Sh. C/Raxmaan Abyad oo laga sii daayay xabsiga

Warar lagu kalsoon yahay oo naga soo gaaray caasimadda Dalka Denmark ee Kobenheegan ayaa waxay ku bishaareynayaan in abbaaraha 3dii galabnimo ee maanta ee xilliga Yurubta waqooyi laga soo daayay xabsiga magaalada kobenheegan Sh. C/Raxmaan Axmed Cilmi (Abyad) oo muddo 4 usbuuc ah halkaas ku xidhnaa.

Sheekha ayaa maxkamad u ballansanaa arbicada berri ah hase yeeshee la iska soo siidaayay iyadoo aanan haba yaraatee wax maxkamad ah lasoo taagin.

Soo siideynta sh. Abyad ee kadiska ah ayaa waxay muujineysaa in sharci darro lagu heystay eedeymihii loo cuskaday xabsigiisa iyo kuwii intii uu xabsiga ku jiray la isugu dubariday intuba in ay wax kama jiraan noqdeen.

Ilaa iyo haatan dhanka ciidamada amaanka ee Denmark iyo saxaafaddaba kama soo bixin wax hadal ah oo ku aaddan soo siideynta sheekha iyo wax cad oo ku saabsan xabsigiisa muddada 4ta usbuuc ah iyo siideyntiisa toona.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Sheekh C/Raxmaan ayaa ah sheekh daaci ah aadna looga yaqaan dalalka Yurub iyo reer galbeedka, fadhigiisuna yahay magaalada Kobenheegan isagoo si gaar ah sheekh uga ah dalka Denmark gaar ahaan markazka Attawxiid ee ku yaal magaalada caasimadda ah ee Kobenheegan.

Wixii tafaasiil ah ee kasoo kordha soo siideynta sheekha iyo axwaashiisii intii uu xabsiga ku jiray gadaal ayaan idiinka soo tabin doonnaa idanka Eebbe.

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco

44 Comment(s)

  1. Ilaah ayaa mahadleh,

    Runle | Mar 16, 2010 | Reply

  2. Allaahu akbar Manhaa Allaah Sheekhoow Allaha kuugu bedelo ajir iyo khayr intii ay gaaladaas kugu haayeen xabsigooda kuwii ku jaajusayna allaah soo hanuuniyo hadaysan hanuun lahayna lalaha meel xun ka bixiyo run ahanatii waa arin aan aad ugu farxay sheekheeniiyoow waxaan ku faraxsanahay in aad heshay madax banaanidaadii

    Fre Falastiin | Mar 16, 2010 | Reply

  3. al xamdu lilaah awalba waxkumay hasan laakiin haduu shiikhu kasoo baxay xabsiga allaa mahad iska leh

    farduus | Mar 16, 2010 | Reply

  4. waan ku faraxsannahay

    farduus | Mar 16, 2010 | Reply

  5. al xamdu lilaah awalba waxkumay hasan laakiin haduu shiikhu kasoo baxay xabsiga allaa mahad iska leh waanu kufaxsannahay

    farduus | Mar 16, 2010 | Reply

  6. maansha allaah tabaaraka laah ilaahay ayaa mahadle allaahuma faki asral muslimiin
    sh.c/raxmaan abyad allah ilaayo e waa halyay mujaahid ah
    muxaadaraadkiisa layaabka lehna waxa kamid ah
    Xruubu saliibiya.
    Qisadii tataarka.
    Taariikhdii andalus.
    Halgankii geeska afrika.
    Weerarada dibada maxaa inagala gudboon oo ah taa hada sawirkiisa ka muuqata
    Hogaanka fiican iyo midka xun.
    Hamiga shabaabka muslimka ah .
    Taqwada alle .
    xurmada dhiiga muslimka ah.
    Qofka hagaasan ayaa bulshada hagaajiya.
    Caqiidada ayaa Umada iski xidha.
    anigu intaasaan arkay laakiin way ka badan yihiin waxan kugula talinayaa inaad wada dhagysato dhamaan tood hadii ay suurtagal kuu tahay waayo waa halgan iyo taariikh muhiim ah oo ay fiicantahay qofka muslimka ahi inuu barto waxna ku dhiso mustaqbal kiisa
    waxan ilaahay kumadinayaa ummada soomaaliyeed in dhexdeeda yeelay c/raxmaan abyad iyo culimada lamidka ah

    waxad ka heli kartaa qaar kamid ah muxaadaraatkaa daarulcilmi.com
    wablaahi tawfiiq

    axmed yasiin | Mar 16, 2010 | Reply

  7. WAXAAN AAD UGU FARAXSANAHAY WADAADKA XORIYA DIISA HELAY WAXAANA LEYAHAY ILLAHAY HAKUGU BADALO QAYR HANA KAA QABTO CADAWGA ISLAAMKA AAMIIN .A .A

    rajaku nool | Mar 16, 2010 | Reply

  8. Allahu akbar, allahu akbar, waa war farxad badan wallahi. Allah sheekha ha noo xifdiyo, murugo iyo wareerna ha ku rido wixii xabsigiisa ka dambeeyey.

    Sheekha allah dartii baanu u jeelelnahay, waligeen xumaan kumaanaan arkin, wayna iska cadahay in aanan waxba lagu haysan. Alloow sheekha ka ilaali wixii xumaan la raba, iyo jaajuusiinta meelahaas fadhida ee sugaysa hal jaanis ay dhib sheekha ugu gaystaan.

    Wakhti afar isbuuc ah baanu ku noolayn murugo, allah baa naga qaaday murugadaas.

    Farxad farxad farxad weeye wallahi, allah baa mahad leh.

    Adoon Allah | Mar 16, 2010 | Reply

  9. Ilaah baa mahad leh. Kuwa kalena ilaah ha soo daayo. Jawaasiistii waxan ka dambaysay caamalahumullaahu bimaa yastaxiquuna idaa lam yatuubuu

    Cali Guure | Mar 16, 2010 | Reply

  10. Allaahu Akbar . Allaa mahad leh Gaalada shurufka wasaqda ah leh ayaa xumaan oo dhan leh
    Allaah ha dhawro Sheekha Aamiiiiiiiiiiiiiiiiin

    Axmed Cumar | Mar 16, 2010 | Reply

  11. maasha allah
    waa mahad alle

    cabdillahi | Mar 16, 2010 | Reply

  12. alxamdulillaahi ilaahow adiga kaligaa ayaa mahadleh
    ilaahoow adaa ka soo daayay xaqdarada lagu haystayna ka badbaadiyay alaahu akbar walillaahil xamdu.

    xamdiyeey | Mar 16, 2010 | Reply

  13. allahu akbar ………ilaah ayay mahadi u sugnaatey sheekhana ilaahay dartii ayaan u jecelnahay dhamanteen allaha xafido allaha u gargaaro siduu xaqa ugu gargaarayo

    luqmaan abidismad | Mar 16, 2010 | Reply

  14. A.w.w. ALLAH AYAA MAHAD LEH (RIJALUN SADAQUU MAA CAAHADU LLAHI CALEIHI) ALLADIINA YUBALLIQUUNA RISALAATI LLAHI WAYAKHSHAWNAHU WALAA YAKHSHAWNA AXADAN ILLA ALLAI) WALLAHI ILAHAY WUU UGARGARI NINKII ALLAH IYO DÍINTIISA UGARGARA. BAL FIIRIYA RAGNEH WAALA DILI RAGNE WAA LAXIRA KUWA KALANEH DALXIIS IYO SHIRAR IYO WAX KASHEYGISTA MUJAHIDDIINTA IYO AROOS BEY KABIXI WAAYEEN DHIB MALEH ISAGA JIHADA XAASASKIINA GAALADANEH KABAQA. INTAS WAXAN KAWADA IN AY DADKA WAX FAHMAAN WAAQACA LASOCDAN. MAXABISTA MUSLIMIINTA ALLAH HANOO SOO DAAYO AAAMIIN.

    Alxaaj cabas | Mar 16, 2010 | Reply

  15. Alxamdu lilaah ilaahayna sheekha Dembi dhaaf ha iga dhigo waana la
    Imtixaanayaayee ilaahay Xaqa Dhamaanteen haynagu sugo
    Wc

    aliheybe | Mar 16, 2010 | Reply

  16. BISMILLAAH.

    shiikhow ballanteenu waa inaad mujaahidiinta si
    dhakhsa leh ugu tagtaa, yaan maqlin mar kale waa la xiray ama la fara xumeeyay.
    ballanteenu waa inaad dhul gaalo ka soo shiraacataa oo kalimadda meesha laga rabaa waa meel macruufee la aad.
    haddaad diido naseexaday mar danbe kaama yeelin
    xabsi gaalaa la ii taxaabay.

