Axmed C/samad
Ninkii Ilaahay Afo wanaagsan siiyo wuxuu ugu kaalmeeyay diintiisa barkeed
Max’ed iyo Caashadii xaaskiisa ahayd labadaba waxaa ka muuqatay inay reer Banaadir khaalisa yihiin, waxayna u socdeen Hargeysa. Caasho xijaab bay qabtay, diin jacayl iyo daacadnimana waa laga garanayey, Maxamedna waa tukanayey, wuxuuna ahaa nin baarri ah, waxaase fara kulul ku hayey sigaar cabbow. Qaadka Caasho ayaa ka goysey, sigaarkana wuxuu u ballanqaaday markay Hargeysa tagaan inuu joojiyo.
Caasho guushaas waxay ku xaqiijisay hal sano gudeheed oo ay is qabeen. Horey baa loo yiri: naago waa jabane kabto iyo kabane jabiso. Waxaa muuqata inay Caasho kabtay Maxamed. Waxaan rajeynaynaa inay hableheenu wada noqdaan kabayaal ee aysan noqon jabiyeyaal ama la jabiyeyaal. Ragga naga guursadana waxaan ka rajeynaynaa inay wixii wanaaga gabdhaha ka qaataan ee aysan ka santaagin.
Billadda geesinimada
Maxamed wuxuu watey qalab iyo dukumintiyo farabadan. Waxaa isoo jiitay billadgeesi la siiyey mid ka mida geesiyaashii Soomaaliyeed ee ka qaybgalay difaacii dalkeena markii Itoobiya ku soo duushay sannadkii 1964kii, billaddaas oo ka mid ahayd qalabkii uu Maxamed watey. Waxaan kaloo milicsaday luqada ku qornayd billadgeesiga oo ahayd af Talyaani qura. Waxaan is weydiiyey meeye af carabigii iyo af Soomaaligii?, waxaan kaloo is weydiiyey abbooyoow haddii maanta billado la bixin lahaa ma waxaa badan lahaa billadaha ay helayaan kuwa dalkeena Xabashida ka difaacaya mise billadaha ay helayaan kuwa dalka Xabashida ku soo hoggaaminaya?.
Khatarta lumitaanka taariikhda
Waxaa kaloo ii muuqatay in taariikhda Soomaaliyeed sii minguurayso oo ay badalayso taariikh goboleed iyo taariikh beeleed, horayna waxaa u hooseeyay aqoonta bulshadeenu u leedahay taariikhda islaamka. Haddii arrinku sidaa ku sii socdana waxaynu halis u nahay dhalanrog dhammaystiran ee bal arrintaa dib ha u eegto inta waxgaranaysa, kana danqanaysa danta iyo mustaqbalka ummadda.
Hees shidow iyo hadal bilow
Maxamed wuxuu daartay hees iyo muusiko. Waa hadalkii noogu horreeyaye waxaan ku iri: ikhyaareey waxaynu galeynaa safar dheer, wax kastana waynu la kulmi karnaa ee ma idin la qumantahay in aynu joojino dambiyada, kuna hadalno ama dhagaysano wax wanaagsan oo faa’iido adduun iyo mid aakhiro inoo leh?. Mar qura ayaa lagu jawaabay: haa, Maxamedna markii aan hadalka bilaabayba wuu joojiyey heestii.
Al-shabaab iyo Ehlu sunne
Intaa ka dib waxaan weydiiyey dadkii Xamar ka yimid xaalka dhabta ah ee ka jira koonfurta Soomaaliya. Maxamed wuxuu si weyn u eedeeyay Al-shabaab, Caasho oo xaaskiisa ahaydna si adag bay u difaacday, dadkii kalena qofba wuxuu arkay ama maqlay buu dooddii kaga qaybgalay. Waxaan rakaabkii u soo jeediyey inaysan wax diintooda ka mida ku nicin koox hebla ayaa samaysa ama koox heblaa diidan ee ay ka fakaraan sidii loo sixi lahaa waxa qaldan ciddii doonta ha qaladee. Waxaa lagu soo hooriyey inay nabadgalyada dhulka ay maamulaan ku dadaaleen oo tuugadii iyo kuwii dadka baadi jirey ka cesheen, salaadda iyo xijaabkana dadka amreen, mushkiladdooda u weynse ay tahay dilka dadka ay is qabtaan iyo dagaalada ay wadaad iyo waranleba la galayaan.
