Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa ka soo horjeestay Go’aano ka soo baxay shir dhawaan ka dhacay Dalka Imaaraadka kaas oo lagu sheegay in Dagaalada Soomaaliya ka jira hada aysan Jihaad aheyn wuxuuna tilmaamay in waxa soomaaliya ka socda ay yihiin Jihaad.
Abu Mansuur oo Maanta Salaadii Jumcaha kadib Hadal ka jiidiyey Masjidka Nasrudiin ee Magaalada Muqdisho ayaa yiri:“Maalmahaan waxaad maqleyseen shir lagu qabtay meesha layiraahdo Imaaraadka oo laleeyahay soomaaliyaa lagaga hadlay Jihaadka ayaa lagaga hadlay oo Culimo Dad Sheeganaayo oo waliba Soomaaliya oo qaarkood aan saaka dhageystay lahaayeen Jihaad kama jiro Soomaaliya, Isbuuc ka hor waxaan dhageysanayey mid kaloo mareykan jooga oo sheekha oo Soomaali ah oo hadlaayey oo lahaa Soomaaliya Waligeedba Jihaad kama dhicin… Mashalay baad waalneedeen markaad shalay Muusa Suudi iyo Qanyare Ridey galeen aad Fadwooneyseen oo waliba Tarabuunka aad warkaas Codheer aad ka dheheyseen mise maantaad waalantihiin”.
Culimada ku nool dibada ayuu ugun baaqay inay dalka ku soo laabtaan Fadooyinkana dadka dhexdiisa ka sheegaan waxaana hadalasiisa kamid ahaa:“Xamar badankeedu waanabade guryo aan hoteelo aheyn oo lacag ku baxeyninbaad dageysaane soo laabte wadanka Imaada hadaad la heystayaal tihiin hadii kalana walaahi ilaahey diinkiisaad ka beenshegeysaan, waxa Soomaaliya ka socda waa jihad Ilaaheybaana faray hadii ay leeyihiin Yugaandheys gaalo maahan oo Buruundigu gala maahan oo mareykanka dacmiya gaala maahan oo kuwii shalay ay Ridada ku xukumeen ay leeyihiin Ridadee wey ka laabteen oo rida kuma jiraan hayimaadeen oo Mujaahidiinta dhexdooda haka dheheen hoteelada Dubai yaan laga dhihin”.
Shacabka ayuu ugu baaqay inay ka qeyqaataan Dagaalada isla markaana gacan ka geystaan arinkaan.

Related posts:
somalimirror fikradaha aad soo deyseen waa kuwii mujaahidiinta ha soo horjeeday oo qudha marka see wax idinka yihiin????????
su’aal aan cidina ka jawaabi karin!
Waa maxay sababta ay Amiirka Alshabaab iyo kuxigeenkiisu ay ugu kala hadlaan laba nidaam oo kala duwan??
Amiirka (Abuzubayar) markuu hadlayo wuxuu la hadlaa badaha gadaashooda, waxaad mooddaa inuu Joogo Buuraleyda Tooraboora, halka abuu mansuur uu ka hadlo Soomaali iyo danaheeda oo uu mar kasta lee yahay waa nala sixi karaa, waan khaldami karnaa!
Sow ma moodid marka hadalladdooda la eego inay ka kala tirsan yihiin 2 urur??
waa su’aal uuun!!
as.c waxaa yaaab leh dadka qaarkood ee leh dawlada shariif WAA DAWLAD ISLAAMI AH war dawladii cabdullahi yusuf maxa lagula dirirayay soo ma ahayn gaalo ayuu wadanka kusoo hogamiyay itoobiyanka ah su ashaydu waxay tahay shariif wuxuu wataa dawlad kasta oo kufaar ah oy ugu wayntahay MARAYKAN oo etoobiya ayuu wataaa miyuusun ku xukun ahayn cabdulahi yusuf away odayashii hawiye ee cabdulahi yusuf ladiriray SHEEKADU WAXAY NOQTAY CABDULAHI WAA MURATAD WIILKANAGANA GAAL KASTAA HADUU WATO ISLAM war qabiil loma diriraynin ninka maanta u haysta UGANADA IYO BRUNDI waa islam wad lunsatahay walaal CULUMADAA SOMALIYED WAY U CADATAY SHARIIF WAYNA KA TOOBAD KEENEN WIXII HORE WAXBA MASHEEGAYO SHEEKH AAN JIHADBA AMISANAYN HADALKIIS SHABAAB MABDAODA WAXAA OG DADKA SOMALIYA JOOGA WAXBA NOO SHEEGI MAHAYO NIN CASIIR KADHARGAY
fuck your ass whole
Ukht
Falxado su’aal munaasab ah.
Waxaan kuugu dari lahaa muxuu uga soo bixi la’ yahay godka uu ku jiro?
Waxaa dhab ah in Godane iyo Abu subeer isku buug akhrinayn. Horena waan ooga hadalnay haddana waa muuqanaysaa. Waxa almasnuur celiyaa waxaan ka aragnaa markasta oo uu yimaado Xamar waxaa uu soo salaamaya sheekh Xasan isaga oo madax ka dhuunkada taqdiiran wa ixtiraamin.
Cabsida ku jirta Alla ha ka saaro, laakin ogow inaan ku xisaabtamayno goortay rabto ha gaartee.
Tan uu yiri waa nala sixi karaa haddaan qaldanno waa mid curad ah oo waxay ku fadhido adiga oo kale loo sheegi maayo.
Tan jihaadka ay Nuur Baaruuud iyo culima kale dureen mid cusub maha. Saaxaada waxay u sharraxan tahay wax aanan aqooonin waxa ka soo bixi kara.
Dhuminta miraha jihaadka aan loo beddel culays siyaasadeed wixii laga helo iyo ciddii masuuliyaddeed qaadi doonto waa mid markeeda laga doodi doono.
Fatwadam kulaylisay shabaabka shaki kuma jiro inay qodxo cusub ku soo dartay kuwii hore.
Inkiridda culimada wixii laga dheefo aan aragno. Doodda Abuu Mansuur cilmi kuma fadhido, kuwa culimada ee hadlayna ma asiibin mas’aladan.
BISMILLAAH.
INSHAA ALLAAHU TACAALAA guushu waa xaggiina geesiyaal , xaasidkiin ha jabo , xabiibkiina ha farxo, cadawgiina ha jabo, muslimkuna ha adkaado,
gaaladuna ha jabato.
WALLAAHU ACLAM.
