Magaalada Sirta ee Dalka Liibiya waxaa Maanta ka furmaya kulankii 22-naad ee Madaxda Dalalka Carabta waxaana kulanka loogu Magacdaray Taageerida Difaaca Magaalada Qudus ee ay yuhuudu gumeysato, waxaana ku sii qulqulaya goobta uu shirku ka dhacayo Madaxda Carabta si ay u falanqeeyaan Ajandayaasha kulankan oo uu ugu weynyahay sida looga hortagayo Siyaasadaha yuhuudu Deegaanada kaga sameysaneyso Qudus iyo sidii loo taageeri lahaa difaacida Muqadasaadka.
Caamir Muusa oo ah Xoghayaha guud ee Jaamacada Carabta ayaa ka sheegay gabagabadii kulankii Gudiga dabagalka hindisaha Nabadgalyada Carabta in wadahadal aan toos aheyn oo lalagala Yuhuuda ku xiranyahay in lajoojiyo dhamaan deegaanada Xooga looga dhisayo Dhulalka Falastiin iyo in leyska halmaamo qaraarka deegaanada Cusub Yuhuudu kaga dhisaneyso Magaalada Qudus ee ay gumeysato.
Waxa uu sheegay inaan wax dheelitira laga sameyn doonin hindisahaas nabada, wuxuuna intaa ku daray in kulanka Madaxda laga soo saari doono Bayaan ku aadan Nabada iyo wadciga falastiin haatan ku jirto.
Dhanka kale Ra’iisul wasaaraha Qadar ahna wasiirka Arimaha Dibad Sheekh Xamd bin Jaasim Aala Saani ayaa beesha Caalamka ku eedeeyey inaysan cuquubaad Dowliya duldhigin Yuhuuda, wuxuuna carabka ku adkeeyey in Israa’il u dhaqmeyso sidii iyadoo dhanwalba ka heysata kalsooni oo aysan jirin cid wax u raacaneysa.
Waxanan wali imaanin Shirka oo maanta Furmaya ilaa barina soconaya 7 hogaamiya oo ay kamidyihiin Madaxweynaha Masar Max’ed Xusni Mubaarak oo dhawaan qaliin lagu sameeyey lana sheegay inuu nasasho ku jiro, Madaxweynah Imaaraadka Carabta Sheekh Khaliifa bin Zaayid aala Nahyaan, Boqorka Baxreyn Xamd bin Ciisa Aala Khaliifa iyo Suldaanka Cumaan Qaabuus bin Sacad.
Sidoo kale waxaa la xaqiijiyey inaysan kulanka ka qeyb lageyn Madaxweynaha Lubnaan Mishal Suleymaan oo ay Xurgufi kala dhaxeyso Liibiya, sidoo kale Boqorka Marooko Max’ed A’saadis iyo Madaxweynaha Ciraaq Jalaal Dalabaani ayaanan ka qeybgaleyn shirka.
Sidoo kale waxaan wali kala cadaan kaqeybgalka Sacuudiga ee shirkaas.
Waxaa goor hore gaaray Madasha Shirku ka dhacayo Madax ay kamid yihiin Madaxweynaha Jazaa’ir C/casiis Butafliiqa, kan Muritaaniya Max’ed Walad C/casiis, midka Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir, Max’ud Cabaas Abu Maazin oo falastiin ka socda, Sheekh Shariif Sheekh Amxed Madaxweynaha DKMG, Amiirka Kuweyt Sheekh Sabaax iyo Boqorka Ururdan C/lla A’saani.
Sidoo kale Madaxweynaha Suuriya Bishaar Al’asad, ka Tuunis Zeynul Caabidiin bin cali iyo Hogaamiyaha Yaman Cali Cabdala Saalax ayaa ka qeybgalaya kulanka.
Waxaa lafilayaa in Amiirka Qadar uu Xilka Madaxtinada kulanka ku wareejiyo Hogaamiyha Dalka Liibiya Mucamar Al-qadaafi.

Related posts:
aloow alle….ilaahow qulubta muslimiinta isku soo dun…..
salan kadib,inta meesha is kugu tagtay waa Dabadhilifyada Gaalada, dhamaantoodna waa Haween la qabo,, qodobo gaalo u soo dhiibtay ayay ka sheegayaan meesha,, si Bulshada Muslimka loo jahawareeriyana waxay leeyihin waan Canbaaraynaynaa Israa’iil,Ilaahey dhulka ha idinla gadiyo markaad kulantaan
aaaaaaaammmmmmmmmmmmiiiiiiiiiiiiiiiinnnnnnnnnnn