DKMG oo amartay in la baneeyo Xaafadaha ku hareereysan Garoonka Muqdiho & Xisbul Islaam oo ka hadlay.

DKMG ayaa amar ku bixisay in laga guuro dhamaan Xaafadaha ku dhaw garoonka Diyaaradaha Muqisho gaar ahaan Xaafada Afisyoone oo garoonka daris la’ah waxaana arinkaa si kulul u weerar isla markaana Barkicin ku tilmaamay Ururka Xisbul Islaam.

C/risaaq Max’ed Nuur (Eng. Nuune) oo ah Gudoomiyaha Gobolka Banaadir u qaabilsan DKMG oo shalay galinkii dambe Saxaafada lahadlayey ayaa amar ku bixiyey in laga qaxo Xaafada Afisyoone si loo adkeeyo Amaanka Garoonka Diyaaraha.

Eng. Nuune ayaa Dadka ugu baaqay inay Fuqsadaan Dhismayaashooda isla markaana baneeyaan Hareeraha Garoonka Diyaarada Muqdisho.

Dhanka kale Maamulka Xisbul Islaam ee Gobolka Banaadir ayaa amarka ka soo baxay DKMG ku tilmaamay Barakicin cusub iyo dhibaato kale oo shacabka lagu qaxinayo.

Sheekh Ibraahim Barre Max’ed oo ah Gudoomiye kuxigeynka Gobolka Banaadir u qaabilsan Xisbul Islaam ayaa go’aankaas Cambaareeyey Islamarkaana ku hanjabay inay arinkaa ka jihaadi doonaan una gargaari doonaan Shacabka halkaa qaxa ku tagay ee la Barikacinayo sida uu hadalka u dhigay.

Geesta kale Dadka Rayidka ah ee ku dhaqan Xaafada Afisyoone ee lafaray in laga qaxo ayaa aad uga carooday isla markaana wax laga xumaado ku tilmaamay Amarka looga rarayo guryahooda.

Dadka ayaa tilmaamay inay qax ku joogeen Xaafadaas isla markaana aysan awoodin inay markale halkaa ka huleelaan.

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco

8 Comment(s)

  1. Shrciga cusub ee xisaabta ee somalida ugaarka ah

    Hadii somaliya waxa ka jiro ay tahay kooxaysi iyo dagaal sokeeye maxaan wax ku qiimaynaa!!!? kooxda maraykanku samaystay ee uu u bixiyay DKM iyo ciidanka Afrikaanka ah ee ilaaliyo waxay joogaan 4km oo kamid ah magaalada Moqdisho waxaana meelaha ay joogaan ka jiro dagaalo ragaadiyay shacbka mana jirto wax horumar ah oo kajiro haba yaraatee marka laga reebo doolar fara badan oo dibada laga keenay dhaqaalahaas waxuu ku baxaa ciidanka afrikaanka ah iyo HUBKA LAGU XASUUQO SHACABKA SOMALIYEED EE KU NOOL CAASIMADA SOAMLIYA!!! IYO SAFARADA MADAXDA DKM!!!.

    kooxda mucaaradka waxay xukumaan 10 gobol waxaana ka jiro amaan lagu faani karo sidookale waxaa laga hirgaliyay mashaariic horumarineed, sida kanaalo beraha lagu waraabiyo, wadooyin la dayactiray,dhismayaal shrcidaro ah oo la bur buriyay si loo ilaaliyo bilicda magaalooyinka,dhismayaal dayactir lagu sameeyay,Zako la aruuriyay oo masaakiin loo qaybiyay,iwm.
    hadii ay sidaa ukala duwantahay labada shaqo ee ay wabtaan isla markaana uu sida ukal waynyahay dhulka ay kala xukumaan yaa dadka nabada u diidan isla markaana yaa dadka dhediisa wax kasoo tuuro maninka joogo 4km baa dadka dhexdiisa wax kasoo tuuro mise ninka 10 gobol xukumo ayaa dadka dhexdiisa wax kasoo tuuro!!!!?.
    Bal eega barakada maraykanka xoogeeda 4km dadka joogo maraykanbaa wato 10 gobol kuwa xukumaana somali baa wadato!! hadana dhulka waa dhul soomaaliyeed!!!!.
    Shrciga cusub ee xisaabta ee somalida ugaar ka ah
    Xeerka xisaabta 10>4= 10 waxay ka wayn tahay 4, laakiin hada reer gakbeedka iyo saxaafadooda iyo waliba saxaafad ku sheega somalida waxay nabarayaan 4km oo kawayn boqolaal kun oo DKM= 4km>1000.0000km!!!. sidookale waxay nabarayaan 4km oo colaadi kajirto waxay ka mu hiimsantahay 10 gobol oo nabadi kajirto!!! sidoo kale shaecigaan waxuu dhigayaa kooxda xukunto 4km waxay ka wayn yihiin kooxda xukunto 10 gobol!! waa sharci cusun oo somalida khaas u ah waxaana soo alifay Zanaawiga Ethiopiya iyo reer galbeedka!!!.NIN ADUUNYO JOOGOOW MAXAA ARAGTI KUULAABAN!!!.

