DKMG ah & Kooxda Sheegata Ahlu Sunah oo Heshiinaya

Published on March 15, 2010 by   ·   21 Comments   ·   print

DKMG ah iyo Kooxda Sheegata Ahu Sunnah Wal Jameeca ayaa lagu wadaa inay Maanta Magaaladda Addis Ababa ee Caasimada Itoobiya ku kala saxiixdaan Heshiis ku saabsan Awood Qeybsi, kaas oo Sabtidii la soo dhaafay Dib loo dhigay .

Sida aanu ka soo xiganay Shabakadda Al-jazeera Heshiiska ayaa dhiga inay labada dhinac isla Dajiyaan Istiraatiijiyad Wadaag ah oo lagaga Hortagayo Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin iyo sidii loo dhisi lahaa Gole waxa loogu yeeray Culimo oo ilaaliya Caqiidada Islaamka, waxaana shirkaasi Maal-galinaya Midowga Afrika.

Heshiiskan waxaa Goob joog ka noqonaya Gudoomiyaha Ururka Midowga Afrika Jang Bing, Xubno ka socda Q.M, iyo Ururka IGAD, waxaana Dhinaca DKMG ah u saxiixaya Cumar C/rashiid, halka Kooxda Sheegata Ahlu Sunnahna uu u saxiixi doono Gudoomiyahooda cusub Maxamuud Macallin Xassan.

Heshiiska oo Nuqul ka mid ah uu helay Wargeyska Al-Sharqal Awsat ayaa dhigaya in Kooxda Sheegata Ahlu Sunnah ay ogolaatay inay ku Biirto Xukuumadda KMG ah, Maleeshiyaadkeedana ay ku Biiriso Ciidamada DKMG ah, waxaana Shardi lagu xiray in Dowladu ay Magacaabayso Taliyaha Ciidamada.

Kooxda Sheegata Ahlu Sunnah waxaa la siiyay:-
1- 5 Wasiir oo Mid ka mid ahi ay ka dhexdooranayaan (Wasaaradda Arimaha Dibadda, Gudaha, Difaaca ama Maaliyadda).
2- 5 Agaasimo Wasaaradood
3- 5 Wasiiro ku-xigeen
4- Hal Wasiiru Dowlo
5- 3 Taliyayaal oo kala ah Milatariga, Booliiska, iyo Nabad-sugidda (Sirdoonka).
6- 3 Safiir iyo 3 Qunsul.
7- 9 Diblomaansi oo dhinaca Ganacsiga, Waxbarashadda iyo Ciidanka ah.

Kooxda Sheegata Ahlu Sunnah waxaa lagu Qanciyay inay ka Tanaasusho jagooyinka Madaxweynaha, Ra’isul wasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Heshiiska ayaa u Muuqda Mid ay Reer-galbeedku Dabada ka wadaan balse uusan ku imaanin Is-faham iyo isku aragti ay labada dhinac Wadaagaan.

Heshiiska oo lagu dhisay Qaab qabiil ayaa la saadaalinayaa inuu Hor seedi karo Bur-bur xoogan oo ku yimaada Kooxda Sheegata Ahlu Sunnah isla markaana Galaafta DKMG ah.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. DKMG ah & Kooxda Sheegata Ahlu Sunnah oo Heshiis kala Saxiixanaya
  2. Kooxda sheegata Ahlu Sunnah & DKMG oo heshiis isla gaarey.
  3. Qarax Khasaare Geystay oo lala beegsaday Mas’uuliyiin ka tirsan Kooxda Sheegata Ahlu Sunah Wal-Jameeca
  4. Kooxda Sheegata Ahlu Sunah Wal-Jameeca oo ka Mamnuucay Goobaha ay ka Taliyaan Qaadashada Indha shareerka
  5. Kooxda sheegata Ahlu Sunnah oo dib Dh/mareeb ula wareegay & Xaaladihii ugu danbeeyay ee Gobolka.

