Kulan looga hadlay qaabkii dib loogu dhisi lahaa Goobihii Danta guud ee Magaalada Celbuur ee Gobolka Galgaduud ayaa shakay galinkii dambe Degmadaas ku dhexmaray Maamulka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo ganacsatada iyo waxgaradka Deegaankaas.
Waxa kulanka ka qeybgalay Waxgaradka iyo Ganacsatada Deegaanka iyo Maamulka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee Gobolka Galgaduud oo uu horkacayey Waaliga u qaabilsan Gobolkaas sheekh Yuusuf Kabakutukade.
Hadalo ay madasha si wada jira uga jeediyeen qaar kamida ganacsatada iyo waxgaradka Deegaanka iyo Xubnaha Maamulka Al-shabaab ayey ku sheegeen inay isla garteen dib u dhisida iyo howlgalinta Goobaha iyo dhismayaasha Danta guud ee ay laheyd Dowladii dhexe ee Soomaaliya gaar ahaan kuwa ugu muhiimsan sida Iskuulka iyo Saldhiga.
Kaba kutukada oo Madasha ka hadlay ayaa sheegay inay isla garteen Maamulka iyo Waxgaradka Deegaanku in dib loo sooceliyo bilicdii Magaaladaas waxaana hadaladiisa kamid ahaa:“Odoyaasha Ugaasyada iyo salaadiinta iyo waxgaradka Magaalada iyo raga ganacsatada ah waxanu go’aan ku gaarnay in Magaalada Ceelbuur ay tahay Magaalo qadiim ah maantana mudan in Magaalanimadeedii iyo bilicdeedii dib loogu soo celiyo”.
Qaar kamida Odoyaasha iyo ganacsatada kulanka ka qeybgalay oo iyana meesha ka hadlay ayaa sheegay inay wanaagsan tahay dayactirida iyo dib u howlgalinta Goobaha danta guud ee Magaalada Ceelbuur.
Guud ahaan koonfurta Soomaaliya waxaa gabi ahaanba burburay inta badan Goobihii danta guud mudadii 20-ka sano aheyd ee ay Dagaaladu ka socdeen Dalka.

Related posts:
waa arin farxad leh una soo hoyatay dadka rer ceelbuur iyo soomaali oo dhan
talaabo horey loo qaaday
Dan & iyo maslaxa guud hadii ay doonayaan shabaab ayay iska qaban lahaayeen, qas wadayaasha & khawaarijta casrigan, kuwaasoo ay culamadeenii somaliyeed & kuwa caalamu islaami ay cadeeyeen in ay khawaarij yihiin ayna waajib tahay in layska qabto.
Shabaab in ay dan & maslaxa guud ka shaqeeyaan iska dhaafee, bal waa cadaawaha nolasha & fasaadka aduunka. Allaha inaga qabto.
HADAAD WAX SHEEGAYSO CADAYN BAA LA KEENSADAA ( RAGAAS WAA SAAS ,IYO SAAS QOF KAA DAGAYSANEE MA JIRTO ( SHABAAB QALADAD KOODA CADAY HADII KALE AFKA QABSO OO MUSLIMIINTA DHAAF ). ANAGA SHABAAB OO ADIS ABABA JOOGTA MASA ERATERIA KA SO HADLEE MAANAN ARAG.) SHABAAB OO TANGI AMISOM KU JIRTO MAANAN ARAG. SHABAAB OO CULUMADA EHLU BIDCADA DALIIL SANEE MAANAN ARAG.SHABAAB HA DAGAYSAN MA AQBALAAYO CADAALAD MAAHAN ( ABUU HURAYRA SHAYDAAN U DAGAYSTAY)