    XASUUQA SHACABKA

    Waxaan ka xumahay saxaafada somalida inaanay si fiican ooga hadlin xasuuga ciidamada lamagac baxay AMISOM (calooshooda u shaqaystayaasha) maraykanka iyo amxaarada u kiraysan. Hadiise sida ay arintaani mudantahay ooga hadli lahaayeen waa hore ayay somalidu israaci lahayd laakiin waxay had iyo jeer ku mashquulsan yihiin sidii somalida loo kala qaybin lahaa hadiise la helilahaa saxaafad u damqanayso umada somaliyeed caloosha u shaqaystayaan afrikaan ah looma keensadeen!!!. Laakiin qaar uu qabiilku madax maray oo saxaafada ku qaraabto ayaa is leh amuu qabiilkiinu sidaan (xasuuqa shacabka) ku kasbadaa xaaraan farabadan!!!!!.ciiloow wayeey talo xumaan cudur ka waynayne.

    taa waxaa u daliil ah home page yada somalidu leedahay waxay ka badan yihiin kuwa Shiinaha leeyahay!!!
    Sidookale saxaafada somalida waxay la mataanoobeen idaacadaha reer galbeedka ee uu usamaystay oo kali ah jaha wareerinta iyo isku dirka umada soomaaliyeed sida BBC-LAS iyo VOA kuwaas oo dano guracan waligood kalahaa somaliya. kuna shaqeeyo qaybi oo xukun!!!.
    WALEE SAADAMBAAD GARAN
    Qore Eng Idiris

    Idiris | Mar 21, 2010 | Reply

  2. alshabaab iyo xisbulshaydaan aduunku waa laba bari maalintaad ilaahay so hor istaagtaan jahanabo meshaad ka mari lahaydeen sii diyaarsado waxba shacbka soomaliyeed iyo caruurta saqiiradaa aad sir sirteen oo dhiigooda baneesateen ilaah wuu idin ka jaa ifeenaa nacalaa idin kuyaal kubaas aa soomali ila sheeganaya magacii diinta iyo magacii dalka iyo dadkaba waad iiga cayaarteen ilaah inkaar ha idin ku rido waadba qabtiina rabi waxaan ka baryeenaa inaa jahanabo ku fogaataan nacaladbaa idin kudhacdaye alqaacido horaa quraanka loogu sheegay inay kubo xawaan ah oo magaca diinta ku adeeganaya ay qarniga soo baxyaaan kubiina waa idinka ee diinteena ha ka beensheeginina ilaah waa caadile qof islaamaa oo kunabad geliyay inaa dishid diinteenu dhigi meesee gaal aad soo disheena wali manan arag shacabkeenaad dishaan wadankeenaad dhiiga ku daadiseene calankeenana hanooga cayaarina midka madoow ood melaaad ka keenteen aan la aqoon madooneenee katoobad keena waxaad kudhaqmeesan

    somali | Mar 21, 2010 | Reply

  3. BISMILLAAH.

    shariifow waa shaqaale u kalkaala gaalada isla markaana fulinaya amarka la soo siiyo ee ninka la dhaho nuune waa gaarsiiye uun, haddaba xizbul-ISLAAM oo baryahaan rag ka mida oo u dhoow dhoow sh.xasan ay taleefishanada ka sheegayeen inaysan ayagu diidadnay maamulka ka taagan eelaboorka iyo madaxtooyada oo gaaladu ku dhuumaalaysanayso gaaladuna ay dadka khasab uga dhigayso inay ku magacaabaan dawladda ku meelgaarka ah sida midda karazaay iyo maaliki, haddaba xizbul-ISLAAM siyaaddii waa ku xumaataye ha u tageen walaalahooda shabaabka .

    shariifow waa qaxiye qaaxa ha dishee awalbuu kitaabkii iyo sunnadii khiyaanaye .

    WALLAAHU ACLAM.

    khaadimul-ISLAAM | Mar 21, 2010 | Reply

  4. Waa wax laga yabo

    beldaje | Mar 21, 2010 | Reply

  5. rabiyow nuune iyo saaxiibadii horbarakici shacabkana amaan sii

    Mujaahidiinta u hiili goorkasta , meelkasta , iyo magac ay leeyihiinba.

    shaxshax | Mar 21, 2010 | Reply

  6. Assalaamu calaykum.

    Waa war fiican inay dawladda Islaamiga ah ee Soomaaliyeed inay la wareegto goobihii ciidanka iyo hay’adaha kale ee dawladdu lahayd.

    Xerada Afisiyooni (Aviazione) waa xaruuntii hore ee Ciidanka cirka soomaaliyeed waa in loo banneeyo ciidanka goobtiisa.

    SOOMAALIYA SOOMAALIBAA LEH.

    QURBACLEEY HA DHACDO.

    SHIIKHUL KULLI | Mar 22, 2010 | Reply

  7. xerooyinka ciidanka , goobaha waxbarashada meelaha dowladda waa in la baneeyaa waa waajib muqadas ah. cajiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiib haddii uu caqligu yahay kii ahaa gabartii ku dhalatay ayaa gabar ku dhashay taas halla ilaawo. cajiiiiiib kuwa dhahaya dadka soo barakacay ayaa la qaxinayaa waxay la mid yihiin caqlii horey noo dilay , haddaase reer muqdishow aad garabsiisaan caqligaas hadde gafantiina sii tosha dadka idin xabaalaya hadhibinnina cajiiiiiiiiiiiiiiiib

    shaandheeye | Mar 22, 2010 | Reply

  8. Waar kuwaan dadka masaakiinta ah maxaa laga siiyaa?

    Haddii ay Shabaabka iyo Xisbul-Islaam rabaan may aadaan meelahay joogaan waa kasaane. Waxaa iska cad kuwaan masaakiinta ayay ka adag yihiin.

    Waxay la mid yihiin wasiirkii dadka masaakiinta ah ugu yeeray ARGAGIXISO 2007kii.

    hymo | Mar 23, 2010 | Reply

Fikrad ka dhiibo