Siyaasiyiin iyo Mufakiriin Islaamiyiin ah ayaa Baaq ka soo jeediyay Gabo-gabadii Shirkii ka dhacay Magaaladda Dubai ee Wadanka Imaaraadka Carabta 13- 14 Bishan, waxayna ugu Baaqeen Xoogaga ka soo horjeeda DKMG ah inay Dagaalka joojiyaan si toos ahna u soo fariistaan Miiska Wada hadalka.

Shakhsiyaadkaasi ayaa sidoo kale ugu Baaqey Xoogaga Islaamiyiinta ee ka soo horjeeda DKMG ah inay ku Biiraan Baarlamaanka iyo Xukuumadda KMG ah, Culumadana waxay ugu Baaqeen inay Arinta si dhex dhexaad ahi u xukumiyaan.
Shirka oo loogu Magac daray ‘Soomaaliya … Codka Xikmadda iyo Sharcigga” waxaana soo qaban qaabiyay laba Urur oo la kala yiraahdo “Xarunta Caalamiga ee Cusboonaysiinta iyo Hanuuninta” iyo “Mu’asasadda Ururka Islaamka” waxaana lagu lafa guray Xal u helidda Mushkiladda Soomaaliya.
Shirkaasi waxaa Shir Gudoominayay Sheekh u Dhashay Wadanka Muritania oo lagu Magacaabo C/llaahi Bin Biih, waxaana ka qeyb galay Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee Suudaan Al-Mushiir Suwaar Al-Dahabi, Ergayga Q.M u qaabilsan Soomaaliya Axmed Walad Cabdalla, ku-xigeenka Ururka Islaamka C/llaahi Caalim iyo Dr. C/llaahi Nasiif ku-xigeenkii hore ee Golaha Shuuradda Sacuudi Carabiya.
C/llaahi Bin Biih oo Kalimad ka jeediyay Shirka ayaa yiri “Maanta waxa aynu Kulankan isugu nimi waxa weeye sidii aan Culimadda Soomaaliyeed iyo Khayrkoodba uga wada hadli lahayn Xaaladda Wadanka isla markaana aan u Cadayn lahayn Xukunka Sharci ah mar labaad, waxaana ugu Baaqeynaa Walaalahayaga Wadanka Soomaaliya inaan Wado laga dhiganin, isla markaana ay Aqbalaan Baaqa Sharciga iyo Xikmadda ee Wada hadalka, Baaqana wuxuu ku socdaa Dhamaan Dhinacyada Soomaaliya”.
Dhanka kale Dr. C/llaahi Nasiif Gudoomiyaha Ururka Islaamka oo furay Shirka ayaa yiri “Mushkiladda Soomaaliya waa Mushkilad Xagga Fikirka ah, maadaama ay Dhalinyaradu soo galayaan Islaamka waxaa lagama maar-maan ah inay Culimadu Cadeeyaan Waxa socda”.
Ugu Danbeyntii Shariif Sheekh Axmed oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yiri “Waxaan idiin Xaqiijinayaa inaan qaatay inaan Shareecadda Islaamka ku Dhaqano Maamulka Soomaaliya, isla markaana aan Diyaar u ahay Inaan Miiska Wada hadalka la fariisto Dhamaan Kooxaha isku haya Soomaaliya iyaga oo aan la kala reebin”.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Dhinacyada Islaamiyiinta oo ku aadan Baaqan ah inay Dagaalka joojiyaan Miiska Wada hadalkana la fariistaan DKMG ah Baarlamaanka iyo Xukuumadana ay ku Biiraan.

Related posts:
Codka Xikmadda iyo Sharcigga(codka xikmadla,aanta iyo kabeensheega sharciga alle)
waxaa xaqiiqa in diinta islaamka meel kasta aad ka fiirso ay tahay goob nabadeed maantana umada soomaaliyeed dhiaca waligood nabada kala danbeynta ay aheyd culimada iyagana maanta xabad la dhacayaan oo barakicinayaan ilaahay walaalayaal halaga boqo hana loo turo raaciyada islaam walaal bal ka waran caruurta qoraxda joogta hooyada cowardeeed muuqato waayeel diifaysan ee xabadaaada ka cararey adigoo awoodo inaa manta dib gurigooda ugu celiso dib u eeg suluxul xudeebiya nabadu waa nolol
Taniwaa kaadi ey igula qubayso Midakale haday culumo muslimiina yihiin maxay uga hadliwaayeen ciidamada gaalada nasaarada ee jooga soomaaliya kuna soo duulay Waxaan maqlijiray nin daadqaaday xunbo cuskay sh shariif wuxuu yiri waxaan cadaynayaa inaan shareecda kudhaqmaayo iyo inaan qaatay miiska wadahadalka oo aanan cidna kareebayn
Marka hore taladu miyey asaga ka g,daa ragii kursiga kufariisiyey raguu leeyahay waan laheshiinayaa waxay uyaqaanaan argagixiso aan caalamka xaq ugu lahayn inay kunoolaato in waxlala qabsada iskaba daaye mida kale suaalihii maraykanku way diiyey ee ahaa madoonaysaa inaan duqeeyo islaamiyiinta haa haa haa waan doonaaya ayuu kujawaabay waana tuu maalmo kahor shaka ugaraacaayey inay dabar jarayaan islaamiyiinta waxaanu leenahay
Waa been horlood keentay
iyo buragaankiiye
Baqtigaad cunaysaan marabo
Wiil baxdoo yaahe
Ama baqoo kacarar meeshu
waa meel bahgooyahe
Ama waxay bahdaa kugu taraan
Bo,ow halkaan keenso
Buuqiyo hadaaqii shaliyo
Mee bardoo digini
Hadaad nabad ku baaqayso
Ood ficilo beerayso
Marka hore kasoo baxa
Bohoshan shaydaanka
Marka xiga alihi baarigaa
Towbadiis bixiya
Beentiyo hadaaqana kahara
Biid ma goo yaane
Buhuukiyo dhurwaayada baqtiyey
Bixitinkood sheega
Hadii aad ka baqaysana usheeg
Beeshayada joogta
Xaal buuran dabadeed kubaaq
Inad balaa yoowday
Shabaabkuna bulshada xubinsaroo
Eebe barakeeyey
Buruud iyo nasiib ugu daroo
Buuran wee yaane
Inaad adigu been loow ahayd
Noogu baaq manta
Hadii kale birbaa kuu godee
Buuse yeelkaa yee
kuwaa waa la yaqaanaa waa islaax sida nuur baruud iyo caqalaaniyiin
aan diin shaqo ku lahayn. culmaa suu qudaacu duruq)car gaaladaa dhulka muslinka ku soo duushay ha ka hadalaan.ALQAAFILATU TASIIR WAL KALAABU TANBUX
Culimada waxaan leeyahay “Laa xayyaata Liman Tunaaduun” Firaqda baadida ah waligeed waan waan iyo nabad ma qaataan. Xalku waa in la edbiyaa, laakiin intaas ka hor, waa in dadka wali u haysta in ay diin wanaan la soo reebo.
bismilaaah
ilaahay baa mahad iska leh nabad gelyo iyo naxariisi ha hataao rasuulkii ilaahay iyo ehelkiisaba ,,,,
NINKAN abu fatma la yidhaa WAX KAA JAAHILSAN MA ARAG diinta islaamkuna waa naxariis ee maa ahan diinta dadka lagu bajiyo walaahi ilaahay baan ku dhaarteee diinta islaamka waanu idinka jecelnahay laakiin idinku islaamkii sida aad u aragtaan iyo rayigiina hadii lagu socon waayo iskaa inuu qofku idin khilaafsan yahaye waxaad ku sheegaysaan beenaale iyo dhiigiisa oo aad banaysataan kuna xukuntaan afkiina fudud RIDO waana mida aan tusaale kuu siinayo ee dhagayso jaahil baad tahaye ABU FATIMA SHEEKH XASSAN DAAHIR AWAYS ayaa maalin dhawayd sheegay in alshabaab ku xukumeen AHMED MADOOBE wuxuu yidhi daliil cad noo keena inaad haysaan in ninkaasi RIDOOBAY waliba jawaab kama hayo ayuu yidhi nimankaas MARKAA waa fikirka cidhiidhiga ah ee aad ku socotaan
ilaahay diintiisa waa u gargaarayaa waase la is imtixaanayaa fitno ayaana soo baxday ee idinku dhex muquurta oo waxaad ka heshaan iyo meesha aad ku gaadhaan aan eegno
***********************************
well done abuu faaduma buraanbur kaaga ma xuma. Sorry, I mean ( geeraarkaaga).
waxaase sii raacin lahaa:
mowjadaha madoowe
ee hawada meeraaya
oo qalbiga buuxiyee
lagu maanshoobaayo
ilaahi naga bad baadiyow adaa mahadsan.
isbadbadalka qalbigiyo hadba qar iska tuurka
meelaan habooneen ka muuqashadiisa eebihii naga badbaadshey adaa mahadaa leh.
wacdaraha aduunka waayahan jirey
waabaayo iyo cudur waxa wareegaayey
wareerkaa jiriyo weehalowga
ilaahi nagu sugay xaqa adaa mahadsan.
labdii wada socotey in ay kala irdhoobaayeen
damacuu la yimid midkood in uu la weynaadoo
daryeelkii diintana doc ugu beeraayo
waa arin soojireenoo an la diidi karine.
kol haduu daacuflay iyo biday gaalo wehelkeeda
dadkiisiina ka didoo daadihin kari waayey
dareenkiisina dumoo diintii garan waayey
maxaad uga digan wadaadka waa sagaas dabeeshadaye.
waxse iga dardaarana dadow diinta fahankeeda
dulmigoo laga dhowrsadiyo daacad la ahaadoo.
daliilkoo la raadshiyo caadifad laga digtoonaadoo.
daartii aakhiro la raadsadoo rag iska dhicin aan lagu fidnoobin.
hadalka kiisa san la qaatoo rabi raali lag yeelo.
moowjadaha isbiirsadee hadba doc u boodaayo waa sunoonyinka soo jiro dunida caanka ka ehee
dantiina aqooda daain abidkiine
illaahay ka baqa isagaa idin kaafin karaye.
BISMILLAAH.
….. waa la isu mujaamalaynayaa …………..
[ Shirkaasi waxaa Shir gudoominaya Sheekh u dhashay Wadanka Muritania oo lagu magacaabo C/llaahi Bin Biih, waxaana ka qeyb galaya Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee Suudaan Al-Mushiir Suwaar Al-Dahabi, Ergayga Q.M u qaabilsan Soomaaliya Axmed Walad Cabdalla, ku-xigeenka Ururka Islaamka C/llaahi Caalim iyo Dr. C/llaahi Nasiif ku-xigeenkii hore ee Golaha Shuuradda Sacuudi Carabiya.]
………………………………………..
takfiir iyo tafiirtiis midna ka hadli maayaane
waxay isugu yimaadeen raalagalin maraykan , wayna og yihiin in maraykan caraboo dhan uu haysto , bad,cir iyo birriba , mana suura gali
karto in xaq iyo baadil miis soo wada fariistaan, taasna ninkii ku riyoonayoow ha is daalin waa adoo calaacashaada timo ka raadinaya ! ! ! , raggaan meesha isugu yimid
marka laga reebo shariifow waa rag maraykanka u
liis garaysan oo aan is nuuxin karin walow ayba
dhinaca ikhwaaniga u janjeeraane , waxaadna moodaa in waayadaan danbe dhinaca siyaasadda waxa lagu sheego ay rag badani u carareen taasoo ay u maleeyeen inay kaga fakan karaan jihaadka fool ka foolka ah , waqtigaanna ma suura gali karto inaad munaafaqayso , waa inaad
labada god mid ku biirtaa.
WALLAAHU ACLAM.
khaadimul-ISLAAM | Mar 14, 2010 | Reply
SHIRKA WAXAA KADANBEYA WAA MAREYKANKA OO RABA INUU QAYANO DADKA WAX GARADKOODA HOOSEEYA WAXAY DOONAYA INEY SHACABKA LA OGOLEYSIIYO INEY GUMEYSI KUNOLADAN CARABTA AYAGABA GAALADA UDABADHILIFEYA MARKA DUBAI WAXA SOO DIRSADAY GAALADA KASOO HORJEEDA INEY SHAREECO KADHALATO DHULALKA MUSLIMINTA AH LAKIIN QAYANADA AY CARABTA WADAN AYAA MARHORE MUJAHIDNTA DIIDAY INEY GAALADA LAHOOSGEYO SHAREECADA GAALADA WALIGOODBA QAYANO KAMA DHAMANEYSO WAXANA JIRA QAAR CULUMO ISKU SHEEGAAYO OO U SHAQEEYA CADOWGA ILAAHEY CULUMADAADI WAA KUWA DHUUN RAAC AH DOWLADA RIDADA IYO AMISOMBA WAA LAGA SAARI DOONA DALKA WAA SOO DHOWDAHAY GUUSHA HALA SABRO …
MUJAHIDINTA AL-SHABAAB ALLAHA DHOWRO AAMIN AAMIN……
bismilaaah
ilaahay baa mahad iska leh nabad gelyo iyo naxariisi ha hataao rasuulkii ilaahay iyo ehelkiisaba ,,,,
KU .. abu fatima
NINKAN abu fatma la yidhaa WAX KAA JAAHILSAN MA ARAG diinta islaamkuna waa naxariis ee maa ahan diinta dadka lagu bajiyo walaahi ilaahay baan ku dhaarteee diinta islaamka waanu idinka jecelnahay laakiin idinku islaamkii sida aad u aragtaan iyo rayigiina hadii lagu socon waayo iskaa inuu qofku idin khilaafsan yahaye waxaad ku sheegaysaan beenaale iyo dhiigiisa oo aad banaysataan kuna xukuntaan afkiina fudud RIDO waana mida aan tusaale kuu siinayo ee dhagayso jaahil baad tahaye ABU FATIMA SHEEKH XASSAN DAAHIR AWAYS ayaa maalin dhawayd sheegay in alshabaab ku xukumeen AHMED MADOOBE wuxuu yidhi daliil cad noo keena inaad haysaan in ninkaasi RIDOOBAY waliba jawaab kama hayo ayuu yidhi nimankaas MARKAA waa fikirka cidhiidhiga ah ee aad ku socotaan
ilaahay diintiisa waa u gargaarayaa waase la is imtixaanayaa fitno ayaana soo baxday ee idinku dhex muquurta oo waxaad ka heshaan iyo meesha aad ku gaadhaan aan eegno
Abu fatima oo caydii iyo xaqiraaddii uu culimada ummadda soomaaliyeed gaar ahaan iyo kuwa caalamka islaamka guud ahaan ula soo warregey inta, markii meeshii lagu yaqaaney dam ka noqotay.
Sidoo kale in arrinku yahay hebel iska celi oo ay shalay laabta isku hayeen,iyadoo lagu ciyaarayo masiirkii ummadda.
Waxa aan shaki ku jirin xaqiraadda iyo hoos u dhigidda culimadu inay tahay mid ka mid ah calaamadaha kooxaha iyo ashkhaasta ka leexatay ???? ????????.
Waana hubka ugu muhiimsan ee kooxahaasi isticmaalaan in dadka culimada loo caayo oo ah nooc ka mid ah waddada Alle oo la awdo??? ?? ???? ????? illeyn ciddii waddada Alle sheegaysey ayaa meesha laga saaray eh.
Waxana ay markaa natiijadu noqonaysaa sida maanta ay qayb dhallintii Saxwada islaamka gaar ahaan selefiyiintii ay ku jiraan oo ah in la samaysto madax iyo hoggaamiyayaal diineed oo jaahiliin ah-illeyn culimaddii laad ayaa booskoodii lagaga saaraye-oo ay iyana lumaan dadkana lumiyaan oo ah ta maanta taagan ee hanuun iyo janno laga dhigay dilka iyo gaalaysiinta ruuxa muslimka caadiga ah,kaba sii darane mujaahidiintii fara ku tiriska ahayd.
Waana taas tii Nebi Muxammad (NN) ka digey markii uu dhahay:dadku waxa ay samaysanayaan madax juhaal ah markaas ayay lumayaan ,cidda kalena luminayaan,kaas oo saxiixa ku sugan.
.???? ?????? ????? ????? ????? ???????
Waxase rajo ah oo aan maqlay in ingiriiska laga qaban qaabibinayo shir culimada ummadda Soomaaliyeed lagu kulminayo si ay u caddeeyaan diintii Alle dusha ka saaray,ayna taas tahay in hirgelinteeda laga qayb qaato,gaar ahaan dadka ingiriiska jooga oo lala xiriiro oo la caawiyo dadaalkaa khayrka ah,ee lagu badbaadinayo diinta ummadda oo ah waxa ugu qaalisan..WC
Nimankaan warkan soo saarayaa kuma dhacaan inay fatwo kasoo saaraan dhibka Falstiin iyo dhulal kale oo Muslimiinta ah ee gumaysigu haysto. Sababta ay Soomaaliya ugu dhiiradeena waa mashruuc lasoo siiyey. Nimankaan badankoodu waxay hoos tagaan dowladaha maqaarsaarka ah ee ka dhisan dhulalka Muslimiinta. Waxaa qorshuhu ka yimid Ingiriiska oo amarka laga soo siiyey.
