Sarkaal xagga ciidanka ah, kana tirsan Maamulka Jubooyinka ee Xarakada Shababul Mujaahidiin ayaa xaley, kooxo hubeysan ku dhex dileen Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.
Sarkaalka oo lagu magacaabo Sh Daa’uul Cali Xasan ahaana taliyaha Saldhiga Dhoobley ayaa dilkiisu dhacey wax yar ka dib Salaadii Cisha, waxa uuna ku sii jeediyay xilliga la dilayey gurigiisa, sida wararka lagu helayo.
Lama oga cidda iyo ujeedada rasmiga ah ee ka danbeysa dilka Sarkaalkan, balse waxa uu noqonayaa kii ugu horeeyay oo Mas’uul ka tirsan Maamulka Jubooyinka ee Al-shabab oo ka dhaca Magaalada Kismaayo.
Sh Abukar Cali Aadan Waaliga Junooyinka ee Al-shabab, oo ka Hadley dilka Sarkaalkan ayaa sheegay iney qaadayaan Howl-galo balaaraan oo lagu daba gelayo ciddii ka danbeysay dilkiisa.
Xaafadaha kale duwan ee Magaalada waxaa lagu arkayey ciidamo heegan buuxa ku jira oo baadi goob ugu jira ciddii dilka geysatey iyo sugida amaanka guud ee Magaalada.

Related posts:
SOMALIDA DIBKOODA KAN BAA KA MID AH ( SIDI QOF ). RAGA DILKA SAMEEYAY WAA FIDNO WADAYAAL. KA CARAYSAN SIDA KISMAAYO, IYO SOMALIA WAX U KALA SOCDAAN. ( WAA DAD LA SOO DIRAY, DOWLADAHA DERISKA DABA DILIF U AH ) DIINA AAN RABIN. ( LAKIIN XAQA AYAA GUULAYSAN DOONO INSHA ALLAH. ALLAH SHAR WADAYAASHA UMADA HA KAA HAAYO
inaalilaahi wa innaa ileyhi raajicuun.
ilaahay ha u naxariisto.
Good riddance!
Ilaah baa ummadda ka kor qaaday.
BISMILLAAH.
“INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN” “ALLAAH BAA LEH WAXUU BAXSHO IYO WAXUU QAATO”
gacan ku dhiigla yaashii dilay shiikha ka midka ahaa askarta mujaahidiinta shabaabka ayagaa khasaare qaba oo iska dilay qof ammaankooda u sugaayay oo haddana isu xilqaamay inuu ummadda u adeego , marka wuu liibaanay maantana ama birri gacan ku dhiigla yaasha waa la soo qaban waana laga abaal marin danbigaas ay faleen.
WALLAAHU ACLAM.
Daud dilkiisa waxaa loo xiray Maxamed Carab oo ahaa madaxii Degmada dhoobley iyo rag kale.
Sidaan wax u ogahay wax uma qori karo laakiin dhabta waxay tahay in si beel ah la isu ugaarsanayo shabaabka dhexdiisa. Beeshaasi oo mid qura ah. Daauud waxaa loo dilay dilkii uu u gaystey Maxamed Carab ninkii uu adeerka u ahaa oo Dauud Ali iyo raggiisa shabaab sidii cawashii u gowraceen.
Haddii aad khilaafto diinta islaamka adiga oo Islaam sheeganaya ogow fitnada iyo dhibaatada waa wareegto.
Ilaahow na fahamsii in dilka iyo iskhaarijinta iyo talada gurracan inaan lagu gaari karin guul iyo dawlad Islaami oo Soomaaliyeed
shaqadoodi ay ayaga sameen jireen ayaa hada kusoo noqotay.
Asc Wr
Cajiib waxaa ah inaad sugto qof muslina oo ilaahay u sujuudaya weliba masjidka bannaankiisa ku sugto ka bacdina naftiisa qaadato isagoo waajibkii ilaahay soo gutay,xaggee aakhiro aadaysaa maxaase ilaahay kula doodi doontaa marka lagu waydiiyo sababta aa ku dishay qofkaas.
