Abu Mansuur:-“waxa Soomaaliya ka socda waa jihad Ilaaheybaana faray”.

Published on March 19, 2010 by   ·   80 Comments   ·   print

Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa ka soo horjeestay Go’aano ka soo baxay shir dhawaan ka dhacay Dalka Imaaraadka kaas oo lagu sheegay in Dagaalada Soomaaliya ka jira hada aysan Jihaad aheyn wuxuuna tilmaamay in waxa soomaaliya ka socda ay yihiin Jihaad.

Abu Mansuur oo Maanta Salaadii Jumcaha kadib Hadal ka jiidiyey Masjidka Nasrudiin ee Magaalada Muqdisho ayaa yiri:“Maalmahaan waxaad maqleyseen shir lagu qabtay meesha layiraahdo Imaaraadka oo laleeyahay soomaaliyaa lagaga hadlay Jihaadka ayaa lagaga hadlay oo Culimo Dad Sheeganaayo oo waliba Soomaaliya oo qaarkood aan saaka dhageystay lahaayeen Jihaad kama jiro Soomaaliya, Isbuuc ka hor waxaan dhageysanayey mid kaloo mareykan jooga oo sheekha oo Soomaali ah oo hadlaayey oo lahaa Soomaaliya Waligeedba Jihaad kama dhicin… Mashalay baad waalneedeen markaad shalay Muusa Suudi iyo Qanyare Ridey galeen aad Fadwooneyseen oo waliba Tarabuunka aad warkaas Codheer aad ka dheheyseen mise maantaad waalantihiin”.

Culimada ku nool dibada ayuu ugun baaqay inay dalka ku soo laabtaan Fadooyinkana dadka dhexdiisa ka sheegaan waxaana hadalasiisa kamid ahaa:“Xamar badankeedu waanabade guryo aan hoteelo aheyn oo lacag ku baxeyninbaad dageysaane soo laabte wadanka Imaada hadaad la heystayaal tihiin hadii kalana walaahi ilaahey diinkiisaad ka beenshegeysaan, waxa Soomaaliya ka socda waa jihad Ilaaheybaana faray hadii ay leeyihiin Yugaandheys gaalo maahan oo Buruundigu gala maahan oo mareykanka dacmiya gaala maahan oo kuwii shalay ay Ridada ku xukumeen ay leeyihiin Ridadee wey ka laabteen oo rida kuma jiraan hayimaadeen oo Mujaahidiinta dhexdooda haka dheheen hoteelada Dubai yaan laga dhihin”.

Shacabka ayuu ugu baaqay inay ka qeyqaataan Dagaalada isla markaana gacan ka geystaan arinkaan.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Kenya oo shaacisay in aysan gacmaha ka laabaneyn waxa la socda Soomaaliya
  2. Sh.Bashiir “Saameynta Mucaaradku aadbay Daciif u tahay, mana awoodaan inay saameeyaan waxa ka socda Soomaaliya”
  3. Abuu Mansuur “ Cidii isku dayda in Baydhabo naga hor istaagto ciida ayaan afka u daridoonaa”.
  4. Abu-Mansuur oo ka hadlay Arrimaha Markabka Ukrain ee lagu haysto Xeebaha Soomaaliya
  5. Sanatarka Donald payne “waxaan u imid in aan indhaheyga ku arko waxa ka jira Dalka Soomaaliya Gaar ahaan Muqdisho”

Readers Comments (80)

  1. difaac gaashaan says:

    waxaan aad usoo dhawnn hayaa kalimada walaalka abuuman suur waxaana ku raac san hay nimankafadwoon haya hayi maadaan dalka waxaan ku khi laaf san hay abuumansuur malagayaabaa in ayidin kacabsan hayaa culimadu maal mahan dan be waxaala leeyaya cid hadli kar taa majirto ama xaq ha sheegto ama yayn shee gine
    waxaan ku talin hayaa umad haloodhimriyo walaala yaal asm

  2. Ibnu Cali Alsomaal says:

    Jazaakalahuu kheey ya sheeik Abu Mansuur
    inaad saxsantihiin shaki kuma jiro oo jihaad xaq yahay, culumada ilahay hasoo hanuuniyo, duilmiga eey mujahidiinta ku hayaana ilahay ha ka qabto!!koleey jihaadkaan waligiis wa socon doona ilamaa musliimintu guleesanayaan ee wadaada wadanka iney ku labtaan ma rabaan miyaa?? haddi ey rabaan dulimiga iyo dacaayada haka dayeen mujahidiinta!!
    Allahumansur ikhwanal mujahidiin fisomaal, amiin ya allah

  3. Ibnu Cali Alsomaal says:

    Jazaakalahuu kheeyr ya sheeik Abu Mansuur
    inaad saxsantihiin shaki kuma jiro oo jihaad xaq yahay, culumada ilahay hasoo hanuuniyo, duilmiga eey mujahidiinta ku hayaana ilahay ha ka qabto!!koleey jihaadkaan waligiis wa socon doona ilamaa musliimintu guleesanayaan ee wadaada wadanka iney ku labtaan ma rabaan miyaa?? haddi ey rabaan dulimiga iyo dacaayada haka dayeen mujahidiinta!!
    Allahumansur ikhwanal mujahidiin fisomaal, amiin ya allah

  4. calikamiin says:

    ALLAHU AKBAR SH. ABUU MANSUUR ILAAH HAKUI XAFIDO WAA RUNTAA KUWAAS CULUMADA ISKU SHEGAAYO AYAGOO HALKAA JOOGA XAQA MASHEEGI KARAAN TAASNA WAA LAWADA OGYAHAY MARKA INSHA ALLAH JIHAADKA WAA LAWADAYAA ILAA MIDKEENA UGU DANBEEYO UU DHINTO

  5. cabdidheere@hotmail.com says:

    war qof caafimaad qaba ma ahan waliba waa sidaas uu yahay ninka ugu wanaagsan shabab

  6. ???? ???????khaadimul-ISLAAM says:

    BISMILLAAH.

    ALLAAH ha idinku sugo xaqqa , guushuna ha idin raacdo inshaa ALLAAHU, wax walba waa kala caddaadeen , waxaana lookala baxay , muslimiin iyo inta raacsan , gaalo iyo inta u basaasta.

    WALLAAHU ACLAM.