asc waxaad ogataan qof walba oo dhiig qof muslim ah in la daadiyo u qoryo guranaya asaga ayaa xabada dilaysaa iyo ehelkiisa marka u danbaysa aniga waxaan aqanaa kuwo badan oo dhihi jiray shabab ayan nahay dadka ayan khaarijinaa in isla ayaga shabab khaarijiyeen marka ninka dad dhiigiisa raba walahai adigana shabab unbaa ku dili sidaas ku bisharayso aakhirana way ku sugaysaa ilahay agtiisa shabab la xisbul islam laa shariif ma yalaan xisaab ayaa kaa horaysa ilahay halaga baqo culimadana yan la caynin waa khatar waa wax meshaas na dhigay haday qaldaman ilahay hal ajir ayuu siinayaa haday saxanyihiin laba ajir fadlan nin kas miyaa cay istahila bilahi calaykum ilahay halaga baqo asc
waxaan u malaynayaa culimadu waxa ay sheegeen waa waxa kitaabka inoogu yaala oo aynu akhrino habeen iyo maalinba laakiin su aashu waxa weeye ma ku qancayaan hadalkaas nin umad dhiigeeda inta uu banaystay xalaashaday oo naxariis haba yaraatee aan inaba lahayn maka suurawdaa inay aqbalaan kuwii dilay cusman bin cafwan waayo kuwa maanta inala jooga waa khawaarijtii oo kale waa dad damir laawayaala umadii ayay xasuuqeen diintii bay ka been sheegeen culimadii hadalkoodii bay diiideen hadana diin baanu wax ku xukumaynaa bay leeh yihiin ilaahay ayaanu uga ashtakoonaynaa kuwaas ilaahay ayaa awoodle ku walboo jabaara daalima isaga ayaa qabanaya waxaana hadhaya xaqa
wabilaahi tawfiiq
hadalka hadaan run laga sheegin waa lid-kiisa
oo ah been
Asslamu Calaykum;
SOMALIMIRRROR, WALAALAYAAL MA ISBARBAR DHIGTEEN FAA’IIDADA IYO MIRIN HABAABINTA KA DHALAN KARTA COMMENTS FURAN, OO U FURAN CADAWGA ISLAAMKA IYO ISLAAMKABA. MARKAAN U FIIRSADAY BOGAN COMMENTS DADKA KU QORA, WAXAA IIGA SOO BAXAY INAY DAD FARABADAN OO CADAWGA ISLAAMKA AH INAY WAX KU SOO QORAAN, IYAGOO ADEEGSADA SI AY DADKA U QALDAAN ABU-HEBEL, UMU-HEBEL IYO WIXII LA MIDAH. MARKA WALAALAYAAL INTAAD COMMENTS-KA KA YARAYN KARTAAN MOWDUUCYADA QAARKOOD OO AAN U BAAHNAYN INAY KA JAWAABAAN DAD AAN EHEL U AHAYN, TASHWIISHNA KU FURAYA UMMADA,KA YAREEYA AMA KABA DAAYA COMMENTS-KA.
WABILLAHI TOWFIIQ
waa hadal xayawaan nimo ah
oo aan qof caadi ah kasoo bixi karin
As/
Allaah ayaa mahad oo dhan iska leh kudayahsana Nabbi muxamed NNKH.
Walaal abu fatima miyeesa nabad heesan maatada iyo muslimiinta ku nool koofurta soomaaliya marka laga reebo inta aay gaalada joogto dadkana cida aay ka qaxeen waa madaafiicda gaalada.
marka ma waxaad leedahay hubka hala iska dhigo gaalada hanaqabsato iyo mooryaantii umada gumaaday iyo diinta.
walaal hadaad ka shakisantahay in uu jihaad ka socdo muqdisho gaalada kuu sheegtay waxa aay habeen iyo maalin u dagaalamayaan in ku dhaqanka shareecada ay diidanyahiin
gaalada si cad ayee ucadeesteen ladagaalanka diinta iyo inta sida dhabta ah in aay islaamnimo ugu noolaadaan rabaan qofkii muslim ah ku biiro safka muslimiinta kii diidaa Allaah baa wallaahi laxisaabtamidoono markaas buuna ogaan oo aay shalaato wax tareen.
marka wadada waacadahay hadii kale hala yiraah shiikhbaa diiday jihaad maahan shiikha ha inii shafeeca qaado maalinta qiyaamaha sax culimada xushmad weyn baay leeyahiin laakin culimada ma ahan wax xaq ah ood aragatid in culumadiibaatiri la dhaho waa bina aadam qof macsuum ah malan sida kale mujaahidiinta macsuumiin maahan laakin hadafkooda waa lawada og yahay hadeey dadka iska dilaan maa lamaqlo meelaha ay kataliyaan dadbaa lagu laayay
Allaah aan kabaqno mujaadiintaa haloo duceeyo
been abuurka caamo iyo culi ku hayaan haleeska daayo dabcan culimdoo dhan kuma xadgubin waa qaar ka mid ah ayagana illaah ha udanbi dhaafi wadadkii ay wax ka soo gaaraan xagooda ilaa culimada waa culimadeeniii diinta ina soo bartay illaa hadana u taagan Allaha xifdiyo kuligood kalimadoodana xaqa ku mideeyo dhac dhaca yarna illaah hakacafiyo aamiin
Maalina shaki igama gelin waxa dhalin yaradaan la marin habaabiyey wadaani ineysan diin shaqo ku laheyne ay tahey faham xumo iyo duruuf qallafsan oo dalka Soomaaliya ka jirta oo is biirsadey. Duruufaha fahamkaas aan caafimaadka qabin saacidey waxaa ka mid ah jahliga, faqriga iyo dagaalada qabyaaladeed oo is biirsigoodu dadkii ka qaadey fahamkii toosnaa iyo in dadku si caafimaad qabta u fekero.
waxa ay ku taaganyihiin waa shubuhaat la dhoodhoobey oo qofkaan caqli iyo cilmi u saaxiib aheyn lagu qaldi karo, iyo iyagoo isla heley xoog ka wax tarsan kuwii laga rabey iney u hiiliyaan cadaalada iyo maan galka.
Fashalka ku yimid Soomaalida siyaasiyiinteeda iyo wax garadkeeda ayaa u seeto dheereynaya fikirkaan qaabta daran oo kuwa wada iyo maan gaabkaba ka dhigaya iney isla qumanaadaan, maadaama kuwa kasoo hor jeedaa yihiin dad aan bulshada ka kasban ixtiraam iyo ka heybeysi.
Dawlad Islaam ku lahaa. War dadkaanaa Islaam ummad u sheegaaya, YAAB.
Taariikhda Islaamka ma lagu hayaa dawlad Islaam ah oo gaalo waardiye ka tahay? Weliba kuwani waa gaalo nooca ugu xun oo waxaa la dhahaa “GAALO QAAWAN”.