Ilaahay halaga cabsado oo wixii ilaahay xurmeeyey halla xurmeeyo haddii kale sidan ayaan ku jiri doonnaa wakhti dheer. wsc wr wb
Aad iyo aad ayaan ugu fraxsanahay mooryaan diimeedka AMA khawaarijta lagu dilay jubooyinka sababtoo ah waa luqada kaliya eey fahmayaan ka dib markeey ka been sheegeen shariicadii oo lagu Kari waayay al-tashaawur,waxaan jeclaan lahaa in iyaga oo idil inta lagu shabadeeyo kahwaarij sideey ayaguba qof salaada tukado u Rideeyaan oo dhiigooda la raaciya wabiyada juba,waa bilaawgii burburka khawaarijta ee shacabyohow iska qabta nimanka culimadii oo idil yiri way khaldanyihiin anaga mooyee.
masha allaah waa arrin lagu farxo waana hade ugaarsade la uugaarsaday waxa ka dambeeya dilkiisa beesha dhulabahante rag ka tirsan
KAXAAXAABIYA IDINKAA UGAARSI BILLABAYEE BAL CIDEY XABADU KARIN HALA ARKO
sc salan ka dib marka hore alaha u naxariisto qofwalba oo soomaliyeed oo dulmi ku dhinta ama lagu dilo marka xiga ninkii qoriga dhigi waaya asaga ayuu ku soo foorarsadaa waxaan ku waaninayaa inta hartay ogaada waxaad faraha kula jirtaan waa dhiig soomaaliyeed soomaaliduna waa muslimin arinkaas culimada soomaaliyeed waa isku raacsan yihiin .
xasuusnaada hadalkii uu yiri maxamed idris oo ka yiri BBC iyo Universal TV haba yaraatee wax culim o ah oo soomaaliya isku dagaalamya ma jiraan dagaalku wuxuu u dhaxeeyaa Qolo xukun haysta iyo qolorabta in ay ka soo Ridato hadaba xukun doonayaalow waa jariimo aan la dhaafayn in umada kii kaa ra,yi gadisan Diinta laga saaro Hadad gaala la dagaalamysan Unisom waxay joogaan cel celis 4km maxad oga hadli weydiin 800km oo ay kenya haysto is weydiin malaha miyaa mise kuwaasi dhul islan ma aha dhulkii ay amxaaradu laba Qarni isku haynay ma waxaa ka qiima batay 4km oo ay joogaan unisom Arinta inta dhabta laga abaaro gaala lala dagaalami maayee manhajka umada yaan laga marin haabinin sheekh shariif Abdinor iyo sheekh cumar faaruuq oo noogu da,weyn cilmina lal siyay maxa wax loo weyddin la, yahay oo loo dhagaysanayaa wiil yar oon garanayn inta nooc ee najasa ka soo baxdo cowrada raga in uu iftoodo dhiig islamka inuu baneeyo ama uu bixiyo fiisaha islmka laguna galo loogana baxo sc
waxa ka danbeeya kuwa xunxun ee kola islaamka sheeganaya kola gaalada u cararaya ee gorilayaasha ah jihaad balaadhan halagu qaado ugaadh weeyaane
horaa loo yiri god ha qodin, hadad qodane ha dheereeyn, ku dhici dhicidoonta lama ogee. shabab waxa ay sameen jireen uun baa lagu sameeyey. adkeysi hore lahow ama afeef hore, kkkkk waa maah maah soomaaliyeed anigu sidaa ma oran.
Asalaamu Calaykum,
Ilaahay ha u naxariisto, annagana gadaashii nama fitneeyo!
Walaalaha qaarkood waxaad mooddaa inuu sheekhaani yahay Muslimkii ugu horreeyey ee Soomaaliya lagu dilo! runtu waxay tahay in gaalada Soomaaliya lagu dilo ay aad uga yar tahay muslimiinta lagu dilo (oo muslimiinta kale dilaan).
Laakkiin ogaada.. marka la dilayo qofka waxaa la samaystaa qiil mala-awaal ah oo qofka lagu gaalaysiinayo markaasaa mid yaroo jidbaysan farta loogu fiiqaa!!
Dilka muslimiintu sheekhan kama billaaban kumana dhamaan doono sida muuqata!
Miyaadan arag filimada moobayllada lagu duubtey oo qof Ashahaadanaya sida neef xoola ah loo gawracayo?? kan wax gawracayana uu takbiirsanayo??
Adduunka waxaa ugu nasiib daran qofkii laga dhaadhiciyey inuu qof ashahaadanaya dhiiggiisa ilaahay raali ahaanshihiisa ku raadiyo!
Rabbiyow ha noo qaban waxa ay doqomadeennu sameeyaan!
