Axmed C/samad
alwaqaar@hotmail.com
Diintu waxay ina amartay in dhulka lagu socdo, wayna ina ku boorrisey; si loogu cibroqaato cirib wanaaggii iyo cirib xumadii ummadihii horteen dhulka ku cammiray khayr ama shar. Dalmareenkii muslimiinta iyo ninkii kaloo dani mar uun saantiisa dhaqaajisaba waxaa dhaqankooda ka mid ahaan jirey inay wax ka qoraan socdaalkooda, iyada oo nin walba ka abbaarayo dhankii uu xiisaynayo ama uu aqoon gaara u leeyahay. Soomaalida lafteedu way qiimaysaa, wayna boorrisaa dalmareenimada iyo faa’iidooyinka ku jiraba, maahmaahyaheedana waxaa ka mida: (nin aan dhul marin dhaayo ma leh), (dal aqoon la’aan waa la habaabaa, dad aqoon la’aana waa la qadaa).
Si aan uga mid noqdo kuwa amarka qaatay, isla markaana socdaalkooda wax ka qoray waxaan goostay in aan qalinka iyo warqadda isa saaro oo aan si taxane ah u soo bandhigo wixii war, faallo, falanqayn iyo soo jeedin ah ee si uun ugu lug leh socodkaygaan. Qormadaan ma aha dhacdooyin maalinle ah ama mawduuc hal arrin ka hadlaya ee waxay isugu jirtaa wax aan arkay intaan socdaalka ku jirey ama aan maqlay ama aan xusuustay ama dareen intaas midkood iiga dhashay. Qormadu kama marna nooc madadaalo ah, waxayse inta badan u socotaa xusuusin, baraarujin, wacyigalin iyo dhiirrigalin.
Taladii socodka
Habeeno ka hor bay dhalatay talada safarku, waxayse ila ahayd inaan heli doono diyaarad Gaalkacyo iga qaada oo maalin galinkeed igu geysa Jibbuuti. Alle ma qadarine waxaa joogsaday duullimaadyadii shirkadda Daallo, shirkadda Jubba na waxay baxaysaa maalinta arbacada. Kolkaas baan goostay inaan gaari ku tago Hargeysa oo aan diyaarad ka sii raaco.
Maxaan dalkayga dhexdiisa baasaboorka ugu qaadanayaa?
19/02/10 oo jimce ah bay noqotay in aan ka soo ambabaxo Galdogob. Haddaan soo gaaray Xero-jaalle waxaan xusuustay inaan soo hilmaamay baasaboorkaygii. Talo kale iima furrayne waxaan la hadlay Maxamuud Xuseen oo aan ka codsaday inuu gaari ii soo kireeyo, baasaboorkana iigu soo dhiibo. Sidii ayuu yeelay oo isla habeenimadiiba wuu i soo gaaray, waxaase dareenkayga kacshay sababta keentay inaan dalkayga baasaboor u kala qaato, cidda arrintaas ka dambaysey iyo sida aan u qaayibnay haddaan Soomaali nahay.
Waxaa ii muuqatay inaan la mid nahay reer col ku soo duulay oo uu ka itaal roonaaday, ka dibna intuu qayb qaybiyey uu magacyo iyo abtirsiinyo u kala baxshay, soohdimona u kala sameeyay, una sheegay inay walaalnimadooda iyo midnimadoodu qaldanayd ee kala faquuqa iyo kala magacu saxanyahay!, iyagiina ay aqbal iyo hawraarsan dheheen!. Wixii dhacay dhece, caano daatayna dabadoodaa la qabtaaye sidee dadkeena iyo dalkeena la isugu soo ceshaa baan is weydiiyey, waxaanse dhaafin waayey in guure iyo galab carraw badani ka sokeeyo, ayna Rabbi ka sokow rag rag ka tagay u baahantahay.
Joogsiga Daallo iyo dareenkuu i galiyay
Shirkadda diyaaradaha Daallo waxay ahayd shirkad ganacsi oo ay lahaayeen dad Soomaaliyeed. Qofka kor ka eegana waxay ugu muuqatay niman iskood u shaqaysanaya oo aan cid kale dan u hayn, laakiin markii ay meesha ka baxday waxaa cid waliba dareentay kaalinta weyn ee ay diyaaraddaasi kaga jirtay adeegga bulshada Soomaaliyeed meel kastoo ay joogtaba. Taa macneheedu waxaa weeye in aysan bulshadaani kala maarmin ee ay isu baahanyihiin qof qof, qoys qoys iyo deegaan deegaanba, isla markaana wixii qaarkood dan u ah ay iyagoo dhan dan u wada yihiin, wixii qaarkood dhib ku ahna ay wada dhibayaan.
Waxaa arrintaa sii adkaynaya inaan imid Hargeysa, ka dibna aan tagey Jibbuuti oo labadaba uu si weyn u saameeyay joogsiga duullimaadyada Daallo.
Qallooca jidka iyo jirrabaaddii gumaysiga
Qofka ka safraya Galdogob ee ku sii jeeda Jibbuuti waxay ahayd in uu woqooyi galbeed u dhaqaaqo, aniguse waxaan u ambabaxay koonfur bari, ka dibna waxaan u jeestay woqooyi, ka dibna woqooyi, galbeed, ka dibna galbeed, ugu dambayntiina waxaan mar kale u jeestay woqooyi galbeed. Si aan Jibbuuti u gaaro waxaan socday qiyaasta 1300 km, Waxaana socod ku jirey afar beri oo dhaw dhaw, masaafadii aan socon lahaana ugu yaraan way labanlaabantay. Haddaba maxaa keenay wareegga intaa le’eg iyo waqti lumiskaas?.
