Dr.C/Qaasim oo Dhinacyada Dalka iskuhaya ugu baaqay inay heshiiyaan.

Published on March 19, 2010 by   ·   11 Comments   ·   print

Dr.C/Qaasim Salaad Xasan oo horey madaxweyne uga soo noqday Soomaaliya ayaa dhinacyada isku haya Dalka ugu baaqay inay Dagaalada joojiyaan, Miiska wadahadalkana isugu yimaadaan una gardhigtaan waxgaradka iyo Culumada Soomaaliyeed.

Dr.C/qaasim oo u waramayey Idaacada Hornafriik ee Magaalada Muqdisho ayaa si kulul uga soo horjeestay Dagaalada haatan ka socda Dalka wuxuuna tilmaamay inay dhibaatada ugu xoogan ka soo gaartay Shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu ku baaqay in dhinacyada Al-Shabaab, Xisbul Islaam, iyo Dowlada Sheekh Shariif u gardhigtaan waxgarad iyo Culumo aan cidna u eexaneyn xal kama dambeysana u keenaan Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed.

C/qaasim oo arimahaa ka hadlaya ayaa yiri:“Xalku wuxuu ku jiraa hadii Nimankaas dhalinyarada sheeganaya Diin iyo Soomaalinimo leeyihiin, hadii Xisbul Islaam Diin iyo Soomaalinimo leeyahay, hadii Sheekh Shariif iyo Maamulkiisu Diin iyo Soomaalinimo leeyihiin Dadka wixii ay baabi’in lahaayeen waaba baaba’eene inta hartay siyey u badbaado garnaqida inta loo dhiibto waxgarad Soomaaliyeed oo aan Nina u eexaneyn oo ikhyaar leh oo Culumo leh oo aqoonyahan leh oo siyaasiyiin leh in layiraahdo Umada Somaliyeed wixii u dan ah anagu xabad dambe wadi meynee waa idiin dhiibnee ka taliya”.

Reergalbeedka iyo Mareykanka ayuu ku eedeeyey inay Mas’uul ka yihiin burburka iyo dhibaatada ka dhacday Dalka Soomaaliya wuxuuna sheegay inay duminta Qarankii Soomaaliyeed u adeegsadeen Jabhado kala duwan.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. C/qaadir Soomoow “Dadka Soomaaliyeed ee Hogaamiye Kooxeedka horey u ahaan jiray ee Dalka ka baxay ee rag Muqaawamada ka tirsan ay Dalka ka saareen, anagu raali kuma nihin in dalka laga saaro waa Dalkii ay u dhasheen inay ku soo noqdaan baan qabnaa”
  2. Dhinacyada ku Dagaalamay Warxoolo oo Guulo Sheegtay & Al-Shabaab oo Sheegay inay qabteen Doomo Hub ah
  3. Sheekh daahir ow cabdi oo caawa dadweynaha reer boosaaso ugu baaqay inay caawiyaan dadka ka barakacay muqdihso
  4. Waraysi:- Caraale “Mujaahidiinta waxay u dagaalameen inay Cadowga ilaahay Dalka ka saaraan”
  5. C/qaasim oo ka hadlay Qaraxii Shaamoow, Shacabka loo gacangalinayo Itoobiya & Duqeynta AMISOM

Readers Comments (11)

  1. wacane says:

    bismilaaah

    WAA RUN yaase diidan wada hadal iyo nabad u sheega kuwa garta laga leeyahay ee hadana diidan iyo gar dhigtaan sida xisbul islaam iyo alshabaab una diiday shacbiga soomaliyeed dowladnimada iyo xasiloonida …..

