Markab siday Kiimiko oo la Afduubtay November-tii tagtay dhxedeeda ayaa la siidaayey isaga iyo Shaqaalihiisa oo gaarayey 28 sida uu xaqiijiyey Mas’uul ka tirsan hay’ada kaalmeynta badmareenada kadib markii laga qaatay Madaxfurasho dhan $3.5 Million.
Andro Mwangura oo kamida hay’ada kaalmeynta badmareenada geeska Africa oo AFP u waramyey ayaa yiri:“Maanta(shalay) ayaa la siidaayey Shaqaalaha saarana wey badqabaan” wuxuuna intaa ku daray inuu kuwajahanyahay dhanka Manbaasa kadib markii mudo lagu heystay Xeebaha Xarar-dheere ee Saldhiga u ah Burcad Badeeda.
Waxa uu sheegay Mas’uukaas in lacag gaareysa 3.5 Million oo Doolar Madax Furasdho looga qaaday Markabkaas lana siiyey Burcad Badeeda.
Burcad Badeeda Soomaalida ayaa la sheegayaa inay haatan heystaan ku dhawaad 10 Markab oo ay saaran yihiin 160 Shaqaale sida lagu sheegay tirakoob ay sameeysay Shirkad Xaga badaha Qaabilsan oo baarta Malafka Burcad Badeeda.

Related posts:
BISMILLAAH.
xaqiiqda burcad badeeddu waa dheel cusub oo ay gaaladu ku banaysanayso sidii loo dhici lahaa khayraadka soomaaliya, ee waxaa iswydiin leh aaawaye 50 dawladood ee ahaa burcad badeeda rasmiga ah jirto 50 kaasoo ku soo gabaday burcad badeeda yar yar, waxaana buracadoo dhan madax u ah yuhuudda iyo nasaaro ,haddaba wax macquula miyaa in gaalo la qayliso burcad badeed baa markab afduubtay ayadoo maraykanku
adduunkoo dhan uu afduub xaaraaana ku haysto
dadow gaalo na dhacdaye aaan is daba qabano.
WALLAAAAHU ACLAM.
waa loo baahan yahay mana ahaa burcad badeed ee waa dad wadankooda canshuur kaqaaday oo an rabin badooda in lagu soo xadgudbo alla maxaa wasakh lagu soo daadiyay alle ayaa u maqan dadkii garan lahaa inay difaacdaana majiraan oo uma muuqato wax kaqabadkeeda waad lasocotaan soomaaliyeey in cuduro aan la,aqoon in wadankii kadilaacay oo dhimashada ay sabab u tahayw asakhda lagu shubo badeena nabar ayaa kasoo baxaya qofka wax yar kadib kaw waa dhintay waxaa sabab u ah sunta kiimikada ee lagu shubayo alloow noo maciiiiiiiiiiiin