Shaki ma leh in waxaasi ka dhasheen kala qoqobiddii gumaystuhu kula kacay dalkeena iyo dadkeena, iyo jismiga (body) qalaad ee uu ku dhex tallaalay jirkeena, innagana waxaa ina la gudboon in aynu u tabaabushaysano sidii aynu mar uun uga bixi lahayn edegsooyinka la ina ku kala qoqobay goortay doontaba ha ahaatee.
Ma dad iyo dal kaa maqan baad weli rajo ka qabtaa?
Ilaahay naxariistiisa lagama quusto, Rabbina wax ku culus ma jiraan, caadooyinka uu koonka ku socodsiiyana waxaa ka mida: a) loolanka joogtada ah ee xaqa iyo baadilka, b) inuu dadka maalmaha u kala wareejiyo ee aysan hal qolo libtu waligeed la jirin, c) inay kuwa Alle ka baqa ciribta dambe leeyihiin. Intaa ka dib soomaalidu waxay dhahdaa: wixii rag u koco, Rabbina aqbalo waa rumaabaan.
Haddaba haddii maanta la ina ka tug tug roonyahay macneheedu maaha in wax walba halkaa ku dhammaadeen ee waxaan ognahay in adduunyadu ay tahay fursado ninba mar soo mara, ninkii ay soo martoo ka faa’iidaystaana uu guulaysanayo. Tan kale waxaa la hubaa ninkii aan ogayn in wax ka maqanyihiin ama og ee is dhiibay inuusan markay fursaddu soo marto ka faa’iidaysan Karin; sidaa darteed baan dadkeena u dareensiinaynaa waxa ka maqan iyo waxa la gudboonba.

Related posts:
ALLAAH haku barakeeyo sheekhunaa sheekh axmed lakin ictisaamka isaga dhex bax oo noqo sheekhul mujaahid diyaaradaha hadba dhinac loo gooshayana iska deey
Qormadan waa mid aad u wanaagsan, wey fiicnaan lahayd inta wanaaga rabta intay isku xirmaan u dhaqaaqan sidii dalka, dadka iyo diinta wax loogu qaban lahaa, Ilaahay idankii waa la gulleysanayaa ee yaan naxariista Alle laga quusan.
sheekh axmed c/samad aadbaan kuusalaamayaa xalaada taaganna waalaga gudbi doonaa inshaa allah dariiqeediina wuu muuqdaa ragga hogaamin doonana kawbaad katahay.
aadna waan kuugu hanbalyaynayaa qoraaladaada waxaynan aad kaaga rajaynayaa inay qoraalo xiriir ah oo kutub noqon kara ay ubataan maqaaladaadu.
waad mahadsantahay
Sheekh Axmed Ilaahay ha barakeeyo cilmigaaga, iyo caqligaaga mugga weyn.
Qoraalkaani wuxuu soo kicinayaa dareen xanuun badan, wuxuu na xasuusinayaa xanuun cusub oo qaddiim ah. Sida aan mar kasta ugu dhaxayno xiqdiga cadagwgeenna iyo dhoohanaanta wiilasheenna!
Sheekh Axmedow, hore waxaa noo dilooday cudur layiraahdo qabyaalad, haddana waxaa noogu darsoomay mid kale oo ka khatarsan, oo layiraado “Taddarruf”.
Musiibada waxaad mooddaa sida yaxaaska oo hadduu afka kula waayo aan saynta ku waayin, sidoo kale wixii qabyaaladda ka badbaaday waxaa yuubtey “Tadarruf iyo Takfiir!!”"
Ilaahaybaan u sheeganaynaa dhibkeennaa!!!
Rabbiyo ha noo qaban waxa ay doqomadeennu falaan!
Asc.,Walaahi Axmed Meel buu i danqiyay , wuxuuna i xasuusiyay safarkeygii Feerfeer ilaa Diridhabe ,qof kii garanaayo dhulkaas dheer inta magaalo u dhaxayso . Tuulo ama Magaalo aan imaado ma jirin oo aan marti ka noqday ,yacni afsomali aad ku hadlaysaa ninkii jooga meesha aan ka imid Ceelbuur & ninka jooga Mustaxil , Buur Ukur ,Qalaafo , Godey ilaa Diridhabe kalama garanaysid Macawis ,shaati ,bakoorad , garabka cimaamad.maqaayada waa isku cunto xaga fikirka waa isku mid , masaajidada mashaa allah waa dad Hooyo & Aabo wada dhalay oo kale , laakiin waxaad Murugoon markii intaas oo Magaalo ama tuulo ay kor ka dagan yihiin Ciidan Gaalo ah oo magaalada u dhalan aad u jeedo in si toos ah loo gumaysto .
Allow Somali danteeda Garan sii oo dhibka ka bixi Diinteeda ku celi ..amiin
allaha ku bareeko, shiikh axme, waxaad aniga iyo inta maqaaladaada akhriya u noqotay macalin si fiican noo baraya: 1-hodontinimada afka soomaaliga iyo hab isticmaalkiisa 2-habka qoraalada soo jiidashada leh 3-iyo cilmi diineed, mid bulsho, mid taariikheed iyo juquraafi. 4- madadaalo hufan.
runtii maqaal kasta oo aad qorto kii ka horeeyey ayuu baro dheeraadaa! mahadsanid
allaha ku barakeeyo, shiikh axmed, waxaad aniga iyo inta maqaaladaada akhriya u noqotay macalin si fiican noo baraya: 1-hodontinimada afka soomaaliga iyo hab isticmaalkiisa 2-habka qoraalada soo jiidashada leh 3-iyo cilmi diineed, mid bulsho, mid taariikheed iyo juquraafi. 4- madadaalo hufan.
runtii maqaal kasta oo aad qorto kii ka horeeyey ayuu baro dheeraadaa! mahadsanid