Intaa ka dib waxaa la bilaabay in la is barbardhigo Al-shabaab iyo Ehlu sunne. Waxaa Ehlu sunne lagu ammaanay inay iyana amniga deegaanada ay haystaan sugeen, gaadiidka jidka marayana aysan lacag ka qaadan. Xiriirka dhaw ee Ehlu sunne la leedahay Itoobiya iyo sida ay ula dhaqmaan ciddii calaamad diimeed uga muuqato gaar ahaan indha shareerka iyo garka ayaa eeddooda ugu weyn laga dhigay. Waxaa kale oo farta lagu fiiqay inay magac u yaal yihiin oo meesha ay ku qaraabanayaan rag siyaasiyiina oo mici gamaara.
Waxaa kale oo la muujiyey in sababaha nimanka bohosha ka riday ay ka mid tahay Al-shabaab oo markii hore camaajuujiyey, taas oo keentay inay gaalada u galaan. Gabagabdii waxaa lagu soo ebyay kuwana khimaarka ayay dumarka xijaaban ka dhigayeen, kuwana tusbaxyaday dadka ka qaadayeen!.
Tuulooyin beeleedka madaxa bannaan!
Waxaan soo marnay meelo laga dhisay tuulooyin, waxaana la yiri tuulo walba waxaa dhistay beel ama jifo gaara; si ay xarun u gaara oo loo yaqaan ugu noqoto. Labada islaamood iyo Ganey oo aad dadka iyo deegaanka u kala yaqaaney ayaa isku raacay inaysan tuulo dad gaarihi daganyahay magaalo noqon Karin ee ay cidla iska lugoynayaan.
Aniga way ila qumanayd sida ay u falanqeeyeen arrintaas; waayo uma sahlana dad kooban inay deegaanka u sameeyaan mashaariicda danta guud iyo adeegyada bulshada ee loo baahanyahay. Dadka tuulooyinka degaya laftooduna kama helayaan shaqo ay ku noolaan karaan. Laakiin mushkiladdu maaha dhinaca ay ka hadlayaan ee waa ficil gooni u goosi oo jifadu ku muujinayso madax bannaanideeda. Arrintaana waxaynu ku eegaynaa qormo gaara, haddii Alle idmo.

Related posts:
sheekh axmed marakan wey kaa xumaatay!!!
alshabaab iyo suufiyo la isma barbardhigi karo waxaad soo bandhigtayna waxbaa ka weyn.
alshabaab waa niman aamisnan allaah kaliya
waa niman aaminsan in sharciga allaah dhulkoo dhan lagu mamulo.
waa niman gaaladu necebtahay iyagan gaalada neceb.
suufiyadu waa niman aaminsan in dad dhintay kuwo nool iyo dhagxaanba la baryi karo.
waa niman aan shaqo ku lahayn al-amru bil macruuf wannahyicanil munkar.
waa niman gaaladu jeceshahay iyana ay jecel yihiin.
waa niman hubka iyo rasaasta iyo dhaawaca loogu qaado adis ababa.
ku:geedaawi.
war sxb waxaan rabay inaan ku dhoho shiikhu kamuusan hadlayn fikirkiisa ,ee wuxuu ka hadlay dadkii gaariga saarnaa waxay dheheen oo hadalkoodu meesha uu ka gaaray yacnii saas ayuu ahaa hadalku ee sidaad u qaadatay maahan akhuunaa
Geddaawi,
Sheeku dhacdo ayuu soo wariyey, ammaanada ayaana ku jirta in dhacdooyinka sidooda loosoo wariyo.
Sheekh Axmed
Horay usoco oo qor!! qalinkaa ma jabo!
Azaam
allaah haku barakeeyo waad i saxday