    WALLAAHU ACLAM.

    khaadimul-ISLAAM | Mar 17, 2010 | Reply

  17. waa sax khaadimul islaam hadii sheekhu mujaahid dhab ah yahay ha iska xaadiriyo koonfurta soomaaliya si looga xoreeyo gaalada, laakin kama aanan yeelin in mar dambe la yiraahdo waa la xiray, hadii ay taas dhacdo waa maahmaahdii soomaaliyeed ee lax walba shilalkey is dhigto baa lagu qalaa

    Nasiixa | Mar 17, 2010 | Reply

  18. asc wr wbr ku walaalka wata khaatimul islam,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,walal sheekhu waa nin weyn oo sida adiga kaa muuqata aad iyo aad kaaga cilmi badan,,,,saa darteed maaha inaad tidhaahdo halkaa aad iyo halkaa aad,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,alxamdulilaah aad ayaaan ugu faraxnay in sheekhunaa ABYAD ilaahay ka soo furtay gaalada iyo jawaasiist.. sheekh c,raxman ku soo dhowoow gacma furan iyo ubaxyo qoyan ,,,,,wa bilaahi towfiiq,,,,,,,,,,,,by ducaale yare

    mohamed | Mar 17, 2010 | Reply

  19. Alxamdulilah eeboow
    Haday eydu daayeen
    Inaankaa wadaadkaa
    Awal waxumuudhimin
    Islaamnimo nacaybaa
    Eedkalana muu galin
    Iftiinkiisa nuurkiyo
    Waxaa dhibay ilayskaa
    Ale wayne siiyee
    Haday duul inkaar qaba
    Inkireen alihidhigay
    Oogada cirkeesare

    Dhulkaan gogol asaladhigay
    Ay yihiin amaasoor
    Muxuu inanku yeeloo
    Awal ay uxirayeen
    Dheenish dhaga aguugoow
    Afxumadi rasuulkaad
    Wali aabitaartahay
    Abyad waxan kuleenahay
    Ilaahay hakulajiro
    Kii ku ajraayana
    Ha amuugo gabigiis
    Hana aaso kuligiis
    Aakhirada xageedana
    Mustaqbal aan ifaynbaa
    Abid uga baryaayaa
    Aabiga midkii dhigay
    Jeelka kugu abaadshee
    Asbaabli ida kugu xiray
    markalaan oranayaa
    Ilaahay hakula jiro
    Wixii aafo kularaba
    Ha eedsiiyo alaheen
    Aaaaaaaaaaaaamiiiiiiiiiiiiiin
    Alayow adigaa abaalee

    Abu fatima | Mar 17, 2010 | Reply

  20. Khaadim iyo Naasix

    Masaakiin man antum xataa taquulaa kaama yeelin. Masaakiin.

    Sheekha waxaa uu ku jiraa jihaad aldacwa uu Godane iyo acwaantiisa ku fashilmeen fahamkeeda iyo hirgelinteeda. Haddii uu yimaadana u malayn maayo inuu godane u togaayo waayo Godane waa sheekhul Awxad oo weliba ka dhuunta masaakiinta shabaabka aanan oggolayn in ahlul cilmiga iyo culuumta sharciga la baro shabaabka. Anaashiidka waa OK agtooda.

    Haddii uu ku diidana tala waxaan shaki iiga jirin -laa saamaxa Allahu- inay khaarijin doonaan. Hadaa idaa jaa’a ilayhim.

    Marka sheekha ha ka soo hijroodu waxay ku fiicnaan lahayn marka ay shabaab oggol yihiin marjiciyad Islaami ah. Maanta waa la og yahay sida uga dhar tiran yihiin barashada shareecada meelaha ay joogaan iska daaye tixgeliyaan wax culimo sheegta.

    Haddii uu sheekhan imaanayo waxaan shaki ku jirin inuu mujaahidiinta wasadhka ee xisbiga u imaanayo ama la jirayo sida dhamaan culimada dibadda joogto ku hindisayaan oo la wada og yahay.

    Bil munaasaba Godane cajalkii cisho dhowayd ku qabsay siidaynteeda idaacadahan maxalliga ee xamar jooga marka tan Amisom iyo shariif laga reebo waxaa uu ku yiri waxyaalo badan oo u baahan ifin iyo sixid cilmi ah. Alrajaa Somalimirror inay soo dhejiso si cilmi loo dhalaaliyo, loona muujiyo dhibka cilmi iyo urur ee haysta Godane. Taasi oo ah mid aynu in badan ka digney.