Weligiin iyo abidkiin ma maqasheen ummad Islaam ah oo hogaamiyaheedii ay gaalo waardiye ka tahay oo xita isaga iyo cabinetkiisii u dhaxayso?
Weligiin ma maqasheen dawlad Islaam sheegaynaysa oo wax walba oo Islaam lidi ku ah aqbalaysa wixii Muslimku wataana xataa xarimaysa?
Weligiin ma maqasheen dowlad Islaam sheeganaysa oo badaheedii iyo dhulkeedii bixinaysa oo weliba siinaysa dawlado Gaalo ah?
Tan iyo wixii af, qalin, iyo adinba ku taageera masiiba Alle ha ku rido oo calaamo adduun Alle haka ifiyo. Alle ayaan ka baryey inuu dibindaabyadeeda naga qabto oo wax khayr qaba noogu bedelo. AAMIIN.
Abuu fatima
ALLAAH haku barakeeyo.
Sida suufiyada ninka culimo magaca la yiraahdo wata wax kaste oo uu dhaha la yeeli mayo oo waxaa la tadbiiqinayaa xadiiskii ahaa (LAA DAACATA LI MAKHLUUQIN FII MACSIYATIL KHAALIQ)
mida kale Dawlada ay sheegayaan waa dawlad ay gaalo soo dhistay ka raali ahaatay biisho ciidan u tahay sidaas darteed Ma Najaasada halala galo miyaa ?
ALLAAH waxaan ka baryaynaa in mujaahidiinta uu sugo oo aysan marna diintooda dunyo ku badalan
Soomalidu malaha ma kala taqaan wada hadalka, dhexdhexaadinta, iyo taageerida dhinac. Waxaa kaloo la yaab leh soomalidu ma taqaan sida nidaamyada aduunka ka jiraa ama dowlad ha ahaado ama kuwo aan dawli ahayn u wada shaqeeyaan iyo noocyada shirarka. Ma naqaan qofka ama dadka markaa lala hadlayo.
Xaalkeenu waa nin buka boqol u talisay. Nimankani waxaa la soo mariyey fariin loo arko inay yihiin kuwa ugu haboon oo gudbin kara. Fariintana waxay ka soo qaadeen, qolyaha hada sheegta inay aduunka u taliyaan. Dagaalkana kula jira soocelinta u xukun doonashada kitaabka Alla.
Nabad iyo khayrna kama shaqeeyaan ee waxay ku jiraan payroll kuwo qarsoon iyo kuwo la og yahay. waxayna wataan shaqadoodii ee idinku shaqadooda hakala qayb qaadanaina.
Ibnu Darwiish
jir oo noolw kii wax noo taraaya dhimo oo ha noolaan kii wax noo dhimaayaa waa heesihii kacaanka . balse waxay dhabowday in ay boqol jeer ka fiicnaayeen kooxaha diin sheeganaya waayo way ka dhiig daadis yaraaayeen . oo nashinaalistic bay ahaayeen qoomiyada soomaalida in ay jirto aaminsan. waxaa isku soo haray waa buunsho aan damiir lahay oo shirarka iyo fagaarayaasha la isku arko in ay ka muuqdaan uun jecel.
shariifku waxaa uu sameeynayaa tajfiif almanaabic.
Tallaabada uu qaadey saaxada wax badan ka beddli mayso laakiin waxay abuuraysaa qodxo badan oo laga badbaadi karey.
Marjicayad la’aanta saaxada taal waxay siisay dadkale inay soo gaalaan fatwooyinka soomaaliya oo tanthiiriyaan.
Dhibka arrinkaan ninka garaadka leh waa garan karaa, doqonna ha u sheegin
BISMILLAAH.
shir baa la qabtay, shir baa la aaday, shir baa
la isugu yeeray, shir baa loo fariistay, shir baa laga yimid, shir baa la isugu imaan doonaa usbuuc ka dib looga wada hadlayo soomaaliya, shir baa hadda dhamaaday shir… shir… shir. shir …………….. shir badanaaaaaa sow shirku ma dhamaado .
shirarku waxay maslaxad u tahay gaalada iyo shariifow oo raba inay isugu diyaariyaan si ay khiyaano ugu maleegaan mujaahdiinta , waana waxa falastiin haysta ee dadow bal u fiirsada wali ma haysaan shir yuhuudu ay falastiin ugu dhaga nuglaatay ? hadda yuhuudu waxay guushaas ku gaartay shirarkii badnaa ee waqtiga looga dhumiyay falastiin iyo inta arinka falastiin raba inay wada hadalo ku soo dhiciyaan.
haddaba shirarku waa khudco yuhuudu horseeday ee culimadaan waa sida malgacadda iyo mindida cuntada loo adeegsado waa qalab yuhuudu u adeegsanayso inay waqtiga uga dhumiyaan ummadda muslimiinta ah .
W A A A A A …….I S L M A A A H
W A A A A ……. I S L M A A A H
W A A A A A ……..I S L M A A A H
war baraaruga oo ka kaca hurdada shir wax tari maayo ee[nimaan warankaa galin warkaa ma galo]
warmihiina iyo seefahiina qaata.
ALLAAHUMMA HAL BALAGTU.
WALLAAHU ACLAM.
binfaqiih@hotmail.com
NUS KUWAN MEESHA ISUGU TAGAY WAA YAHUUD CIMAAMADO SITA.
WAXANA KUWAAS U HOREEYA JIFIRI KAN AY YAMANIGA
AY KU SHEEGAYAAN.
WAA SHEEKADII AY YAHUUDDU KAGA TAQALUSTAY DIINTA NASAARADA.
WAA TABTII OO KALOO LA DOONAYO IN MUSLINKA LOO SOO MARO.
IN CADAWGAAGU CULLUMO KUU NOQDO.
Culumada diinta halooga danbeeyo ayaa la yiri maanta ma waxeey joogtaa diinta dhalinyarada qoriga wadato halooga danbeeyo. Ilaahay dadkaan xaqa ha tusiyo. Dowlada Islaamiga ah dhinaciina ka raaca wixii aad tabaneysaana wadahal in lagu dhameeyo ogolaada hadii kale waxa aad wadaan diin ma ahee waa siyaasad maldahan oo aad shacabka soomaaliyeed ku dabargooyneysaan.