  7. nasratuddiin says:

    maanshaa allaah xafiduhullaah shiiqunaa abuu mansuur culumada qaareed warbaahinada caalamkey islajiraan marhadeey arkaan inmesha weerara xoog leh laguhayo ayagana bari ayeey kanoqonaayaan hadii eeysan saas aheen dadkii shalay eey ridada kuxukumeen maxeey uleeyihiin waamuslim midedakale maxaa afkooda looga maqli wayay ugaandhees waa gaalo dhulkana qalad beey ugu sooduuleen halala jihaado miyeeysan sidas diinta allaah wafaq saneen oo aaqira allaah masu aalaayaa hadeey hada soogalaan jihadka ooy kubaaqaan shiikhunaa sabra waa suno kowni ah weeye in qofka mujaahidka dhabta ah la intixamo culumadii hore markii ladhibo qaar ayaa kumahdin jiray oodhihijiray hadaan leey itaxaamin oo leey dhibin waan iska shakin lahaa waajibka i saran inaan sifiican u fu linaayo hadana koow ma ahan waliged ayeey jirtay culuma aan xaqa cadeeynin oo dadkooda dhinac karaaca culumadan aad uyereysaan ma ayagaa raba in aduunka laga rokeeyo oo la go doomiyo oo raxada eey kunoolyihiin laga qaso sida idinkoo kale dar allaah loodhibo shiikhunaa allaah ha idin xifdiyo alaahuma yansurul mujaahidiin fiikuli makaan

  8. mukacab says:

    ACWW, WALAALAYAAL MU’AYID IYO MUXAAFIDBA SIDA LOO IDIL YAHAY WAXAAN ALLAH SI NIYAD SAMI LEH UGU BARYAYAA INUU SOMALI XAQA KU KULAN SIIYO UUNA NAFAHAMSIIYO WAXA XAQA AH EE DADKU ISKUKHILAAFAAN QAARKOODNA KUKALA TAGAAN.(AAMIIN)
    INTAA KABACDI, SHEEKH ROOBOY WUU HADLAY INTII MASKAXDIISA KUJIRTAYNA WUU SHEEGAY,WAXAASE HABOON IN QOFKA MUSLIM KA AHI UU MEEL ISKU OGAADO OO MARKA EY XAAJADI AGTIISA TAALLO UU KA FAA IDEYSTAA SABABNA UNOQON IN LAKALA TAGAA OO FURSADI EY SIDAASI KUDAYACANTAA.
    WAXAN SIDAA ULEEYAHAY WALAALAHA UU KAMIDKA YAHAY SH.ROOBOW HADALKIISA AYAA WAXAAN KADHADHAMINAYAA INUU LEEYAHAY HASOO LAABTEEN CULIMADA OO FATWADOODA DADKA HAKADHEXSHEEGEEN!!! WAXAAN LEEYAHAY MAHADAA MASE MAR HORE!!!
    SOW TEY CULUMO WIXII SOMALI UGU AKHYAARSANAA UGU CILMI BADNAA ISUTAGTAY IDIINNA TIMID IYADOO DOONEYSA INEY BADBAADISO DHIIG BADAN OO MUSLIM AH OO MAANTA DAATAY KAASOO HADII LOO BABACDHIGO KAN LAGA DAADIYAY AMA LOO GEYSTAY CADOWGA UU 4 JIBAARMAYO!!! MAS’ALO WALBA OO EY U ARKAYEEN INEY XAQTAHAY EYNA KUCADEYNAYEEN WIXII UU ALLAH BARAY SI NASEEXO AH IDIINKU SOO GUDBIYEEN MARKAA KADIBNA EY JAWAABTOODA NOQOTAY IDIINKA YEELI MEYNO EE NADAAYA SAA WAXAA YIRI KAN IDIINKU AKHYAARSANAA KUWIINA KALASE AFLAGAADEYBA URAACIYEEN CULIMADII!!!
    WALAALAYAAL ALLAH WUXUU INAFARAYAA HADAAN MUSLIMIIN NAHAY INAAN XAQA ISU SHEEGNO INTA AAN KAGARANEYNO WUXUUNA INA YIRI: WA IN QULTUM FACDILUU) KAMID MA’AHAN CADAALADA HADII QOFKA AAD TAAGEERSANTAHAY HADAAD ARAGTO INUU QALAD KUSOCDO INAAD USHEEGIN TAAGEERADAADA DARTEED!!! MAYA WAA LA IDIIN SHEEGAYAA HADAAD DOONTAAN DIIDA .
    CULUMADA IDINKAA UDIIDAY INAAD SIISAAN KALSOONIDIINA MAR AAN HADA AHEYN OO KUTUHMAY WAX EYSAN EHEL U AHEYN.
    HADANA CAQLIGA UMA SUUBANA INEY IDIINKA YEELAAN IMAADA OO DADKA DHEXDIISA KUFATWAADA IDINKOO AANAN SIINEYNIN KALSOONI BUUXDA OO AH INAAD RAALLI KUNOQOTAAN WIXII EY IDIIN SOO QAADAAN OO KUSALEYSAN WAX AANAN DIINTA LOOGA BEXEYNIN!!!
    MA UTAWAADUCEYSAAN SIDA CALI IYO MUCAAWIYA (RATHIYALLAAHU CANHUMAA) EY UGU TAWAADUCEEN LABADII CAALIM EE SAXAABADA KAMID AHAA CAMR BIN CAAS IYO ABUU MUUSAA AL-ASHCARI
    INKASTOO DUUL KAAS AANAN LAGU MATHALI KARIN QOWM KAN HADA JOOGA LAAKIIN QUDWA AYEY NOO YIHIIN OO MAANTA WAXA JIRAA OO DHIBAATO MUSLIMIINTA HEYSTA AH MATHALKIISA WEYSOO DHECEEN WAXAANA XALLIN JIRAY DADKA AHLUL XALLI WALCIQDI-GA AH MARKA LAGA HELO LABADA DHINAC EE KHUSUUMAADKA UU KADHEXEEYO!!!
    EE AAWAY DADKEEDII TAN NAHEYSATAAN UJEEDAAHE.
    RUNTII MADAX ADEYGA IYO TALO WADAAG LA’AANTA AYAA SAL U AH INEY DHUNTO AMA DAYACANTO MIRIHII DACWADA EE KUSALEYSNEYD TOWXIIDKA TAASOO AAN ARKEYNO MAANTA IN JAANIS LASIIYAY DAD MARHORE LAGA ADKAADAY OO AHLU BIDCA AHAA OO SALKOODII GAARTAY DACWADII SALAFIGA AHEYD SI AAN XOOG AHEYN AMA DHIIG KUDAADAN LOO MAQUUNIYAY ILAAHEY FATLIGIISA KASOKOW CULUMO U ISTAAGTAY GUDASHADA DACWADAAS..
    MAANTA WAXEY JAANIS U HELEEN (QUBUURIYIINTII)WAAN ARKEYNAA ILAA EY HAMIYAAN INEY WAX KAQAATAAN TALADA WADANKA!!!
    INTAAS WAXAA GAARSIIYAY OO JIDKEEDA TUSAY TALO ISKU GOONI YEELIDA WALAALEHEEN UU KAMIDKA YAHAY SHEEKHA MAANTA QUDBEEYAY. OO HADII EY TALADA WAX KASIIN LAHAAYEEN CULUMADA WAAWEYN EE WAX GARATKA AH TAJRUBA BADANNA SOO MARAY NAFTOODA IYO CAADHIFADDNA ISKA XAKAMEYNKARA SIDAASI WEYDHAAMI LAHEYD AYAAN ISLEEYAHAY.
    ALLAH AYAAN MARWALBA WEYDIISANEYNAA INUU NAWAAFAJIYO WIXII XAQ AH QULUUBTEENANA ISU SOO DUMO.

