Shil gaari, khasaare xooganina ka dhashey oo ka dhacey G. Bay.

Published on March 21, 2010 by   ·   1 Comment   ·   print

4 qof ayaa ku dhimatey 9 kalena dhaacyo ayaa ka soo gaarey, shil gaari oo barqanimadi maanta ka dhacey inta u dhaxeysa deegaanka Jameecada iyo Degmada Buur-Hakabo ee Gobolka Bay.

Gaarida iyo Rakaabkii saarnaa ee shilka uu la galey, waxaa gurmad deg dega u fidyey Maamulka Degmada Buur-Hakabo ee Ururka Al-xizbul Islami.

Dadkii dhaawacyadu ka soo gaareen, shilka waxaa la dhigey Isbitaalka Buur-hakabo, halkaas oo gurmadyo caafimaad oo kale duwan loogu qabtey.

Shilka ayaa yimid, sida wararku sheegayaan ka dib markii Darawelkii gariga wadey uu si kedisa wadada kala baxey gaariga.

Gaariga Shilka galey ayaa ka tegay Magaalada Muqdisho, waxa uuna ku sii jeeday dhanka Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.

Waxa uu shilkan qeyb ka noqonayaa kuwa soo noq noqda ee ka dhaca wadooyinka kale duwan ee Dalka, ayna ka dhashaan khasaarooyin Naf iyo Maalba leh.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Shil Khasaare dhaliyey oo ka dhacey Buundada B/Hakabo.
  2. Shil Gaari oo ka dhacey Wada Makka Al-Mukarama
  3. Shil gaari oo dhimasho iyo dhaawac gaystey oo ka dhacey G.Sh/Dhexe
  4. Shil gaari oo 11 Qof ku dhimatey ayaa ka dhacey duleedka Jowhar
  5. Shil gaari oo ka dhacey Duleedka Deg. Afgooye.

Readers Comments (1)

  1. khaadimul-ISLAAM says:

    BISMILLAAH.
    “INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN, ALLAAH BAA LEH WAXUU BAXSHO IYO WAXUU QAATABA”

    sabar ALLAAH ha ku manaysto intii laga dhintay anagana kuwaas dhintay gadaashooda ALLAAH SUBXAANAH nama fitneeyo naxariistiisana ha nagu manaysto.

    dareewalada baabuurta waddana ALLAAH ha ka baqeen oo mas’uuliyadda si fiican ha u qaadeen
    hana ka fogaadeen wax kasta oo qalada oo dadka iyo maalkaba khasaare u gaysan kara.

    WALLAAHU ACLAM
    binfaqiih@hotmail.com




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Shil Khasaare dhaliyey oo ka dhacey Buundada B/Hakabo.
  2. Shil Gaari oo ka dhacey Wada Makka Al-Mukarama
  3. Shil gaari oo dhimasho iyo dhaawac gaystey oo ka dhacey G.Sh/Dhexe
  4. Shil gaari oo 11 Qof ku dhimatey ayaa ka dhacey duleedka Jowhar
  5. Shil gaari oo ka dhacey Duleedka Deg. Afgooye.

Latest Headlines