Hay’adda WHO oo sheegtay in howlahii Caafimaadka ee ay ka waday Soomaaliya ay la socon la’yihiin dhaqaalo la’aan

Published on March 29, 2010 by   ·   2 Comments   ·   print

Hay’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO ayaa sheegtay in howlahii caafimaadka ee ay ka waday Dalka Soomaaliya ay la socon la’yihiin dhaqaalo la’an soo food saartay kana dhalatay waayida ay wayday dhaqaalihii ay wadamada deeqda bixiyaa ay bixin jireen kaasi oo dhamaa 46 Milyan oo Dollar ,waxayna Hay’addu xustay in lacagtaa ay ka heshay wax gaadhaya 8%

Bayaan ka soo baxay ayay WHO ku xustay in waayidda ay wayday lacagihii ay bixin jiteen wadamada deeqaha bixyaa ay dhibaato muuqata ku noqonayso dhaq dhaqaayadii la xidhiidhay dhanka caafimaadka ee ay ka waday Soomaaliya culeysyada haystaana ay sii laba jiraabmayaan ,waxyana Hay’addu intaa in gobolada qaar ay howlihii ay ka waday ay gaadheen heerkii ugu hooseeyay ,waxayna sidoo kale WHO tibaaxday in aysan awoodin xiligan in ay gaadhsiiso howlaheeda heerkii looga baahnaa una munaasibka ahaa u adeegida howlaha Caafimaadka.

Waxa ay WHO bayaankeeda ku xustay kana digtay in waayidda ay wayday kharashaadii loo baahnaa ay ka dhagan tahay in 12 kun oo qof ay waayeen daryeel caafimaad ee lagama maarnaanka u ahaa ee maalinlaha ahaa waxayna sidoo kale caqabad la soo darsaydaa ayay Hay’addu tidhi 7300 Ilmood oo waayi doona baadhintaanadii xagga Caafimaadkooda la xidhiidhay ,waxayna WHO tilmaanay in xaaladaasi lidi ku tahay Caafimaadka dhalaankaas ,waxa ay dhanka kale WHO intaa ku dartay in Hal Milyan iyo 700 oo kun oo ka mid ah caruurta Soomaaliyeedi aysan helin quudintii loogu tala galay halka 13 kun oo ka mid Haweenka Uurka lihi ay dhiceeyeen uurkoodi sababtuna ay tahay dawadii iyo xanaaneyntii caafimaad ee loogu tala galay oo ay waayeen.

Waxa ay WHO cadeysay in howlahii ay ka waday Soomaaliya ay qarka u saran yihiin in ay istaagaan hadii ay waydo garn ahaan qoraalada ka soo baxay warbixinta hordhaca ah ee la xidhiidha dadka uu haleelay cudurka Koleeraha “Shuban Biyoodka”kuwaas oo tiradoodu hadda lagu qiyaasay qiyaastaanisa ay tahay bilowga isbuuca koowaad ee bishan March.

Waxaa xusid mudan in Hay’adda WHO ay khafiifisay howlihii badnaa ee la xidiidhay dhanka Caaafimaadka ee ay ka waday Soomaaliya gaar ahaan quudinta dhalaanka ,tababaridda dhakhaatirta ku shaqada leh qaliinada iyo guud ahaan adeegyada kala duwan ee qeybaha caafimaadka

Khubarada dhanka caafimaadka ayaa sheegay in xaalada ay WHO ka dhawaajisay ay waji gabax ku tahay Caruurta Soomaaliyeed si gaar ah waxayna tilmaameen in 6 Ilmood ee Soomaaliyeedba mid kamid ahi ee da’doodu ka hoosaysaa 5sano uu kiro xaalad nolol xuma ah halka 7 Ilmood mid  ka mid ahi ee da’doodu ka hoosaysa 5 sano uusan gaadhin sanadka shanaad ee uu u dhinto xaalada adag ee uu ku jiro.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Maraykanka oo sheegay in uu ka walaacsan yahay Joojinta Howlihii ay WFP ka waday Soomaaliya
  2. Hay’adda Care oo ku dhawaaqday in ay joojisay Hawlihii ay ka waday Soomaaliya
  3. Jandayi Frazier oo sheegtay in ay taageersan yihiin Xukuumada Nuur Cade
  4. Hay`adda ICRC oo la weeraray
  5. Hey’adda Oxfam UK oo sheegtay in Soomaaliya ay tahay meesha ugu badan ee lagu waxyeelooyo Shaqaalaha Gar gaarka

Readers Comments (2)

  1. khaadimul-ISLAAM says:

    BISMILLAAH.

    ……!..!..! xaamiihaa xaraamiihaaa .. !..!…

    markii la rabo in la gumaado ummad muslima lacag lama waayo !!!!! markii la rabo in gabdho
    xijaabka laga qaado lacag lama waayo !!!! markii la rabo in dhilaysi iyo daroogo ummad lagu halaajiyo lacag lama waayo !! markii la rabo in mujaahidiin lala dagaalo lacag lama waayo !! markii la rabo in shaaroon dad qal ogsijiin la siiyo lacag lama waayo ! ! ! markii la rabo in ciraaq la weeraro lacag lama waayo !! markii la rabo in afqanastaan lagu duulo lacag lama waayo ! ! markii la rabo in kaniisado la dhiso lacag lama waayo !! markii la rabo in mooryaanta soomaaliya lacag la siiyo lacag lama waayo ! markii la rabo in shariifow lacag la siiyo lacag lama waayo ! markii la rabo in la boobo soomaaliya lacag lama waayo ! laakiin markii ay is xadaan oo ay rabaan inay lacag beena helaan oo magaca soomaaliya lagu tuuksado baa lacag la tabaaa !
    yaa badaa “46000000″ intaas oo lacaga xaggee mari jirtay waa la yaabe ! warku waa caddaaday
    caafimaad ALLAAH baa noo hayeee gaalooy na dhaafa , muslimow baraarug yaan la idin khiyaanin , ALLAAH baa nagu filane.

    WALLAAHU ACLAM.

  2. DAACAD says:

    WHO waa tuugo maxay magac soomaaliyeed wax ku cuneen ka dibna ay sun iyo wabaayo ay siiyaan umada soomaaliyeed ee masaakiinta.
    walalayaaloow ma aragteen umad laga talaalayo polio oo aan la weydiineyn ma qaatay mise maqaadan canugaan yar, dadka u shaqeeya malaha aqoon caafimaad waa dad badankooda geel ka yimid ka dibna la tusay sida qofka loo mudo.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Maraykanka oo sheegay in uu ka walaacsan yahay Joojinta Howlihii ay WFP ka waday Soomaaliya
  2. Hay’adda Care oo ku dhawaaqday in ay joojisay Hawlihii ay ka waday Soomaaliya
  3. Jandayi Frazier oo sheegtay in ay taageersan yihiin Xukuumada Nuur Cade
  4. Hay`adda ICRC oo la weeraray
  5. Hey’adda Oxfam UK oo sheegtay in Soomaaliya ay tahay meesha ugu badan ee lagu waxyeelooyo Shaqaalaha Gar gaarka

Latest Headlines