  9. nasratuddiin says:

    maxaa dhacay fikrada aad uxayireeysaan

  10. Osman says:

    Ar Rooboow ciyaal xaafad uu noqday ee xay tahay?

    Culimaduu ugu booteenaa car Xamar iskeen?

    KKKK

    Ar inuu Jihaad ku jirin Rooboow wuu is ogyahay.

    Hirig hiriguu ku socdaa oo hadduu Xamar awood ku sheeganaayo, Airportka iyo Villa Somalia uu Shariifka ka kacsan lahaa.

  11. cabdi yare says:

    Ilaahayow Aniga iyaga iyo idinkaba na hanuuni ,naxariistaada cid walba garteyna ha naga qadin. aaaamiiin…
    Waxa arrin aad u murugo badan ah,in culimo ay ka mid yihiin sh.Nuur Baaruud iyo Bin Beyah uu sidaa qayaxan ugu jawaaboayo Abu-mansuur oo aan anigu garanayo heerka uu aqoonta diinta ka joogo,runtiina qof kasta oo diinta wax uga bilaabanyihiin uu ka arki karo hadalkiisan heerka aqoontiisa-anigoo aan jahli dhammaystiran ku tuhmayn-oo weliba uu u raaciyey in ay ilaahay diintiisa been ka sheegayaan oo haddii eraygan aan si sharci ah u tarjumo aan ku wado in uu la micno yahay(IFTIRAA CALA LLAAHI KADIBAN).
    Miyaydaan ila dareemayn wadaadow inta ay xadhkuhu inoo go’een ee keenii dhawr boqol oo inan oo AK sita oo ka amar qaata arkaaba ummadda dhiigeeda ,culimadeeda iyo sharafteedaba ku dhoobaysanayo…

    Mise walaalayaal waxa xujo sharci ah agtiisa ka ah qofku Dubai hadduu joogo in xaqa iyo cilmiga uu ku hadlaa uu baadil yahay,diintee,asalkee iyo caqligee hadalka noocaas ahi ku salaysan yahay,si uu u buriyo qodobbada ay culimadaasi sheegeen ee ku salaysan aqoon iyo xikmad culus.

    Muxuuse saaxiibkay caqligayaga iyo dareenkayagaba ugu ciyaariyaa isagoo leh culimadu Muqdisho ha yimaadeen,iska daa in ay Muqdishoda aad ka taliso yimaadaane,sow kuwa khaatiyaanka ka jooga telefoonada hanjabaadaha ah ee halkay idiinka carareen aad kaga dabo geyseen.
    Haddibase iyagoo halkaa fog jooga markay hadleen sow adigan ku xukumay inay diinta Alle been ka sheegeen si cadna ugu dhawaaqay,maxaa sugaya haddiiba erayadaadan run u qaataan oo Muqdisho yimaadaan?Sow niman xukuman ma aha?

    Maxayse la kulmeen kuwii erayo fatwadan culimada ka fudud oo aydaan ka helin ku hadlay ee weliba qoryaha ay cid ku laayaan iskuna difaaci karaan sitey? ee uu ugu danbeeyey walaalkeen Barre Cali Barre.
    ilaahow diintaada nagu sug,walaalahayana soo hanuuni,cadwga noo milliqsanaya ee aanu isu jebinNAYNONA NAGA QABO..WC

  12. Hanad says:

    ” Kaalaya oo dhexdayada imaada oo hadalkaas ka dhex dhaha” ku lahaa,adigaaba is cadeynaya abuu mansuurow inaad 7 xabbadood ku dhufuto ayaad rabtaa saw maahan..? la yaab waaye .
    Hadiise nin culimo ah uu Fatwo diini ah oo uu cilmi iyo xaq u arkay soo saaray,isla markaana aan waafaqsaneyn manhajkaaga miyaad u hanjabi ood ku oran “car oo kaalay dhexdayada ka dheh”? yaa ilaahii inqalabatil-mawaaziin.
    sawtan keentay ma ahan in culimadii ka carareen dalkii oo wiilka yar ee 16ka jiraayi uusan ka tawaqufeynin dhiigiisa ma ahan..? allow na badbaadi, weligay ma arag nin culimo ah oo loogu goodinayo cilmi uu fatwooday.Dhab ahaantii wiilasha kurayda ee yaryar ayaa kaaga haboonaa kelmadaas inay yiraahdaan.

  13. Geedoow says:

    ALLAAH HAKU BARAKEEYO SHEEKHUNAA

  14. abuzamzam says:

    MAANSHALLAH

    walaalka sh abu mansuur xafidahu allahu waa ninmlagu garanayo ka run sheega xaladaha adunyada waana nin an fudeyd lagu aqoon culumada u shegayna waxan leyahay akhi abu mansuur iska dhaafa waa dad intay mujahidinta iska nasahayen diinka ka been shegi raba oo gaalo ka baqaaya ayagoo dalko dhan u nabad yahay mujahdintu hestaan ayay ahdana yurub iyo mel daran oo naag gemeente jogta la gacan qadayo jogaan ilaah haka baqeen

  15. idil says:

    xaqa allaah baa la jira guushana waxaa leh kuwa u dagaallamaya in kitaabka allaah sara maro alloow idiin gargaar dadkii weyba baqayaan laakiin la is deyn maayo wallee

  16. xasan shiiq says:

    ilaahey nacadad hakugu diyo gaal gaal dhalay baad tahay intaad dadka dhiigoo baneesatay ayaad leedahay culumadu war kooda waa been eelay eelay dhalay

  17. Duulane says:

    Shirka Culimada ee Mogadishu iyo go’aankii Culimada soo taad diideen ??