    Ilaahow xaqa nagu sug

    Cali Guure | Mar 17, 2010 | Reply

  21. waa sax khaadimul islaam sheekha waa inuu imaadaa meel uu jihaadkiisa ku uufin karo halooga sootago mesha shiiqyada aan jihaadka jecleen ineey kahadlaan amawa dhaho waqtigaan looma baahno si eey daka meesha jogaan macruufka ufaraan munkarkana ugareebaan saladana ugu buuriyaan inta jihaadka daneeysana ha iskaga sootagaan si aan xabsiyada loodhigin marwalbo ileen gaalo kama ogolaaneeysee siiwa sheekh abyad waa sideey kuudawa dhikteen laasin kuwaas waa inaad iskaga sootaktaa nacalad haku dhacdee kafiriinta iyo kuwa jecel ee u adeega mahad waxaa iska leh allahii kaasoodeeyay gaalada alxamdulillaah ilaahayoow shiikh yada kaxifdi mujrimiinta

    nasratuddiin | Mar 17, 2010 | Reply

  22. Khaadimul Islaam iyo Nasiixa,
    Walaalayaal Miyaanu Jihaad ahayn ninka intaas oo ummad ah ugu yeeraya inay Alle Keliya caabudaan.. In Qofka lagu lagu dilo, lagu xiro, lagu aflagaadeeyo Jidka Alle loogama tago dacwada..walaalayaal labadina indhoodba fura si aad u aragtaan koonfurta soomaaliya iyo calamka intiisa kaleba.

    Adoon Eebe | Mar 17, 2010 | Reply

  23. Ilaahay baa mahad leh ka sii daayey xabsigii Sheikh C/raxmaan Abyad. Haddana Ilaahay ha ka badbaadiyo dibindaabyadooda. aamiin.

    Jaamac | Mar 17, 2010 | Reply

  24. Ascww. Waxaa dhab ah dadka muslimiinta ay ee ku nool dhulka gaalada inay mustadcafiin yihiin culimo iyo caamo midkuu doono ha noqdo waa mustadcaf la dulaysto waxaana waajib ah inuu u hijroodo dhulka kitaabka alle lagu xukumo iyo inuu ka qayb qaato jihaadka dalkeena ka socdo si uu ula jihaado cadawga saa,irka ah ee dalkeena haystay. Waliba sheekhan iyo culimada kale ee reer galbeedka la nool inay u hijroodaan gobolada somalia ee shareecada ka oogan tahay dadka ay hada dacwada ka dhexwadaana ay amraan inay ka hijroodaan dhulka gaalada li,ana qofka mu,minka ah lagama qaniino laba jeer hal god, mar way ku xireen mar labaad inay xabsi daa,in ku galiyaan waa kuu nacasnimo ee intay gaalo xabsi kugu silcin lahaayeen ee aad saxariir u dhiman lahayd waxaa kaaga sharaf badan inay xabadu wajiga kaaga dhacdo adigoo la jihaadayo gaalada dalkaaga haysato oo adigoo shahiida aad la kulantid alle.s.w. Tacliiqa sheekha waxaa la wadaaga culimada somaliyeee ee ingiriiska iyo maraykanka kasoo saara bayaanada yeeriska ah ee xaqa lagu durayo ee ayaguna mustadafiinta ah cajiib! Maxaa lagu jawaabi doonaa yowmul qiyaama marka la idin su,aalo xageed ka joogteen dhulka eebe? Caro gaalo ayaan mustadcafiin ku ahayn nalagu xirwiri jiray, oo maxaad ooga hijroon waydeen miyeysan arlada allaah waasic ahayn? Maxaa lagu jawaabi doonaa culimooy?

    Muxamad | Mar 17, 2010 | Reply

  25. ascwrwb allaah baa mahad leh cadowga gacantiisa kasoo daayey. intaa kadib sheekhow waxaa ogaataa maanta meesha aduunku marayo waa aragtaa, qofkii xaqa cadeeyana gaalo raali kama ahan oo waliba dhex jooga mana fiirsan karto qof xaqa si cad usheegaya. marka aniga waxey iila muuqataa sida culimada qaarkeed yeesho hadaadan yeeleyn oo qunyar socod noqoneyn inaad gaalo iyo gurigeed iskaga fogaato maal aad xor taheyna tagto markaasna illaahey xaqiisa si cad ugu istaagi kartaaye , lakin gaalana dhex fadhiya yuhuudna iyo wixii raacsana ama gaalo iyo wixii alle kasoo horjeeda baan khalad kooda sheegayaa suurta gal uma eka. allaah waxaan weydiisnaynaa inuu culimada noo xifdoyo gaar ahaan kuwa maanta markey muslimka culeyskoodu batey garab istaagey xaqa. wabilaahi atowfiiq

