Dagaal leysku adeegsanayo hubka nocyadiisa kala duwan oo u dhexeeya Ciidamada Milatariga iyo kuwa Booliska oo ka wada tirsan DKMG ayaa goordhow ka qaraxay Xaafada Afisyoone iyo hareeraha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii ay Xaafadaasi xalay ilaa saaka soo buuxiyeen qeybo kamida Ciidamadii hore ee Cirka oo la sheegay inay ka soo baxeen Furimihii Dagaalada ee Magaalada Muqdisho iskuna hareereeyeen Xaafada Afisyoone oo dhawaan dumin lagu bilaabay kana horjoogsadeen Booliskii duminta waday.
Mid kamida Ciidamada Cirka oo lahadlay Idaacada Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay ka soo tageen Difaacyadoodii wuxuuna intaa ku daray inay difaacan doonaan Xaafada Afisyoone oo uu sheegay in laga burburiyey Qoysaskoodii oo Barakacayaal ahaa.
Waxa uu sheegay sarkaalkaas in la doonayo in Xaafadaas laga dhigo meel ay ku soo dagaan Diyaaradaha Qaadka laguna Iibsho sidaasna Dadka looga rarayo.
“waxaa saaka isku soo baxay Ciidamadii Xooga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaa Ciidankii Cirka ee Furinta ku jiray, waxaana isku soo bixiyey halkaanbaa waxa yimid niman boolisa oo barnaamijkoodu ahaa in qaadka ay keenaan Xaafada Afisyoone ayaa waxay damceen Ciidamadii Furimaha jiray ee Cirka Ilmahoodii kasaaraan, Ciidamadii wey yimaadeen saaka sidaaseyna difaacooda ku xirteen ilaa hadana wey ku soo qulqulayaan Xaafada Booliskiina dibaa loo celshay”. Ayuu yiri Sarkaalka Milatariga ah ee la hadlay Shabelle.
Lama oga Qasaaraha Rasmiga ah ee ka dhashay Dagaalka waxaana wali lamaqlayaa rasaasta iyo hubka labada dhinac isweydaarsanayaan.
Saaka aroortii hore ayaa waxaa halkaa Banaanbax ka sameeyey Qoysaskii laga Buburiyey guryahooda oo habeenkii labaad ku hoyday meel cidlo ah kuwaas oo muujinayey Dhibaatada heysata.
Majiro war ka soo baxay DKMG oo ku aadan Dagaalka saaka halkaa ka bilowday.
Dhawaan ayey aheyd markii uu Maamulka DKMG u qaabilsan Gobolka Banaadir oo kaa shanaya Ciidamada Booliska ku dhaqaaqay Fulinta go’aan horay uga soo baxay oo lagu burburinayo Xaafada Afisyoone iyo dhamaan Xaafadaha ku hareereysan Garoonka Diyaarada Magaalada Muqdisho.

Related posts:
allaahu akbar labadii dulum ku heshiisay iyaga ayuu ku soo laabanayaa illaah baa u hiiliyey masaakiintii laba mar labara kiciyey illaahoow cadawga alle isku jabi
Asc nadaamka bulshada dhulka looga raro, waa nadaam dawladaha oo dhan isticmaalaan, laakiin waxay u baahan tahay dawlad xilkas ah oo waxwalba caddaalad ku dhista, arrimaha muhiimka ahna waxaa ka mid ah:
1- in marka hore loo diyaariyo meeshii la dajin lahaa oo ku habboon bulshadaas dhulka laga rarayo dhinac walba xag dagaan, nolol, caafimaad, waxbarasho, shaqo iyo gaadiid intaba.
2- In wadahadal lala sameeyo bulshada oo laga dhaadhiciyo sababaha loo rarayo iyo meelaha loogu tala galay, iyagana laga dhageysto wixii aaraa ah oo ay qabaan.
3- In waqti munaasab ah la siiyo oo ay kaga tabaabusheysan karaan geeddigaan cusub, ixtiraam gaarana la siiyo wadciga markaas lagu jiro, sida xilli kulul ama qabow, abaar ama waqti dhibaatooyin kale jiraan iwm.
Waxaa mararka qaarkood arkeysaa suuq la burburinayo oo dadkii ku noolaa suuqaas ee nolol maalmeedku ka soo galayey bannaanka la dhigayo, iyadoon meel noloshoodu uga soo baxdo loo sameyn, waa nolol duugmo iyo faldanbiyeed weyn, waxaana ka dhalan kara dagaallo dhiig badan ku daato.
Marka in la yiraahdo qaadbaa lagu gadayaaye bulshada dhibaateysan halla salka-kiciyo waa masuuliyad xumo weyn iyo daneysi.
Waxaa habboon maanta bulshadu waa dhibaateysan tahay ee yaan la dhibin oo dano gaara lagu burburin.
illaahayoow mooryaantaan masaakiintada kaqabo iscuneeyso oo umadii roktay yarabi adigaa awood uleh kuwaan cirib tirkooda
waa wax loogu tala galay in ay is dhammeeyaan caqlina ma jiro bal maxay ku dagaallamayaan gaala raacyadu dan baa ugu jirta walaalaha xaq u dirirka ah allaha soo hadeeyo sheydaan baa ku shaqeysanayee aamiin muqaawamadana allaha xoojiyo amisom iyo kuwa ka amar qaatana jab iyo hoog allaha ku rido aamiin
waxaad moodaa inay waxwalbaa kusoconayaan doonista ALLE WAYNE, waxaadna moodaa go,aanka lagu burburinayo hooyga masaakiinta ama barakacayaasha inuusan markii horaba kasoobixin doowlada kumeelgaarkaa, laakiin go,aankaa waxaa iska lahaa ciidama shisheeye ee dalka kusooduulay, laakiin waxaa dhaawaca dadwaynaha lagushabaynayaa doowlada kumeel gaarkaa, oo aan magac lahayn, shaqadeeduna ahayd inay noqoto tiinbare shisheeye.