    Go’aankii Shirka Culimada Mogadishu.

    1)6 bilood AMISOM waa in wadanka looga saaro,

    2)fadhiista miiska inay wada hadal la galaan Sheik Sharif

    3)Shiraacada wadanka haa lagu dhaqo.

  18. istaahil says:

    w/s
    walaaloyaalwaan idin salaamayaa.
    abuu maansooroow markaad wax sheegayso ayaado iyo axaadiis sheeg culimadaasi way na qanciyeene hadaanad wax daliila hayn iska aamus oo fitanadaa dhex dabaalo.
    ragaasi way khaldanaayeen markay lahaayeen qanyare iyo la dagalama waxa kale ooy moodayeen inay muslimiintaa soomalida ah nabad helayaane may mooday in alqaacida dabada loogu xidhayo ooy waligood rafaadayaan.

  19. Axmed Cumar says:

    Allaah ha kubarakeeyo Afkaadana Caana lagu qabay Macalim Mukhtaar . Waxaad ahayd Macalimkeygii Qaaliga ahaa Allaah ha ku dhawro Aamiin Aamiin Aamiin Aamiin

  20. abuu mujaahid says:

    as/cl alaahu akbar waan ku faraxsanahay baaqa uu soo jeediyay al-akh al-mujaahid abuu mansuur waana baaq wanaagsan oo aan ku jirin aflagaado culimada soomaaliyeed waxay culimo u yihiin shacabka muslimka ah ee soomaaliyeed shacabkaas oo dega somalia marka ha yimaadaan somalia oo haka hadlaan haday waxay sheegayaan ay xaq tahay hadaysan xaq eheyna alle ha uga cabsadaan mujaahidiinta aflafaadadeeda iyo in ilaahay wax uu waajibiyay aad dhahdid ma ahan waajib diintaada ayay qatar u keenaysaa adigoo cilmi u leh hadaad xaraan ku tilmaamtid wax uu alaah wajibiyay wixii qaladaad oo jira ha saxaan culimada lkn jihaad socda yeysan joojinin hana ka cabsanaan maalin alaah iyo adiga qofna idin dhaxaynin mahadsanid abuu mansuur mujaahidkeena alaha ku xifdiyo macsalaama.

  21. Cali Guure says:

    acw

    AAaaaaaaahin aah alkh abuu Mansuur. Maanta mar kale ayaa dadka lagu horgeeyey si aad u yareeyso dillaaca ballaaran ee muuqda ama sii dillaacaya.

    Maasha Allah lam tukhayib (maadan niyad jabin) dadkii ku dhageysanaya gaar ahaan markaad tiri wi bixuzn,

    “Waxaa jira gefaf ka dhaca Mujaahidiinta marka dadka waxa looga baahan yahay in ay u dulqaataan. Mida kale anaga diyaar ayaan u nahay in qaladaadkeena noola sheego”

    Yaa salaam. Tallaabo kale oo horsocod ah. Ka warran culimada hana saxdo haddaad dhihi lahayd ama seefta nagu toosiya sidii salafka dhihi jireen.

    Si kastaba ha ahaate, in badan ayaan idiin sheegnay khaladaadkiisnna inuu culays iyo dulsaar ku noqday jihaadka. Maanta waxay culimo iyo caamama u muuqdaa inaad gefteen hadafkii jihaadka oo

    -gefafkiinna noqday kuwa loo dulqaadin karin

    -Ku abuurtay dad badan shaki iyo shuhbo

    -Ugu horreyso sidaad ugu fashilmanteen dhisid dawlad Islaami

    -Habkaad u banneysateen dhiigga mujaahidiinta kale

    - ama u kala daadisiteen midnamadii mujaahidiinta

    -ugu fashilanteen helidda kalsoonida culimada iyo meelaha aad joogtaan

    -U muuqdaan xarakah darwasha xagga maamulka iyo dawlad dhisidda

    - Xisbiga idinka fogeeysay kaddib markaad mooddeen inaad dhiiga mujaahidiinta la baxsan kartaan

    Iwm.

    Inta kale oo aad akh Abuu Mansuur sheegtay waa khaliidh iyo in Amiirka shabaab “Godane” kaaga dhuuntay hor istaagga dadka. Waxay ahayd in Godane dadka hor istaago oo intaad tiri ummadda ka hor yiraahdo. Waa asafaa wadna iyo xisaabaad kale ayaa diiday.

    Waxaa xaqiiqo ah inaadan si cilmi ah u tafniidin warkii ka soo baxay shirkii Dubay.

    Arrinta jihaadka Soomaaliya culimadaasi ma asiibin sida wax u jiraan. Dhiridhirntoodu waa mid bar jafan oo weliba yaab mudan.

    Laakiin akhaana Abuu Mansuur yaa fursaddaasi siiyey?

    Waa shabaab iyo Xisbiga idinku daba daaley sidii uu hadda ka hor idiin xaq dhowrayey.

    Waxaad diiddeen sida Idaacadda Andulus uu amiirkiinna ka sheegay in wax culimo ka jirin Soomaliya isaga mooyee.

    Maalintii la ilqeeyey culimada caamilinta ahaa ama aad la timaadeen asbaab guriga caarada ka jilicsan oo aad ku diiddeen culimada, waxaad albaabka u furteen in cid walba fatwoodaan.

    Dhibka ay fatwadan leedahay cid walba oo jihaadka mirahiisa in la badbaadiyo mudan waa uu garan karaa.

    In badan ayaan boggan ku qorey war marjic culimo hala sameeyo jawaabta aan maqleyey ma quruxsanayn.

    Maanta haddii baahida lawada arkay mala sameysan doonaa mase Godane sidii hore ayuu diidi doonaa.

    Dhaxaalada diiniga ee qaar hogganka shabaab waxaad ka akhrin kartaan kitaab uu qorey mid majhuul ku ah saaxada oo idaacadda Andulus ka keensaday Imaaraadka lana yiraahdo Abuu dhalxa.

    Abuu dhalxa isaga oo aan ahal u ahayn fatwa lana aqoon asalkiisa dacwa ayuu u jawaabay codsigii sh. Xasan Dahir iyo rag mustamiciin ah siday oo kale. Waxaa uu qorey risaala yar oo la yiraaho “al idaax fiimaa waqaca Axmed Madoobe fil al kufri albawaax”.

    Hadda ayay gacanteyda uu soo galay buuggaasi laakin fadhaaxishii akhrisay waxay ii sheegeen in cilmi jirin oo guulwadayn ka muuqato meesha.

    Markaan akhriyo waan idin la wadaagi doonaa qiimaytayda iyo muggiisa cilmiga bicadaalah.