Readers Comments (21)

  1. MUUNYE says:

    kkkkkkkkk
    kkkkkkkkkkkkkkkkkk
    kkkkkkkkkkkkkk
    kkkkkkkkkkkkkk

    4.5 ayaa lagu qeybinaya awood qeybsiga sida hadii ey tahay waa in ceyr+dir+marexaan ey wax ka qatan jagooyinka lagu qeybsanayo 4.5 ka waxaa kalo jeclahay in putland heshiiskii galgacayo halkiisa laga si wado why xaaq ayee u le yihin in ayagana sidan oo kale wax ey kula qeybsadan dowlada fandarada ah

  2. TULUX says:

    Inankii Suufiyada iyo Suufiyadii oo xabash u qaybinayo Maamul hawo ah ha doqmoobin oo ha rumaysan in heshiis dad xor ah uu dhacay waa laba koox oo candhuuf shaydaan ka dhashay oo kii candhuuftooda ay ka dhasheen u qaybinayo siday ugu adeegi lahaayeen ama ha jeclaadeen ama ha diidanadeen way ku qasban yihiin in ay saxeexaan waxii loo meeriyo AYAAN DARAN DOQONKA KUWAAS AG JOOGA OO SALAFINIMADA SHEEGANAYAA

  3. khaadimul-ISLAAM says:

    BISMILLAAH.

    ……….. quudaan jirin qoryo u guro ……..

    qofku markuu ka leexdo waddada ALLAAH SUBXAANAH ugu tala galay wuu dhumaa , wuuna nacasoobaa oo doqon aan wax kala garan buu noqdaa !
    war meel axmaaro faraha kaga gubatay oo gaalo u taag la dahay bay dad xoolihiis ku qaybsanayaan!
    haddaba anaa wax qaybinayee i dhagaysta :

    falar mase falar ? falar mujaahidiintaa leh .
    falarka soo haray , falar mase falar ? falar mujaahdidiintaa iska leh .
    inta soo hartayna muslimiinta jecel inay in
    ay libinta helaan mujaahidiintu baa iska leh
    haddana ayagaa la wadaagi doona khayraadka ka
    danbeeya .
    xabisiga iyo karbaashkana shariifow iyo ahlu sunta iyo ahlu jabka baa iska leh wax kastoo xun oo ciqaaba waana ay istaahilaan maadaama ay axmaaro basaasiin u yihiin gaalada kalena ay
    si rasmiya ay ula shaqeeyaan.

    soomaaliya waa balad muslima , lagamana ogola in ay qoorta u gashaan maansuuniyad iyo mooryaan iswadata oo tima wayntu galbinayso , qubuuro la barakaystna laga yeeli maayo , amwaat loo qaylo dhaantona waa dhammaatay oo tawxiidkii ALLAAH CALANKIISII BAA KA DUL HEE HAABANAAYA .

    …qaybtoodu waa qaxa ee goortooda gooya … …qumin maayaan ISLAAMKEE qoortooda gooya…..
    …qabri ka daalimaayaane qoortooda gooya …..
    …quraanka doonimaayaan qoortooda gooya …..
    ..qumanihii rasuulka diida’e qoortooda gooya. .

    walaalayaal waxaan jihaad ahayn loogama adkaan
    karo munaafiqiinta iyo gaalada ee si fiican ha la isugu diyaariyo in aynu jihaadka u dareerno
    guulaysta mujaahidiin.

    WALLAAHU ACLAM.

  4. abu mucaad says:

    ass walaal waxaan salamayaa shaqalaha somalimirror.com salankadib waxaan layaabay marka aan arkay heshiika ay kuheshiiyeen qolada labaxday ahlu sunnaha iyo dkmg markaa waxakale oon idin waydinayaa ninka aymalgalinayaan q.m. iyo igad miyaa la odhankaraa magaca ay hseegana yaan?