Inta adan xukmin dilka da,ud, maxad ka taqanay da,ud .nin side ah ayu aha asagu? Bal manta dadki asaga yaqanay dad badan o ka mid ah ad ayey ogu faraxsan yihin dilkisa gar ahan dadki asaga xigtada u aha.
qadiyadaan waxyaalo badan baa ka suuro gal ahmida koowaad
in uu cadaw fuliyay
mida labaad in ay cadow kale oo u danleh iska horkeenka mujaahidiinta guud ahaan ama gaar ahaan kuwa shabaabka kaliya.
mida sadaxaad aano xaga qabaliga ah.
iyo mida ugu danbeysa oo ay sababtii markii hore ksimaayo u yimid isaga iyo carab oo dhoobleey isku maandhaafay kadib dil loo gaystay wiil ka tirsanaa guriga carab oo diif lagu qabtay xiligii dhobley axmed madoobe soo weerarayay .
mida kale waxoo dhan waa isku qoys
Wallee waa yaab waxaad ogaataan walaalayaal wixii dilay Barre Cali Barre ayaa dilay kana waana JAAJUUSIIN raba in ay isku DIRAAN walaalaha MUJA…… marka waxa garan kara wixii caqli leh lakin wixii KA MAGARATAA waxay leeyihiin ayagaa is dilaa taasna maahan ee inshaa’Allaah wixii dilay 2 daas walaal iyagaa qasaaray
Hadan dowladnahey wana kaxunahey amaandarada kajirdo kismaayo inshalah mardhow militarika dalka ayaa amanka sugidoona shacabka rer kismayo nah wey noo bahanyahiin
inaalillaah wanaa illaahi raajicuun illaaheey ha unaxariisto mujaahidka ladilay qofkii dilay ayaa kadhibadan maanta
waan ka xumahay dilkaninkani. Lakiin maisweey diseen sawabta loo dilay? Nin aan waxba sameeynin oo waliba jooga guriga gudoomiyaha dhobley oo isla shabaab ah ayeey qowraceen. Khilaafkii kadhashayna waa kan heerkan gaaray.
Barre Cali Barre kuwii dilay aaway? Barre miyuunan ahayn nin wadaad ah sujuuda hadana isagoo masaajid kasoo baxay ladilin? Axmed madooobe oo ahaa masuulkii Godane waagii maxaakimta ayaa maanta gaal laleeyahay oo dhiiga labaneeystay …..cajiib. Sh Sharif oo masuul uahaa maxaakimta ayaa maanta waa gaal laleeyahay … cajiib.
War somalia dhibaata ayaa haaysataa. Dadkii diin sheeganaye ayaa sidan isu dilaya. waa musiibo. Gaalada waxeey nala damacsaneeyd weynu kudhacnay. Barito Ethiopia ayidoo laafyooneyso ayeey soo gali wax hor istaagi doonan magaranayo.
Shabaab Allah haka cabsadeen oo xisbul islam haku biireen hadeey daacad katahay diin. Xisbigana dowlada hakula heshiyo maamul qeeybsi. Waxaan uarkaa in dacwadii intaasoo sano loo soo maray dariishada laga tuuraya. Allow inoo gargaar oo dhagarta cadowga inaga qabo.
Somalimirror
Maxaad u soo dhejin waydeen tacliiqaygii. Inta Geeddii sheegay oo faahfaahsan ayaan qorey keliya.
Ukht Falxado mashaa Allaah tacliiqaada
Cabdi Xasan wax badan baaad saxtay, keliya ka daa awood qaybsi iyo taqyiimkaada shariifka.