    Ilaahow xaqa nagu sug

  22. umuladan says:

    asc
    walaalkay abu mansuur run ayuu sheegay culimo islaam haday yihiin oo aan jihaad soomaliya ka jirin inta wadanka tagaan dadka ha uga fadwoodeen lkn hoteel dubai ama mareykan iyo yurub ayaan war ka sheegayaa waxaas waxaan rajeynayaa inay tahay maraykan maqashii inaadan mujaahidiinta ku mab da ahayn,tan kale malaha mujaahidiin waxa loo yaqaan kuwii caydiid shegi jiray marka wixii caydiid ka dambeyey jihaad ma jiro ha dhahaan oo warkooda ha cadeeyaan ama gaaladaan maalin kasta dhulka islaamka haysta oo madafiicda ku garacdaa goobaha shacabka ayay ku qanacsan yihiin
    oo markii c/laahi jogayna waa jihaad
    hadii shariif yimidna jihaad dhamaa
    ilaahay ayaa idiin jeedaa ee alle u noqda hadaydaan islaaamka garabsiinayna ka daysta war xumadiina,

  23. Af-nuug says:

    Kooxdan ayaga mooyee aduunka intiisa kale wuu khaldanyahay oo ayagaa isla saxan,jihaadka uu sheegayo soo ma’aha in la’rideeyo shakhsi shantiisa waqti gutay,shariicada uu ka hadlayana waa tan aana golo shuura leheen oo buuraha taara buura uu go’aankeedu ka soo baxayo,Bal somaaliyeey nimanka nidaamka eey wax ku maamulaan iyo dictaateernimada is bar-bar dhiga oo ka fakar,abuu mansuur waa ninkii badbaadshay ina adeerkii xaabsade oo uusan xataa hubkii ka furan tasoo eey qabyaalad ka danbeeysay meesha mujaahididiintii eey fikirka isku khilaafeen ku shabadeeyay RIDA,bal culamadii PHDga ku qaadatay culuum al’islaamiyah iyo kuwii somaliyaba waxaa ka saxsan oo ka aqoon dheer will yar oo geed hoostii safiinaha iyo dhowr aayadood loogu maray,ilaahayoow kooxdan hadeey jihaad wadaan garabkooda gal hadii eey khawaarijtii la’sheegi jiray yihiina cadaabtooda u soo da’daji oo naha qabo fitnadooda.

  24. adoon ilaahay says:

    subxaana alaah
    iloow hanagu salidin duul aan kaa cabsan anaga noo naxariisan

  25. khalif says:

    Abumansuur waa nin iska hadlay oo aan diinta islaamka takhasus cilmiyeed u lahayn. Runtii diinta waxaa laga qaadanayaa waa culimda Soomaliyeed ee aan dhiiga gacanta kula jirin. Somalidu waxay tidhaahdaa nin qoyan biyo iskama dhowro, Abu mansuur dhiiga uu faraha kula jiro ayuu u qiil banaysanayaa. Abuu mansuur ma waxaa jihaad u taqaanaa dagaalka aad Ahmed mdoobe aad dhooblay iyo jubooyinka aad ka wadaan. Ma waxaa jihaad ah kan ka dhacaaya Wabxo ee aad suufiyada kula diriraysaan. Ma waxaa jihaad ah kan aad ka wadaan baladwayne ee aad raga soomaliyeed kula diriraysaan. Ugaandhiiska iyo burindiska hadii aad soomalinimo aad ku heshiisaan waad iska saari kartaan, laakiin runta dagaalka socda waa mis soomali ka dhex taagan ee maaha mid gaal iyo muslim ka dhaxeeya.

  26. libaax says:

    waa hadal caqliga gali kara oo la faahmi karo, aadbaan ula yaabi jiray kuwii shalay wadaado ahaa maxaa maanta baddalay ? soomaaliyana waxa ka soda waa iska caddahay oo waa laba dhinac oo
    kaliya gaalo iyo kooxdood oo isku dhinac ah iyo
    mujaahidiinta iyo taageerayaashood oo dhinac ah
    marka dhexdhexaad baan ka istaagaa labadaas ma lahane waa inaad qofyahow soomaaliga ahi meel
    qabsataa intaan xujjadu ku qabsan.

    rabbow islaamka igu dil.

  27. salmaan says:

    as war wab

    waa sax shiikhu waa asiibay nimankan shiikhoow warkoodu waa caddaaday oo xataa caamadii waa fahantay maalinba waxay hawadooodu doontay fadwoodaan …

    waxad haysaan waddadii xaqa ahayd mar qudha mujaahidiinta alshabaab oo is tanaaqudaya ama is burinaya arki maysid …

    amisom,itoobiya,ameerika iyo kan soomaaliga ah ee lasafanba waa isku xukun waana sharci inlala jihaado waana wax qofkasta oo caami xataa ahi garan karo …..laakiin kuwa ururrada diiniga ah sheegta ee mujaahidiinta uun caaya waxay fulinayaan khuddadii maraykan ee …..la dagaalanka mujaahidiinta magac diimeed say ku sheegeen darasaddoodii 2007 …..waana socotaa laakiin derbi adag ayaa idinka horreeya aakhirona allaa idinla xisaabtami khawanooy…..

    mujaahidiintu ha sabraan hana isu dardaarmaan sabir waa jabeen cadawgii alle …….salaama

  28. ciilqabe says:

    Abuu mansuur: waxan fahan!
    1-Gaalada adigaa wadanka oogu yeedhaya oo soo bataay leh adigoo aan waxba katareynin.
    2-adigaa leh Xisbul islaam waa qaar hadda ridoobey iyo qaar ridoobi doona.
    3-adiga dartaa ayey culimadii soomaaliyeed xamar ooga soocarareen
    4-adiga dartaa ayey suufiyo gaalada uraaceen urur hubeysanna usameysteen
    5-adiga dartaa ayaa loo taageeraa DKMG ah oo lagaa fadhin la,ayehy.
    6-adigaa sabab u ah qaxxa iyo dhimashada kumanaanka kun ee muqdidihu ku dhibaateysan

    @@waa is weydiinee Taageerada Eratariya oo gaalo ah kusiiso maxaa kaduwan taageerada gaalada kale