    *******************************************

    ilaahay waxaan ka baryayaa inuuu guusha siiyo sheekh shariiif una gargaaro waxaan talo ugu soo jeedinayaa xataa hadii nabad iyo xasilooonidu ku jirto in xisbul -islaam talada uga dago kuna wareejiyo dowlada si aan nabad iyo dowlad u helo dhiiga dambe oo bilaa macno la’aan ku daadatana looga hortago ……****************

  2. laangare says:

    CABDI QAASIN HALOO DHIIBI DALKA ASIGAA IS TAAHILO INUU MADAX NOQDO ASIGAY IS FAHMAYAAAN AL SHABAAB

  3. la yaab says:

    la yaab badanaa waa mooryaan weynaaday oo daaha gadaashiisa isku qarinaya
    mooryaan asal iyo farac mooryaan

  4. sidi says:

    cabdiqaasin wax afkaar ah oo aad somaliya maanta ku leedahay majiraan. cid ku dhagaysanaysan majirto. markii adeerkaa maxamed siyaad shuuciyada nagu baabi’yey maalin maadan dhihin waa khalad. markii warlordsku na baabi’yeen maalin maadan dhihin halagu jihaado. markii talada laguu dheebay maalin maadan dhihin shariciga islaamka ayaa inoo dan ah. maantana maadan dhihin sharciga islaamka ayaa noo xal ah marka koofiyada iska dhig inta kale cilmaani baad iila muuqataaye.

  5. Waaya Arag says:

    cajiib..
    Hadaanu shacabkii soomaaliyeed nahay ilaah umbaan u sheeganeynaa bathanaa wa xuznanaa.meeqa sano ayaa xabadi naga dul dhacaysaa,intee diric waayeel iyo caruuri xabbad dubatey,imisaa daari burburtay,dakhalna jabay,bal saw lamasoo gaarin goortii dalkaan iyo dadkaan la sabata bixin lahaa,yaa la xukumi doonaa..? yaase dalkaan ku hari doona..?
    Cid kastoo kalese ha ahaatee yaa la garrami shabaab oo dhaar ku maray in dalkaan iyo dadkaan ay dabada ugu xiraan doonta sabaynaysa ee laga hagayo buuraha Afghanistaan,danna aan ka lahayn hadii la baaba’ayo iyo hadii kaleba, kuwan xizbul-islaam la baxayna iskaba daaya,shariifna xaalkiisii wuxuu noqday doolar raadin iyo madaxnimo u waalli..
    si kastaba ha ahaatee cabdi qaasimow ninkii miyir leh ayaa lala hadlaa ee wax uun ka go,aan ee nin wax lagu qufulay oon soo dabceynin seed ka yeeli..? Alshabaabna waxaa ku qafilan quful kaliya Alqaacidda uun ay furi karto,Xizbul-Islaamna quful,aan jiho lahayn ayaa lagu qufulay,shariifna reer galbeed baa quful Argagixiso la dirir ku qufulay,markaa intuba waa kaaf iyo kala dheeri…wallaahul-mustacaan,mid kastana remout control ayaa lagu hagayaa,sidii gaarigii yar ee cayaalku ku cayaaraan ee electronicada ah meeshii loo jeediyana uun u jeedsanaya.

  6. hymo says:

    Waxay ila tahay shaxdii C/Qaasim baa geesna u socon la’. Sida la sheegay isagaa ku dhiiriyey Indhacade inuu Xariifka ama Afgaduudka-boy u galo. Odayga Xasan Daahirna dhinac buu kala shaqeeyaa, kooxda la yiraahdo Islaaxna (Muslim Brotherhoodka Somalia) dhinaciisuu ka miisaa. Laakiin waxay u muuqataa inay qirin qiir ku jirto shaxdii.

  7. libaax says:

    odaygaan waxaa la fiicnaan lahayd inuu la hadlo
    g/galaal oo gacanyare u ahaa waaguu dadka ku qalday hadal macaani hoos qabyaaladi ka riixayso galaalna atoore ka yahay, waxuuna qayb wayn ka qaatay burburka soomaliya mar hore
    iyo mar danbaba ,ee yaa asaga iyo soomaaliya markaa hore garta ukala qaadaya, waana la ogaa sida soomaalidu u soo dhawaysay , laakiin nuur galaal iyo mooryaan buu dhaagta u dhigay.
    ina salaadow maad xaqiiqdaada wajiga ka faydid.

    rabbow islaamka igu dil.