Warkeygu waxa uu ku socdaa qof walba oo ka soo horjeedo dowlad islaamiga ah ee uu Sh. Shariif Sh. Axmed madaxweynaha ka yahay.
Nabadu wax beey dhistaa, Colaadu wax beey dumisaa.
Xikmadda ay culimadan ku hadleen waxaa fahmi kara intii caqli iyo garasho u saaxiiba iyo xarakaadka soomaliya ka hana qaaday waqtigii siyaad ee khibradda dhaama shabaab hogaankooda intooda badan, Shabaab iyo kuwa taageersan ee haddaan kooynay ah haddanysan ku aakhiron waxaan rajaynayaa in in badan oo ka mid ah waqti xeero iyo fandhaal kala dhaceen ay garan doonaan waxa laga hadlayey kana shalay doonaan falkooda maanta fursado badan shacabk soomaaliyeed iyo islaamkaba dhaafsiinaya.
Maxaa wiil saxwada ku biiray 80kii ama 90-kii uu garawsan yahay xamaas soo maray oo qaldanaa iyo cilmi iyo khibrad yar oo ka dhigaysan sidii wadaan biyo ah oo aan buuxin ee gabiyada ceelka garaacaysa!!
Hadana rag jadbaysan oo somali miroro wax ku tacliiqiya sanado ka dib waa la arki doonaa iyagoo indhaha kala qaaday waqti geedigii dhaqajiyey
Al-Shabaab waa argagaxisada Soomaaliya, Sababtoo ah:
1. Dad ayeey qoorta ka gooyeen walibana ay idaacadaha ka sheegeen ineey ayaga sameeyeen falkaas foosha xun. In falkaas argagaxin shacab tahay ma diidantahay oo waliba xitaa ay ka dhigeen dhaqan.
2. Waxaad arkeysaa qof is qarxinaayo, soo qofkaas shacab ma argagixin.
3. Qofkii dowlada xumaanteeda sheego cid wax dhaheyso ma jirto laakiin qofkii alshabaab xumaanteeda sheego, horay ayaa laga qowracaa ama laga dilaa soo argagaxin ma ahan.
4. Arday, Waalidiin, aqoonyahano oo intaba ah soomaali, oo qaarkood ayba soomanaayeen in la isku qarxiyo soo argagaxis ma ahan.
Inta aan kor ku soo xusayba waa dhacdooyin jira oo qof walba ogyahay. Marka Alshabaab soo argagixiso ma ahan?
ARINKAN WAA KUGU QABATAY SHARIIF AYAA KU SAX SAN INUU KURSIGIISA KU MITIDO HADIIBA WAXA LA RAADINAYAABA AY YIHIIN KURSI EE AYSAN AHAYN DIIN, DIINKUNA UU YAHAY JARANJARO LOO MARRO DANAHA BEENTA AH EE AY RAADINAYAAN URURADA HADA SAAXADA KU JIRRA,INUU HADBA KUWA UU MASLAXADA MOODO UU WAX LAQAYBSADO WAA MASLAXADA KU JIRTA EE DADKA IYO DALKA ,DAGAALADA SOCDA WAXAY DAN U YIHIIN WAA CADOWGA GAALADA MAXAA YEELAY DADKII WAXAY KA DHIGEEN WAXAY XEROOYINKA GAALADA KU XAREEYAAN IYO WAX AY DILAAN OO GOD KU XAREYAAN INTAY SHUBAHAAD U DALIISHADAAN.KUWAN WAA ODAY DHAQAMEEDYO MUSLIMIIN AH OO LOOGA AQOON BADANYAHAY DIINKA
Ikhwaanii Islaamiyiinta Somalia waxay ku adkaadeen gudaha dalka Shariifkana waxa uu ku ga adkaaday dalka dibadiisa Islam iyo gaalba uu ku diray oo ay ku waas yihiin kuwii ugu dambeeyey ee ama culima ahaa amaba carab ahaa.
Wassalaamu calaa manitacal huddaa. Soomaalida waxay tiraahdaa (Qaylo hadday yeedho Masjidkaa loo cararaa, haddiise ay Masjidka ka soo yeedho halkee loo cararaa). Aakhiro sanaka waxaa ka mid ah Culimo dallaalliin ah oo aan difaaceynin kana hadleynin ummadda dhaciifka ah ee la’gummaadayo? waxaa ka sii daran in ay yiraahdaan kii la’dulmiyey is dhiib oo ha’is difaacin. in maanta la’yiraahdo Cumar Khaalid Al-masri, waa daaci oo soomaali ayuu xal u wadaa. Wallaahul Mustacaan.
Wassalaa,u calaa manitabacal huddaa.
Wassalaamu calaa manitacal huddaa. Soomaalida waxay tiraahdaa (Qaylo hadday yeedho Masjidkaa loo cararaa, haddiise ay Masjidka ka soo yeedho halkee loo cararaa). Aakhiro sabanka waxaa ka mid ah Culimo dallaalliin ah oo aan difaaceynin kana hadleynin ummadda dhaciifka ah ee la’gummaadayo? waxaa ka sii daran in ay yiraahdaan kii la’dulmiyey is dhiib oo ha’is difaacin. in maanta la’yiraahdo Cumar Khaalid Al-masri, waa daaci oo soomaali ayuu xal u wadaa. Wallaahul Mustacaan.
