UN-ka oo laaley Heshiis lagu boobayey Dhul-Badeed Soomaaliyeed.

Published on March 14, 2010 by   ·   21 Comments   ·   print

Waxa muuqata guul u soo hoyatey Shacabka Soomaaliyeed inuu ku soo dhamaadey heshiis horey Dowladaha Kenya iyo KMG ugu dhex marey Nairobi oo lagu boobayey Dhul-badeed Soomaaliya leedahey.

Qoraal kooban oo March 12, 2010 lagu faafiyey shabakadda rasmiga ah ee Qarammada Midoobey (UN) ayaa shaaca ka qaaday in Heshiiskii Is-fahamka (MOU) ee dhex maray DFKMG iyo Kenya “in Baarlamaanka Federaalka kumeelgaarka ay diideen is-afgaradkaas, sidaas daraadeedna waa in loo tixgeliyo mid aan lagu hawl geli karin ama la cuskan karin“.

Lifaaqa Warkan oo Shabakada Somalitalk faafiyey kala soco lifaaqa hoose.

Qormada kooban ee UN-ka ayaa u qornayd … SII AKHRI….



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Baarlamaanka KMG ah oo laaley Heshiiskii Badda ee DKMG ah & Kenya dhex marey.
  2. Heshiis Kadis ah oo lagu gaaray Jibuuti
  3. Heshiis lagu kala saxiixan lahaa Addis Ababa oo dib u dhacey.
  4. Shirkii Jabuti oo heshiis lagu wada gaarey
  5. Heshiis ay wada Gaareen DKMG ah & Maamul Goboleedka Puntland

Readers Comments (21)

  1. Ahmed sh. yuusuf says:

    dhamaan waan idinsalaamayaa bahda somalimirror waxaana idin leeyahay asalaamu caleykum salaan kadib waxaan idiinkumahadcelinayaa sida wanaagsan ee aad wararka hufan noogusoogudbisaan khaasatan waxaan aad ugu farxay warkii aad noogusheegteen in un-ta ay shaacisay in aan heshiiskiin waraabayaashu kuheshiiyeen uusan waxba kajirin.
    taasna waan idinkaga mahadcelineynaa.

  2. xamdiyeey says:

    alxamdulilaahi waxkasta oo wanaagsan ilaahay kaliya ayaan ugu xamdiyeynaa inbadana ku shukriyaynaa,alaxamdulilaahi ilaahoow adigaa noo hiiliya marwalba oo nala dulmayo, ilaahayna ma jecla daalimiinta.

  3. libaax says:

    awalbaan kuwaan ” un ” ku caddalad iyo xaq wax
    ku gooynayn ee ilaa laga xaroobo gaalada shacabku waa iska qafilan yahay , gaaladuna waa
    meesha ay muslimiinta ku afduubeen oo waxba kama ahan ” un “ka haddii caddaalad ka jirto way fakari lahaayeen oo yuuhuudda bay iska celin lahaayeen haddana sii fakari lahaayeen oo
    islaami lahaayeen, kadibna yuhuudda bay ka kicin lahaayeen masjidka al-aqsaa, waxaana iga go’an inaan rumaysan waxa ka socda “un” ka ilaa muslimku kor noqdo gaaladuna hoos noqoto.

    rabbaw islaamka igu dil.

  4. Duulane says:

    1)C/raxmaan C/shakuur Warsame

    2)Cabdiraxmaan Aaden Ibraahim (Prof. Ibbi).

    3)Sheikh Shariif Sheikh Axmed

    4)Cumar C/rashiid

    Ma’suul yadaan qiyaano qaran ayay ku kaceen, Maxkamad waa in la soo saaraa.

  5. Idiris says:

    baarlamaan ku sheegaas ma filayo inay faaiido leeyihiin laakiin dulkaan shariifku gatay hadii ay diideen waa arin wanaagsan waase yaab in sheekh shariif iyo guruubkiisa ayagoonba wadankii imaanin inay bilaabaan dhul gadasho.duf kubaxa

  6. a.zaki says:

    Waa arin lagu farxo waxaana sharaf darro ku tahay ciddi isku dayaday inay ibiso dhul somaliyeed ay iibso waxaana u shegyanaa cid kastoo isku dayda qiyaanada dalka iyo dadka somaliyeed inu sidan iyo si ka sii xun u ugu guul dareysanaayo.

  7. Abu fatima says:

    Horarkii naboobow
    Adigoo hun goobaad
    Huuraala yaashii
    Shalay kuu hibeeyana
    Ceebaan haraynbaa
    Hareeraha aduunyada
    Hoy looga yeeloo
    Haybad iyo malaha qiyam
    Loomana han waynoo
    Haad baqtiyey kaliitaan
    Ninkastoo u hawlgalay
    Soo hoynta libintana
    Waa hal yeeyo naga mida
    Waana hayb saraysoo
    Hilba diriray kuligood

  8. khaadimul-ISLAAM says:

    BISMILLAAH.

    Xisaabt saas ku dhamaanmayso,shariifow bad iyo birri wuxuu reebay ma leh.

    WALLAAHU ACLAM.

  9. muxamad says:

    waa dhab wax kajira majiran wax dhuul badeed ahoo soomaali leedahay oo laga wadahadli karo majito waynu diinay.