ILLAHEY HADII LAGA CABSADO SAHQSI NECEB UUSAN JIRIN IYO QABIIL NECEEB, JIHAADKA MARKII AY ICLAAMINAYEEN CULIMADAN GAALO WADANKA MAJOOGIN HADDA AYEY JOOGTAA MARKA JIHAAD MA AHA MIYAA. WAA KII INDHACADE DHAHAY WAXAAN KU DUKANEYNAA ETHIOPIA IYAGANA WEY KU TAAGEERSANAYAAEN. HADDAB JIHAADKII AYHOGAAMINAYEENHADUU DHALEY DOWLADANA HAWIYE MADAX KA YAHAY MAKII SOOMAALIDA KALE AY SHEEGANAYEEN INUU JIHAAD YAHAY MA WAXAAN KU TILMAANAA FITNO. WAXAASI WAA BEEN ABUURKII DIIMEED EE dadka LAGA BARTEY WAANA FITNO QOORTA UGU JIRTA MARKA ILLAHEY HA U TOWBAD KEENAAN SHAARAKII BADNAA LA GASHAN JIREY WAA LAIDINLA FAHMEY
Dawlad Islaam ah?
‘Sheekh’ Shariif ah??
Yaa dagaal kula jira sheekh iyo dawlad Islaam ah??
Sow Ajnabi ma haysto dalka??
Waliba cawaanta uu Hymo tilmaamay ah?!!.
Abu Mansoor iyo Shabaabka iyagoo hawshooda wata waxaa u wanaagsan inay wadahadal ogolaadaan laakiin ay iska jiraan ciday wadahadal la gelayaan. Wadahadalkaasi yaanu noqon dabin loo dhigayo laakiin waa inuu noqdaa mid ay isaga qafiifinayaan cadawga wejiyada badan ee kusoo fool leh, shacbigan dhiban ee daalan, iyo strategiyada cadowga ee wejiyada badan.
Nimankaan reer galbeedku waxay leeyihiin haddii ay cadeeyaan inaanay caalamka iyo dalalka deriska ah ku duulayn, waa lala xaajoonayaa oo waa la aqbalayaa inay Soomaaliya xukumaan. Waxaa wanaagsan iyadoo la eegayo waqtiga adag ee lagu jiro inay cadeeyaan inaaney dal kale duulaan ku ahayn haddii dalkaasi aanu ku soo duulayn. Waxaa wanaagsan inaad wadahadal gasho marka aad taagan tahay meel wanaagsan.
Waxay tahay inay cadeeyaan in mawqifkoodu ku wajan yahay Soomaaliya iyagoo aan ka tanaasulin caawinta ay tahay in Muslimiintu is caawiyaan meel kasta oo ay joogaan. Dad badan oo Soomaali ah baa aaminsan in Shabaabku ku jiraan dagaal ay kula jiraan caalamka iyagoo walaac ka qaba inaan Soomaalidu dagaalkaas awoodi karin oo aanay keligeed wadi karin. Markaa Shabaabku waxaa u wanaagsan inaan wixii mabaadii ah aanay ka tanaasulin laakiin waqtiga adag ee lagu jiro aawadiis iyo dayaca Soomaali haysta dartiis inay wadahadal ogalaadaan cadeeyaana inaaney cid kale duulaan ku ahayn. Maalinkii dhoweyd ee u yiri Abu Mansoor Kenya uma aanan hanjabin sax buu ahaa, waxaa wanaagsan inay saas u joogteeyaan hadalkaas.
Waa inay mar walba u fiirsadaan hadalada ay warbaahinta siinayaan. Ha ogaadaan in cida iyaga dagaalka kula jirtaa ay tahay reer Galbeed iyo dad u shaqeeya, marka propogandada iyo kalsoonida shacabku waa u muhiim halganka ay ku jiraan. Ha u fiirsadaan oo dib ha u eegaan khudbadaha uu jeediyo Amiirka Daalibaan Sheekh Maxamed Cumar. Waxaa uu ku celcilayaa inaanay Daalibaan duulaan ku ahayn dalalka deriska ah, wuxuu kaloo xasuusiyaa isagoo la hadlaya China, Pakistan, iyo Iiraan haddii halganka Daalibaan aan la gargaarin in iyaga lagu soo socdo. Sidaas oo kale Shabaabku ha isticmaalaan propogando strategy ku salaysan oo haku celiyaan inaanay cidna duulaan ku ahayn haddii aan iyaga la gardaraysan laakiin aaney marnaba ka tanaasulayn u hiilinta Muslimiinta si kasta oo ay kari karaan.
Ha isku dayaan inay xiriir la yeeshaan wadamada Muslimka ah ee Reer Galbeedka is hayaan sida Iiraan iyo Suuriya hana ka faa’idaystaan cadaawada u dhaxaysa reer Galbeedka iyo wadamadaas. Waa inay isku dayaan inay ka iibsadaan hubka casriga ee ay Shabaabku u baahan yihiin sida gantaalaha garbaha lagu qaato ee lagula dagaalamo diyaaradaha (Igla Misiles) iyo kan lagu gubo taangiyada (RPG-232). Xisbullaah iyo Xamas waxaa xoojiya Iiraan iyo Suuriya, Daalibaana waxa daba taagani waa sirdoonka Paakistaan. Sababta ay ururadani u xoog badan yihiin oo ay ugu babac dhigayaan cadowyada ka xoog badan waa taageerada ay dawlado kale la daba taagan yihiin iyo talo ay Alle talo saarteen. Sidaas oo kale haku xirnaadaan wadamo Muslimiin ah oo caawiya ama dullad u noqda taageerada hubka ee ay u baahan yihiin laakiin haka dignoodaan inaan wadamadaas loo isticmaalin.
Waa inay ka hadlaan fikirka takfiiriga ah oo ay la xiriiranayaan dad kasoo horjeeda. Waxaa arinkaan aad ugu celcilya dad taageersan Xisbi Islaamka oo raba in ay dacaayad ku furaan shabaabka. Arinkaa waa inay ka hadlaan.
Ugu danbayn waxaa jira guux la rabo in dalka la googooyo, markaa waa inaay jirtaa strategy aad taa laftigeeda kaga hortagaysaan.
Wabillaahi Tawfiiq.
Inshalaah waa guulaysan.
ilaahaybaan ku dhaartee ninkaan shiikh shariif ah sow ma ahayn kii shalay dhahaayay umada ha usoo baxdo dagaalkaan barakaysan war shalay muuse sudi iyo qanyare waxay taageero ka haysteen maraykna asigana maanta maraykan iyo all gaalo ayuu haystaa asoo waliba ka hadli karin waxa dalka lagu garaacayoo ee cawaantaan shirka badanani ay ku qaraacayaan war aniga waxaa lama filaan igu noqon waysay suaashaan abuu mansuur dhahaayo war shalay miyaad waalnayd oo dagaalkii hogaamiyaasha miyaad ku qaldanayd mise kanaad ku qaldantahay shariifow ? walaahi baan ku dhaartee dagaalkaan aad wiilsha muslimka daahirka ah ee alshaabab aad ku hayso ayaad ku qaldantehee ilaahay ka baq ee wadanka iskaga tag umadana cafis waydiiso allaah marka hore haku cafiyee !!!! ninyahoow ogow hada fursad ayaad haysataa walaahi baan ku dhaartee hadaadan soo laaban waylak mar waan ku qabaynaa inshaa allaah camalka kugu haboon ayaana kugula dhaqaqi doona ainshaa allaah
bismilaah
ragga badan ee xaqqaka difaacay meeshaan waan salaamayaa, waxaana iigu yaab badnaa midka islasoo taagay indhacadaynta dawlada islaamiga ah leh , xagee buu dawlad islaam ah ku arkay waxakan u shaqaysa gaalada ee shacabkeedana madaafiicda ku baabi’say shareecaan ku dhaqmaynaa afka ka sheegtay oo aanan ku dhaqmayn!!
waxaa uu ka hadlay “walaal muslim” ah waa siyaasad in lagu socdo , aad bayNa u wanaagsantahay runtii hadii laga diktoonyahay caqidada in ay fasahaado , sababtoo ah marka iiraan iyo suuriyA OO kale ama xita eratariya oo kale ay ku xoojinayso waxaa ka imaan kara in ay ku faraan wax caqiidadaada ka horimaan karo marka waa in la iska jiraa , waxaana sir ku hayaa waagii wadaada ay wadankeeda joogeen in ay xoog ku saartay in la aamino waxa layiraahdo wadaniyad dadkoo dhana ay ku kulmaan , ururkii halkaa kasoo baxay na raga kawada tirasanaa waa anagi ogayna ay ka mid ahaayeen xuseen caydiid iwm kuwa badan ta’wiil diineed ayay usameeyeen ay ku shabaheen yahaaudii nabiga ladaganayd madiina , ceeb allaha asturo.
waxaa ka midah siyaasadda in meel hadii larabo in dagaal loo aado in aan lasheegin nabigana naxaRIIS IYO NABADGALYO ALLAHA SIIYEE maRKUU KU DUULAYO QOLO mid kale ayuu ku qarin jiray , waxuuna dhihi jiray ” dagaalku waa khiyaano” bukhaari ayaa wariyay.
xaqqa alaah hanagu toosiyo
Walaal_Muslim_ah,
Nimaankaas waa la talisay laakiin wallaal xoogaa soo gaabi qoraalku waa dheer yahay oo dad badan baa laga yaabin iney wada akhrin.
Walaal Muslim ah
ACW
Masha Allah tacliiqada marka laga reebo dhowr qodob.
Sida muuqata waxaad leedahay aragti fiican ilaahna ha kuu barakeeyo.
Waxaa aad ka hadashay waa fiqihi maareynta siyaasadeed ee hoggaanka shabaab garan waayey. Waxay taagan yihiin annaga keliya ayaa adduunka xoreynaynaa ama saxsan iyagoo la og yahay tabartooda iyo cududdooda. Ama Amiirkooda dhuumaaleysi ku nool yahay oo jumco iyo jamaacaba seegay.
Xikmadda waxay keenaysaa inaan marnaba la oran waxaan ku tukanaynaa Gaarrissa iyo wajeer ama alaska maalinkii dambana la oran saaxiibayaal sida Kenya lagu yiri duullaan idinkuma nihine ee nabadiin gala.
Maxaa dhici kara maanta haddii Xisbiga iyo shabaab soo gudbiyaan barnaamij siyaasi ah oo kaabaya miraha jihaadka?
Waxaa imaan kara:
-cisa uu helo islaamka
-nabad buuxda oo ka dhacda Soomaaliya
-illinta oo laga tira masaakiintan jabtay
-Shareecada Islaamka oo si buuxda oo u hirgesha
-Marjicyaddii culimada oo soo noqota
-Godane oo dhuumashada ka soo baxa
-Bidco iyo cilmaaniyad oo quusata
-Qabyaaladda oo dhimata
-Dalkii Soomaliya oo dhisma
-Dibad jooga oo hela meel ay ku soo hayaamaan
-Khayraadkii Alla oo ummadda u furma..
- Cadowgi islaamka oo jaba nisbiyan
Iwm
Qodobada warkaada ku jira oo baahan caddayn waxaa weeye:
Tan shiinaha iyo Iiraan ma qabo aniga. Sacuudigaasi iwm ee sunnada sheegta innaga oo shafshafanno ayaa ka fiican.
waxaad tiri,
“Waa inay ka hadlaan fikirka takfiiriga ah oo ay la xiriiranayaan dad kasoo horjeeda. Waxaa arinkaan aad ugu celcilya dad taageersan Xisbi Islaamka oo raba in ay dacaayad ku furaan shabaabka. Arinkaa waa inay ka hadlaan”.
Akhii arrintan ma aha sheeko iyo propokanda toona ama mid xisbiga qabo keliya. Waa xaqiiqo marka laga eego madaarista shabaab qaarkooda haddii si fiicin oo cilmi ah loola dhirindhiriyo.
Sh. Daauud Cali ayaa u dambeeyey oo shaley iska dileen. Maxay ku dileen?
Maxaa lagu dilay Barre Cali barre oo ahaa hoggamihii ciidamada komandooska raskambooni? siyaasad mise takfiirin? Daalibaan maxaa lagu dilay? Imisa nin bay dileen iyaga oo masjidka ka soo baxay? Imisa la waysiiyey ama la gowracay oo dadka lagu cabsiiyey?
Maxay ku gaaleysiin sh, Axamed Maddoobe? buugga ay ka qoreen gaalnimadiisa akhri haddaad heli karto?
ahlu maka adraa bishicaabihihaa ee dadka saaxadan jooga ooga dambee qiimaynta masa’aladan lagu haysto shabaab.
Waxaan u baqayaa Nuur Baarruud oo weliba indhool ah imminka?
U fiirso shabaab waa madaaris oo weliba qaarkood hadda muujinayaan tuqya.
Waxaad tiri,
“Ugu danbayn waxaa jira guux la rabo in dalka la googooyo, markaa waa inaay jirtaa strategy aad taa laftigeeda kaga hortagaysaan”.
Masha Allah tala fiican. Laakin waxaad ogaata in Amiirka shabaab qabo in waxa beeshiisa ku magacaabto somalilland inay tahay dal jira oo ka go’day Soomaliya.
Dhageysto khudbaddii mar dhexdaasi uu kaga hadlay waxaa uu ugu yeeray dalka iyo xukuumada Somaaliland.
In badan ayaan ka hadlay, dadka wax garanayaa waa og yihiin arrintaasi.
Godane waxaa uu diiday calanka Soomaliya, wuxuu aqblay kan reer waqooyiga
Waxaa uu diiday dawlad ku sheegga shariif
halka uu ka taagero tan Riyaale ee hargeysa
Waxaa uu ka codsadey tolkiisa in la waydiiyo Riyaadle iyo xukuumad ku sheeggiisa waxaa ay qabteen halka uu shariif u diiday in wax la waydiiyo (u fiirso waa muqaarana keliya)
Waxaa isaga iyo culimadii waqooyi aaminsan yihiin in Soomaliland tahay dal ka go’ay soomaliya.
Waxaa uu ku tilmaamay axmed madoobe oo xisbiga iyo kambooni ah inuu yahay ONLF mudan in la xaaqo oo gaalo ah, halka SNMta hargeysa xukunta u dhiibtay rag ONLF dawladda xabashida.
Maxaa waxan oo dhan isu ekaysiiyey? ogow malihii waxbaa ka jira sida ay u muuqdaan marka laga reebo intaan sugay mooye.
Taasi waxay ku xambaartay maanta in dad badan oo dacwadan ka dhow u arkaan hoggaanka shabaab inay yihiin SNM doonaysa aar goosi.
Dadka laguma xambaaro dembiga.
Tallaabo kasta oo godane qaadey waxay noqotay mid dha dhankeeda yeelanayso mid shuhbo ah iyo mid ka fog diinta islaamka.
Difaaciisa islaamka uu sheeganayo kama tarjumin xaqiiqda qaraar ee dhextaal isaga iyo xisbiga ama culimada iyo deggaaannada koonfureed/dhexe ee Soomaaliya.
Uma muuqdo maanta Godane mid u jeeda ilaalinta mirahan jihaadka loo daadiyey dhiig badan.
Ma fahmin godane in jihaadka loo jideeyey ahdaaf kale ee thaatadiisa muhiim ahayn.
Taasi waa tan keentay inaan dad badan oo aan ku jirno Alla uga baqno oo aan runta sheegno
innaga oo aanan dhumin inta walaaga u baahan ee shabaab mudan yihiin.
Cali Gure iyo ninka eh ‘reer galbeed barnaamij ha loo gudbiyu’——
Walaalayaal reer galbeed kama caqli badanidiin,
ee jahwareerka ay umadda ku haayaan ha sii siyaadinina.
Ma waxay idinla tahay in reer galbeedku aaminsan yihiin in jabhadahan islaamiga ee somaliya ka jiraa ay dal kale ku duuli karaan?
Ma waxay idinla tahay in INDHACADDE hadal uu yiri oo ah Itoobiyaan ku duulaynaa ay Xabashi iyo Maraykan is wataa waddanka u qabsadeen kal hore??
Walaalayaal, Indhacadde hadalka waa loo dhiibay
ee iskamuu oran. Cidduu u shaqeeyaa u dhiibtay.
Adduunku waa og yahay in jabhadan Somaliya ka jiraa aysan awoodin inay dal dhisan ku duulaan ee PROPOGANDAHA umadda agu niyad jabinayo daaya.
Somaliya dhul la doonayo oo quwado waawayn doonayaan waaye, ama dadkii lahaa rag ha iska dhigeen oo ha difaacdeen ama ha is dhiibeen ,
labada wax u dhaxeeyaa ma jirto.
Xoriyadda umadda kuma imanayso in la ajiibo qorshaha cadawgaada, ee waxay ku imanaysaa
IDINKOO MIDOOBA.
Shabaab waxay leeyihiin gar ha la daysto iyo
sarwaal ha la gaabiyo, taasoo meel ay qur’aanka kaga taal la la’ yahay.
WAXAYSAN OGEEN WAXA QUR’AANKU KA YIRI KALA TAFARAARUQA.
Way adag tahay in quwad dibadda ka timid umad jabisaa, laakiin KALA TAFARAARUQA WAA KAN DHAMAYSTIRAAYA OO AAN WAXBA KA REEBAYN UMAD KASTAA UU SOO DHEX GALO.
Bal inta Garka iyo Saraawiisha in yar ka sii jaysataan; u soo jeesta Midnimadiina sidaad uga shaqayn lahaydayn, taasaa quraanku amrayee.
Xisbul-Islaam warkoodu wuxuu isugu soo ururay: HADDII AAN CUNI WAAYEY WAA KAA CIIDEEYN!
Tan Godane lagu haysto Allahu yaclam laakiin dadku waxay sheegaan in nimankaas Dhalinyarada ah ay u taliso SHUURO. War jiraaba cakaaro imaan.
Tan ragga dhintey, Allahu Yaclam cidii ka danbaysay dilkaas; Soomaalidu waxay u badaniysaa Indhacade iyo Axmed Madoobe oo sida la sheegay lugna kula jira Xisbul-Islaam lugna Shariifka, Kenya, Eretreria, iyo kuwa kasii shisheeya.
LUGNA UGU JOOG, BAQA ULA JOOG waaye warka raggaas.
Tan Takfiirka, waa propogando cusub oo Xisbul-Islaam taageerayasshiisu ku label gareeyaan nimankaas DHALINYARADA ah.
Halka Ahlu-Sun Wal-Zenawi ay ku dhejiyaan wiilashaas “KHAWAARIIJ.”
Halka Xariifka entity ugu yeerto “ARGAGIXISO”, Nabaddiid, iwm.
Mashruuca Axmed Madoobe waxaa cadeeyey Shiikh Kabojecel, Shiikh Dulyadeyn, Shiikh Xasan Turki, Shiikh Xasan Yacquub iyo Islaamiyiinta kale ee ka dhaqaaqay mashuurciisa markii ay u cadaatay wuxuu wado oo raggii kasoo hor jeeday ku biiray.