Somalimirror fadlan soo dhejiya tacliigaasi
ilaah uma naxariisto jahanabo ilaah haku dheereeyo asba umaduu dilayay meeqo shacab ah ayuu dilay oo meeqo caruur ah ayuu agoomeeyay oo abahood iyo hooyinkood dilay meeqo ayuu hooyooin ayuu gablamiyay meeqo xasas ayuu garoobeeyay wadanka dadkiisa ka bara kicyay oo dhiiga ku daadshay ilaahow alhabab iyo xisbul shaydaan naga qabo rabiyo inta saqiirada marin habaabineesa jahanabo ku fogee oo dalkeena nooga qabo
Asc waxaan salaamayaa dhamaan umadda muslimiinta ah ee kunool dunida daafaheeda gaar ahaan mujhaahidiinta u taagan difaaca diinta ilaahay oo ka dagaalamayaa dhamaan daafaha dunida gaar ahaan kuwa soomaaliya khaas ahaan all shabaab iyo xisbul islaam
waxaana leeyahay allaha idin xifiyo
intaas kadib
Aniga waxaan aaminsanahay in mujaahidiintu leeyahihiin cadow badan oo gudaha iyo dibadaba jira dhibkodana ka shaqeeynaya waxaan oronayaa walaalayaal is ilaaliya oo securitigiina iyo kan shacabkaba ilaaliya oo sirdoonkiina iyo ciidamadiinu ha isku xirnaadaan oo badiya contolada ama check point magaalooyinka dhexdooda iyo meelaha laga soo galo iyo meelaha laga baxo dhigta baro contorol oo qabta dadka soo galaya ee munaafiqiinta ah ee gaalada u adeega iyo kuwa inta mujaahidiinta wax yeela fakanaya falkaana waxaa loogu talagalay iyo in lagu ceebeeyo amniga qaaliga ah ee ku fadliga ilaahay iyo mujaahidiinta dhiiga u daadshay naftoodana u huray hirgalinta shareecada ilaahay walaalayaal foojignaado cidaan ilaahay ahayna ha isku ha leeynina soomaalidu shacab malahan dha dhanka diintana qabiilkeey ka jecelyihiin waxba ha isku haleeynina waxa shacabka lagu sheegayo waxaan kaloo idin sheegayaa xisbul islaam waa walaalihiin mujaahidiin ah xoogaa dad qashin ah baa ku jira u samra inta idin ogol ka qaata intaan idin oglayn oo habka beelaha iyo u adeegida gaalada ku jirtana sharciga mariyo laakiin inta wax kala cadaanayaan samra walaalayaal waa dhab inaad saxantihiin idinka al shabaab ah ilaahay baana guul iyo darajo idin gaarsiinaya waxaad ka talisaan fadliga ilaahay soomaaliya inta khayraadka leh iyada dajiya maamul kasmeya amniga xoojiya kadiba kuwa kalana iyagaaba isa soo dhiibaya iyadoon dhiig mujaahid ku daadan maxaa yeelay hoog iy ba”a iyo cadaalad daro iyo amni xumo iyo qabiil baa lagu hayaa inta aan mujaahidiintu katalin xitaa roob kama da”o oo abaar baa loogu bakhtiyay marka samra walaalayaal ilaahay baa idiin hiilinayee midnimadana ilaaliya
A.c ilaahay ha u naxariisto qofkasta oo muslima oo gardaro lugu dilo waa arin laga naxo ninkasta oo wax tari lahaa hadii ladilo dad badan oo ah mujahidiin oo ilaahay amxaro kabad badiyay ayaa waxaa dilaya nin walalkisa waana nasiib daro iyo danbi wayn oo aa khiro la arki dono qof tukanaya maxaa u dilaysaa maxaa karabtaa walow maa gaal raadsatid ilaahay hana mideeyo oo walalo isjecel hanaga dhigo danbigeenana hadhafo xaqana hana fahansiyo amiin yaa raxman
Waxaa loogu aaray dilkii Barre Cali Barre, oo ay shabaabku ku dileen suuqa Bakaaraha.
Waxaa dilkan fuliyey Raaskambooniyiinta oo horey u sheegay in Alshabab u leyn doonaan sida ay iyagu dadka u dilaan.
Aljazaa’u min Jinsil Camal.
waxaa runna muslimiinta somalia ku dhinta oo muslimiinta kale dilaan ay aad oga badantahay gaalada somalia ku dhimata. Sababtaas weeyey sababta culimadii oo dhan oon kala har laheyn isku raaceen waxa somalia ka socda inuusan jihaad aheyn oo baadil yahay. Marka diinta rabbi yaan lugu been abooruan. Asxaabul-hawaa, minfadlakum diinta aad ku been abuuraneysaan iska dhaafa. Wallaahi waxa aad sameyneysaan ineysan diin shaqo ku leheyn bal, diinta ayey lid ku tahay, magac xumo ku tahay.
waxii ay sameen jireen ayaa nimankaas ku soo laabtay dad la dilo sax ma ahan waana arin xun
laakiin waa rag is dilaayo oo dagaal ka dhaxeeyo ayagaa bilaabay masaajida in lagu dilo dadka waana loogu jawaabay
laakiin jaasuus ayaa ka danbeeyo iyo cadaw weeye iyo waxaas waa war aan soconaynin wa rag is haayo waana in arintaas in ay dhaamataa
walaal khaadimul-Islaam
Ilaahay wuu adkeeyey arrimaha ku saabsan dhiigga iyo daadintiisa, wuxuuna ka ratibey ciqaab adag, kol haddii loo oggolaaday inay dhallaan yar-yar iyo kuwo culimo-curjis ah (Sidii uu sheegay Sheekh Ummal) ay go’aan ka gaaraan arrimihiisa maxaad ula yaabaysaan inuu arrinku xakamaha goosto dilkuna macna beelo!!