  10. Abusalmaan says:

    Mahad oo dhan alaha awooda wayn ayay usugnatay
    wa guul usoo hoyatay umada soomaaliyeed waxaana rajaynayaa in lala xisaabtami doona kuwi kuluglahaa arinta mar ay noqotaba

  11. C/qaadir macalim maxamad says:

    Mahad Oodhan Waxaa leh Allaaha Naga qabtay Khayaanada Cadwgeenu Iyo Caada Qaataheenu Nala Damcsanaa

  12. Muumin Wadani Soomaliyeed says:

    waa war farxad leh warkan Un ku soo saareen hadii ay dhab ka tahay u maleynmaayo inay dhab ka tahaye, laakiin dhulkii beriga Soomaaliyeedna waa la qeybsadey UN kuna waa ka raali ee taasna ha ka soo saaraan war cad hadii kale waa riyo waxan ay iminka sheegayaan.
    Soomaalaay aynu tashano haddii kale waa la inoo tashan. Su’aal ayaa akhristayaasha weydiinayaa yaa ii sheegi kara maanta Qabiil la leeyahay wuu ka faa’idey qaskan soomaaliya? Ileyn waa inaga qabiilqabiil u kala fadhinee.
    BY MR:WADANI

  13. Adoon Eebe says:

    Arintu markay halkaa marayso, waxaa mudan oo xaq ummadu leedahy ah inaan lakala reebin Waxaba kama jiraanimada heshiiskan iyo nimankii saxiixay. Waayo arin khayaano ahi markay fashilanto waa in khaa’inkana talaabo laga qaadaa waayo aaminaadii looqabay waa dhimatay.

  14. Abu yusuf maxamad says:

    Alaah ayay u sugnaatay wax kasta oo qayr ah galada iyo ku wa u shaqeya alaah hanaga qabto qayrkana hanawafajiyo dawlad islaami ah oo dalka dinta dadka galada ka xoreya alah nugu deqo galadana iyo ku wa u ade gana hadi hunun u qoran yahay alah nunsho hadi kalana alaha qabto

  15. Abu fatima says:

    Dhurwaagii nacunay
    Waayadaa dhuunta lagagooyey
    Hadii uu dhaqaaliyo kudhacay
    Shilinu dheef mooday
    Ragii awal kadhii dhiyey
    Tixbaan dhaad uleeyahaye
    Ficilkiinu waa dhalashadiyo
    Ciida dhicinteeda
    Mahadbaan dhankiinana
    Udirin sharaf ladhawrteeyey
    Khayrkiin wax baad dheer tihiin
    Beenu waa dhigide

    Ayadoo badeenii ladhacay
    Yaad dhawaaq deene
    Markaasaa ninkii dhiiglahaa
    Dhiidhiyoo kacaye
    Alaylehee xaqeenii dhacnaa
    Waa ad dhiciseenee
    Amaan dheeriyaad leedihiin
    Oo dhamaystiranee
    Hadaunaan dhexdaan maro kuxidhan
    Dhididna loo daadin
    Dhiigeena aanaan ushubin
    Dhicitin wee yaane
    Dhulkaan hooyo alihii nadhigay
    Mahad haloo dhooboo
    Dhaq dhaqaaqa ciidan keena
    Waa lagu dhuroo baaye
    Geesh baa dhabtii nookocoo
    Dhidibki loo aasay
    Dhulkeenii badh buu noo hantiyey
    Geesi dhiifaniyee
    Badhkakalana dhamac iyo kulay
    Yuu udhugataynee

  16. batuulo says:

    asc

    walaal waan idin salaamey
    salaan kadib ilaahey ayaa mahad leh fashiliyey
    kayaanadii qarana

  17. nasratuddiin says:

    alaamdulillaahi allah ayaa kumahatsan inaga qabtay kaafiriinta iyo kuwa u adeego kuwan allaah ayaa ujeedo kamana fakan karaan

  18. Garaad says:

    Marka hore waxan salamaya bahda somalimirror sida hufan e ay wararka nogu so gudbiyan,ka dib waxan leyahay qoloyinka mucaradka ilahay ka baqa o hadi jihadkad wadan dhab yahay galada u midoba

  19. Garaad says:

    Asc ka dib waa kuma ninkan galin khiyaamo qaran e mamul so qabtey hadey ahan laheyd dowladi max’ed siyad bare, mise sxb waxad ku caqliyeysatay tan sharif

  20. Mohamed abdirahman says:

    Asc
    Shariif diintiisa ayuu gatay maxay la tahay dhu lagado ?

  21. aliyow says:

    shariif ha ugu yeerin khaainka
    ee waxaa ugu yeertaa: SAM-WALDU




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Baarlamaanka KMG ah oo laaley Heshiiskii Badda ee DKMG ah & Kenya dhex marey.
  2. Heshiis Kadis ah oo lagu gaaray Jibuuti
  3. Heshiis lagu kala saxiixan lahaa Addis Ababa oo dib u dhacey.
  4. Shirkii Jabuti oo heshiis lagu wada gaarey
  5. Heshiis ay wada Gaareen DKMG ah & Maamul Goboleedka Puntland

Latest Headlines