  5. hasan says:

    nimayyohw rabi kabaqa

  6. abu cabdkiraxmaan says:

    hadal macaan shibirahana waa lagu daban karaa

  7. abu cabdkiraxmaan says:

    geed fool xun wuxuu dhali karaa miro macaan

  8. mujaahid wadani says:

    masku haba xuubsiibtee waa mas
    suufiya weligood waa bidco
    iyoxabaalo galeen

  9. mujaahid wadani says:

    geed fool xun wuxuu dhali karaa miro macaan
    suufiyona waxay dhashaa caabudaa jaylaani

  10. mujaahid wadani says:

    hadii aad idho la’dahay dhulka haka qaadin ul
    waa intaas oo ay mas noqotaaye
    suufiya iyo shariifna ka carar waa bidco iyo daba dhilife

  11. mujaahid wadani says:

    hala dagaalin libaax hadii aadan libaax ahaayn
    mujaahidiintuna waa libaaxyo faro badan
    alxamdu lillaah
    alxamdu lillaah

  12. mujaahid wadani says:

    hadal macaan shinbirahana waa lagu daban karaa
    sharma’arke iyo shariifna waa xaamud karasaay-ga soomaaliya

  13. Mohamed Haji says:

    Somaliya quwad wa lagu haskiin kara, lakiin waxaa lagu hashiin karin dastuurka hadtaan u dhisan Dowlada.
    (4.5)X Ahla’Sunna= Qabiil

  14. MOHAMED says:

    aslaam.c.w.w waaa kala jacdeeeb ahlu subag wal qabuur wal tekreeee..
    insha laaah mardhoow xoogaga mujaahiidnta ayaaa xaaqi doona ahlu subag wal qabuura galeeen
    takbiiiiir

  15. Darwiish says:

    Markii aan akhriyey warkan marna waan ka naxay, marna waan ku dul fekerey,marna waan ku qoslay.
    Markii aan arkay meesha heshiiska lagu kala saxeexanayo, dawladaha iyo urur goboleedyada goob jooga ka ah iyo waxa ku qoray aad ayaan uga naxay, waayo waa wax cadow ku ah diinta islaamka iyo umada soomaliyeed, waa mindi cadowgu daabka hayo.

    Marna waan ku dul fekerey, waxaa muuqday qofwalba wejigiisii saxda ahaa. Waxaana u farxay sida khaqa iyo baadilku maalinba maalinta ka danbaysa u kala cadaanayaan. Waxaan naftayda u sheegay in diintan ilaahii soo degiyey ilaashanayo, waxaan naftayda u sheegay iyo umadan imtixaanku socdo. Imtixaan qof ahaaneed, imtixaan qoys, imtixaan qowm ama qabiil. Cidii imtixaanka ku baastaana liibaan helayso cidii ku dhacdaanay tahay qolo khasaartay.

    Ugu danbeyntii waan ku qoslay, waxaan ku qoslay qacli xumada nimanka sheegtay Ehalu Sunna. Waxay sheeganayaan culimo,waxayna leeyihiin diinta islaamka waxaa difaacaya cadowga islaamka “Heshiiska ayaa dhiga inay labada dhinac isla Dajiyaan Istiraatiijiyad Wadaag ah oo lagaga Hortagayo Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin iyo sidii loo dhisi lahaa Gole waxa loogu yeeray Culimo oo ilaaliya Caqiidada Islaamka, waxaana shirkaasi Maal-galinaya Midowga Afrika” Waxay caayayaan caqliga caafimaadka qaba ee dadka muslimiinta ah. Waxay marin habaabinyaan dadka u nugul beenta, qabyaalada, iyo khuraafaadka.

    Waxaan alla weyn oo waaxidka ah ug baryayaa inuu anaga iyo iyagaba hanuunka ku suggo. Waxaan alla awooda badan ka baryaynaa inuu sharkooda naga nabad geliyo. Waxaan alla awooda leh ka baryaynaa haduusan haanuun la doonin inuu umada ka qabto.

