Sida warbaahintu tabisey Shaley, koox ka mida Burcad Badeeda Soomaaliya waxey ka afduubeen Biyaha Badweynta Hindiya ee Soomaaliya doon ganacsi oo laga leeyahey Dalka Spain.
Warar rasmiya lagama hayo tirada Shaqaalaha la socdey Doonta la afduubay iyo sidoo kale halkey ku danbeysan Doonta lala afduubay, waxa uuna falkan imaanayaa ka dib markii Arbacii tagtey ciidamo gaara Biyaha Soomaaliya ku dileen labo ka mida Burcad Badeeda oo weerar ku qaadeen Doon Kaluumeysi oo ay la socdeen.
Andrew Mwangura oo ka mida waaxda badaha ee Bariga Afrika oo ka Hadley Afuubka Doonta Spain, waxa uu sheegay in laga afduubey qeyb ka mida Biyaha badweynta Hindiya, balse macluumaad intaa ka badan kama aanu bixin.
Waxa uuse cadeeyay dilka lamo ka mida Burcad Badeeda oo dhacey Arbacadii tagtey oo ay geysteen ciidamo Spain ka tirsan, waxa uuna ka gaabsadey inuu faahfaahin dheeraada ka bixiyo.
Mushkilada Burcad Badeeda ee ka dilaacdey Biyaha Soomaaliya ayaa loo arkaa iney sabab u yihiin Maraakiibta Shisheeye ee sida Sharci darada ah u gurta kheyraadka Biyaha Soomaaliya.

Related posts: