Axmed C/samad
Rakaabkii aan wada rafiiqnay
Waxaan gaariga ku saarnayn toban qof oo shan ragtahay, afar dumara iyo wiil yar oo labo jira. Ganay oo gaariga watey wuxuu ahaa nin dad yaqaan ah oo reer Laascaanood ah, balwadna aan lahayn, salaaddana wuu tukanayey, waliba cajalado diini ah buu mar mar noo shidayey. Ninka noocaas ah oo aan dhib kaaga imaanayn, khayrna kuu faa’iidaynaya in lala rafiiqo ayuu mudanyahay. Darawalo badan baa dadka sigaar ku qiiqiya, hees iyo qalaadna ku daara, isla markaana u diida inay salaadda tukadaan, af-lagaadada iyo dhaqan xumaduna u sii dheer. Haddaba dadka gaadiidka iska leh waxaa la gudboon inay dad diin iyo akhlaaq leh u dhiibtaan gaadiidkooda; si aysan ummadda dhibkeeda uga qaybqaadan.
Barasho horteed hay nicin
Rakaabka waxaa ka mid ahaa inan Cali la yiraahdo oo wax ka baranayey dugsiga sare ee xannaanada xoolaha ee magaalada Sheekh. Inankaas wuxuu ka yimid gobolada woqooyi bari, muddana wuxuu wax ka baranayey magaalada Sheekh. Wuxuu aad iyo aad u amaanay deegaanka uu wax ka barto iyo dadkiisa. Markaan maqlay inanka warbixintiisa waxaan jeclaystay in dadkeenu wada helaan fursad ay isku dhexgalaan, iskuna bartaan; si ay uga dawoobaan afkaarta qaldan ee ay kala qabaan. Si gaara waxaan u jeclaystay in ay arrintaas u hormaraan culumada, bahda waxbarashada, abwaanada, bahda warbaahinta iyo ganacsatada oo dhammaantood saamayn weyn ku leh bulshada.
Waxaan kaloo jeclaystay madaxda Soomaaliyeed ee har iyo habeen ku sii dhudlaynaysa Adis ababa iyo Nairobi inay booqdaan caasimadaha Soomaaliyeed iyo magaalooyinkeena kale ee taariikhiga ah; si ay uga baxaan Xabashida iyaga is baraysa, una kala waramaysa.
Itoobiya ayaan u soconaa
Wiil dhallinyaro ah iyo islaan rakaabka ka mida ayaa iyana caafimaad darti ugu kala socday Harar iyo Adis ababa. Waxaan is weydiiyey in dadkeenu Itoobiya dhakhaatiir u doontaan ma inay ina ka dhakhaatiir wacanyihiin baa keentay, mise dhakhaatiirtii Soomaaliyeed baa ammaan xumo u diiday inay dadkooda u adeegaan?, xaalkeenase wax ma ka badali karnaa; si aynu dadkeena aqoontooda iyo khibradooda uga faa’iidaysano?, mise waxaa inoo go’aana inaynu dadkeena u qixino ama u baahigalino xagga Itoobiya iyo Kenya?.
Gaalkacyo iyo socdaalada qaxootiga
Booqasho hore oo aan ku imid Gaalkacyo ayaa Maxamed yare iigu soo galay qolkii aan ka deganaa hotelka Aaran ee magaalada Gaalkacyo. Isaga, hooyadi iyo walaalihi waxay ka soo qexeen degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho, waxayna ku sii jeedeen magaalada Adis ababa. Maxamed yare Qur’aanka wuu dhammeeyay, iskoolkana meel fiican buu ka marayey, da’diisuna qiyaasta 13 sano ayay ahayd.
Waxaan markaas is weydiiyey yaa ka musuula qixinta maatada iyo inay magangalaan Itoobiya?. Waxaa kaloo su’aal culus igu noqotay maxay wadaadadu Xabashida dalka uga saarayeen haddii ay dib ugu yeerayaan ama ay dadka ka dabaqixinayaan?. Waxaa kaloo ii muuqatay in dadka loo qixinayo Kenya, Itoobiya iyo meelaha ka sii fogfog ay tahay fursad kaniisadaha loo siinayo kirishtaamaynta dadkeena!.
Tahriibka Maxamed yarihii labaad iyo hooyadi
Maxamed yare labo sano jir weeye, hooyadina waa gabar dhallinyaro ah oo saygeedii tahriib ku galay Sucuudiga, iyaduna doonaysa inay haleesho iyadoo inankeeda sidata. Waxay doonaysay inay Jibbuuti doon ka raacdo, ka dibna Yaman lug kaga tahriibto, ayna dhexjibaaxdo dhul ballaaran iyo ciidamayow isku horfadhiya xuduudda Yaman iyo Sucuudiga.
Dadka Soomaaliyeed ee tahriibka ku mara badaha dunida ama oonku ku laayo saxaarayaasha ama barafka iyo madaxkutidu ku dilaan dhulka bahgooyada ah sababo kala duwan baa qixiya, waxaase iila xanuun batay kuwa aynu bulsho ahaan sida tooskaa masuulka uga nahay oo ceebteedu sida gaarkaa inoo ku soo noqonayo, maadaama laga eryay dalkoodii iyo dadkoodii ay sharfta iyo qiimaha ku dhex lahaayeen, loona baylihiyey dad wuxuush ah oo aan diin iyo sharaf midna u ilaalinayn.

Related posts: