Shir looga Hadlayo Soomaaliya oo ka furmay Dubai
By Somalimirror on 14 Mar, 2010 10:15 AM in Main, Wararka
Sabtidii Shalay waxaa Magaalada Dubai ee Wadanka Imaaraadka Carabka ka Bilowday Shir loogu Magac daray ‘Soomaaliya … Codka Xikmadda iyo Sharcigga” waxaana soo qaban qaabiyay laba Urur oo la kala yiraahdo “Xarunta Caalamiga ee Cusboonaysiinta iyo Hanuuninta” iyo “Mu’asasadda Ururka Caalamiga” waxaana lagu lafa gurayaa Xal u helidda Mushkiladda Soomaaliya.
Shirkaasi waxaa Shir gudoominaya Sheekh u dhashay Wadanka Muritania oo lagu magacaabo C/llaahi Bin Biih, waxaana ka qeyb galaya Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee Suudaan Al-Mushiir Suwaar Al-Dahabi, Ergayga Q.M u qaabilsan Soomaaliya Axmed Walad Cabdalla, ku-xigeenka Ururka Islaamka C/llaahi Caalim iyo Dr. C/llaahi Nasiif ku-xigeenkii hore ee Golaha Shuuradda Sacuudi Carabiya.
Ujeedka Shirka waxaa lagu sheegay sidii Xoogaga ka soo horjeeda DKMG ah loo keeni lahaa Miiska Wada hadalka isla markaana Daboolka looga qaadi lahaa Diini ahaan iyo Sharci ahaan in Dilka Dadka loo adeegsado Magaca Diinta.
Sidoo kale Shirkan waxaa ka qeyb galaya Tobanaan Culimo iyo Mufakiriin ah oo isaga kala imaanaya Dunidda Daafaheeda oo ay ku jirto Soomaaliya, waxayna yeelan doonaan Kulamo Dhowr ah oo lagu lafa gurayo sidii la isugu soo dhaweyn lahaa Aragtida iyo Mawaaqifta Sharci.
Waxaana ugu weyn Arimaha ay sidda aadka ahi u lafa guri doonaa Xukunka Takfiirinta Qofka Muslimka ah iyo Mas’aladda Al-Walaa Wal Baraa.
“Xarunta Caalamiga ee Cusboonaysiinta iyo Hanuuninta” ee soo qaban qaabisay Shirkani waxaa lagu aas-aasay Magaalada London ee Wadanka Ingiriiska sanadkii 2007 waxaana Gudoomiye ka ah Sheekh C/llaahi Bin Biih, ujeedka loo aas-aasayna waxaa lagu sheegay sidii ay uga qeyb qaadan lahayd Xal u helidda Dhibaatooyinka ka jira Dunidda Muslimka ha ahaato xagga Fahamka ama Dagaaladda.
Daabaco

Waxaa debedalagu qabtabtay shirar badan oo aan wasba ka soo bixin kana kuwii ayuu la mid yahay weliba waxaa qabanaaya oo isu imanaaya dad aanay khusayn arimaha soomalia oo ay ka dhexmuuqgaan dadka soomalida inteeda badani ay ugu necebtahay sida Ahmed waladu cabdalla oo ah oo ah kan masuulka ka ah boqolaalka kun ee qof ee dagaaladu galaafteen iyo malaayiinta barakacayaasha ah ee ay laayeen ethopiankii iyo kuwa ugaadhiiska iyo cida la socota waana dembiile lagu ciqaabi doono iyo dumarka iyo carruurta uu cuna qabatayta ku sameeyey sida kuwa koofta iyo somaliland oo uu yidhi waxaa looga amarqaadanayaa dadkuu isagu samaystay ee shariifka iyo kooxdiisa gaal la joogyada ah
Dr.Ahmed mohed saciid | Mar 14, 2010 | Reply
Ururkani cid isu keeni maayaane wax loo soodiyaarshay ayey meesha ka odhandoonaan mana laga yaabo wax gaalada ku lid ah inay meesha ka sheegaan waadna ogaandoontan ma dhaafsiisna takfiirin iyo khuruuj cani duwal! Ayu duwal!!! Marka waxan odhanayaa habarbaa iska hawhawlee heelada inoo tuma.