  29. abduu mohamad abdi says:

    asc.
    WARKAN WUXU KU SOCDAA SHABAKADA SOMALI MIRROR LAFTEEDA OO IYADU TAGEERTO ALSHABAAB IYO AKHRISTAYAASHABA.
    salaan ka bacdi waxa an raba inan wax ka iraahdo ninkan culimada u hanjabay ee yiri ha yimaadeen mujaahidiinta dhexdooda hana ka yiraahdeen jihaad maahan waxa ad xamarka wadaan. taa macnaheedu waxa weeye hadaa tiraahdo surkaa laguu guduudinayaa.
    bal isla garanay dadka uu tiriyay ee ah uganda, burundi, iyo cida dacmisa oo usa ah inay gaalo yihiin, lakin gaaladu maxay meesha ku yimaadeen yaasa sabab u ahaa. jawaabtu waxay tahay adiga ayaa keenay sababna u ahaa oo adaan tamar hayn waxna iska celin karin yiri aduunka oo dhan baan qabsanayaa.
    runtu waxay tahay in aan laga shakin karin in adiga laftaada mukhtaar iyo kuwo kula midka aha ay maraykan u shaqeeyaan. shacabkana aad u qaadateen khamiiskana waad waalaysaan si fiicana idinma yaqaniin. waxa la ogyahay in usaama iyo qoladiisa la mabda,a ah waagi afgaana y ka dagaalamayeen in saanada hubaka iyo rasaastaba ay siin jireen ameerikaanka iyaga oo ku jabinaya awood markaa ay ka baqayeenoo ahayd midowgi sofyeti, ka dibna markuu midowgi sofyeti meeshi ka baxay ayaa usama laftiisa lagu soo jeestay waayo danti laga lahaa ayaa laga gaaray, hadaba maxaa shacabku somaliyed idinku aaminayaa maadaama aad ku xirantihiin kuwi ameerikaanku xariga u jaray kana amrqaadataan iyaga oo aad culimadi somliyed diideen warkooodi iyo taladoodi aadna sidaa ugu hanjabayso, runta waxa weeye mindida aad sidato daabkeeda nin kale ayaa gacanta ku haya, hadaba waxad isku daydaan ugu yaraan mindida daabkeed in gacantiina uu soo galo idinka oo somali ah markaa ayaad culumo iyo wax garad iyo aqoonyahan wax ka maqli kartaan.
    isku soo xooriyoo raga hogaanka idin hayaa mas,alo diini ah kama jawaabi karaan oo waa la is yaqaanaaye sidee u jihaadaysaan.

  30. xaaji xali says:

    asalaama calaykum aqiristayaashow
    waxaan marka hore umahad celinayaa culimada soomaliyeed iyo kuwa dunida muslimka ee kusheray imaaraadka waxaanaan leeyahay Jazaakumulaahu kheyran jihaadkana waxaa kamida
    kelimada xaqa oo loosheego madaxda fujaartab ah
    hadi aan eego dhinaca al shabaab
    waadinka culimadu hasoolaabato mawaxaad dooneysaan in aad toogataan
    hadii laydiin sheego xaqa miyaad qaadataan

    in ladacniyo culimada waa mid kamida sifaadka
    qawaarijta marka waad cadaysatiina wada

  31. xaaji xali says:

    salamulaahi calaa qeyril qawaarij
    waan garanayaa ninkan aad kumaga cawden abuu mansuur waxaan wada dhigan jirnay jaamacatul mislaamiya wax uu ahaa ardada kuwa ugu liidan
    maantana waxa uu utaaganyahay jaahilkaasu muftiga al shabaab

  32. wacane says:

    bismilaah

    nin baa yidhi ” TIMIRTII HOREBA DAB LOO WAA ” waxaan uga socdaa CULIMADII horeba warkooda la qaadan imisa baaq iyo talooyin bay soo jeediyeen oo warkoodii waxba laga dhagaysan waayay walaalayaal imisa bayaan ayay soo saareen culimadu sowtii waxba kama jiraan laga dhigay waliba lagu sheegay inay yihiin WADAAD XUME ka been sheegaya diinta …. waa run shalay jihaad baa lagu jiray laakiin dowlad islaamiya ayaa ku dhalatay jihaadkii waana wixii loosoo halgamay laakiin qolo kaliya ayaa damacday inay dariiqooda iyo fikirkooda wax ku muquuniyaan taasbaana ilaa hada socota …….

    alshabaab hadii aana ku raacin MANHAJKA ay qabaan cilmi kasta iyo fiqi kasta hadii aad usoo jeediso waxab maad sheegin ee been baad sheegtay diintana waad ka been shaagaysaa ,,, ka dibna waxaa xiga in dhiigaaga labanaysto oo lagugu xukumo murtad ……………………..

    culimada islaamku wey is khilaafeen khilaafkooduna raxmad buu noqday ee dhiig iyo naf goyn ma noqon dib haloogu noqdo wixii umadda isku khilaafi karto iyo wixii aan la isku khilaafi karin …………………..

    ilaahay baa diinta islaamka soo rogay isaga ayaana ilaalinaya ee ilaahay haynagu sugo hana inagu oofsado muslimnimo adoomihiisa wanaagsana hayna raaciyo aamiiin ——
    ————————————————

  33. c/xakiim yare says:

    `alle kacabsada ee waxaad qoreeysaan alle kagacabsaada

  34. carab says:

    Asalaamu calaykum walaal hadaan kahahlo ariimahaas waa sax ariinta oo lay yahay walaalkii shiiq abu mansoor waa sax oo culimada dhahday shalay markii lala dagalamayay ku wii maraykan siiyaay lacagta oo ahaa musasuudi iyo kuwa kale oo culimada aydhahiin waa ladilikaraa marka hada aydhahayaan galada joogta wadankiina yaa lala dagalamin waa ariin naxdin leh ee waxaan dhihilahaa culimadiin waa kuwa jihaadka nuga jiraan kuwa kale numatirsanu o walahaysataa Asalaamu calaykum

  35. Abu Mucaad says:

    Allahu Akbar,

    Isma laheyn nin wadaad sheeganaya ayaa CAALIM isaga ka aqoon ROON wax ka sheegaya, Wal ciyaadubillah, Shaki Weyn ayaa iga galey Xarakada, waxaad moodaa ineysan garaneyn in [??????? ????????????]

    Hooy Culumada yaan lagu gefin..

    wasalaamz

  36. wacane says:

    To : bahda somalimirror

    fikradaha aan soo qoro masiidaysan aniga oo aan waliba wax aflagado ah soo qorin laakiin waxaan filayaa in uun aanu idin qancin ………………..

  37. Raage Ugaas says:

    Haddii Alshabab Jihaad rabaan, maxay u aadi waayeen dhulka Soomaaliyeed ee Ethiopia gumaysato??????