  8. hymo says:

    C/Qaasim oo xaafad Muqdisho ah ka samayn waayey isagoo dhawr boqol oo Malyan ka soo qaatay dawlado Carbeed baa wuxuu ku leeyahay nimankaas Dhalinyarada sheegta. Bal C/Qaasim recordkiisa dib u fiiriya iyo kan Dhalinyarada dabadeedna is eega. Waxaa iska cad in waxa meesha yaalaa uu yahay hinaase (jealousy). Wuxuu ina leeyahay mar haddii aan anigu waxba qaban waayey, waxaan rabaa in wixii wax qabanaya in la marin habaabiyo oo farta lagu fiiqo oo la yiraahdo wadahadal ma ogola, Soomaaliya jiritaankeeda ma ogola, blah blah blah.

    C/Qaasim wuxuusan ogayn in mashruuciisa la fahan san yahay. Rag buu maalgeliyaa oo xukunka Soomaaliya la rabey marka waxaa muuqatey in mashruucii ka kac yhahay. Indhacadow Shariif Axmed u gal, hana yeelin in ciidamadaada lagu dhafo ciidanka Shariifka, qoladaan Xisbul Islaamna aan la shaqayno, ninkaan Galaalna gobolada Dhexe dagaalka haka soo wado. Waar yaa been loo sheegayaa. Waxaan maqli jirey munaafaqadu intay wareegto oo wareegto bay ninkay ka timid dib ugu noqotaa. Inshallaah, waxaan rajaynaa in mashruuca munaafaqada ahi fashilmo.

  9. khaadimul-ISLAAM says:

    BISMILLAAH.

    horta ninkaan asaga yaa garta keenaya asgaaba eedaysane ah, markuu tiisii garta keeno mid kale ha u gudbo , ninkaan soomaali badan waa dhunshay
    ALLAAH SUBXAANAH baa ka abaal marin doona sida uu diinta ugu dhuuntay oo haddana qabyaaladda ugu
    sacabiyay waxna ku dardaray.

    WALLAAHU ACLAM

  10. farah says:

    HYMO,

    Waa sidaad u tilmaamtay.

    Kuu roonaan lahaydaa haddii mashaariicdaa aad
    wax ka timaantay ay iyaga maskaxdooda ka iman lahayd.

    Waa mashaariic laga soo abaabulay lagan hagayo
    meelo kalo, iyaga waa dammero la raranayo.

  11. wadaad yare says:

    Hymo

    Macangagnimadii diineed ood muujin jirtey ma macangagnimo qabyaaladeed bay salka ku heysey sowdigaan burqadey oo hal reer shakhsiyaad ka tirsan oo hal reer ah tooshka ka daba qaatey?

    Inta kooxood ood tirisey oo nimanka halka jilib ah aad kala soo dhex baxdey soo qabiil kasta oo soomaali ahi kuma wada jiro? Hadaan wax kaa dhex guuxeyn maxaa raadaarkaaga tusey hal reer oo qura ood C/qaasim ula xiriirineysaa?

    Ma qabiil buu ka hadley mise arin guud maxaa qabiilka iyo abtiriska meesha keeney?

    Awalbaan la yaabi jirey waxa garashada kaa qaadey, mindhaa bahashii soomaali faceed ka reebteybaad la sarkhaansantahey!




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. C/qaadir Soomoow “Dadka Soomaaliyeed ee Hogaamiye Kooxeedka horey u ahaan jiray ee Dalka ka baxay ee rag Muqaawamada ka tirsan ay Dalka ka saareen, anagu raali kuma nihin in dalka laga saaro waa Dalkii ay u dhasheen inay ku soo noqdaan baan qabnaa”
  2. Dhinacyada ku Dagaalamay Warxoolo oo Guulo Sheegtay & Al-Shabaab oo Sheegay inay qabteen Doomo Hub ah
  3. Sheekh daahir ow cabdi oo caawa dadweynaha reer boosaaso ugu baaqay inay caawiyaan dadka ka barakacay muqdihso
  4. Waraysi:- Caraale “Mujaahidiinta waxay u dagaalameen inay Cadowga ilaahay Dalka ka saaraan”
  5. C/qaasim oo ka hadlay Qaraxii Shaamoow, Shacabka loo gacangalinayo Itoobiya & Duqeynta AMISOM

Latest Headlines