    umu luqmaan | Mar 17, 2010 | Reply

  26. Waa alle mahaddiis falillaah xamdi wamimanaa

    damqade | Mar 17, 2010 | Reply

  27. s/c

    ku nasteex&khaadimul anbiyaa
    ikhwaanii horta waa run oo waa in meesha isaga soo tagaa wadaadka lakiin saad moodaysaan ma;ahan, sababtoo ah waa lagugu daba jiraa oo waxa lagaa ilaa shanayaa meel aadan arkayn wax alaale iyo waxa aad samaynayso way ogyihiin qaasatan wadaadkano kale dabagal aan caadi ahayn ayaa lagu hayaa marka haduu damco in uu soo baxo xataa waxaa dhici karta in loo diido sababtoo ah waxay ka baqayaan in uu mujaahidiinta ku biiro oo waxa la saarayaa wax la yiraahdo no fly list dhalinyaro aan wadaado ahayn ayay ku dhacday iskaba da wadaad xaqa umada u cadaynayo e waxan kusoo koobayaa in loo soo duceyo dadbadn oo gaalada ay saareen no fly listiga in ilaaheey u fududeeyo in ay ka baxaan wadamada gaalada oo ay aadaan meshay raban, amin wabilahi towfiq

    c/fatax | Mar 17, 2010 | Reply

  28. xaq darada shiikhu ku xiraa waxay utahay dalacaad waana sunaha dacwada in la dhibo qofka ka shaqay ee waqtigiisa iyo fekerkiisa geliyo sidii kelmada alle kor u noqonlahad waxaana loo baahanyahay inuu lagu samro ragiinaa gaalada la joogoow talo wayn ayaa idiin taal ku dadaala gaaladu siday tawxiidka u qaadan lahad

    nuur calaa nuur | Mar 17, 2010 | Reply

  29. Allahuma lakal xamdu xatta tardaa, walakal xamdu idaa radiita, walakal xamdu bacda ridaa.

    Si aan caadi aheeyn ayaanu ugu faraxsanahay in Ilahay kasoo daayay sheekena gacmaha nijaasta nijaasta dhashay. Wixii muslimiin ah Allaha kasoo daayo gacmaha cadowgooda.

    Dadka tacliiqaadka khariban oo Mujahidinta ku aflagaadeenaya qoraya siiba umarada, ha iska daayeen li ana laa faaidata lahum.. …

    Rajaah | Mar 17, 2010 | Reply

  30. To nasteex khaadimul islaam iyo inta la midka ah
    hadaan dhaysan lahaydeen muxaadaraadkiisaa caqlina leedehiin hadaladaa kumaydaan hadasheen waayo ninka kubaya mujaahidiintii caalmul islaami soo maray oo dhan waad u mahad celin layadeen waa nad ku amaani lahaydeen
    waxa kamid ah mujaahidiintaa
    muusa binu nuseer
    daariq binu ziyaad
    canbasa binu suxeen
    yuusuf bunu tashfiin
    cimaadu niin zanki
    salaaxa diin al ayuubi
    seefu diin quduz
    imaam axmed guray
    sayid maxamed cabdala xasan
    oo dhaamaan aad ka heli karto muxaadaraadkiisaa
    waxanad ogaataan jihaadku inaanu ahayn kaa qoriga oo kaliya ee uu uqaybsamo iaa
    13 qaybood oo dhamaantood jihaad ah
    waar xataa gabaygaa gali kara jihaadka marka cadawga lagu jeheeyo
    laakiin maanta nasiib xumo jihaadkiiba qolaa isku koobttay oo cidii iyaga soo galana u aragta inuu yahay mujaahid kii kalena ka saara
    oo maanta xisbul islaam looma haysto mujaahidiin iyaga oo furita ku jira oo cadawga shiidaya
    markaa waxan leehay mujaahidnimadu maaha tigidh alshaabaab qaybinaso e waa sifo sinkii laga helaaba leeyahay meeshuudoonaba ha joogee

    axmed yasiin | Mar 17, 2010 | Reply

  31. Cali Guure:Waxaa layiri weelkasta wixii kujira ayaa kasoo daata marka la afgambiyo ama lafoorariyo
    Caloosha xanuunsana way daaco quruntaa midkaan caliguure iskumagacaabay waxaan usheegilahaa ninaadan gaarayn hantaatacaagana aan warba uhaynin xiqdiga iyo xanuunka kuhaya waxaan darajo ahayn maba usiyaadinaysaba Waxaadna iskudarsatay laba arimood oo aad uliita waa mida horee badeecada aad lashirtimid midgadmaysaba maahan midalbaad adoon wax fiican meesha keensan ayaad waxaad kusii dartay waxlayaableh oo kadaran waana inaad badeeco aan gadmayn aad udhoofisay suuq aan lagayeelayn (inalaaha jamiilon yuxibuljamaal)
    Cagsiga xadiiska waxaa qofkii waxgaradihi inaan ilaahay jeckayn waxa khbiiskaa cododka khabiiskaana aan ale xagiisa lagamaqal waxna aanay goynin

    Haduu qayldameeraad
    Qaaq leeyo duhurkii
    Ruuxna muu qadariyee
    Qunyarbuu udhaafaa
    Qurunliyo dayuuskuna
    Qadafkiyo xumaantay
    Qiil raadiskoodii
    Qaadaa dhigeenbaa
    Rag qawiya kumaagaan
    Ninaan qayrki gaarayn
    Hadana qosol ilkahadari
    Qubxigiyo nafliitoow
    Qarni nimadan gaarayn
    Qudhaaduna ogaanbaad
    Qaaradaha kasoodirin
    Waxaad quruma sheegtana
    Waxay siin qiyaamaha
    Qadar iyo wanaag badan
    Adiguna adoo qaday
    Lagaa qaatay quudkaa
    Ood qiima darantahay
    Yaad qoomaynoo
    Kalagaran qudhaadiyo
    Wadaadkaad qalacadayn
    Digniin qaaliya igahoo
    Qaadana warkaygaan
    Doqontuna qabkaliyey
    Naf qaloocan dhumisaa
    Wadaada qarniganjira
    Godona u qirawayn
    Waana qawl xaqiiqaa
    Qudhiisuu kudaafacay
    Qarankeeni shalaylumay
    Cadaw baa qasaayee
    Waa qoodh ninkaanuye
    Qurunyohow afkaa xiro

    Abu fatima | Mar 17, 2010 | Reply

  32. waxaa ila sax san talada uu soo jeediyay walaal
    khaadimul-ISLAAM,sababtoo ah haddii gaalo ku xirtay haddana ku sii daysay waxaa imaanaysa in
    la is waydiiyo : maxaa lagu xiray ? maxaa lagu siidaayay ? iyo dheesha lagu xiray yaa ka danbeeyey ? , markii la ogaado jawaabaha waxaa haddana imaanaysa in badan oo suura gal ah oo la is waydiin karo , khaas ahaan ani markaan iska hadlo waxaan is waydiiyay waxaa u badnaa shaki fara badan oo aan ka qabo wadaadada ku nool waddamada gaalada , waxaana ka mida igana raali ahaada waxii aan ku fakarayay baan idiin soo faagayaa si aad iiga jawaabtaan oo aan anna
    uga faa’idaysto walaalayaashayda qiimaha badan
    shakiga ugu wayn waa :in qaar ka mida culimada ma ahan kulligood ay la shaqeeyaan sirdoonka maraykanka yuhuudda ah iyo kiristaanka ! shakiga labaad inay jiraan culima kale oo gudaha soomaaliya iyo keenya iyo jabuuti iyo xabashi iyo eretariya iyo suudaan iyo puntland iyo somaliland iyo gobolada oo si toosa ugu xiran culimadaas aan soo sheegay oo ay is waydaarsadaan warbixinta mujaahidiinta ka dibna
    ay gacanta u galiyaan cadawga rabbi subxaanah iyo muslimiinta , shaki kalaa jira oo ah in soomaalida caadiga ah ayana ay si fiican ugu badan yihiin basaasiin u shaqaysa kuwaas aan soo sheegay .
    marka haddii shiikha loogu naseexeeyay ka soo tag meeshaa haddana uu ka soo tagi waayo waa laga shakin doonaa oo waxaa la dhihi doonaa intuu xabsiga ku jiray baa shaqaale laga dhigay
    ee waxaa ila fiican in shiikha iyo inta caafimaadka qabta ay gudaha soo galaan oo ay walaalahood u sheegaan xaqiiqdooda oo si aan shaki lahayn ula shaqeeyaan muslimiintooda iyo ehelkooda jooga soomaaliya oo waxay cilmi iyo talo iyo tabar hayaan geeyaan waddankoodii hooyo .
    marka saas baan arkaaye wax ka dhaha akhyaaray
    hana u qaadanina inaan culimada tuhmayo ee waa shaki imaan kara ee see looga shaki baxaa culimadaas waddamada gaalada say rabaan ugu dhoofi kara say rabaan uga shaqaysan kara haddana aanan ka hadli karin karaamadooda iyo sharaftooda in loo dhawro iskaba daa inay helaan xuquuqda diintooda oo kaamila .

    rabbow islaamka igu dil.

    l i b a a x | Mar 18, 2010 | Reply

  33. C/FATAAX
    waad qaldan tahay qofka magaciisa ugu yeer sabaab aat uleedahay khaatimul anbiyaa kuleey gacanta ayaa kaga dhacday qaladaat kaas ookale halaga firsado sub xanallaah khaadimul anbiyaa waa nabigena NNKH waa khaadimul islaam

    nasratuddiin | Mar 18, 2010 | Reply

  34. Cali guure = cali jaahil sow sax ma ahan somalimirror in axadkan khaldan sidaa loogu yeero? Ilayn asagaba amiirkanaga ayuu jaahil ku sifaynayaaye, somaalidu waxay ku maahmaahdaa qofku wuxuu yahay ayuu dadkoo dhan moodaa cali jaahilow amiir sh. Adan godane waxuu haystaa double master. Shareecada islaamka iyo dhaqaalaha waxaa intaa u dheer faham caqli saliim ah aftahanimo iyo xigmad xeel dheer iyo geesimimo. Taana waxaa og umada muslimka ah mana dafiri karo arinkan illaa munaafaq maal uurka ay ooga buuxdo ma ogiye waana taa mida kaa hadlinayso cali guure. weel walbo waxa uurkiisa ku jira ayuu dhididaa kan gaaska ku jira gaas ayaa kasoo ura caliyow waxaad ma tagaysaa nacaybka uurkaaga ku jira waxaadna tahay murjif mucawiq ah waxaan ku gunaanadayaa gaarigan jugta ah ee dhiiqada ku dhex damay ee sh. Aweys isteerinka u hayo axmad madoobana dusha ka saaran yahay adiga cali guure ahna aad gadaal ka riixaysid yuusan muruq ku galinin kaasu mid meel gaarayo ma ahan.

    Muxamad | Mar 18, 2010 | Reply

  35. Alxamdulilaahi calaa salaamatik
    culimada kale ee cadawga islaamka meel walba ugu xidhan na ilaahay haka soodaayo .. aaamiin

    guure | Mar 18, 2010 | Reply

  36. “Adan godane waxuu haystaa double master” kulahaa. kkkkkkkkkk

    Akh maxamed sidaa miyaa niqaashkaagu?. Suufinnimo aad halkan ka muuqisay waxay ku tusinaysaa sida nusuusta iyo adabul xiwaar aad u garab marsantay.

    Sidoo kale waxay luuqaddaada suuqiga tusinaysaa sidaad uga indha la’dahay qiimaynta ragga iyo asaaska wax lagu qiimayo.

    Double master ayuu haystaa kulahaa. Yaab.

    jawaabtaada waxay u eg tahay tii Dr buudhi ikhwaanka ku difaaceen markii ay gantaalaha xaqa sh. Albaani celin waayeen oo kale.

    Waxaan ku leeyahay sidii Albaani yiri oo kale taasi oo ahayd,

    “waxay ay leeyihiin doktooraad ma bixiso cilmi sax ah iyo adab naafic ah toona”.

    Amiirkayga kulahaa. Yaa doortay keligii taliyan aan la aqoon oo aan lahayn:

    -Culimo marjic u ah

    -Shuurco ka kooban ahlul cilmi walcaqdi
    -majlis tanfiiqi

    -geesinnimo uu ku dhex galo masaakiinta shabaabka iska daa shacabkee

    -cabsi keliya maalinba muuqaal qaata

    -karti iyo cilmi uu ku baro shabaabka wax cilmi ah oo xalqa fariisto dhulka ka taliyo

    -awood aanan ahayn tan aminiyaadka dadka lagu khaarijiyo mooye.

    Shabaha ka dhaxeeya keligii taliyaasha iyo Godane uma baahna inuu Cali guure sharraxyo.

    Waxaa uu qaadey dhammaan tallaabooyinka ay qaadeen oo ku xardhan keliya towxiidka iyo allahu akbar.

    Maanta ninkii dhageystay cajalkii u sooo dubay maalin dhowayd waa uu garan karaa waxa aan ka hadlayno halka uu ka soo maaxanayo.

    Naqdintayta iyo naseexayda ma ku dhuminayaa alwalaa wal baraa…..?

    Jawaabtu waa maya

    Ma loo baahan yahay in sawaaciq la isu diro si godana looga qabto waxaa uu la galey jihaadka?

    Jawaabtu waa haa

    Ma billaabatey?

    Nacam

    shabaab adkaysi ma u yeelan doonaan naqdintiisa iyo naseexada?

    jawaa waa dhextaal. Qaarna haa, qaarna maya

    Shabaab ma geli doonaan siyasadddan foosha xun Somaaliya?

    Ifafaalo ayaa jiraa ee markeeda halaga hadlo

    Marka Maxamadow anigu ku dhihi maayo murjif baa tahay laakin waxaa ku leeyahay waxaa tahay muriidii sheekhiisa laga taabtay binaaan jawaabtaan ii soo qortay oo weliba ku marqaansan dibadda.

    Tan sheekh Xasan Daahir difaaci maayo, kuguna dhaleecayn maayo haddii aad si cilmi u raddido.

    Saaxada waa kuu furan tahay ee luuqadda suuqa iska daa.

