Garaad C/laahi oo tacsi iyo baaq diray.

Published on March 16, 2010 by   ·   14 Comments   ·   print

Garaad C/laahi Maxamed Guuleed oo beryahaan ku hawlanaa xasilinta dhibaatadii kala gaartay beelaha walaalaha ah ee wada dega bariga iyo koonfurta gobolka Sanaag ayaa tacsi u diray eheladii iyo qaraabadii dadkii halkaa ku geeriyooday iyo kuwii ku dhaawacmay, wuxuuna si gaara uga codsaday ehelada in aan wax dambe oo dhibaato ahi dhicin inta hawshaa si buuxda wax looga qabanayo.

Waxaa kaloo Garaadku caddeeyay inuu aad iyo aad uga xunyahay waxa dhacay, uuna hawshaa wax ka qabadkeeda u taaganyahay, isagoo la kaashanaya isimada, waxgaradka labada beelood ee wax kala gaareen iyo ciddii kaloo mudanba.

Waxaa kale oo garaadku ugu baaqay dowladda P/land, isimada, culumada iyo waxgaradka labada beelood inay si buuxda ugu istaagaan wax ka qabashada dhibaatada halkaa ka taagan.

Gabagabadii garaadku wuxuu intii dhimatay Ilaahay uga baryey dambi dhaaf iyo naxariis, inta noolna nabadgalyo iyo walaalnimo waarta.

Garaad C/laahi wuxuu ka mid yahay isimada gobolada Sanaag, Sool iyo Hawd ee kaalinta weyn ku leh ka shaqaynta danaha bulshada iyo xallinta mashaakilkeeda, beryahaana wuxuu ku mahquulsanaa dajinta shaqaaqada dadka walaaha iyo dariska ah ee bariga iyo koonfurta Sanaag.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Munaasibada Caleemasaarka Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo maanta ka dhacday magaalada laascaanood
  2. Culumada Gobolada Woqooyi Bari oo tacsi u diray Eheladii & Asxaabtii Dr. C/qaadir Garre
  3. Culimada gobolka togdheer oo tacsi u diray eheladii uu ka geeriyooday Dr.C/qaadir garre
  4. Qaar ka mid ah Culimada & Ducaadda Soomaaliyeed oo tacsi u diray ehelada Sh. Ibraahim Suuleey رحمه الله تعالى
  5. Al-Shabaab oo Meel Fagaare ah kala Hadlay Shacabka Dhoobleey, Kenyana Baaq u diray

Readers Comments (14)

  1. Axmed Nuur says:

    scww

    waa garaad ka mida garaadyada dhulbahante oo lagu tiriyo inuu ka mid yahay isimada dadka diinta iyo wanaagga la jecel, kulana dadaala ee Ilaahay ha waafajiyo, hawshana ha u fududeeyo.

    waa wanaagsantahay in odayaasha dhaqanka iyo maaulkuba hawsha wax ka qabtaan oo aan garaadka kaligi lagu sii dayn, waliba madaxweyne Faroole isagaa deegaankaas ka agdhawe xoog ha saaro.

  2. bilcil says:

    War waa wax been abuur ah, meesha wax ka dheceen waa woqooyiga gobolka Sool. Sarmaanyo waa gobolka sool, Garaadkuna wuxuu degaa Nugaal godan oo katirsan Gobolka Sool, hadalka waxaa kaga habboonaa Graad Saleebaan maadaama Ugaadhyahn Dhulbahante oo dhammi duullan ku jiro.

    Saxiib Sanaag koonfureed iyo mid bari ma jiro. Ilaah baan idunku dhaariyee waa xaggee Koonfurta sanaag. Waa barnaamij uu abaabulay ina Cabdi Xaashi. Beesha Dhulbahante Siyaasiyiin iyo odayaal iyo wax garadba way yaqaanaan dhulkoodii meeshuu jiro.

  3. xasan xaaji aadan says:

    hambalyo ayaan ku leeyahay garaad c/laahi waxa aad tahay runtii isimada fara ku tiriska ah ee shaqadooda iyo hawsha ay reeraha u hayaan ka soo baxay

    ilaahayna waxa aan kaaga baryayaa inuu ilaahay kaa jasaai siiyo

    ilaahayna waa uu kula garab gelayaa

    mashaqadan dhacdeyna ilaahay ha inaga qaboojiyo aamiiiiiiin aamiiiiiiin aamiiiiiin

  4. Abu Axmed says:

    asw
    alla khayr hasiiyo garaadka hana ufufudeeyo arimaha uu ku hawlanyahay wax kaweyni majiro dhiig muslin oo lakal badbaadiyo

  5. muuse ibrahim says:

    illaahay baa mahadleh SW

    Mahadaas illahay kadib waxan umahad celinyaa Garaad C/laahi Maxamed Guuleed . waxan uga mahad calinayaasida quruxda badan ee ugudanayo wajibadkiisa iyo Hishiisiinta beelaha walaalaha ah ee dhibku kadhexdhacay .waxaan kalo iyaga umahad calinyaa dhaman Ismida kale ee kuhawlan iyaguna Dejinta iyo xasilinta mashaqadaan

    waxaan kaloo ugu baqayaa dhaman dadwaynayaha Reer saang . Odaaysha Culimada Madaxda Iyo kuwa reer Puntlandba inay kaqyab qataan xalinta iyo Hishiishka belaha wallaha ah

    intaaskdib, waxan illahy ugabaryayaa intii kudhimata in illaahay unaxariisto inta dhwacantana illahay shaafiyo ,

    Wabolaahi Tawfiiq

  6. Raggeedii says:

    Waar ninkani garaad ma aha waqti yaan la isaga lumin. Wuxuu basaas u yahay kuwan la yiraahdo Soomaalidiidka (aka Somaliland) oo Soomaali googoynaya.

    Waxaa jirtay mar uu lacag ku bixiyey isaga iyo nin sirdoonka Somaliland ku jira oo la yiraahdo Gafane in Dhulbahante iyo Warsangeli la isku diro. Waxaa jirtay inuu lacag ku bixinayey oo qori Dhishiike ah iyo baabuur uu iibiyey isaga iyo ninka sirdoonka Soomaaliland ku jira ee la yiraahdo Gafane wiilal aabahood si xaqdaro ah lagu dilay isagoo beelaha isku guubaabinaya.

    Waxaa la cadaynayaa in sirdoonka Soomaalidiidka ah (SL) ee isaga maalgeliyaa inay miinada Laasacaanood iyagu wadaan.

    Meel walba mid tuug ah baa isim iyo wadaadnimo fawda ah wata.

  7. Axmed says:

    Wanu tagersanahay talada u qaday garad c/laahi waxun uga barayayanah in ilahay u laa qabto dadalaka u wado dhamana umad somaliyeed waxaa oga bahan yahay iney is cafiso o iska dhaaf to dhibta iyo xasarada aan waxabaa ugaa kodh dhen aan debi ka ahen marka madabaa aay somalidu tahay dad muslina ah o diinta alle si fican u yaqanah marka waxaa laga bahan yahay iney ku dhaman iskuna xitiraman shafata diinta iyo kitaabka alle wa bilahi tawfiq wa anigo ah axmed maxamed saleban by

  8. said says:

    Illahay baa mahadleh intaas ka dib waxaanu soo dhowaynayanaa baaqa Garaad C/llaahi Maxamed Guuleed oo aanu leenahay dadka walaalaha ah oo dhibtu dhex taalo in ay la shaqeeyaan soona dhoweeyaan Garaadka iyo Isimada kale ee hawsha ku guda jira si loo soo ar jaro mashaqada dhacday

  9. hasssan haaji says:

    runtii waa wax laga xumaado ninka isku sheegay rageedii ee dadka aflagaadeynaya u shaqaynaya runtii umada soomaaliyeed iyo dalkaba markaa sxb waxa aan ku leeyahay dadkan aad leedahay waxa weeye Sirdoon sxb waxaa ma geyaane ka daa

    dadka umada kala goo goynaaya runtii waa adiga iyo qaar kula mid ah ee wax aan ka codsanayaa somalimirror inaanay runtii soo daynin hadalada dadka aan waxba galabsan lagu aflagaadeynayo laguna caayayo please hadii kale shabakaddu runtii ma noqon doonto shabakad soomaaliyeed \
    w/s

  10. Raggeedii says:

    War kan isugu yeeray Hassan Haaji, xagee lagu doortay ninkaan aad la wareegaysaan? Reerku Garaad waa leeyahay oo waa Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud. Xagee kani kasoo dhacay? ma la iska alifanayaa?

    Tan kale ma been baan sheegay. Gafane iyo ninkani miyaanay lacag ku bixin markii Alla ha u naxariistee Nebi Amaan iyo adaygii iyo wiilkii kale dhinteen oo la damcay in la heshiisiiyo labada beelood sow idinkii lacagta ku bixinayey oo nimanka kale adeegsanayey oo laha heshiiska ha qaadanina. Ma taasaa been ah. Lacagtii aad bixiseen saw tii qoriga tiknikada ah lagu iibsaday. Ma taas baa been ah?