walaal Cali Guure
Al-xamdu lillaah calaa salaamatik! Beryahan tacliiqaaga maan arag!
asc walaalayaal illaahay aan kacabsano hadaan muslimiinahay dhiiga islaamakana aan iska ilaalino ogaw haddaad qof ashahaadana aad disho in aad cadaab kuwaarayso xattaa adigaba halagu dilee. masiibo waxaa ah aan xal looheli doonin in qof islaam ah oo ilaahay usoo sujuuday layiraahdo waa munaafiq ama waa ridoobay oo luqunta lagajaro, xasuusnaada in nabi muxammed scw iyo saxaabadiisii rcw aan lafarin in ay laayaan munaafiqiin la goyahay munaafiqnimadooda oo illaahay ucadeyay rasuulkiisa scw, manta dad wadaado sheeganaya ayaa waxay udilayaan qof muslim ah in uusan kuqanacsanayn ma raali ka,ahayn siduu wax urabo. ilaahay xaqiisa hanagu sugo hana anga ilaaliyo in aan daadino qof muslim ah dhiigiis. wabilaahi attawfiiq.
BISMILLAAH.
KU: Falxado | Mar 22, 2010 | Reply.
marka gaaladu sida kaaneecada kuugu soo xoonto,
kayn dhexdeedna dhuumaalaysanaya,baliyaduna buux dhaafeen, kaneecaduna meelkasta kaa cunayso, qof wata beer jileec iyo jacayl meeshaas kama bixi karo , shiikh ummalna kaneecada sinsiyeeri uma noqon karo, anna igamaad maqal waxbaan la yaabay, shabaabna waa geesiyaal ruug caddaa ah, inay jihaadaan way ka go’an tahay oo ay wax dilaan ayana la dilo
waxaase nasiib darro ah inay kugu soo xoomaan
sidii kaneecadii kuwo aad u malaynaysay inay walaaaaaaaalo kuu yihiiiiiiiin oo waabaayo abeeso ka sii darnaaday.
marka ma dhiigga mujaahidiinta baad difaacaysaa
ALLAAH ha dhowree nasrigana ha siiyee ?
mase kan gaalada iyo mooryaanta quruntay ?
waxaadse shiikh ummal ii waydiisaa mujaahidiintu miyay qoryaha dhigaan oo isu dhiibaan ciidamada keenya iyo shariifow?
intaa waxii ka haray oo xikmada shabaabka waydii ayagaa nooga xogagaalsan xeesha gaaladee
WALLAAHU ACLAM.
Asalaamu Calaykum
Walaalayaal warkale majiro soomaali cadow badan bay leedahay oo ku shaqaysanaya kuna dadaalaya inaanay waxba ka hirgalin nin walbow waxaad ka fakarta sidii fikaradaadu xor u noqon lahayd oo looga xoroobi lahaa cadawga dibadda oo soomaalida ay maanta kala taageerayso .
Soomaaliya waa naga badan tahay ilahay ha loo toobad keeno oo nin walbow adigu isu xilsaar sidii ummadda soomaliyeed isugu soo noqon lahayd.
Mahadsanidin
Ukht falxada
scw
Somalimirror ayaa cisho dhowayd igu soo rogtay bando kaddib markaan qoray faallo xog ogaal ah oo ku saabsan dilkii mujaahidkii Barre Alle ha u naxariistee…walaa nuzakii calallahi axad.
Tan baa xigtay oo maanta loo haysto Maxamed Carab oo ahaa oo ahaa guddoomiyihiii shabaab ee Degmada Dhoobley. Ninka la dilayna waxaa weeye taliyihii shabaabka booliska degmada dhoobley.
Mar u fiirso waxaa la dilay taliyihii saldhigga booliska ee shabaab , waxaana la tuhmayaa inuu dilay Guddoomiyahay shabaab degmada Dhoobley.
Ka warran foolxumadaasi iyo ceebtaasi gurracan.