Wassalaa,u calaa manitabacal huddaa.
asc wr wb waxan la yaaba dhaqan xumada dadka taagera alshabab ama alqacida culumadey ceynayaan sidii sh janaqow xafidullaah uu sheegey ilmahan waxa qalbigooga ka buuxo amaloo shidaa cajalado naceybka gaalada ah markasa waxa walbo waa gaalo xataa muslinkii ey gaaleynayaan ilaahey ha idiin soo hanuuniyo war diintan waa nasteexo hanuunka rabbaa baxsho dad gaalo ahaa ayaa soo muslimey oo diintan kor u qaadey hadan tusaale u soo qaato amiirul muminiin cumar binu khadaab iyo seyfullaah khaalid binu waliid dhamaantood ilaahey haka raali noqde oo la ogyahey diintan islaamka sidey kor ugu qaadeen. ilmayahow yar yar ee iska qiiroonayo nin shaley gaal ahaa ayaa ALLAAH SWC hanuuniyaa markasu diinta u gargaara nin muslin ahaa ayaa gaaloobaya markasu cirib xun ku danbeynayaa ALLAAH SWC hana sugo ,
waan soo dhoweynayaa fadwada culumada islaamka jzk llaahu kheyran war culumada hala adeeco war culumada yaan la caayin war caruurey hubka dhigga war caruurey dadka waa weyn ee ahluxali wal caqdiga ixtiraama fadlan fadlan fadlan isdabo qabta nin weji duuban wallaahi inuusan meelna xukumeyn cajalad nin meel uu ku sugan yahey la aqoona wallaahi aan meel lagu xukumeyn.
CUMAR
tacliiqa abuu fatima sifoorara ayaad u aqrisay ayaan umaleeynayaa madama waxa aad ku canaananeeyso iyo hadalkiisa eey aad ukala fokyihiin abuu fatima manshaa allaah waa qof xaqa garabtaagan waligiis mana udhawo waxaad sheegeysid waligaa qofka wax haku qabsan adigoon aqrinin tacliiqisa
hadeey culuma yihin awalan inteeysan muqawamada
wax kasheegin haka hadlaan dhiatada lagu haayo umada islaamka ah hadii kale ooy ka aamusaan ooy markeey hadlaanba wax kasheegaan dad ka careeysan dhibatada lagu haayo umadaan muslinka ah waxaan u araknaa ineey kadanbeeyaan ama ka amar qaataan kuwa cadawga illaahey ah iyo cadawga muslimiinta
CAJIIB
adigawa cajiib ah mar hadaad ilmaha bahuuke dowlad islaami ah kusheegeeysid allahu akbar islaanimada mawax afka laga sheektaa walaahi hurdo ayaa naheeyso intaan dowlad islaami ah ku sheegeeyno kuwaan indhaha cadeeynaayo oo markii horaba hunguri meesha galiyay hadana tab eey oga baxaan la oo kuqasaban ineey meesha siifadhiyaan inteey kafa saxaayaan mareekan iyo malax alahii abirtay mahoostagaan dadkaan ee nimankaas ayaa ku adeekto
BISMILLAAH.
ku: dhammaan inta ka hortimid abu-fatma :
ma ogtihiin haddii waxaad jeceshihiin ay isu baddalaan sun iyo waabaayo ma isbaddalayaa jacaylkaas mase suntaas iyo waabaayadaas baad caloosha ku sidanaysaan, war ninku ra’iyo murti iyo khayr buu ka hadlay ee ama murti keena ama caqli keena ka duwan kiisa ama cilmi keena ama waxuun daliila aad ku haysataan fikaraddiisa sheega ee macquul ma ahan inaad asaga uun sharaxaad ka bixisaan , boggaan ma ahan kii dadka lagu kala dooranayay ee ninwalboow caqligaaga ciyaar ama cilmigaaga soo daa , ama dadkaa kaa fiican raac, ama ka har tartanka socda .
kolay shariifow iyo inta uu wato maansuuniya bay afka la galeen ee ama raaca ama ka hara.
walaakeen abu faatma ha ka daalin inaad xaqqa
difaacdo oo murti qiima leh ummadda u sii dayso
wajazaakaLLAAHU khayr.
WALLAAHU ACLAM.
BISMILLAAH.
ku : la baxaha ‘”cumar”
si kasta oo aad shaati u gashatid inaad tima wayn u egtahay shaki kuma jiro , ee shaati aadan lahayn ha qaadan , haddaad qaadanaysana qofkii iska lahaa u sheeg oo idan ka qaado , beentu waa xaaraan, been abuurkuna ka siidaran , marka ragga aad u kala baddashay xaqiiqda waa macruuf oo ma qarsoomayaan , haddaad shariifow mujaahid ka dhigto waxaa ku horyaal baahuuko ma mujaahid baa !?? haddaad ahlu sunta iyo ahlu jabka aad mujaahidiin ka dhigtana waxaa ku horyaal awliyaday baryayaan ma tawxiid baa ? qabuurahay ku dawaafayaan ma kacbadiibaa ?
marka see isu waa fajin dad gaala wata iyo dad ISLAAMKA iyo muslimiinta wata ?
ha is daalin lagu garaye ! ma qarsoomi kartid ee saaxibadaa u sheeg yaysan is daalin waa lakal baxaye raaca shariifow iyo gaaladiisa madaxda u ah iyo ahlu sunta iyo ahlu jabka , ama dariiqa saxda soo raaca ee MUJAAHIDIINTU hoarmoodka ka yihiin.
WALLAAHU ACLAM.
Allaa mahad leh, nabadgalyo iyo naxariistiisuna nabiga dushiisa ha ahaato.
Hal taako oo dhulka ka mid ah , alle lalama sameynin lalamanalaha !!! haddana waxay aadamiga badankiisu isku raacsan yihiin in , hal taako oo dhulka ah aan shareecada Alle lagu xukumin !!!
Halis waxaa ah wixii waajibiya cadaabka alle , nabad darro iyo colaadina ma hayso kuwa madaafiicda sida roobka loogu ridayo , ee waxey haysaa kuwa cadhada alle ay habeyn iyo maalin ku hoobaneyso !!!
Waxaase Alle mahaddii ah in lawada hortagi doono Allaha meella dhulkiisa looga ogolaan la’yahey , ee ciddii tidhaa ” war aynu goobo yar uun alle u oggolaano in shareecadiisa lagu maamulo ” tuke canbaar leh oo la wada ugaadho ay noqonayso.
Allow dhulka oo dhan adaa leh , shareecadaadu inay ka wada fushaana xaqu yahey , Allow culimada cilmaaniyadda difaacaysaa xaq ma aha , dastuurrada daafaha aduunyada ka jiraana waa wada baadhil,ee Allaw nagu sug sida aad raalliga ka tahey .