    Tan kale Gafane inuu sirdoonka Soomaalidiidka ku jiro ma been bay noqotay? Saw tan caanka ah ee la yaqaano. Waxaa xaqiiqo ah in sirdoonka Soomaaliland iyo kan Puntlandba looga taliyo Addis Abeba. Waxaa xaqiiqo ah oo ay cadeeyeen dadka Hargeysa joogaa in ninka Gafane la yiraahdaa uu u shaqeeyo sirdoonka Soomaalidiidka (Soomaaliland). Bal waa taase dafir dee. Kaalay intaad dalkayagii aad Soomaalidiidka soo galiseen baad hadda rabtaan inaad Garaado noo samaysaan? Doqon baa mashruucaas idinka yeelaysa. Dad buu kala celiyey buu ku leeyahay. Wuxuu u socdaa inuu dadka iska iibiyo oo title aan cidi siinin sheegto oo isku sii daro. Kaaga darane kan Gafane iyo kan titleka beenta ah sheeganayaaba wadaadnimo ayay sheegtaan. Haddii aa wadaado rasmi ah tihiin maad sida wadaada wanaagsan ee jooga Koonfurta Soomaaliya yeeshaan. Munaafaqad baad dhexda kaga jirtaan markaasaa doonaysaan inaad dadka titles been ah u hulaabataan oo weliba culimo sheegataan. Waar haddaad culimo tihiin sida ragga jooga Koonfur wacdaro la iimow. Waxa kaliya oo aad qabateen waa gurigii hooyooyinkiin deganaayeen baad Maleeshiyo cunsuriyiin ah Hargeysa iyo Burco iyo Shiikh kasoo kaxayseen oo kusoo xerayseen markaas baad hadda rabtaan inaad naga gadaan ninkaan baa Garaada. Habartiin bay idinka tahay inuu kan Garaad noqdo.

    Saaxiib wadaadnimadu ma aha oo kaliya in gar lala baxo oo munaafaqad lagu shaqaysto. Waa inaad daacad diinta ka tahay. Arag culimada asliga ah ee Soomaalida kale Koonfur bay joogaan oo walaalahood wax la qabsanayaan noociinanina hay’ado sirdoon ah oo Addis Abeba laga xukumo baa u shaqaysaan. Munaafaqad ka xun ma jirto wadaadnimo sheego oo garka la bax, cadowga Islaamka u shaqee, ummada title aan cidi kuu dooran u sheego, dadka walaalaha ahna marka dhibi dhex marto dhaqaalaha aad ka hesho sirdoonka Soomaalidiidka oo Addis Abeba iyo meelo kasii shisheeya laga xukumo u isticmaal oo isku dir.

  11. hasan garowe says:

    asc wr wb .

    aad baan ugu faraxsanahay wanaaga uu wado garaadku .

    waxayna mudan yihiin taageero hiil iyo hooba ah dhamaan salaadiinta samadoonada nabadoonada garaadada malaaqyada iyo dhamaan qof kasta oo soomaali ah oo xilkas ah kana shaqaynaya wanaaga iyo waxtarka ummadaan aafadu halakaysay meel kasta oo ay xalkaas ka wadaan gudo iyo debedba .{ sida wiilasha yaryar ee habeen iyo maalinba u taagan difaaca dalka dadka iyo diinta ee ka socota koonfurta somalia ee caddowga saliibiga ahi ku soo duuley .

    kaasooo doonaya in soomaaliya laga hirgaliyo mabda’a nasaarada {gaalada -gaalaysiiinta } ee uu maraykanku gar wadeenka ka yahay Ethiopiana loogu wakiishay arinta ah qaybi ooo xukun . taasooo labada maamul ee w/galbeed iyo w/bari dhaxalsiisay inayba gacanta ku dhigaan tobanaan sano ka hor kuwa xukumaana ay bara saabo u yihiin Ethiopia dhaqaalahana uu siiyo siiba shaqaalahooda sirdoonka maraykanku amarkana ay tooska uga qaataan isaga markhaantina waxaa idiinku filan waxa hada puntland ka socda sida kan magaca gabdha wata ee diidey inuu xilka laga qaaday wareejiyo { kan xilka ka qaadaya uma doodayo ee waxaan doonayaa inaan idiin bidhaamiyo nidaam iyo kala danbayn iyo ummad maamulkee marka laga hadlayo nina kama wayna maamulkaas oo sida uu doono uma socon karo haddiii kale maamul jirimaayo .