    Ibnu Darwiish

  16. Cali Guure says:

    ahlu sunna kulahaa.

    Xasan Maxamud goormuu noqday ahlu sunnah? Markii iigu dambeysay duubwayn iyo xir wayn oo diinta dhabta baran baan ku ogaa. Reer Caabudwaaq iyo dhuusamareeb waa fikireen sidii ay u heli lahaayeen manaasib adduun iyagao oo qabiilooyin ah adeegsanaya xeelad kasta oo been ah.

    Waxay Xabashida u alliftay magaca ahlu sunnah kaddib markii qaarkood ku dacwiyeen in magacaasi shaqayn karo.

    Suuqooda siyaasadeed waxaa uu cirka isku shareerary markii ay jabiyeen shabaab, wareen dhallintooda waddoonyinka.

    Labada qabiil ee doonaya inay siraan Soomalida kale waa mareexaan iyo cayr.

    Hadda labaduba waxay ku jiraan shabaab (mareexaan oo taarigiisa qabiil ahaan u taagersan yahay), Xisbiga, dowlad ku sheegga iwm.

    Marka xitaa kuwa xisbiga ku jira ee mareexaan badankooda shuhba ku jirta. Kuwa Kismaayo joogo ee shabaabka sheegta iyaga iyo mooryaantooda waxay dhammaan ka siman yihiin sidii ay ula dagaallami lahaayeen absamaha iyaga oo adeegsanaya shabaabka.

    Haddaba dhibka mareexaan haysata waxay tahay haddii heshiiska dhex mara shariif waxaa uu rabaa in lala dagaalo Xisbiga iyo shabaabka.

    Mareexaanka ahlu sunnada sheegtana waa og yihiin haddii uu heshiinkan Xabashida taagerto waxaa khasab ku noqonaya inay la dagaallamayaan wiilashooda gaar ahaan kuwa ula safan shabab hab qabiil.

    Arrinku waa ku qaraar yahay. Sidaa awgeed maanta kii u hadleyey oo cimaamadda madow xirnaa laba daan ayuu yeeray. Dhinacna heshiiska waa uu rabaa, dhinacna waxaa uu diidayaa qodobadda la doonayo in lagu fuliyo.

    Marka arrinku waa ku xees bees.

    Ahlu baadhilka waa lagu yaqaan is beddel beddelka.

    Haddii heshiiskan sidiisa loo fuliyo waxay dhib ku tahay shacabka Soomaaliyeed.

    Waxay si khaas u kashifi doontaa ciyaarta siyaasadeed ee mareexaan ee ku adkaatay fulinteeda sida muuqata.

    Waxay khasaaro ku tahay laba koox haba kala darnaadeene:

    1- shabaabka oo cudduddooda qabiilka ay ku taagnayd qabsan doonto laba daran mid dooro

    2- Qosyka Marexaan oo u muuqata in liqi kari la yahay cad ka wayn hungurigiisa.

    Si kastaba ha ahaate waxaa la sugayaa in markii kooxdan hadafkeeda gaarto ama ku fashinto in saaxada soomaliya u furan tahay in kooxo kale soo baxaan oo xambaarsan magacyo diineed iyaga oo doonaya himiliyo qabiileed.

    Labadan urur oo qarka isu saaraan waxaa ka muuqata inaysan lahayn karti siyaasadeed ee ay ku dhisaan dawlad Islaami iyo cudud ciidan ay ku muuqiyaan gaalada Amison iyo gaal la jireenka.

    Marka waa ha wareego caddeysato.

    Ilaahow na famsii fiqiqa jihaadka iyo in loo jideeyey jihaadka hanuunita dadka iyo helidda dawlad Islaami ah.