Maalintii uu Daauud Cali la baxay Maxamed Carab ina Adeerkii oo uu ugowracay sidii arigii deexada nugaal ama buurahii Baargaal shabaab far ma dhaqaajin. Markii Maxamed Carab arrinkaasi ka carooday waxaa loogu yeeray Kismaayo oo la yiri mag qaado qalad waa dhacaaye. U fiirso ma jirto xad qatli baa la ogaayaa iyo taxriirin cilmi ah. Sheekadu waa miiska hoostiisa iyo innagaa raggeenna diya ayay bixinayaan keliya haddii lagu kululeeyo (Ogow ma aaminsane inay cilmi u leeyihin xad oogidda sidaan hore uga hadlay). Kaddib Arrintan iyo aar goosasho ayaa dhacday.
Arrinkan oo dhan waxaa uu ku tusiniyaa in Alshabaab aminiyaatkooda xarkaha goosteen oo laa yarqubuuna fii mu’minin illan walaa thimmah marka tan oo kale dhacdo. Labada ruux ee dhimatay iyo kuwa 9ka ah ee xiran dhamaantooda waa Maxamed Zubeer, Ogaaden. Daauudna Calina waa Sultan Jubbaland Ina adeerkiisa. Haddii ay shabaab gowracdo 9kan nin oo tuhmo loo haysto waxay noqonaysaa tallaabo aysan mahadinin doonin iyada oo xiisad Absame iyo shabaab taagan tahay iyo iyaga oo aanan hayn wax caddaymo ah ilaa hadda.
Waayo ilaa hadda ma hayso caddayn tuhmana shabaab dadka waa ku dishaa.
Afhayeenka Xisbiga oo aan mar la sheekaystay ayaa i tusay tahdiido ka badan 50 oo shabaab soo qoreen. Markii uu xisbiga jawaab kulul u diray shabaab way gaabsadeen. Laakiin qadriga iyo daba marka xarfaan bay ku yihiin.
Waxaan shaki ku jirin in Godane ragga uu ka dhuumanayo u badan yihiin askarta shabaab sida Afqaan u dhuuntay bilahan.
Haddii ay dhexdooda is khaarijinayaan oo dhiiggooda isku banneysanayaan, maxay kula tahay dadka iyaga aanan la edagga ahayn.
culimo, culimo, marjicayad waa in la helaa dhab ah.
Cali Guure,
Walaal wax badan waan isla ogol nahay, lakiin waxaan kuweeydini dowlad laan ayaa waxan oo idil keenay ee aaynu taageerno Prof Gaandi. Maahan nin warlord ah mise qabiil lasoo taagan aniga nin aan ku kalsoonahay oo lahadlay ayaa iisheegay in Barnaamijka uu wato uu yahay qof waliba degmada uu kayimid haku laabto doorasha xor ahna laga sameeyo. Magaalooyinka waweynna waxaa loo maamuli si ni waliba isaga dhex arko. Kismaayo laguma lahaanayo 20ki sano ee buuqa socday ee waa lagarani dadkii deganaa. Ogaden kaligood madagaan oo waa lawada ogyahay lakiin kismaayo waxeey kutaalaa jubada hoose, maahan gedo walaa puntland. Waa caasimadii J/Hoose. Maamulka Kismaayo waxaa qeeyb weyn kuleh dadka dego badhaadhe, dhobley, afmadoow, iyo …
KhaadimulIslaam,
Gaaladu weligeed ayay soo xoomi jirey wayna soo xoomi doontaa inta uu Ilaahay uu dhulka iyo waxa dulsaaran uu ka dhaxlayo. Lamana waayi doono koox u istaagta Jihaadka sida uu noo sheegay rasuulka CSW.
Laakiin taasi maxay ka beddelaysaa in arrimaha dhiiggu ay yihiin kuwo u baahan in dad ehel u ah ay go’aan ka gaadhaan.
Haddii uu ciriiri kugu yimaado waxaa loo baahan yahay dulqaad, ee looma baahna in ciddii laga shakiyo sida xoolihii loo gawraco ama ciddiyaha laga bixiyo ama cadaab nafta looga jaro!!
Tuhunka ugu weyn ee arrinkaan, sida aad ogtahay wuxuu ka dambeeyey dil aan aad looga fiirsan oo ka dhacay dhoobley, nasiib wanaag wiilka la diley wuxuu qaraabo la ahaa nin ka mid ah alshabaab, yaa og immisa qof ayaa sidaasoo kale u dhimatay oo waayay qof u cadhooda??!! goormay mujaahidiintu la mid noqdeen xabshidii meeshii ay dagaal ka galaan waxa jooga isaga wayrixi jirey??
Fududaysiga dhiigga iyo axkaamtiisa la fududaysto waxaa ka dhalanaya waxa aad hadda arkayso.. waxaaa qarsoon ayaana ka badan waxaa muuqda.