ku naqaan in aad ka mid ahayd Mooryaantii Yuusuf indhacadde”
kkkkkkkkkk. Saaxiib wallaahi way kaa caddahay maanta. kkkkkk
indhacadde mooryaantiisa ayaad ahayd kulahaa. kkkkk. Miskiin.
Taxriifka iyo ka beensheegidda dhacdooyinka ogow in dadka marada kaga dhacdo.
mashaki baa idinkaga jiro in uu qalad ahaa dagaalkii kismaayo oo laguxalini karay wadahadal oo shareecada eey qabto diinta Alle baa lahareer maray labada dhinacba taas baa oogu wacan in nalagu imtixaano kuwa aan labadaba raacsaneeyn oo si aan ugarano in qaladaheeyd dagaalkii kismaayo oo xikmad iyo caqli iyo fiqi ubaahneeyd awood waxba laguma xaliyo Alle xaqa hana fahansiiyo Aamin Aamin Aamin
BISMILLAAH.
ku: Cali Guure | Mar 24, 2010 | Reply
waqtiga ka faa’idayso , maalaayacni ha isaga daadin, somalimirror waa fursad fiican oo ku soo martay haddaad wax ka leedahay iyo haddii kaleba , kolay inta akhrisata boggaan waxaan shaki lahayn inay dareesan yihiin sida laguu naas nuujinayo , shubahaatkaaguna waxay khilaafsan yihiin fidrada saliimka ah saas awgeed baadan kala fahmin naqdinta saxda ah iyo midda ah boor isku qarinta, waxaana fiican
in qofwalba garaadkiisa wax loogu sheego , marka waxaa kugu fiican inaad qabyaaladda aad la guuxayso imaam u noqoto oo dadkaaga ku tujiso , ama aad mujaahidiinta soo raacdo si ay kaaga dhaqaan qabyaaladdaas aad la dhiman rabtid , haddii boggaan af carabi lagi dhigi lahaana waxaan u malaynayaa inaad u malayn lahayd in ummadda muslimiinta ah ee ka soo qayb gali lahayd inaad qabyaalad kala hadli lahayd ! marka kolay isma haysatide meel u bado
haddii kale wax iskula har , si aad xoogaa u dhawrato oo xishooda .
haddii ay somalimirror fursad kuugu ogolaatay inay waxaan oo qabyaalad ah oo aad matagayso boggooda kuugu soo gudbiyaan way kuu ilduufeen
ama kas bay u yeeleen , ama shirkadda baad ku jirtaa , kolay dad fiican oo hadal fiican soo qoray waa la iska indha tiray waana la hayaa ee adigoo wax fool xun soo qoray in badan baa oodda lagaa qaadaa ! marka maad ka faa’idaysato
boggaan saas kuula wada shaxda, haddaad wax fahmayso intaad waxaadan aqoon u lahayn isku liqdaarayso , ama dad aadan la tartami karin sida shabaabal mujaahidiin aad aflagaadaynayso sow ma ogid inaadan waxba ka ahayn agtooda , ayagana ummadda inteeda badan baa jecel oo rabta jihaadkooda iyo juhdigooda iyo ammaankooda iyo amnigooda iyo macruufkooda iyo caddaaladdooda
marka kaagiina ka tagtay koodiina maadan gaarin
ku kalena sooma waddid , kaliya uun dacaayad uun miyaad hayn ? war isku xishood oo waqtiga ka faa’idayso oo caqli keen ama cilmi keen ama dadka kaa fiican raac , intaas haddaad diido afkaaga qabso oo iska aamus waad nabad galiye, kolay anigoo ah khaadimul-ISLAAM baa kaala fakan waayay magacaygee miyay shabaabku kaa fakanayaan ? jawaabtu waa maya marka la fiirsho
xaaladda aad ku jirto oo u baahan in laguu cudurdaaro maadaama aad nafsaani ku noqotay mujaahidiinta kaa wanaagsan , ee RABBIGAA waxaad waydiisataa inuu kaa caafiyo qabyaaladda
aad u huwinayso magaca diinta daahirka ah ee aan u baahnayn in la najaaseeyo .
WALLAAHU ACLAM.
khaadimul-ISLAAM | Mar 31, 2010 | Reply