  38. libaax says:

    haddii aan la oran dagaalka gaalada lagu hayo waa oo islaamkana loogu gargaaarayo waa dagaal
    jihaada maxaa kaloo la oran lahaa ? shiikha hadalkiisu waa sax waana ku raacsanahay in gudaha ay soo galaan cidda rabta inay wanaag u sheegto ummadda soomaaliyeed

    rabbow islaamka igu dil.

  39. sahal says:

    asc dhamaan. anigu waxaan la yaabay qoladan alshabab yey aaminsanyihiin bal ha noo sheegaan? culumadii ugu waaweyneed soomaaliya ilaah baa weynee waxey ku sheegeen wadad xume, marka iyagu ma waxyiba ku soodaga? subxanalaah. mise waxey doonayaan in uu iyaga la adeeco oo la dhaho cid aan idinku aheen maba saxsana? qofkii runta sheega ama iyaga qaladkooda sheega waa murtid, subxanalaah. aniga waxaan aaminsanahay in la joogo waqtigii uu sheegey nabigeena sharafta leh nabiiyunaa muxamad scw, 73 firqo, shababne waa firqo kamid ah kuwaas, marka yaan lagu daalin,

  40. khaadimul-ISLAAM says:

    BISMILLAAH.

    geesiyaasha mujaahidiintu way guulaysan doonaan
    mooryaanta iyo gaalada ay u shaqeeyaanna way halaagsami doonaan.
    waxaase khasaaray oo balo ku dhacday “1000waji gashadaha” wajiyaal badanaa ,oo khiyaana badanaa ! sida mujaahidiinta oo kale hal waji yeesha maalinba meel ha boodina ! waxa la sugaa waa jihaadka mirihiisa oo lagu ammaan helo iyo munaafiqiinta oo jaba.

    WALLAAHU ACLAM.

  41. xaqa ayaa guuleeysan says:

    miskiin kana yaaloga tagaa jihaadka wujiraa wuuna jridoonaa guuleeysta walaalayaal inshaa allaah intii rabta inkitaabka allaah lasoo muujiya ayaa guusha iska leh culamadana inta rabta ineey caalamka iska marmarto oon latagorin ha iska aamuseen hadii gale warka cadawga allaah farax gilinaayo hasoosaareen ilen hadeey aamusaan waxeey isleeyihin waa nili qabsan oo jihaadka maxaad oga harteen ayaa nilidhihi shabaab aya dhibkenay dadka leh shabaab kahor soomali nabad ayeey heeysatay sow ma ahan iyo kala danbeyn iyo dhiiga masaakiinta oolanabad galiyo mise baad iyo handadaad ayaa lagu noolaay guuleyta mujaahidiintoow

  42. maria says:

    SHABAAB WADANKOODII AYAABA KUFAART MAGACYO BADELATAY HEYSATAAYE MAXAY KA DOONI KAAS, KAN AYAYBA HADA HEYSATAAA, TAN KALE CULIMADA ISLAMKA RUNTII WAA LA LEEXDEEN KALIMADII XAQA AHEYD WAAYO, XASUUQA ISLAMKA LAGU HAYO YAA AHAY NIN CULIMO SHEEGTA OO YIRAA XAYA CALA JIHAAD,KALAAAAAAAAAAAAA, LAMA ARAG LAMANA MAQAL.

    RAGA RABO ZINAAWI IN UU GUMEYSTO AMA AMRIIKKA, AMA RAG U SHAQEEYA EE ITOOBIYA AAN KA HOOS BIXIN, OO AAN OGNAHAY INTA WIIL OO SALAADII AYGOO U SOCDA LA AFDUUBAY ITOOBIYA LAGA DEJIYEY,IMISA KENYA LAGA AFDUUBAY,LAGA DEJIYEY GAROOWE,LAGU DHIAATEEYEY, OO LOO GUDBIYEY ITOOBIYA,IMISA AYAA HARGEYSA LAGA DHIIBAY.

    NINKA ISLAMKA INTAA LA DOONAYOW U DHIMO CARADAADAAAAAAA.

  43. Abu zuhaib says:

    asc wrt

    aan wax yar ka iraahdo xaalada somalia
    iyo dagaalada kasocdo
    -1 somalia dagalada ka socdo majihaadbaa?
    -2 dowlada kuwa sheegtay makuwa hirgilinaya ku dhaqanka shareecada islaamkaa misa?
    -j- dagalada somalia haa waa jihaad sababtoo ah waxaa joogto gaalo dadka ku leyneeyso dalkoodi allag makaniyay waa jihaad fardulcayn
    markaan si kale u dhigo dowlad sheegtayasha waxay lamidyihiin kuwii ka horeeyay Cabdulahi umbaa meesha ka maqan cadiifad qabyaalad marka laga reebo

    kuwa imaaraadka kahadlay Sheekaduudo waa fara dufinlaa yaa waxduugo warkoodo Raqiis aduunyo lagu dalbaayo

  44. Abukato says:

    A/W/W

    WARKA ABUU MANSUUR WAA SAX, EE WAXAAN IDIN LEEYAHAY ILAAHEY FAHAM FOG OO XAGGA DIINTA IYO SIYAASADDA AH HA IDIN SIIYO, WAAYO SI KALE KUMA GARAN KARTAAN JALAAFADA JIHAADKA AY KU HAYAAN GAALADA IYO DADKA MUSLIMKA SHEEGANAYA EE AY U ADEEGSANAYAAN KA HORTAGGA JIHAADKA IYAGA GAALADA AH KU WEJEHAN.

  45. sahal says:

    asc. war waamaxay qoladan wasaqiinta ee somalimiror ee qabyalada dishey oo marwalba diidan in ay soo daayaan fikradeyda? adeer anigu waxan deganahay yurub qaasatan finland ilah ban ku dhartaye in aan qoorta idinka jarayo hadad mardanbe cunsuriyad igu sameysaan. mid mid baan idiin garanayaa iyo halka aad joogtaan.

  46. samatar says:

    Waxaa is weydiin leh Jihaadka Culimadu Arki weydey oo shabaaka la tusay!. waxaan aad u xasuustaa Markii illaahey kheyr ha siiyee caalimka soomaaliyeed ee caanka ah waa sharif c.nuur uu soo saaray fatwo ah in lala dagaalamo ciidankii itoobiya ee wadanka ku soo duulay waxaa dhacday in shabaabku ay sheekha odhan jireen Abuunaa (aabahayo), dagaalkii ay xilligaa wadeen waxay mar kasta ku qotomin jireen fatwadaas, Markii dambe ee sheekhu fatwooday isaga iyo culimo badani in dawladda shariifka iyo ciidankeeduba aan lala dagaalami karin, dhegaha ayey ka furaysteen fatwadaas, haddaba miyaanay iska cadayn in shabaabku ay doonayaan in sida ay rabaan loogu fatwoodo, hadii kalena waxaa qofka lagu difaacaa (wadanka muxuu ka ogyahay, culays baa saaran, gaaladuu ka baqayaa, dan shaqsi ah buu ilaashanayaa). walee illaahay hortiisa idinkaa ka jawaabi doona, waxaan quustay maalikay dheheen Axmed madoobena waa ridoobay.!

