Askar Yuhuuda looga Laayey Koonfurta Qaza.

Published on March 27, 2010 by   ·   17 Comments   ·   print

2 kamida Askarta Yuhuuda ayaa la dilay 3 kalana waa la dhaawacay kadib Dagaal dhexmaray iyaga iyo Muqaawamada Falastiin oo ka dhacay meel ku dhaw Magaalada Khaanyuunis ee Koonfurta Marinka Qaza. Waxaana weerarkaas Sheegtay Kataa’id Al-Qasaam oo ah Garabka Milatari ee Xarakada Muqaawamada Islaamiga Xamaas ( Sawiro ).

Kaa’ib Al-qasaam waxay sheegtay inay Wadada u galeen Cutubyo kamida Ciidamada Yuhuuda oo mareyey agagaarka Darbiga lagu wareejiyey Mandiqadaas, waxaana ka dambeeyey Dagaalka Duqeymo ay Ciidamada Gumeysiga Yuhuudu u geysteen Goobtaas, waxayna Dadka reer Qaza ka baqayaan dhibaatooyin kaga yimaada dhanka Yuhuuda.

Afhayeenka Kataa’ib Al-qasaam Abu Cubeydah oo qabtay Shir’jaraa’id oo uu ku faahfaahinayey Dagaalkaas ayaa sheegay inay iyagu ka dambeeyeen Dilka tiro kamida Askarta Yuhuuda iyo dhaawaca tiro kale wuxuuna tilmaamay inuu ahaa Dagaal adag uu Shalay Casarkii ka dhacay Bariga Khaan Yuunis.

Waxa uu sheegay abu Cubeydah in koox ka tiran Kataa’ib Al-qasaam ay kawarheleen 300 ilaa 500 oo kamida Ciidamada Yuhuuda oo lugeynayey isla markaana doonayey inay hareereeyaan Koox Muqaawamo ah.

Waxa uu intaa ku daray in Guutooyinkooda wax shiisha oo taageero ka helaya Guutada Gurmadka ay weerar ku qaadeen Ciidankii Lugta ahaa ee Yuhuuda isla markaana sidii roobkii ula dhaceen Rasaas Xoogan taas oo keentay inay si dagdaga ku insixaabaan Ciidankii yuhuuda kuna fashilmaan hadafkoodii ay u soo baxeen, waxaana markiiba soo gaaray Diyaarado helicopters ah oo Daabulay Dhaawacii iyo dhimashadii Askarta Yuhuuda sida uu hadalka u dhigay Abu Cubeydah.

waxaa sidoo kale weerarka sheegatay Xarakada Jihaadul Islaami iyo Fatax, wuxuuna Abuu Cubeyda oo ah afhayeenka garabka Milatari ee Xamaas Sheegay inuusan meesha ka saareyn inay jiraan Muqaawamo kale oo Dagaalka ka qeyb qaadatay.

Ciidamda Gumeysiga Yuhuuda ayaa Xaqiijiyey in 2 kamida Askartooda lagu dilay Kamiin Falastiiniyiintu u galeen, waxaana la sheegayaa in mid kamida Askarta Dhimatay uu yahay Sargaal sare oo kamid ahaa Hogaamiyayaasha Ciidanka.

Afhayeenad u hadashay Yuhuuda ayaa mas’uuliyada dusha uga tuurtay Xamaas, waxayna sheegtay inay Ciidamadoodu ku howlanaayeen Xiliga laweerarayey Miino baaris.

Goor horana Saxaafada Yuhuuda ayaa Afhayeen u hadlay Ciidamdooda ka soo xigtay inay Fashiliyeen Howlgal balaaran oo ay Muqaawamada Falastiiniyiintu ku doonayeen inay ku Qafaashaan tiro kamida Ciidamada Gumeysiga Yuhuuda wuxuuna sheegay in Dagaal Xoogani dhexmaray iyaga iyo Muqaawama doonayey inay dilka iyo Afduubka u geystaan Ciidanka Yuhuuda meel koonfur bari ka xigta Marinka Qaza.

Sidoo kale waxaa jira Qasaarooyin dhimasho iyo dhaawacba leh oo Shacab Falstiiniyiina oo ay Caruuri ku jiraan ka soo gaartay Duqeymaha Yuhuudu Fuliyeen Weerarka kadib.

Mid kamida Dhaawacyadii Askarta Yuhuuda oo ay Saaxiibadiis isbitaalka bi'ru sabca dhex wadaan

 

 

 

 

 

 

 

 Qaar kamida Askarta Yuhuuda oo Gabal dhicii shalay markuu Dagaalku dhamaaday tubnaa Afaafka Qaza

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Taangiyada Yuhuuda ee Qaza ku hareereysan

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Diyaaradaha Yuhuuda oo Duqeymo kawada Qaza

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Afhayeenka Ciidamada Xamaas Abu Cubeydah

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Dhaawac Falastiiniyiinta yuhuudu Duqeysay



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Askar NATO looga dilay Afqabistan & Diyaarad Mareykanka uga buburtay Ciraaq.
  2. Askar NATO looga Dilay Afqanistan & Weerar lala Damacsanyahay Daalibaan.
  3. Askar Mareykanka looga Dilay Afqanistan.
  4. Iska hor’imaadyo Falastiiniyiinta & Yuhuuda ku dhexmaray Qudus iyo Deegaano kale.
  5. Askar NATO looga Dilay Afqanistan.