Waxaa is haya waa raggii kursiga ku raadinayey magaca Jihaadka iyo kuwa daacada ka ah.
Halkaan ka warama haddii dhinaca waxqabadka la fiiriyo:
-10 Gobol oo nabadgelyo iyo maamul ka jiro.
-Wadooyinka/jidadka oo laga shaqeeyey.
-Cuntadii iyo daawadii dhacday oo la diidey.
-Hay’adihii dadka isku dirayey, qaar gaalaynayey, iyo dibindaabyo ka leh oo banaanka loo tuuray.
-Ethiopia oo wadanka badankiisa laga saaray.
-Sakadii oo la ururiyo oo masaakiinta la siiyo.
-Dadkii oo lagu guubaabiyey inaaney hay’ado gaalo wax ka sugin oo Alle aaminaan oo shaqaystaan oo beerahooda ka shaqaystaan.
-Qabaa’ilkii oo la heshiisiiyey oo kii tunka taagana loo kibir jebiyey. Qudbadii Sheekh Cabdiqani Kabojecel bal hadda dib u fiiriya.
Dabcan qaladaad waa jiraa laakiin runta iyo khaladka waa in la sheegaa laakiin in koox toosh lagu ifiyo oo aan runta la sheegin waa denbi.
I challenge Xisbul-Islaam, Ahlu-Sun Wal-Zenawi, xariifka entity, PL, and SL to come up a record that can compete with that. That is my challenge to you.
Waar Soomaaliyey danteena maan garano.
Khayr baan kuligeen inoo rajayn iyo tubta toosan.
culumada raaca waxaad tihiin kuwo ilahay diinta ka madoobeeyaye waxaadna diinta ku eegteen il cawaran
farah,
Wixii sunna ah in la oogo xaq maaha miyaa? Haddii aysan qur’aanka ku jirin oo ay sunna tahay ka waran?
Midnimo?
Midnimo ma lala geli karaa kii shalay ku lugooyey?
jihaad jihaad jihaa….jihaadow xaal qaado.
waxaad maanta arkeysaa in kelmadii jihaad ay noqotay wax qof kastaa ku hadaaqo oo ku af-gobaadsado,jihaadse inta hadlo miyuu oran kanaa jidkeygii ku taagan iyo kaas baa sax ah..? waa maya oo waatii oraahdu ahayd (WA KULLUN YADDACII WASLAN BI-LEYLAA,WA LEYLAA LAA TUQIRRU LI-AXADIN) marka cid kastaayi jihaad ha ku hadaaqdo,wallaahu aclam liman yujaahidu fii-sabiilih.
Waxaase wax lala yaabo ah oo kelmada kasoo baxday abuu mansuur ee goodiga baraxa la,ah ee uu xabadda ugu hanjabayo cidii wadadiisa aan ku tilmaamin jihaad,hadaba ma taasuu jihaad ku sheeganayaa..? wallee waa wax ii dhimanaa taas,iskaba dhaafe nin salafi sheeganayee ahlul-bidaca xataa weli kumaan arag qof oranaya cidii manhajkeyga soo raaci wayda waa dilayaa, abuu mansuurna maanta wuxuu la jahrayaa kaalaya oo dhexdayada ka dhex dhaha jihaad kuma jirtaan..! taasi waxay ku tusinaysaa sida dhiiggii culimadu wax walba uga fududaaday,lana yaabi meyno marka in wiil 16 jir ahi uu sheekhiisii tasfiihiyo oo marka dambena xabbad ku tuujiyo.kelmadaasna maanta nin abuu mansuur oo kale waa looga fiicnaa oo inay wiilasha yaryar ee dabayshu qaadqaadeyso u dhiibaan baan ahayd.
“Somaliya dhul la doonayo oo quwado waawayn doonayaan waaye, ama dadkii lahaa rag ha iska dhigeen oo ha difaacdeen ama ha is dhiibeen ,
labada wax u dhaxeeyaa ma jirto.”,
Hadalkaasi waa run.
NIN QAYRKII LOO XIIRAYOW SOO QOYSO.
akh Farax
acw. Wallaahi nuxibuka fillaah. Kumana quurno inaan ku niraahno parapandaad siyaadinaysaa.
Waxaa saaxada yaal walaal waa kala dhantaalidda awooddii mujaahidiinta iyo takfiirin dhab ah.
In badan baan ku soo celceliyey oo dad badan iska dhega tireen. Waxaan ka soo hadlayaa saaxada oo aan fariistaa shirar badan oo aysan cid kale iiga sheekaynin.
Waxaan qabaa in la fulin waayey hadalkii Alla oo ahaa “Wada qabsada Xarigga Alle, hana kala tegina” Meel kale waxaa uu ku yiri, “dabadeed awooddiinnii dabayshato.
Ilaah waxaan ugu dhawaanayaa in shabaab masuul ka yihiin tafaraaruqa iyo kala tagidda mujaahidiinta.
Sheekh Xasan Dahir nuqsaan kasta oo uu leeyahay waxaa uu doonay midnimo dhab ah uu la sameeyeyo shabaab. Jawaabtii la siiyey waa wax aan diinta ku oollin, caqli iyo xikmadna aqbalayn.
Maanta waxay mareysaa in la ugaarsado mujahiidiinta shabaab khilaafsa, xataa suurta gal tahay in sheekh Xasan la yiraahdo waa lagu jihaadaya oo la khaarijiyo. Haddii ay taasi dhacdo waxaan shaki iiga jirin in dabkii holca la damin karin.
Sidaa awgeed waxay dad badan oo aan ku jiro go’aansadeen inta walaaga nagu leeyihiin shabaab u oggolaanno inta kale oo shareecada ku khilaafeenna ku diidno.
Taasi midda ka qarsoon badi dad badan oo jihaadkan doonayay inuu hirgelo.
Inta kale markeeda iyo muuqaalkeeda.
Hymo
ACW
Waxaad dhahday
“Waxaa is haya waa raggii kursiga ku raadinayey magaca Jihaadka iyo kuwa daacada ka ah”.
Suxaannallaah. innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Si kasta oo mujaahidiinta isu khilaafaan sidee ku dhihi kartaa arrinkaasi adiga oo aanan xog ogaal ahayn? War Alla ka baq.
Sheekh Xasan Dahir 50 sano ka badan ayuu jihaadkan wejiyadiisa kala duwan soo waday marnaba ma dhicin inuu diintiisa iibsado. In badan baa loo soo bandhigay jago iwm waana diiday.
Taasi macnaheedu maahan in dadka musliiminta ama mujaahidiinta ka dhici karin dhib iwm.
“Halkaan ka warama haddii dhinaca waxqabadka la fiiriyo:
“-10 Gobol oo nabadgelyo iyo maamul ka jiro”.
Jawaab. sidaa mahan. Isku celcelis waa 7 oo mid ka mid ah hayo Xisbiga. 4na shabaab hayaan 2na xisbiga iyo shabaab isla hayaan haba kala tun roonaadeene. Intabama nabadgelyada iyo maamullada ka jira maahan kuwa si fiican u sugan
“-Wadooyinka/jidadka oo laga shaqeeyey”.
Taasi run maahan. Dhowr jid oo godadkooda carra kaawa lagu shubay maahan wax wayn oo badi iskaa iyo tujaarta ka qayb qaateen. Ogow ma lihi lama ammaani karo. Laakiin wax ka wayn ayaa laga sugayey. Intaana qaylo dhaan bay ku timid oo weli timid wakhti dambe iyo calaacal dheer ku yimid.
“-Cuntadii iyo daawadii dhacday oo la diidey”.
Ahlu sheydaan ee suufiyadaba waa diideen. Kuwa hargeysa joogaba ama Garowe waa sameeyaan. Taasi waa commonsense ee maha wax wayn oo la qabtay. aniga oo xaqiraynayn ajarkooda laaakiin su’aasha waxaa weeye maxay badiil keeneen. Soo dejiya cunto iyo dawa fiican keliya. Sameeya dawo ama dhiiri geliya shirkada khaas ah oo u yeera aqoon yahayn ma jirto. Ama abuura jawi aqoonyahanka caafimaad iwm inay dalka ku soo laabtaan oo bisness abuuraan ma jirto weeye. Bediil ma jiro.
“-Hay’adihii dadka isku dirayey, qaar gaalaynayey, iyo dibindaabyo ka leh oo banaanka loo tuuray”.
Weli Gedo iyo Bay/bakool waa ka shaqeeyaan ka warran? Oo waardiya shabaab ka yihiin. Haddii lacag lagu heshiin waayo taasi maahaan wax wayn oo lagu faano. shabaabka malayn aragti habaysan oo ku aaddan hayadaha sida xisbiga u leeyahay. Meelna waxay dhahaan waan diidnay meelna iyagaa waardiya ka ah.
Kuwa yahuudda weli waxay joogaan Gedo iyo Bay oo weliba shabaab baaburta iwm ka kiraystaan, waardiya ka yihiin. Marka saaxiib wax hubso.
“-Ethiopia oo wadanka badankiisa laga saaray”
Taasi waa guul nisbi ah iyaga iyo xisbiga gooni uma sheegan karaan horseedba ha ka ahaadeene.
Maanta waxay xabashi maamushaa Puntland iyo Somaliland, welina shabaab iyo Xisbiga malaha siyaasad cad oo ku saabsan arrinkaasi marka laga reebo xisbiga oo dhaleecaya arrimaahaasi calaa istixyaain.
“-Sakadii oo la ururiyo oo masaakiinta la siiyo”.
Waa tallaabo fiican laakiin habkii loo sameeyey badi way khilaafsanayd shareecada islaamka. Waxay maanta keentay in dad badan xoolahooda ula cararaan dalal kale. faafaahinta arrintan markeeda
“-Dadkii oo lagu guubaabiyey inaaney hay’ado gaalo wax ka sugin oo Alle aaminaan oo shaqaystaan oo beerahooda ka shaqaystaan”
Ma xuma laakiin xaqiiqda waxbaa kaa maqan. dhiirigelinta iyo heshiis aan wada galno hay’adaha waa laba arrin oo ku tusinaysa tanaaqudaadka shabaab ku dhaceen.
“-Qabaa’ilkii oo la heshiisiiyey oo kii tunka taagana loo kibir jebiyey. Qudbadii Sheekh Cabdiqani Kabojecel bal hadda dib u fiiriya”.
Qabaailikii oo la isku diray maad tiraahdid inta badan. Tusaale ka soo qaad waxa ka dhacay jubbooyinka. Dib u akhri tacqliqaadkeennii hore ama waxa maanta ka taagan gobolladaasi.
Kabajecel innaga kaa badinna. Inta ilmahiisa meel geystay ayuu ilmo kale isku wareejiyey. Malaha taasi waa fiqiqa walaalnimada ee shabaab.
Saaxiib wax badan ma faafaahin karo laakin dhabtu waxay tahay in sida aad wax u jeceshay aad u qortay. Maanta waxaa qarka loo saarey in la dhumiyo guulo badan oo hore loo gaarey. sababtana ay tahay siyaasadaha qallafsan ee shabaab hoggaankooda qaateen.
Cali Guure,
WCSWW,
-10 Gobol oo nabadgelyo iyo maamul ka jiro.
“Jawaab. sidaa mahan. Isku celcelis waa 7 oo mid ka mid ah hayo Xisbiga. 4na shabaab hayaan 2na xisbiga iyo shabaab isla hayaan haba kala tun roonaadeene. Intabama nabadgelyada iyo maamullada ka jira maahan kuwa si fiican u sugan”
Xisbiga intaan baan u ogahay:
-Qaybo ka mid ah gobolka Banaadir
-Ceelasha Biyaha iyo Afgooye
-Xoogaa ciidan ah oo jooga Buurxakaba.
-Magaalada Beledweyne.
Nimankaas Shabaab ahna intaan baan u ogahay:
1. Gobolka Jubbada Hoose
2. Gobolka Jubbada Dhexe
3. Gobolka Gedo
4. Gobolka Bay
5. Gobolka Bakool
6. Gobolka Shabeelaha Dhexe
7. Gobolka Hiiraan qayb ka mid ah oo weliba Beledweyne la joogaan Xisbiga
8. Gobolka Shabeelaha Hoose waxaan ka ahayn Afgooye Ceelasha Biyaha iyo Afgooye.
9. Gobolka Banaadir oo ay wada joogaan Xisbiga iyo TFG2 iyo AMISOM.
10. Qaybo ka mid ah gobolka Galguduud
Intaas haddii aan been sheegay iga sax.
Mid iiga jawaab Xisbiga markii la aasaasay maxaa ciidamada mujaahidiinta la isugu dhafi waayey? Qof kasta oo Soomaali ah waa arkaa Raaskaambooni (Ogaadeen), Caanoole (Harti), ARS (Hawiye – majority Cayr), JIS (Hawiye iyo Dir).
Ma waxaad rabtaan inaa ku shaqaysaan ciidan qabaa’il ka kooban?
Sababta Shabaabku idinkaga hormaray oo qabaa’il badan oo Soomaali ah beeco ula galay waa ciidan isku dhafan oo aan qabiil soocan ahayn?
Tan tafaraaruqa iyo midnimo diidka, markii Maxmaduhu Koonfurta Soomaaliya qabsadeen ninka Shariif madax ka dhigay oo u campiagn gareeyey waa kuma?
Yaa iyadoo la og yahay wixii dhacay 2006 markii Ethiopia wadanka kusoo duushay, raggii ka dhuuntay mujaahidinta mar danbe wax kula aasaasay Asmara Shariif Axmed and co oo weliba mar labaad Shariif Axmed madax u doortay?
Yaa maalinkii la qaban lahaa Indhacade kasii daayey Islaamiyiinta oo xitaa ay dhacday in uu hubkiisa ula galo AMISOM iyo TFG?
Ka waran mashruuca Axmed Madoobe ee Faarax Dawaare iyo Kenya daba taagan yihiin. Yaa ilaa maanta ku haaya Axmed madoobe waa naga tirsan yahay?
Akhii, informationka aan hayaa oday Xasan package buu wataa ay nimankaas aamini kari la’ yihiin. Umadda Muslinka ahni wixii soo maray waa in ay wax ku qaadato. Hadda ogow Shabaab khaladaad ma leh kuma lihi.
Walaalkay Cali Gure,
Ma aan diidani inaad waxaad dhibsato aad ku aragtay shabaab,laakiin walaal haddaan la kala
roonaan roob ma da’o.
Waxaa qallad ah in maanta iyadoo cadaw idin hareereeyay qilaafkiina uu meesha ka sii socdo.
Adiga runtii waxaan kaa filayay inaad intaas wax badan dhaanto, oo aad adkaysi la iman doonto markay noqoto xadgudubyada shabaab.
Qofka muuminka daacdda ah adkaysi waa in laga helaa ku saabsan tacadiyada kaga imanaya dhinaca walaalkiis; waliba markuu waqtiga xasaasi yahay sida kan hadda lagu jiro.
Ma ah in la isu tiriyo oo meediyaha la isticmaalo waqtigan.
dadkan duulaanka idinku ah, SHABAAB, XIZBULISLAAM IYO KOOXDA SHRIIF, kalama jecla.
WALAAHI KULLLI INAY KA TAQALUSAAN INAY RABAAN
MU’MIN KAMA DAAHSOONA.
Kii moodayow, inay shariif jecel yihiin ha ogaado WAA KU MEEL GAAR; oo meel bay doonayaan inay ku gaaraan.
Walaalka ‘WAA ISAGII’,
Walaal aniga muran Yahuudka ma jecli.
Muran yahuudka waa kan Soomaali kala dillay oo
tafaraaruqa ku riday.
yahuuddu waxay tiri, oo Quraanku inoo sheegayaa………………
Inal baqara tashaabaha calaynaa!!!!!!!!!!!!.
Haa waad oran kartaa waa Sunna in Gar la daysto
oo Marada, mara rageed laga dhigo oo la gaabsado.
Laakiin dooddu taas kuma saabsana hadda.
SUNNADUNA ,WALAAL, WAAJIB MA AHA, ee waa IKHTIYAAR.
YAA YIRI SUNADA HA LA HIRGALIYO OO WAAJIB HALAGA DHIGO?.
Hadday Sunnadu waajib tahay ilaahay baa waajibin lahaa, sow maaha walaal.
IN LA MIDOOBO, OO TAFARAARUQA LA DIIDO WAA WAAJIB, ILAAHAYNA MA ILOOBIN OO WAA WAX MA ILOOBE, OO QUR’AANKUU INOOGU SHEEGAY TAASEE,
SHABAAB HA HIRGALIYEEN MIDNIMADA AADKA LOOGA DIGAY SIDUU WALAALKA CALI GUURE KU XUSAY AAYADAHA.
Aanu joojino Muran Yahuudka.
INTA UU ILAAH HOOJIYIYO
HOONE YEELKIISE
HADAA HAMAYN DUUSHAY IYO
HAMAGU YEELKIISE
FULAYGAA HAREERAHA MARIYO
HEECAY YEELKIISE
NINAY GAALO HAWSHA UDIRTIYO
HOOSTU YEELKIISE
HARCADKII KITAABKIINACIYO
HEERAN YEELKIISE
CADAWGAAN ISHAYNIYO LAJIRE
WAA HAL NOOSIMANE
RAGAA AY HUTEELADA BAREEN
HAWLKAR NIMADOODA
MAANTANA FATWADA SOO HAWIRAY
NOOMA HAA YAANE
HADII AYHADAAQEEN MARKALE
HEEDHE YEEL KOODE
SHALAYBAY BAQADA HAWDHEHEEN
HORORKI SOO DUULAY
MANA HOORININE WAA YAGII
HEERYADII DHIGAYE
WAA TII HUGII CULUMADIYO
HADALKI LOO DIIDAY
AYAGOO HAYAAMOO BAQADA
HEELADKABA DHAAFAY
WAATAY HUBKII QAADAYEEN
HANAD YADEENIIYE
WAYAANANA HALBAWLAHA KUJARE
HAWSARKOODIIYE
KAXOREEYE HAWDKIYO IYO JUBIYO
HEELADKII XAMARE
INTAASOON HUBIYO QAARKALIYO
HADALA WAA WAYNBA
WADAADADA HALKAAN LAGUQORIYO
KAY HAWADIYEENBA
AMA AY HUBEEYEEN MAKALE
HADALNA LOODHIIBAY
KUFRIGAAN ISHAYNAAN KABIDI
INAN HOREEYAAYE
HAWSHIISA GABE MAANRABIYO
DUUL HAMAYNSADAYE
AMISOM FATWADA LAGUHILIYO
QIILKA LOO HELAYO
SHABAABAA HADUU DIIN DHABYAHAY
UGA HABOONAAYEE
DIINKIIS HAREER MARE MIYAA
SOO HANTAATACAYA
HOOSKIISA IIGAMUU DUWANA
HAATUFKUU DIRAYE
DADKA KAAS USII WEEL HAYAAN
HOHE LAYAABE
WAAGII TIGREEGII HANTIYEY
HILIMADAAN JOOGNAY
RAGII BAQADA HEERYADA DHIGAAN
HOHE LAYAABAAYE
NIMANKII HALKAA DHEERJIREE
HOOLAY TIMAHOODA
INAY MAANTA FATWA SII HURSHAAN
WAA HAL LALAYAABAY
AFARTAA HALKAAN DOONAYIYO
HILIN MAQAADSIIYEY
AFARKALE HOGAY JIIFIYEEN
HUBALMA SOO SAARAY
SALIIBKII HALKAA LOOGATAGAY
HOOSH MALAGU QAADAY
SHACABKII HAWAASIYEY MARKALE
HADAL MAGAADHSIINAY
WADAADADAN HOGOODII LAQODAY
LAGUNA HAASAAWAY
DADKUNA AY HOBSHEEYEEN
MARHORE HAATUNA UDIRAYEY
MIDKAAN HAWSHAN RAALI UGANOQON
DUULKAN HALA KEEYEY
HALA LOOMA HAYSTOO RABAA
HIILIN TUUYIRIYE
HAYEESHEE NINKII HOOBSAN JIRAY
HILIBKA CEERIINKA
HANTIDUU ILAAHAY LAHAA
DUULKALAW HOOYEY
HOGA LAGU CADAABKAA UNBAA
MAANTA HALAKOOBAY
Walaalka isugu yeeray ‘Farah’,
“Muran Yahuudeed”?