    tan kale waxa intaas somalia qarraxyada iyo dhibaatada ka wadaa waa kuwaan u shaqeeya iyo xataa iyaga laftooda {waa cadowgee }oo doonaya inay ummada iska hor keenaan kuna kala qaybiyaan si ay u gaaraan ujeedooyinkooda guracan ‘ waxayna mar walba farta ku fiiqaan wadaadada ka dagaalama koonfurta somalia si ay iyaga iyo umada isaga hor keenaan taasuna ma ‘aha mid runta ka fog aana ka daadegayn caqliga saliiimka ah in qof islaam ahi uu umaddiisa dhibaateeyo .

    fadlan ogaada somaliyi waa soomaali waxaan nahay dad wallaalo ah sinaba kuma kala tegi karno ee yaan warxumo tashiil iyo dano aan midnimadeena wada jirkeena iyo islaamnimadeena u adeegayn wax jira la inoo ka dhigin cadowga umadaaanuna wuxuu soo adeeg sanayaa tab kasta iyo ujeedo kasta oo uuu inaku kala daadin karo si uu ujeedadiiisa u gaaro ee barraaruga .

    waxaan ka aamin sanahay somalia sida hal qof sida ay xubnihiisu { qalfoofkiisa } isugu baahan yahay ayay somalia isgu baahan tahay laakiin waxay u baahan tahay rag ka soo saara ceelkaan haadaanta ee gunta dheer ee ay dhex taal.

    dalka = janno adduunka korkiisa taal .

    dadka = islaam aan madax daacad ah lahayn {haldoorkiisana aan waxba loo ogolayn } tan ALLE mooyee .

    diinta = diinta kelya ee uu ALLE raaliga ka yahay ciddii ehel u ahna aan caalamka laga rabin . {ALLE mooyee}

    xaqu wuxuu u cad yahay sida ay qorraxdu u caddahay cidii diidana yeelkadeeda .

    asc wr wb ALLE u baahne

  12. hasan garowe says:

    asc wr wb .

    aad baan ugu faraxsanahay wanaaga uu wado garaadku .

    waxayna mudan yihiin taageero hiil iyo hooba ah dhamaan salaadiinta samadoonada nabadoonada garaadada malaaqyada iyo dhamaan qof kasta oo soomaali ah oo xilkas ah kana shaqaynaya wanaaga iyo waxtarka ummadaan aafadu halakaysay meel kasta oo ay xalkaas ka wadaan gudo iyo debedba .{ sida wiilasha yaryar ee habeen iyo maalinba u taagan difaaca dalka dadka iyo diinta ee ka socota koonfurta somalia ee caddowga saliibiga ahi ku soo duuley .

    kaasooo doonaya in soomaaliya laga hirgaliyo mabda’a nasaarada {gaalada -gaalaysiiinta } ee uu maraykanku gar wadeenka ka yahay Ethiopiana loogu wakiishay arinta ah qaybi ooo xukun . taasooo labada maamul ee w/galbeed iyo w/bari dhaxalsiisay inayba gacanta ku dhigaan tobanaan sano ka hor kuwa xukumaana ay bara saabo u yihiin Ethiopia dhaqaalahana uu siiyo siiba shaqaalahooda sirdoonka maraykanku amarkana ay tooska uga qaataan isaga markhaantina waxaa idiinku filan waxa hada puntland ka socda sida kan magaca gabdha wata ee diidey inuu xilka laga qaaday wareejiyo { kan xilka ka qaadaya uma doodayo ee waxaan doonayaa inaan idiin bidhaamiyo nidaam iyo kala danbayn iyo ummad maamulkee marka laga hadlayo nina kama wayna maamulkaas oo sida uu doono uma socon karo haddiii kale maamul jirimaayo .

    tan kale waxa intaas somalia qarraxyada iyo dhibaatada ka wadaa waa kuwaan u shaqeeya iyo xataa iyaga laftooda {waa cadowgee }oo doonaya inay ummada iska hor keenaan kuna kala qaybiyaan si ay u gaaraan ujeedooyinkooda guracan ‘ waxayna mar walba farta ku fiiqaan wadaadada ka dagaalama koonfurta somalia si ay iyaga iyo umada isaga hor keenaan taasuna waa mid runta ka fog .
    aana ka daadegayn caqliga saliiimka ah in qof islaam ahi uu umaddiisa dhibaateeyo .