Readers Comments (17)

  1. kaaraan says:

    Yuhuudu waa dambiilee
    Daldaloo xasuuqoo
    Dabarkooda jara dooxaaradoo idil
    Dabkama saara gaalada
    Dambiiliyo ninkii wada

  2. Dawiila says:

    Walalah muslimiinta ahoow haloo gurmado falastiin iyo jihaadaka ka dhanka ah yuhuud iyo nasaaro alle dartii wax u la baxa naf iyo maalba

  3. idil says:

    maashaa allaah allaha jab u ziyaadiyo rucbina allaha ku rido ballantii allaah wey noosoo dhawdahay walaalaheen falastiin iyo kuwa la midka ahba allaha nasri deg deg ah siiyo aamiin

  4. luula says:

    Allahu akbar Allahu akbar Allahu akbar walillahil cizatu wali rasuulihii. illow u gargaar musliminta mel kasta ay jogan gaalana jabi yaa Allaaaaaaaaaaaaah

  5. samo doon says:

    waa alle mahadiis hadii dhiigi (almaxbuub) ee yuhuudu dhulka ku daadiyeen loogu aarguday sargaalkii watay cidamada yuhuuda.
    allahu akbar

  6. zakir says:

    ALLAHU AKBAR alle waxan uga baryaa umada islamka ah inuu ku makansiiyo diintooda islamka , iyo inuu naku dilo , allow taager una gargaar mujahidiinta falasdhin iyo dhamaan muslimiinta

  7. sacad says:

    allahu akbar akbar maasha laah islamka guul

  8. sharif says:

    manshallah allow gulley mujahideen reer falastiin allow yahuud jabi , waa wax lagu farxo askari yahuud oo dhintay inshallah yahuud jaziratul carab waa laga rari inta harto inta kaleyna waa la layni walalaha calamka dhaman waxan ka codasanayaa ina yahuud la layo meshii lagu arkaba nacalatullah yahud,

  9. gawaafe says:

    allaahu akbar allaahu akbar waa guuuuul u soo hoytay dhamaan umada muslimiinta ah.

  10. Abu-hamzaa says:

    Allaahu akbar, Allaahu akbar, Allaahu akbar

  11. mohamed caadil dhagane says:

    allxamdulillah waaguul allah kumahadiya ikhwah

  12. Abu Abdala says:

    alahu akbar alahau akbar saasaa loo baahan yahay in cadawga la hor istaago ayaa loo baahan yahay looma baahna in carruuraha la isku qarxiya looma baahna waxaan leeyahay alshabaabown cadawga alle raadsada ee dadka ha gaalaysiinina dhiiga muslimiintuna waa xaaraan wuuna ahaan jiray wuuna yahay hada xabadina ku aadiya amxaarada iyo cadawga ilaahay

  13. axmed says:

    Allahu akbar allahu akbar
    waxaa wax lagu farxo ah bakhtiga askarta yuhuuda ilaahay swt waxaan ka baryayna ainuu guuleeyo mujaahidiinta muslimiinta meel walba ay joogaan a duunka iyo inuu allah umada cizigeedii u so celiyo

  14. c/caziiz yuusuf says:

    dowladaha islaamka eh waxaan ka codsanayaa iney ka qiiroodaan waxa lagu sameynayo walaalahood falasdhiin eey usoo gurmadaan sida ugu dhaqsiyaha badan

  15. zaahid says:

    allaaaaaaaaaahu akabar allaahu akar malle mahadiis wax kaloon dhaho ma aqaane walaalaha alshabaab waxaan ugu baaqayaa inay ka qayb qaataan

  16. saabir says:

    allahu akbar al xamdullilah waa guul waxaa wax lagu farxo ah bakhtiga askarta yahuuda ilaah waxaan ka baryaa mujaahidiinta inuu ilaah marwalbo guuleeyo dowladaha islaamka ah waxaan ka cod sanayaa inay taageeraan mujaahidiinta meel walbo ay joogaan
    saabir c/raxmaan 4.4.2010

  17. Yuhuud waa danbilayaal xasuqday dadkena musliminta ah alihay nacladisa ha ku dhacdo




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Askar NATO looga dilay Afqabistan & Diyaarad Mareykanka uga buburtay Ciraaq.
  2. Askar NATO looga Dilay Afqanistan & Weerar lala Damacsanyahay Daalibaan.
  3. Askar Mareykanka looga Dilay Afqanistan.
  4. Iska hor’imaadyo Falastiiniyiinta & Yuhuuda ku dhexmaray Qudus iyo Deegaano kale.
  5. Askar NATO looga Dilay Afqanistan.

Latest Headlines