Sarkaal la sheegay inuu ka goostay DKMG oo isu dhiibay Maamulka Xisbul Islaam ee Gobolka Hiiraan.

Sarkaal la sheegay inuu ka goostay Maamulkii DKM ee isaga huleelay Gobolka Hiiraan ayaa Maanta isku dhiibay Maamulka Ururka Xisbul Islaam Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Sarkaalkan oo Magaciisa ku sheegay Khaliif C/lle ayaa maanta Goob Fagaare ah kala hadlay qeybo kamida Dadka ku dhaqan Magaalada Baladweyne wuxuuna shaaciyey inuu isaga baxay Maamulkii Hore ee DKMG u qaabilsanaan Gobolka Hiiraan oo uu sheegay inuu horey uga mid ahaa.

Waxa uu sheegay Mukhtaar inuu Alle u toobadkeenay isla markaana uu kamid noqonayo Dadkiisa wixii Xiligan ka dambeeya.

Afhayeenka Maamulka Xisbul Islaam ee Gobolka Hiiraan oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay inay soo dhaweynayaa cid walba oo ka harta la shaqeynta Cadowga sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu intaa ku daray inaysan Sarkaalkaas ku qasbeyn inuu la shaqeeyo Xoogaga Islaamiyiinta balse uu qeyb kanoqonayo Bulshada ku dhaqan Gobolka.

Lama sheegin Xilka ama Mas’uuliyada uu Mukhtaar ka hayey Maamulka DKMG ee uu ka tagay..

Majiro war ka soobaxay dhanka Maamulkii DKMG ee horey looga saaray Gobolka Heeraan oo xaqiijinaya ama beeninaya goosashada Sarkaalkaas.

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco

7 Comment(s)

  1. waxaan is leeyahay maadaama uu kusoo biiray kooxda Mucaaradka, waxaan ka rajeynaa in ay siin doonaan shahaada cusub ee ay ula bexeen Muslinnimada.

    sababtoo ah weli mamaqli nin ka soo goostay qolada dowladda la magacbaxday kuna soo biiray mucaaradka oo Ashahaadka loo celinayo.

    hadii aan maqli lahaa in soo goostay oo lagu amrayo in uu towxiidka qiro si uu Horta Muslimo marka hore kadibna loo ogolaado in uu kubiiro, waxaan is dhihi lahaa arintu waa diin dhab ah.

    laakin kiisoo goostaba waa un la soo dhaweynaa malaha shahaadada waxa ay ugu yeereen Muslinnimada cusub ayaa la siinayaa.

    Nimaan yaabin ayaa waa layaabay ku dhahaya. arintu masii gooso soo goosaa?
    kiika goostana shahadada waxa ay ugu yeereen muslimka cusub miyaa laga reebanayaa kankalena malaga horgeynayaa?

    Luuq luuq marow laasin laamiga ayuu imaanayaa. waxaan sugnaahi Sh xassan oo sii cararaya iyo isagoo laga daba tuurayo murtadnimo. kolleyba maliito isgana waxaan ka sugnaahi waa: maadaama ay isoo raacdeeyeen iyaguna waa qawaarij, arintaasi waa wax iska cad oo waxay rabtaa in waqtiga lasugo kaliya maba dheeree hala dulqaato dhow maalmood.

    Diinta iyo danta shaqsiga kala saara | Mar 18, 2010 | Reply

  2. malaha xun waa xaaran dadka in lala jeclaado wanaaga waa muhiin laakiin waxaa ii muuqda dadka in ay isku taxalujinayaan in ay qalbiga dadka ay akhriyaan ayagoo u rajeenaya in ay xumaan ku dhacaan . war ilaahay ka baqa oo hadalka kiisa san uun qaata umadana u rajeeya kheer iyo wanaag. taas ayuu kheerka ku jiraaye.

    jaamac dhoole tuse | Mar 18, 2010 | Reply

  3. Soomaalimirror websidkale kuma arkin sarkaalkaan goostay oo aan idinka aheyn.Inaad buunbuunisaan nimankaan wadanka fowdada ka wado united nationka xataa warbixinti loo gudbiyay waxaa ku jirtay websidkaan somalimirror iyo kuwa kale oo shabaabka taageero inaad ka mid tihiin kuwo dabka soomaaliya sii hurinaayo.Marka waxaa ilaahey mahadiis ah in umadi oo dhan idiin ogaatay inaad rabtaan arinta muqdisho ineey maamul iyo dowlad laan iska ahaato idiinkoo shaati diin ooy hoos uga jirto funaanad qabiil isku qarinaayo.waan idin ogahay iaan qoraal kan aadan soo gudbinaynin,laakiin ujeedeyda waxey tahey inaan idiin sheego in leydiin wade arkay waxaana hubaa inaad warbixintaas aqriseen.Ogaada kan qoriga wato oo dhiiga umada baneestay culumadi iyo waxgaradkiina warkooda diiiday waa shabaab iyo xisbul xasan daahir inaad idinka la danbi tihiin oo aad qalinka ku dagaalameysaan,kuna taageeraysaan.

    mohamed | Mar 18, 2010 | Reply

  4. dadka muslinka oo wax fahmaya
    waa in isaga baxaan bucadda uu shariif (SAM-WALDU) uu hogaamiyo.
    awal maxaakiintii khayaanay.
    haddana suufaydii ayuu khayaanay!!
    vivo mujaahidiinta dalka iyo diinta u istaagay.
    aamiin allo

    aamiin

    aliyow | Mar 18, 2010 | Reply

  5. waxlayaableh ayaad kuhadashay aqoon la,aankuhaysa darteed taasood i aragto inaan qofna kabixikarin diinta nacuudu bilaahi mindaalika ficilkii uu kuridoobay ayuu qofku kalaabashadiisa diinak kugalaa dadbadan oo axmaqyaal ah ayaa jira isuna haysta inay wax garadyihiin ilaahay qalbi uu xaq kaxirayna nina uma furikaro

    Abu fatima | Mar 19, 2010 | Reply

  6. ASC
    AMA ZINAWI U ADEEG AMA ISLAMKA U ADEEG OO SAFUUFTA ISLAMKA SOO RAACA. WAAYO MAANTA SOMALI WAXAY NOQOTAY GAALO U ADEEG IYO DIINTA DIFAACE, WAXAA SOO BATAY NIMAN GAALADA IN AYAR OO ADUUNYAA KA QAADANAYA AYGOO ISLAMKA KU SHEEGAYA WAA TERROR.

    muslima | Mar 19, 2010 | Reply

  7. Alahu akbar

    Abu sumaya | Mar 19, 2010 | Reply

Fikrad ka dhiibo