Sh Shariif & wafdi la socday oo Muqdisho ka dhoofay.

Published on March 26, 2010 by   ·   7 Comments   ·   print

Madaxweynaha DKMG Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Saaka ka duulay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho waxayna wafdigaasi ka qeybgalayaan Shirka Madaxda Carabta ee ka dhacaya Magaalada Sirta ee Dalka Liibiya.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa DKM ayaa Xiray dhamaan wadooyinka isku xira Garoonka Diyaaradaha iyo Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia kahor inta aysan Dhoofin Sh Shariif iyo wafdigiisa.

Sheekh Shariif iyo wafdiga la socda ayaa ka qeybgalaya Shirka Madaxda Carabta ee ka furmaya Magaalada Sirta ee Dalka Liibiya, waxaana kulanka Hogaamiyaasha Wadamada Carabta ka horeeyey kan safiirada oo horey u dhacay iyo kan wasiirada arimaha dibada oo Maanta dhacay.

Xubno kale oo matalayey DKMG ayaa horay shirka u sii joogay sida wasiirka Arimaha Didab iyo Diblumaasiyin kale.

Ajandayaasha Shirka looga hadlayo waxaa ugu weyn Dhibaatada Yuhuudu ku heyso Falastiiniyiinta iyo dhulalkooda, Arimaha Gobolka Daarfoor ee Dalka Suudaan, Xaalada Cakiran ee ka jira Dalka Soomaaliya iyo arimo kale.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Sh Shariif & Wafdi uu Hogaaminayo oo Muqdisho ka dhoofey
  2. Cumar C/rashiid & Wafdi waheliya oo Muqdisho ka dhoofay.
  3. Sheekh Shariif oo u dhoofay Itoobiya
  4. Sh.Shariif & Wafdi uu Hogaaminayo oo Muqdisho soo Gaaray
  5. Sh. Shariif oo Galabta ka Dhoofay Muqdisho

Readers Comments (7)

  1. caaqilka says:

    waaaaaaaaaawareeeeeeey,maanta waad soo hanuunteen laakin wallaahi billaahi talaahi in la idinkula xisaabtamayo waxa aad carabkiina ku haleysiin markii hore ee ahaa inaad xalaaleyseen ummada dhiigooda, ama shiikh shariif dhaha maanta oo ayba kow ii tahay inaan arko war fiican oo isag aad ka qorteen ama shariif dhaha laakin waxan idin sheegayaa khawaarij inaad tihiin oo sax raggiina webkaan qoraya waxaan hubaal ah in aan shaqo wayn ku leenahay xirista websatiyeda khawaariijta

  2. umu anisaa says:

    asc wr wb maashaaaaaaaaaaaaaaaaaaa allaahbahda somali miror oo aawal mara oo aadd soo qoratan titelka madaxweyne sh shariif xafidullaaaaaaah waa tilaaabo hore u qaaden .

  3. umu anisaa says:

    asc wr wb maashaaaaaaaaaaaaaaaaaaa allaahbahda somali miror oo aawal mara oo aadd soo qoratan titelka madaxweyne sh shariif xafidullaaaaaaah waa tilaaabo hore u qaaden .

  4. saacid cali says:

    kaalaya somalimirror maxay uga hadli wayday qabuuraha lasoo bixiyey ma sida dkm ayey iska aamustay mase waxay kabaqayaa in dhinac lagu xukumo.

    qabuuraha kuwa lagu dawaafo ama su’aasha lawadiisto in lasoo bixiyo oo meel aan cid kale aqoon lageeyo waa arin aad ufiican somali aad ubadana way kufarxeen sababtoo ah wadaad asagiiba is difaaci waayey waxa loobariyin waa khalad haduu wax hayo asagaa alshabaab iska difaaci lahaa marka maad soo qortaan maxaad uga baqaysaan.

    somalia mardhow shirkigu waa kasuuli doonaa insha allaah.

  5. Adoon Eebe says:

    War ninkaan wax shaqa ah maleh miyaa waxaad moodaa kirishboy diyaaradeed. hadba tii Garoonka fariisataba ii jooji leh.

  6. cabdinaasir says:

    Shaqa waa leeyahay oo Meles ayaa u dirsaday in uu ka qeyb galo shirka oo waxa Carabtu isku sheegto u soo sheego waa Dabadhilifka Amisom iyo Amxaaro

  7. hani says:

    BISMILAAH
    KKKKKKKKKK Adoon Eebe malayaabtay niinkan hadba diyaarad soo is taagto dabahayo walaahi waa arin layaab leh hadana siduu u qoslaayo waxa u moodo niin dalkiisa nabad ka jirto oo musuliyadiisa si wanaagsan oga soo baxay waxaa kaaga daran siduu u kabenaayo dadka daxdooda ma xishoode ilaah haku so hanuniyo niin yahow




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Sh Shariif & Wafdi uu Hogaaminayo oo Muqdisho ka dhoofey
  2. Cumar C/rashiid & Wafdi waheliya oo Muqdisho ka dhoofay.
  3. Sheekh Shariif oo u dhoofay Itoobiya
  4. Sh.Shariif & Wafdi uu Hogaaminayo oo Muqdisho soo Gaaray
  5. Sh. Shariif oo Galabta ka Dhoofay Muqdisho

Latest Headlines