  47. samatar says:

    war hadee Axmed cabdi samad iyo ragiisa maxaad damacdeen, fikirka aan kiina waa faqsanayn ma delete garaynaysaan, sowdinkaa shabaaboobey!

  48. hymo says:

    Culimada la sheegayo ee Dubai iyo meelo kale ku shira oo baaqyo fawdo ah soo saaraa meel ay nabadgelyo ka dhaliyeen oo nidaam iyo kala danbayn ka sameeyeen ha la arko.

    10 gobol bay maamulaan nimankaan Dhalinyarada ah ee hadda intaas la maago oo nabadeglyo, maamul, iyo kala danbeyn ka sameeyeen. Maalin walba waxaan internetka ka aqrinaa wadooyin ay hagaajiyeen, jidad cusub oo ay dhismihiisa bilaabeen, sakadii oo la ururiyey oo dadkii danyarta ahaa loo qaybiyey, iyo dhiiri galin lagu sameeyey dadkii oo la yiri intaan hay’ado shisheeye oo masiibadaan na haysata ka mid ah intaad wax ka sugi lahaydeen ordaya oo wax beerta oo Alle talo saarta.

    Waxaad la yaabaysaa niman aan tuulo nabadgelyo, maamul, iyo kala danbayn ka samayn baa rag iyo dumar isu tegey oo Alle talo saartay oo dayaca iyo darxumada Soomaali haysta ka dhiidhiyey afka ku taagaya. Bal ninkaan Shariif Axmed la yiraahdaa maxuu qabtay? Wixii umada loogu soo dhiibay baa isaga iyo tuugta la joogtaa qaybsadaan. Madaafiicda ay umada ku garaacayso GAALO QAAWANta la joogtaa muu dhaho ka daaya? Magaalada Muqdisho inta uu ka joogo baa ugu nabad liidata. Nin dalkiisa badahiisa dawlado kale siinaya oo wadankiisii ciidamo shisheeye waardiye ka yihiin baa dawlad Islaam ah lagu sheegayaa. Waar denbi ka korodhsanina intaad kaas ku sheegaysaan dawlad Islaami ah, Islaam sidaa u dulaysan weligeed taariikhda laguma sheegin e.

  49. mujtahid says:

    Asc Wr Wb
    Maa shaa allaah alloow ku barakee!
    Sheikh abuu mansuur runtii warkiisu waa run allaahna sida saxan haku toosiyo asga iyo mujaahdiinta guud ahaan marwalba.

    Culimadeena kheyr allaha siiye anagu waxaan qaadan fatwadoodi markay ay miirka qabeen ay soo saareen oo ay ku dhaheen waa in lala jihaada nimankii khiyaanay Diinta iyo Umada ee hogaamiye kooxeedka ahaa islamarkaana maraykanka kula heshiiyay ladagaalanka Diinta islaamka ah fatwadaas ayaana waafaqsanayd shareecada islaamka islamarkaana ka xureeysnayd dawaaqiida.

    waxaan leeyahay dadka diidan jihaadka xaqqa ah ee kataagan dhulka soomaaliya hadalkii uu dhahay abwaan indhageelle uuna kula hadlayay kuwii diiday jihaadkii hogaamiye shareedyada lala galaayay waxaana uu yiri :-
    Kol hadii Tigree wacad qabaa weerar nagu haayoo.
    Wadaad xume baqaayiyo nimaan waaqacaba joogin.
    Iyo kii waqdhaacin ufahdiya waan waddacayaayee.
    Waa waajib cayniya Dagaal aan warsi lahayn.

    maanta majirto waxaan aan uga fadilno sheikh shariif c/laahi yuusuf oo aan ahayn tacasub xarakeed ama qabyaalada waxana umaynaan dagaal galin shalay oo waxaan u dagaal galnay inaan helnaa nidaam allaah aqoonsi ka haysta ee maaha mid qaramada midoobay(gaalada midooday) ka haysta aqoonsi.

    Wadaadaheena allaah haka xureeyo afkaarta iyo shubuhaadka qaldan ay aamineen inaga allaah xaqqa ha inagu sugo aamiin.

  50. Geedaawi says:

    Culimada hadii ay joogaan dhul gaalo ay maamusho oo fatwadoodu waa mid aan madax banaanayn waana loo cudur daarayaa ….
    kuwa ku shiray imaaraadka waa sida kuwo ku shiray madaxtooyada ay amisom waardiyayso …

    maxay miisaan ah yeelaynaysaa culimo ku shiday madaxtooyada ama jaalle siyaad????????

    mida kale jihadku maaha wax culimodu tiinbaro ku dhajiso oo kii aysan ku dhajinna la leeyahay maaha…

    horay markii lala dagaalamayay qanyare,muuse suudi ,xaaraan ku naax iyo isbahaysigii sharta waxay fatwoodeen inuu jihaad yahay ..

    hada oo kuwaas iyo gaalo gaalnimaduudu cadahay ay xoog wadanka ku joogaan waxaa la leeyahay jihad maaha iyadoo la eeganayo mansab wasiirnimo oo ay heleen islaax iyo xoogaa ictisaam ah……

    dhulka islaamka ah hadii ay ku soo xadgudbaan gaaladu jihadka dadkaas fardul cayn buu ku noqdaa sidaas darteed amisom tangiyaduuda marti noogama muqdisho ee xoog bey nagu haystaan …




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Kenya oo shaacisay in aysan gacmaha ka laabaneyn waxa la socda Soomaaliya
  2. Sh.Bashiir “Saameynta Mucaaradku aadbay Daciif u tahay, mana awoodaan inay saameeyaan waxa ka socda Soomaaliya”
  3. Abuu Mansuur “ Cidii isku dayda in Baydhabo naga hor istaagto ciida ayaan afka u daridoonaa”.
  4. Abu-Mansuur oo ka hadlay Arrimaha Markabka Ukrain ee lagu haysto Xeebaha Soomaaliya
  5. Sanatarka Donald payne “waxaan u imid in aan indhaheyga ku arko waxa ka jira Dalka Soomaaliya Gaar ahaan Muqdisho”

Latest Headlines