Subxaanallaah. Walaal, sunnada waa in la oogo mana laga tegi karo.
Midnimadu waa waajib oo waa run. Laakiin mid haka tegin:
1. 2006 midnimo baa la galay waqtigii Maxkamadaha oo Sharrif Axmed hogaamiye ka ahaa, Indhacadena Wasiirul Difaac ka ahaa.
Intaa waa laga digayey. Wixii ka dhacay waa la ogaa.
2. 2007 Midnimo aa lagu soo dhisay Asmara oo Shariif Axmed loo doortay hogaamiye, Indhacadena loo doortay xoghayaha Gaashaandhiga.
Halka ay maanta joogto waa u jeedaan.
3. Dhamaad 2008, bilowga 2009 Xisbul-Islaam baa la sameeyey.
Ragii ku jirey qaar waxay u galeen Shariifka sida Indhacade oo kale.
Kuwo waxay qaateen mashruuca Kenya oo buffer zone la rabo in laga hir geliyo dhulka Jubbooyinka sida Axmed Madoobe oo kale. Hadda ogow ani ma duraayee, waxaa cadeeyey raggii ay Kaambooniyiinta wada ahaayeen.
Sheekh Xasan Turki, Sheekh Maxamed Dulyadeen, iyo rag kale waxay ku biireen ragaas Shabaabka ah.
Walaalkay midnimo waa faral diini ah laakiin yaa wada geli? dadkii is aaminsan oo isku kalsoon baa wada geli. Midnimo ma aha aan urur wada galno oo Indhacade, Axmed Madoobe, iyo ragga la midka ahi beri ha kusoo galaan taasi xal maaaha.
Nin kasta khladkiisa ha la sheego.
ma la heli karaa in Soomaali ka badax banaan ururadaan oo gudaha Soomaaliya joogtaa in xal raadin karaan?
Subxaanallaah, meesha muran Yahuud ma yaalo ee facts aa laga hadlaa!!
Brother Cali Guure,
Videogaan daawo dabadeed noo sheeg waxay kula tahay:
“Al-Shabab claims credit for Somali food boom”
http://www.youtube.com/watch?v=Zn18G–1Y5Q&feature=player_embedded
Akhuuna Farax
Waan kugu raacsanahay in la isu samro ama la is xambaaaro haddii mid ilduufo. Sidoo kale waan kugu waafsqsananahay in gaalo aynaan ukala sokeyn oo gumaca noo wada sidato.
laakin walaalow ogow waxaa ay shabaab sameynayaan qaarkood oo ah diidiidda in mirahan jihaadka loo rogo guulo islaami ah oo siyaasadeed oo illinta ka tirta shacabkan jabay iyo banneysigooda dhiigga mujaahidiinta kale aanan marnaba la sugi karin.
Xasan Dahir runtii waa uu dulqaatay isaga oo leh hoggaan xumi.
Cisho dhowayd waxaan arkay adiga oo iigu yeeraya magac kale. markaan saaxada xan sadey ninkaasi waxaan helay inuu yahay nin u janjeera dhanka shabaab oo dhawaac culus ku dhacay. Weli lama kulim lakin waxaa la ii sheegay nin macangag inuu yahay. sidaa ula soco
Brother hymo.
Cajalka arkay waana ilaah mahaddii laakin la akhri guud ahaan walxaha kale ee aan ka hadlay.
Sheegashada shabaab barwaaqadan sidaa iiguma wada muuqato.
Dooddeeda markeeda.
Muran yahuujd?
Subaxaanallaah waa ka haray mar haddii gabarta walaashay ahi halkaa gaarsiisay.
Cali Guure,
Roobka Alle ayaa keenay oo waa raxmad alle, Alxamdulillaah.
Al-Shabaab waxay ku amaanan yihiin sida cajalka lagu xusay waa 3 arrimood:
1. Codsiga ay u jeediyeen oo ahayd WFP (Hay’adda cunada Adduunka) oo ay ka codsadeen inay dalaga uga soo go’a beeraha beeralayda Soomaaliyeed ka iibsadaan. Markii WFP diideyna in gobolada Al-Shabaab xukumaan banaanka uga tuureen hay’adaas.
2. Nabadagelyada oo ay hagaajiyeen gobollada ay ka taliyaan, taasna mahadeeda Alle ayaa iska leh oo u suura geliyey inay shaqo wanaagsan ka qabtaan dhinaca Nabadgelyada.
3. Dadkii oo lagu guubaabiyey inay beerahooda beertaan oo Alle baryaan oo aan gacan gaalo wax laga sugin. Waa taas maanta mirihii beeraha meel wax la geeyo la’ yahay.
Allaahu Akbar.
Weli ma hayo urur ama maamul Soomaaliya ka jira oo shaqo intaas le’eg qabtay.
Inshallaah wixii qaladaad ah ee ay leeyihiin Alle waa fahamsiin oo way arki, ururada kalena waxaan u rajayn in Alle khaladoodka solonsiiyo.