Q.M “Ciidamada DKMG ah waa wax Ma tarayaal, aan Nidaam lahayn oo Wax Khariba”.

Published on March 15, 2010 by   ·   8 Comments   ·   print

Warbixin ay soo saartay Q.M ayaa lagu sheegay Ciidamada DKMG ah ee Kaalmadda ka hela Waxa loogu yeero Beesha Caalamka “kuwo aan wax tar lahayn, oo aan Nidaamsanayn, oo Wax Khariba” isla markaana leh Dhaqan Maleeshiyo.

Warbixintan oo ay soo diyaariyeen Kooxda Kormeerka ee Q.M isla markaana lagu wado in Isbuucan Gudihiisa la hor geeyo Golaha Amaanka ayaa lagu yiri “Dhibta ugu xun ee xiligani haysata Ciidamada Soomaaliya ma aha wax ka dhashay Xoogaga ka soo horjeda ee Hubaysan, laakiin waxay ka dhalatay Daciifnimada Xukuumadda KMG ah”.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay inay Nidaam daridda Haysata Ciidamada DKMG ah ay imaanayso iyada oo la siiyo Taageero Caalami ah gaar ahaan dhinaca Tababarka “sidaas oo ay tahayna wali Ciidamada DKMG ah waa wax Ma tarayaal, aan Nidaam lahayn oo Wax Khariba”.

Wakaaladda AFP oo Nuqul ka mid ah Warbixintani heshay ayaa sheegtay in Ciidamada Milatariga iyo kuwa Booliiska DKMG ah ay yihiin Koox Koox isku Qabiil ah oo Qaab Maleeshiyo u dhisan isla markaana iskood u Madaxbanaan oo hoos taga Mas’uuliyiin Xukuumadda ka tirsan ama Ciidanka, waxayna uga faa’iidaystaan Dhaqaalaha Dagaalka, mana Ogola in la isku daro Ciidamadaasi oo la hoos geeyo Hal Hogaan”.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu yiri “Ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Afrika oo kaliya ayaa ah kuwa Xukuumadda KMG ah Meesha ku haya, laakiin Ciidamadeeda gaarka ahi waxba uma hayaan”.

“Xukuumadda Soomaaliya ee ay Taageeraan Beesha Caalamka waxay gacanta ku haysaa Qeybo yar oo Muqdisho ah, waxaana intaas yar u suuro galiyay 5-ta Kun ee Ciidamada Burundi iyo Uganda ee ka socda Midowga Afrika, kuwas oo iyaguna Dagaalo joogta ah kala kulma Islaamiyiinta”.

Hadalkani ayaa Dhabar jab weyn ku ah Jiritaanka Xukuumadda iyo Sumcadeedaba maadaama waxayna u Muuqataa mid waxa loogu yeero Beesha Caalamka ay kaga niyo jabaan Wax qabadkeeda maadaama aysan u dhaqmayn una dhismayn sidii ay ka doonayeen.

Ciidamada DKMG ah oo u badan Maleeshiyaadkii hogaamiye Kooxeedyadii iyo kuwo Qaab qabiil lagu dhisay ayaa inta badan waxay dhibaato joogta ahi gaarsiiyaan Shacabka degan ama ku socdaala Goobaha yar ee ay ka joogaan Magaaladda Muqdisho.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Maraykanka oo Qiray in aysan wax xiriir ah lahayn Burcad Badeeda & Al-Qacido.
  2. Maxamed Dheere oo Sheegay in uusan wax lug ah ku Lahayn Dagaalada ka Socda Dalka
  3. Dilal & Dhac ay geysteen Ciidamada DKMG ah
  4. Taliyaha Ciidamada DKMG ah oo Dhaawacmay & Shir lagu wado inay Yeeshaan Uganda, Burundi, Kenya & Itoobiya.
  5. Ciidamada DKMG ah oo Darawal ku Dilay Muqdisho.

Readers Comments (8)

  1. khaadimul-ISLAAM says:

    BISMILLAAH.

    qarmada mulxidiint kharibaadda adduunk kow ka ah ee maxay u ku eedaynayaan mujrimiin ay ayudu markii horeba meesha keentay.!!!!!!!!!!!

    WALLAAHU ACLAM.

  2. waddani says:

    Asc meeshaan xamar la dhaho dawlad kama jirto ee urur ganacsato ah oo fuushan la yiraahdo, intaas diyaarad fuushan oo xoogaagii la helo bangiyo ku shubaneysa iyo hugaamiyo kooxeed indhaha birig ka siinaya oo sugaya bal in cirka wax ka soo dhacaan ka hordhaqaajiya islaamiyiinta laf dhuun gashay ku noqday isbarooyinkoodi iyo dhiig miirashonimadii.
    Dantu waxaa weeye, in la raaco qofka danta dadka iyo dalka haya, waana loo jeedaa ee maskaxdii fahmi laheyd ayaan wali cirka ka imaan
    Qofku wuxuu ku barbaaro ayuu ku weynaadaa oo waa adag tahay in laga gooyo.
    QABYAALAD+DIL+DHAC+LACAG BANGIYO SHISHEEYE LAGU SHUBTO+DHUL IYO BAD LA SUUQGEEYO+CADOW SAAXIIB LAGA DHIGTO+ CAALIM XUKUN RAADIS AH+DARIIQO JAGOOYIN KU GORGORTAMEYSA, CULIMO WAREERSAN OO MEEL LAGA JIRA GARAN LA’, WIILAL FURSAD HAYSTA OO AAN LABADA DHINAC FIIRINEYN IWM. Arrimahaas waa kuwa hareeyey mustaqbalkii ummadda oo sidii daadkii ay ugu qulqulayaan dhulal shisheeye oo aan ka soo noqod laheyn aakhiro iyo adduunyo.