    Ilaahow xaqa daliil nagu tus ee hanooga xiran taqdiiska ashkhaaska doonaya miraha jihaadka inay dhumiyaan iyaga oo dhuumanaya.

    Cali Guure | Mar 18, 2010 | Reply

  37. Asc waa ilaah mahadi hadi sheekha ilaahey gaalada gacantoda ka soo saaray oo uu dib u helay xoriyadisi. Waxase yaab leh dhalinyarada sheekha kula hadlaya waxan laaqin u ahayn oo leh yaanan maqlin mardamba lagu xidhay, marka sababta sheesha loo xidheyna waa daacinimo iyo diinta u faafinayo, sida darted dhalinyarada qaarkood haka fiirsadan waxyaabaha ay kula hadlayaan mashaa’ikhda . Wcs wr wbr

    Garaad | Mar 19, 2010 | Reply

  38. culimada gaalada agdagan oo dhan waxay qarka u saaran yihiin in marwalba khatar joogta ah ee maxay ku haystaan oo dheefa la joogidda gaalada
    aan u aaba yeelayn karaamadooda ? jawaab baan ka rabaa qofkastoo garta waxa wadaadadu dhulka gaalada uga soo tagi la’yihiin aan ka ahayn aduunyo jacayl iyo dhimasha nacayb.

    rabboow islaamka igu dil.

    libaax | Mar 20, 2010 | Reply

  39. Al-Xamdu Lilaah, waan ku faraxsanahay laakiin Sheekha waxaan ugula talin lahaa in uu isaga soo tago dalalka gaalada yimaadana dalalka Islaamka ah maxaa yeelay gaaladu tagartooda ma dhamaato way soo daayeen laakiin wax kale ayey la magaanyihiin xitaa laga yaabee in ay sumeeyaan, Sheekh Abyad waxaan leeyahay isaga soo tag dadkana kula tali in ay isaga soo tagaan.

    Cabdinaasir Sadiiq | Mar 20, 2010 | Reply

  40. somalimirror

    Acw

    jawaabtaan Maxamed u qorey ma soo dhejinaysaan mase waad tirtirteen. La socda wakhtigu waa dahab. Qoraha xaq buu leeyahay inuu la cirbiyo qoraal diintiisa iyo dadnimadiisa wax u dhimaya in kasta dulqaad loo baahan yahay.

    Haddii aad soo dhejinaysaan farriintayda iska dhaafa.

    Cadaalah, alcadaalah yaa mashaaikh

    Cali Guure | Mar 20, 2010 | Reply

  41. BISMILLAAH.

    shiikha waa la xiray waana la soo daayay, taa macnaheedu ma ahan ciyaar aad gurigaaga ku dhex ciyaaraysid ee waa fariin loo sheegay shiikha asagaana og waxii lagu yiri iyo waxay ka soo feermeeyeen oo ay ku soo heshiiyeen si uu xabsiga uga baxo, haddaba guri cadow halaga soo laalaabto baan ku naseexeeyay ee iga yeela muslimow haddaad igu khilaaftaan fikraddaas ha isjaajuusinina dhexdiina intaad gaalada la joogtaan.

    WALLAAHU ACLAAM.
    binfaqiih@hotmail.com

    khaadimul-ISLAAM | Mar 20, 2010 | Reply

  42. Allahu akbar alle ayaa mahad leh allehii kasoo fagayay galada cadawga ah shiiqina allaha xifdiyo amiin amiin Asalaamu calaykum

    mucaad binu jabal | Mar 21, 2010 | Reply

  43. ALAAHU AKBAR ILAAH AYAA MAHADAISUGNAATAY SHEKHANA WAXAAN ILAAH OGABARYAYNAA IN ILAAH UUGU BADALO AJAR IY XASANAD ILAAHII CADOWGAA GAALADAA GANTOODA KASOOSAARARAYAY YAAMAHADLEH GUUSHNA ISLAAMKAA LEH XAQANA YAAN LAGA LEEXAN ILAAH AYAA NAGARAB TAAGAN XAQA AYAANA KR AHAANAYA AS/C/ W/

    dr/ C/LAAHI CLI | Mar 21, 2010 | Reply

  44. aslamu alaikum…dhammaan sh.hadii la daayey waan ku faraxsanahay…dhanka kale waxa ayaa mooqda in ay soomaalidu ay isku xirneen oo aan wax kulmiya amaba cilaaqo ah aysan ka dhaxeyn taasna waa uur ku taalo weli aaney ummada soomaaliyeed ka gudbin…somalia ha midiwdo,somalia ha noolaato…diintu iyo wadanka difac ayey u baahanyihiin walaalayaal..mahadsanidiin..

    mr.blackgold | Mar 24, 2010 | Reply

Fikrad ka dhiibo