  17. max'ed c/risaaq ( nasuux) says:

    RIDO HESHIISKEED WAA ISLAAM XANAAQOOD

  18. max'ed c/risaaq ( nasuux) says:

    HESHIISKAAN MID ILLAAH RAALI KA YAHAY MA’AHAN EE WAA MID UN RAALI GALINAAYO

  19. nasratuddiin says:

    EHLU JAGO waljameeca
    maxaad karabtaan illaaheeygii diinta iskalahaa ayaawa udiiday ineey siijiraan ooy diintisa kusii qaraabtaan alahii ilmaha bahuuka kamit dhigay ayaa mahat iska leh alxamdulillaah mardhow hadaanba dhagaheena maqli doonin wax sheekta ehlu suna hadana marjicuuda malas yahay waa alxamdulillaah taas allaah ayaa diiday weeyna dhamaatay kuwa eey kudarsameen iyo ayagana weey isla dhiman doonaan hal maalin ayeey isla fashilmi doonaan

  20. abdi says:

    waa wax lagu farxo in ay heshiiyaan oo somalia laga dhameeyo khawarijta iyo dadka dadka kale surka ka goynaya …. insha allah waaa la tirtiri doona viva AHLU SUNNA WALJAMAACA AND DKMG

  21. Baarguuni says:

    Assalaamu Calaykum

    Dhamaan walaalaha iyo warsidahaba qaad salaamantihiin
    Salaan kadib:
    *- Heshiiskani waa qeybta Somalida kaga aadan hawlgalka cusub ee galbeedku qoondaysteen inay islaamka kula dagaalamaan oo ah Suufiyada inay maal galiyaan sarena usoo qaadaan.
    *- Waxay arrintaas wax kaga garteen Shiishaan oo suufiyada ruushku u dhiibay.
    *- Waxaan rajaynayaa inaan la dhayalsan ee si feejignaan leh looga hortago is bahaysiga cusub ee Ashahaado ladirirka iyo shirki difaaca qubuurah
    *- Waxaan ku kalsoonahay in Allaah fashilin doono shirqoolka cusub ee shisheeyuhu maleegayo.
    *- Waxaa laga doonayaa dadka xaq difaaca ah inay:
    1. Dib isu saxaan oo waxii ka qaldan Allaah uga tawbad keenaan si guushu usoo dhawaato, waayo haddaan danbigeenu ina jabin dhoob dhoobkaasi waxba inama yeelo.
    2. In ay khilaafaadka u dhaxeeya xaliyaan kuna midoobaan xaqqa si cududda loo mideeyo, waayo khilaafku waa dacfi, danbi iyo jab.
    3. In kala daadiyaan dhoobada aan is qaban karin intaanay adkaan oo dhex galaan beelaha iyo kuwa dhuuni doonka ah.
    4. In dadka loo turo, naxariisna la tuso si aanay diinta uga cararin

    Waad mahadsan tihiin ee hala aqriyo kitaabka Maxamed C/laah Al-maqdi ee ( Suufiyada o u dhaxaysa Gacansiin iyo is hardi ) ama magac kudhow waxaad ogaanaysaan xog dheeraad oo aad wax ku qiimaysaane




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. DKMG ah & Kooxda Sheegata Ahlu Sunnah oo Heshiis kala Saxiixanaya
  2. Kooxda sheegata Ahlu Sunnah & DKMG oo heshiis isla gaarey.
  3. Qarax Khasaare Geystay oo lala beegsaday Mas’uuliyiin ka tirsan Kooxda Sheegata Ahlu Sunah Wal-Jameeca
  4. Kooxda Sheegata Ahlu Sunah Wal-Jameeca oo ka Mamnuucay Goobaha ay ka Taliyaan Qaadashada Indha shareerka
  5. Kooxda sheegata Ahlu Sunnah oo dib Dh/mareeb ula wareegay & Xaaladihii ugu danbeeyay ee Gobolka.

Latest Headlines