Culimadii oo dhan somali iyo ajnabi waxay isku raaceen in shabaab iyo xulufadoodu dhunsanyihiin dowlada shariifna ay saxsantahay. Waxaa ugu danbeeyey kuwa Dubai ku shiray oo fatwada sharciga ah kasoo saaray.
Shabaaboow haddii aad diin meesha ku heysaan maad hal sheikh oo la yaqaan fatwadiis keentaan? Usama waa nin dagaal ku koray oo cilmi baran, Zawaahirina school cilmaani ah ayuu ka baxay oo cilmiga doctor nimada ku takhasusay. Hal caalim oo maanta taageersan maleh. Islaam oo dhan waxay isku raaceen inay yihiin dad Muslimiinta iyo Islaamka dhib ku haya, dhibkaas oo ka badan kan ay gaaladu ku hayaan muslimka.
In shabaab iyo al-qaacida dhunsanyihiin,oo waxa ay sameynayaan diinta iyo muslimiinta dhaawac ku yihiin, cidkasta oo caqli ama cilmi u saaxiiba waa u jeedaa. Laakiin sida wadaad yare sheegay, somalia oo dhinac kasta ka baab’aday oo caqli iyo damiir midna shaqeyn ayey sida fangas oo kale waxay ka heleen bii’ah quruntay oo bakteriada xun iyo jeermisku ku kori karaan.
culumooy badankiin waan idin eednay hada kadibna qofka dhanqankiisa ayaan kuxukmineeynaa ee diintuu yaqaanaa inaan dhahno ma uhogaansameeyno ad adeegiisa iyo waxuu nafaraayo ayaan firineeynaa waan iska fiirineeynaa alahayoow adigaa kamarqati ah waxahadalkaan naga keenay waanala dilaayaa wana laceeyrsanaayaa wanalagu sooduulay kitaabka ayaan rabnaa intaan dhahnay somaliya meeqa dowlad ayaa sogashay intii kahoreeysay illaahayoow uu qab qablayaasha dhiigeena cabujireen wax noo imaan jiray malahan culumadiina waakanaa waxeey naleeyihiin salibiyintas idin kusoo duushay dhan idin kaa kagardaran ee ogolada waxeey idiin meerinaayaan lagamayaawo ilaahayoow ineey magacooda sooqaadaan ilahayoow diintada waxeey kaqabto dhul muslin ah oo lagu duulo xukunkeeda magaran waayeen waxaan rajeeynaayaa culuma badan iyo anaga in allaah nogarqaado qiyaamaha maanta waa aduunyo ee ha iska soosaareen fadwooyinka muqaawamada lagu niyad jibinaayo
culimo maahaan kuwani ee waa qawlasatadii la shaqaysan jirtay reer galbeedka inuu reer galbeed ka danbeeyana waxa kuu cadaynaaya waxaba fadhiyey ninkii shariif nijaaseeyey ahmed walad cabdalah
kuwa dhaliilaaya islaamiyiintuwna wax kale idin odhan maynee (wa cindalaahi tajtamicu al khusuumah)
XALKU WAA JIHAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAD
XALKU WAA JIHAAAAAAAAAAAAAAAD.
HADAL BADAN WAX TARO, EE U GARGAARA DIINTA ALLAH, DAL ISLAM HADII LAGU SOO DUULO, WAXAA WELIGEED U ISTGAAI JIRAY DHALINYARO EE MEEDAT DHALINYARADII, INTA DAGAALAMAYSA MAAHE,INTII KALE MA WAXAAD SUGEYSAAN IN GAALO INTA IDIN ARUURISO XASUUQDO XEROOYINKA AY IDINKU ARUURIN DOONAAN WAXII KU DHACAY 1991 MUSLIMIINTII BOSNIA.
WAXAAD SUGTAAN WAA XASUUQ AY GAALADU GURYAHOODA INKUGU GEYSATO, AFLAADEEYA OO CAAYA MUSLIMIINTA IN ISTAAGATAY JIHAADKA BARAKEYSAN.
TO:ABUU FATIMA AKHII ALLAH HA KU BARAKEEYO DAMIIRKAADA WANAAGSAN EE XAMABAARSAN YAQIINTA DIINIGAA…… KEEP GOING BAARAKAAALAAAAH.
WAARUN
anaga niman waxeey yihiin eeynaan aqoonin shaqa kumalihine noosheek hadalka allaah CZW iyo hadalka rasuulka NNKH meesha eey ku ogolaadeen waxan culumadan ogolyihin sheek meel uu allaah ku dhahay muslimka daciif ha ahaadaan gaalada haku duusho wax walboo xun halagu sameeyo nabiga hala caayo NNKH wax allaale iyo waxii kadanqadana u fatwooda ineey qaldan yihiin kadibna gaalada wado eey umarto ha hesho dadkana ha isdhahaan sidaanba saxan ooy culumadeeni noosheektay masaas ayaa culuma lagu yahay misaas ayaa diinta allaah lagu yaqaanaa walad cabdale meel udhax fadhiyo in culuma lagu sheego waa qalad asaga usoo qoray ayagana weey aqrinaayaa wuuna hubsanayaa bel ineey wax katagen iyo inkale kuwaas anaga culuma uma naqaano
Waxaad moodaa inay arintu tahay culimadii Somaliya kunool horaan isu aragnaye, aan helo culimo madaxda dawlada qalbiga loogu’hagaajiyo.
haday arintu tahay Somalia xal u’helideeda, hadal afka laga yiri oon ficil’lahayn arintu majoogto. mana joogto Fadwo wadaad aan arinta ka’warqabin iyo midaan daacad ka’ahayn, sababtoo waa fadwo uusan maqlayn wiil hortiida dadkiisa lagu laayo, inuu aarsadana diyaar u’ah. Qaar waxay u’aarsadaan iyagoo diin huqan, qaarna lacagta ayaa hogaamisa – shariifku kamid yahay. Marka inta miiska kiisa runta ah, lawadatayo – lana joojinaya hadalada idaacadaha laysu marinayo – warku waa BEEN.