Abu-salman | Mar 14, 2010 | Reply
asc
waxaan u arkaa in shirkaasi yahay shir ay soo abaalo buleen gaalo iyo in la halmaasha looguna qiil dayayo burburinta dadka islaamka ah isla markaana lagu shaki galinayo dadka dar ilaahay u dagaalamaya si loogu tuso in camalka ay ku jiraan yahaya mid aan sal ku lahayn diinta islaamka,
marka waxaan leeyahy kuwaas yaan waxba laga dhagaysan waayo waxaaba dhex fadhiya axmed weled cabdala oo aynu ognahay kaalinta uu kaga jiro burburinta soomaaliya iyo waliba isaga oo u shaqeeya hay ada gaalada ugu wayn ee la dagaalanta islaamka sidaa daraadee bal horta inta aysan ka hadlin alwalaa wal baraa kaa haka saareen shirkooda hana u sheegeen in islaamku bari ka yahay hadii kale iyana waa xukuman yihiin waana u cadyihiin dadka islaamka ah
abu cabdkiraxmaan | Mar 14, 2010 | Reply
SHEIKH ABDALLA NASIIF URURKA UU HAYSTO WAXAY LASHAQAYN JIREEN HOGAAMIYE KOOXEEDYADA HADALKAAS WAXAAN KA HAYNAA NINKA UQAABILSAN SOOMAALIA MAR AAN KULANNAY WUXUU NOO SHEEGAY INAY TAAGEERAAN HOGAAMIYE KOOXEEDYADA HADDANA WUXUU KUJIRAA BAARLAMAANKA DOWLADA SHARIIFKA WALI GACANYARA ABDALLA NASIIF EE ARIMAHA SOOMAALIYA URURKAAS URUR DANA SOOMAALIYEED IYO ISLAAM WAX KA OG MA AH SUWAARI DAHABNA WAABA QOF DA A OO HADDAAD ARAGTO AAD NAXAYSO MEESHA WUU XAADIRAYAA LAAKIIN BARAKAYSI KABADAN SOO KORDHIN MAAYO
ASAD | Mar 14, 2010 | Reply
Asc dadka waxa laynayo war waa gaalo ( gaaladiiba hadii ku soo dex fariistaty iskaba daa in si siyaasad kuu soo faragalisee )( airport, iyo dekadi hadii eey fadido magac beenana ku joogto, see la yeelaa waaye shirka in magicii uu noqdo). Taktika gaalada eey caalam islaami u isticmaasho waxaa weeye shacabki baa la khilaafi si eey u kacaan masa loo qabsado. nin bay inta kuu doortaan kaa baa madax kuu eh qasab baa lagu leeyahay. ninkaa waa saxiibkood
nuur | Mar 14, 2010 | Reply
BISMILLAAH.
haddii la dhihi lahaa shirka waxaa lagu qabanayaa buuraha afganastaan waxaan dhihi
lahaa culimadaan iyo qaban qaabiya yaashu daacad bay wataan, waxay ka hadlaayaana takfiirka ama gaalaysiinta ! waa la yaabe sow ma dhex fadhiyaan imaaraatka oo kaniisaduha iyo shiicada raafidadu buux dhaafiyeen, miyay arki waayeen xorriyadda gaaladu ku haysato khaliijka khaas ahan imaaratka si adag oo
xun muslimiinta cagta looga saaray, culimadu maxay ka dhaheen wasiirada gaanshaan dhigyada ee khaliijka inay yihiin yuhuud baasaboora maraykana lagu soo galiyay khaliijka iyo bilaadal xaramay
khaadimul-ISLAAM | Mar 14, 2010 | Reply
marka haddii miizaankii isbadalay waa meesheed
oo cukimadu rabaan inay gaalada ka dhigaan muslimiinin , muslimiintana ay ka dhigaan gaalo !
meeshaa waxba kama jiraan aan ka ahayn inay gaalada u sii xalaalaynayaan dhiigga muslimiinta ee culimadaas xabsiga mujaahidiinta ha loo taxaabo khaas ahaan kuwooda iftooda sida bib bih.
WALLAAHU ACLAM.
khaadimul-ISLAAM | Mar 14, 2010 | Reply
The Global Centre for Renewal and Guidance (GCRG) will host a summit in Dubai March 13-14, to call for reconciliation and peace in Somalia.
The Summit, which will be attended by President Sheikh Sharif Sheikh Ahmed , the President of Somalia will focus on finding solutions to creating a more peaceful and reconciled Somalia by using the knowledge and expertise of leading global and Somali Islamic Scholars to counter the negative use of Islamic doctrines by political insurgents.
The event under the Chairmanship of the President of GCRG Shaykh Abdullah Bin Bayah will focus on the refutation of the ideologies of violent Islamists in Somalia who abuse the name of Shariah by imposing their own literal, ill-informed interpretations onto the innocent population. The summit will draw upon the expertise of Muslim scholars such as Hamza Yusuf (USA) Amr Khaled (Egypt) , Shaykh Tijane Cisse (Senegal) , Shaykh Mohamed Gharib Allah, (Sudan) and Shaykh Habib Ali Al Jifri the General Director of Tabah Foundation; who will clarify the orthodox position on Jihad and Takfir (judging a Muslim to be outside the fold of Islam).
The Summit will analyse in detail the religious motivation of the violent factions within Somalia in order to rebut their corrupt understanding of key Islamic concepts. The corollary of this is to highlight the principles of orthodox Islam that include peace, tolerance, diversity and respect.
At the close of the Summit all scholars attending signing a declaration that condemns the religiously-inspired fighting in Somalia.
The summit carries with it the support of the Somali Government who see the work of the GCRG summit as a vital contribution to the achievement of peace and stability throughout the country and the wider region.