    fadlan ogaada somaliyi waa soomaali waxaan nahay dad wallaalo ah sinaba kuma kala tegi karno ee yaan warxumo tashiil iyo dano aan midnimadeena wada jirkeena iyo islaamnimadeena u adeegayn wax jira la inoo ka dhigin cadowga umadaanuna wuxuu soo adeeg sanayaa tab kasta iyo ujeedo kasta oo uu inaku kala daadin karo si uu ujeedadiiisa u gaaro ee barraaruga .

    waxaan ka aamin sanahay somalia sida hal qof sida ay xubnihiisu { qalfoofkiisa } isugu baahan yahay’ ayay somalia isgu baahan tahay laakiin waxay u baahan tahay rag ka soo saara ceelkaan haadaanta ee gunta dheer ee ay dhex taal.

    dalka = janno adduunka korkiisa taal .

    dadka = islaam aan madax daacad ah lahayn {haldoorkiisana aan waxba loo ogolayn } tan ALLE mooyee .

    diinta = diinta kelya ee uu ALLE raaliga ka yahay ciddii ehel u ahna aan caalamka laga rabin . {ALLE mooyee}

    xaqu wuxuu u cad yahay sida ay qorraxdu u caddahay cidii diidana yeelkadeeda .
    ee xaqdoonoow xaqa raac .

    asc wr wb ALLE u baahne

  13. Raggeedii says:

    Somalimorror Admins,

    Maxaa ku dhacay qoraalkii aan hore usoo gudbiyey oo aan ugu jawaabayey ninka isugu yeeray hassan haaji.

    Haddii la diido in runta la sheego sidee la yeelayaa. Meesha maxaa u furateen ma in aad koox gaar ah fikradooda qaadataan. Cajiib.

  14. Raggeedii says:

    Waxaa marag madoonto ah in ninkan titleka aaan cidina u dooran iyo ninka la yiraahdo aay sheegtaan wadaado.

    Waxaa marag madoonto ah in titleka uu sheeganayo ee garaadnimada ah aan ninkaan cidina u dooran oo garaadka beesha Ugaadhyahan Siyaad oo idil uu yahay Garaad Salleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud.

    Waxaa marag madoonto ah in ninka Gafane la yiraahdaa u shaqeeyo sirdoonka Soomaalidiidka (aka Somaliland).

    Waxaa marag madoonto ah in sirdoonka Soomaalidiidka iyo PISta PUNTLAND looga taliyo Addis Abeba iyo meelo kasii shisheeya.

    Waxaa wax lala yaabo ah in nin wadaad sheeganayaa u shaqeeyo sirdoon lagula dagaalamo Islaam, culimo, iyo in waliba in dalkiisii lagu googaynayo oo uu raali ka yahay.

    Waxaa wax lala yaabo ah iyadoo culimadii kale ku hawlan yihiin halganka xaqa ah ee ka socdaan guud ahaan Soomaaliya gaar ahaan Koonfurta Soomaaliya, in labadaan nin ee Gafane iyo kan isugu yeeray Cabdillaahi Guuleed ay la wareegaan fawdo, dad isku dir, iyo title aan cidiba u dooran ninkaan C/Laahi Gueleed iyagoo wadaado sheeganaya. Rag hadday yihiin may sida Siciid Maxamed Atom meel is taagaan.

    Munaafaqad iyo sheegasho titlo been ah baa la rabaa in umad jahli isu geeynayo inj laga faa’idaysto.

    Waa sax in umada Islaamka ah lakala dhex galo oo fitnada iyo dhiiga daadanaya la joojiyo. Laakiin waa khalad in title aan cidi kuu dooran sheegato, magac culimo sheegato, meel gooni goosad ah aad umadda si laaluush uga dhaadhiciso, iyo dadka aad isaga dhigtid rixim adigoo isku diraya.

    Somalimirror Admins, fadlan sii daaya fikirkayga.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Munaasibada Caleemasaarka Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo maanta ka dhacday magaalada laascaanood
  2. Culumada Gobolada Woqooyi Bari oo tacsi u diray Eheladii & Asxaabtii Dr. C/qaadir Garre
  3. Culimada gobolka togdheer oo tacsi u diray eheladii uu ka geeriyooday Dr.C/qaadir garre
  4. Qaar ka mid ah Culimada & Ducaadda Soomaaliyeed oo tacsi u diray ehelada Sh. Ibraahim Suuleey رحمه الله تعالى
  5. Al-Shabaab oo Meel Fagaare ah kala Hadlay Shacabka Dhoobleey, Kenyana Baaq u diray

Latest Headlines