Mudaharaadyo loga soo horjeedo joojinta Xijaabka oo Brussels ka dhacey.

Published on March 28, 2010 by   ·   3 Comments   ·   print

Boqolaal Muslimiina ayaa isugu soo baxey Magaalada Brussels ee caasimada Dalka Belgium oo ka ka gadoodsan xanibaad iyo diidmo lagu sameeyay Xijaabka Gabdhuhu iney ku tagaan goobaha Waxbarashada.

Dadka isu soo baxey ayaa ku dhawaaqayey Halku-dhigyo ay ku cadeynayaan Waxbarashada iyo Xirashada Xijaakuba iney ka mid yihiin Xuquuqdooda, waxeyna socdaalka ka bilaabeen Bartamaha Magaalada iyaga oo sii hor marey xarumaha Waxbarashada ka mas’uulka ah.

Wakaalada Wararka Belga oo soo xiganeysa mid ka mida Hay’adaha asaasiga ah ee u dooda Xuquuqda ayaa ku tilmaamtey xanibaada Dowlada ee ka dhanka ah Xijaabka inuu yahey mid Cunsuriyadi ku lamaantahey.

Waxaa Dalka Belgium ku soo kordhayey xilliyadan danbe qaraarada Dowlada ee ka dhanka ah ku qaadashada Xijaabka goobaha Waxbarashada iyo kuwa kale ee guud, waxaana arintan sabab looga dhigaa Dowlada Belgium oo ah mid Cilmaamiga fog lagu tilmaamo ee sida weyn uga soo horjeeda Diinta Islaamka.

Horey waxaa u jirey qaraaro Dowlada ka soo baxey oo xijaabka ka dhana balse qaarkood Golayaasha Dowladu hakiyeen si loo daraaseeyo iney la saanqaadi karaan Dastuurka u yaalada iyo in kale.

Waxaa sidoo kale dhacey in qaar ka mida Macalimiinta wax ka dhiga Madaarista Islaamiga iyo Ardeyda dhigataba Xijaabka daraadii looga jiijiyey Howlahoodii Waxbarasho.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Bannaanbax looga soo horjeedo diidmada lacagaha cooshta ah oo maanta ka dhacey D/Dharkeynlay ee M/Muqdisho
  2. Dibad bax looga soo horjeedo Ciidamada Amisom oo ka dhacey G.Sh/Hoose
  3. Sh Dawahiri oo weerarey Siyaasada Farance ee Xijaabka
  4. Amaro ku aadan Salaada & Xijaabka oo Maamulka G/Banaadir ee Al-shabab soo rogay.
  5. Dagaal Gal-gaduud ka dhacey.

Readers Comments (3)

  1. Khadar says:

    Asc marka hore tan xigta waxan ushegi lahaa walaalaha islamka ah ee ku dhaqan wadmada reer galbedka in ey ku adkada diintoda iyo dhaqankoda oo aan la idin maran hababinin. Hana oga lexanina cabsi bili aadam diintina islamka ah. Kuna dhinta inta aad ka aqbali lahaydeen galo wax aad diinta ogafoganeysa iyo cabsida Allaah. Intaas ayaa iga dardaran ah Asalamu calaykum waraxmatulahi wabarakatuhu.

  2. khaadimul-ISLAAM says:

    BISMILLAAH.

    muslimow ka soo guur dhulka gaalada , haddii kale u sabra waxa gaaladu idinku hayso , gaalku
    waxuu kaaga baahan yahay waa inaad dhulkiisa uga guurto adna xijaabkii daahirka ahaa baad sanka ka galinaysaa adoon awood u lahayn aad isaga celiso, kolay waxaa haray waa ayadoo runta la gaaro oo jihaadku hortiina yimaado , ee muslimow baraarug oo hurdada ka kac.

    WALLAAHU ACLAM.

  3. burci says:

    waxaan la hadlayaa walaalaha islaamka ah ee ka sheeganaya in lagu yiri xijaabka ha u soo qaadanina goobaha waxbarashada meesha aad joogtaan horta garta waa dhul gaallo aay ka taliso kagana dagaalamayso diintaada raalina kaa noqon mayso ilaa aad diintaada ka tagto mooyaane haddaba walaal waxaa iiga tallo ah war isaga soo taga intaad fursad haysataan.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Bannaanbax looga soo horjeedo diidmada lacagaha cooshta ah oo maanta ka dhacey D/Dharkeynlay ee M/Muqdisho
  2. Dibad bax looga soo horjeedo Ciidamada Amisom oo ka dhacey G.Sh/Hoose
  3. Sh Dawahiri oo weerarey Siyaasada Farance ee Xijaabka
  4. Amaro ku aadan Salaada & Xijaabka oo Maamulka G/Banaadir ee Al-shabab soo rogay.
  5. Dagaal Gal-gaduud ka dhacey.

Latest Headlines