  3. LIVE-Muqdisho says:

    WAX MA TARAYAASHA WAXAA AABE IYO HOOYO U AH QARAMADA MIDOOBAY SOOW MAAHA? RIYO IYO DHALANTEED KU JIRA, DALKA WAXA UU GACANTA U GALAYAA SHABAAB

  4. TULUX says:

    SHAYAADIINTU RUN BAY SHEEGEEN Sadaquu wahum kadaabiin, Waxaan oran lahayn Dhawrka doqon ee Islaamiyiinta lagu tirin jiray ee Dawlad ku sheegta ku jira War xishoodo ka soo baxa waxaas Shayaadiintiiba ka yaqyaqsoonayso waxay falayaan. AYAAN DARANA FAQIIR RISIQA SHAYDAAN KA TUSAY BULAACADA SHAYDAANKA. Halkan ka akhri in Suufiyadii iyo inankii Suufiyada ee shariif looqaybinayo maamul hawo ah http://islamtoday.net/albasheer/artshow-12-129325.htm

  5. abu mucaad says:

    walaal waxansalamayaa shaqalaha somalimirror.com iyo muslimiinta oodhanba gaar ahaan inta jahaadka kawada calamka islaanka salankabacdi waxan argay qoraalka iyo warbixinta q.m aykabixi yeen ciidamada caluushooda ushaqaysta yaasha ha ee lagumagacaabo maleeshiyada somalida markaa waxan usheegihaynaa calabka aduunka in ayna dadkaas kukhasaarin oo ayna umalayn in ay waxtarayaan somaliya hadayrabaan in aydagto hatageereen islaamiyiinta hadeekale waakhasaare waxa aad kumaga caydeen dawlada meel;kugaanka ah dkmg markaa waxaan leeyahay dadkaasi waadadkii somaliya sookharibay ee dhaca iyo bobkaba kawada labaatan sano 20 masrkaa wan kadigaynaa intaakule lasiiyo nimankaas

  6. Cali gaaa says:

    Xalku waa in Soomaalidu isku tashadaan, UN, Carab, Afrika, iwm waa in laga gudbaa oo aan ka gudubnaa Qabyaalada iyo Qabqablaha.
    Soomaaliya waxay u baahantahay halyeeyo dalka badbaadiya wixii hadhay kuwaas ayaa taariikhdu baal dahab ah ku qori doontaa, inshaa Allaahu.

  7. cawil says:

    Iyaguba waa ogyihiin kuwan dawlad isku sheegta ah inaanay meesha waxba ku hayn,soomaalaase hore hadal u dhameysay oo tiri”HAL XAARAAN AH MA DHASHO NIRIG XALAAL AH” marka niman markoodii horeba kulubkaalub iyo maqaarsaar ku yimid miyaa wax laga sugi…waa calaacal timo kasoo baxeen taasi.

  8. nasratuddiin says:

    waaniligu yaqaanaa inaad markaad lacak tiina kushubtaan ooy waxaad rabteen oo ah in umada muslimka ah diintooda laga horjook sado idiin qabsoomi weeysay waad caayeeysaan waadna kashaleeyneey saan maxeey shalaay idiin tari inshaa allaa soomaali madaxiina ayeey mija urogi doontaa lagamana yaawo inaad tastuur aad sooqorteen iyo mid idinka idinka danbeeyo inuu nadhoho madax weeyne ayaan idiin ahay oon u hogaansano ood dumuquradiyad dhahdaan ood noosoorartan faaxishadiina ood kaniisado kafurataan waa habeen kii xalay ahaay oo tagay masoo noqonayaa waxaad rabtaan sameeya awoodihiina dhana iskugu keena inshaa allaah fashil uunbaa kadanbeeyo somaliya wax walbo oo diinteena qilaafsan iyo muslinimadena weey soomartay hada xallka kama danbeeysta ah waakitaabka allaah iyo sunada nabiga NNKH wax kale majiraan yaa idin dhaho dhaqaalihiina ha iskaga dhameeynina meeshaan kuwan gafuurada waaweeyn aad keen sateena ka kaxeesta meeshaan soomaaliya waxaa iskaleh kitaabka alle iyo sunada nabiga NNKHk dhaaquudna allaah ayan lakaashaneeynaa inuu naga xoreeyo rajadeena waataas waxaa dhiman bas ah unuu allaah naga aqbalo uu noofududeeyo sidii kitaabka allaah naloogu xukumi lahaa bahaladan aduunkii fasahadiyayna nalooga kaafin lahaa sharkooda iyo kuwa ushaqeeya oo kor muslinka ka aha




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Maraykanka oo Qiray in aysan wax xiriir ah lahayn Burcad Badeeda & Al-Qacido.
  2. Maxamed Dheere oo Sheegay in uusan wax lug ah ku Lahayn Dagaalada ka Socda Dalka
  3. Dilal & Dhac ay geysteen Ciidamada DKMG ah
  4. Taliyaha Ciidamada DKMG ah oo Dhaawacmay & Shir lagu wado inay Yeeshaan Uganda, Burundi, Kenya & Itoobiya.
  5. Ciidamada DKMG ah oo Darawal ku Dilay Muqdisho.

Latest Headlines