SATURDAY 13 MARCH
9.00- 10.00 Opening Session addressed by: HE President Sheikh Sharif Sheikh Ahmed, the President of Somalia and Shaykh Abdullah Bin Bayah, President of the Global Centre for Renewal and Guidance
Hassan | Mar 14, 2010 | Reply
bismilaah
taasi waxay tusinaysaa dibugurasho xeelad dagaal iyo jabkii waynaa ee ka qabsaday dagaaladii maalmahaan socday, shalayna waa adinka maqlayaayay dibugugurashadii iyo cabsidii maraykankii kadib handadaadiisii walxamdulilaahi, cadawganaaa luqudda ugu wanaagsan ee lagulaa hadalaa waa taas.
middaan hadda lawadaa waxaan ku magacaabi karnaa shirqool cusub oo ah isku day duulaan maskaxeed, bal in la isku dayo dad badan oo walaalaheen ah in maskaxda laga dhaqo , laakiin waxaan aad ugu kalsoonahay in walaalaheen waxbana aysan ka badali karayn insha alaahu , shubhaadkoodana xataa in la dhagaysto ma aha.
waxyaabaha layaabka leh uu shariifku ku fakarayo waxaa ka mid ahayd khudbadii uu diinta si cad uga baxayn oo uu yiri gacma goyntu waa akhlaakh xumo ayadoo ooy taas quraanku kucaddahay,
wuxuuna yiri dhalinyarta inta badan way guursadeen kadibna waxay u baahnaanayaaan biil, marka waa in aad hadii aad jaaliyadda ingiriiska tihiin lacag aad abaabushaan oo ddhalintaas nolol ugu diyaarisaan si difaaca diinta looga saaro.
dagaalkeenu ma’aha xabad kaliya waxaa ka mid ah in dhaqaalo lagu baxshaa dhalinyartaa , iyo in ladiyaariyo culimo wax usheegto dhalintaas macmacnaha maskaxda ka dhaqdo!!!
ma’ arkaysaan walaalayaal dhagarta iyo shirqoolka uu wado intuu la ‘gyahay
alaah ayaase nagu filan wax walbay isku dayaan , waana in aan xaqqa ku sugnaana ku sabarnaa tawxiidkaa iyo dinnta unusraynteedana aan ku noolaanaa kuna dhimanaa.
qofkii rabana khudbadiisa baadilka ahna ha ka dhagaysto mawqica bbcda
f.g
waxaan rajaynayaa somaali mirror in ay ii dayso qoraalka adinko allaah ka cabsanaaya cadaaladna samaynaya , balfiiriya sida wabseedyada kale si xor ah ay dadku ugu soo daayaan ra’yigooda haba idin khilaafan hadayrabaan mar hadaad meeshaan dood furan aad ufurteen .
wabilaahi tawfiq.
abu maryama | Mar 14, 2010 | Reply
war dadkaan maiyagay talo ka go’daa mida kale muddo ku dhaw 20 sano bay somali ishaysatay iyaga hada maxaa ka fanag fanag siinaya.
nimanyahaw bariiskiina iska cuna
somali | Mar 14, 2010 | Reply
Nin dhiig Islaam gacmaha kula jira, una aanaysan dhaka uu ka laayay dadkooda, welinna aanan gaarin jagada shariif marnaba malaga yaabo in uu aado shirkaas, sababtoo ah faaiido uguma jirto.
dhalinyarada afkudhiigle yaasha ah ayaaba laga yaabaa in ay caayaan Culimadan maadaama sanadka lamarayo in wax laga dhagaysto jaahilka lana dafiro Culimda.
hadii ay Diin Islaam rabaan qolodan afka duuban waxay aadi doonaan shirka culumada Islaamka ay ka furtay Dubai.
balse hadii ay rabaan in ay sii wadaan laynta dadka Muslimiinta way ku gacan seri doonaan.
danta qaaska iyo Diinta Islaamka | Mar 14, 2010 | Reply
to All participants
malaga yaabaa in ay aadaan sihirka ay culimada Islaamka fadhiyaan qoladan u shaqeysa Osma?
Ma sheeko Islaam ayey rabidoonaan mise waxay ku sii dhagi doonaan daadinta dhiiga Islaam?
hadii ay diidaan in ay ka qeybgalaan, masii helayaan taageerada shacabka xasuuqa ay ku hayaan Gaalada iyo Muslimiinta danaha shaqsiyadeed isku dilayo?
cidi diida ka qeybgalka shirka culumumada Islaamka, Somalida maku waajib tahay inay is dhiciyaan?
dhibane | Mar 14, 2010 | Reply
Nasib darro aqoon yahannadii somaliteed sida Dr Ahmed ayaa sida au fikirayaa ee maxada umaleeyni dadkii kale. Somali kan wax bartay ee Dr nimo sheeganaya iyo kan baadiyaha jooga isku si ayeey ufikirayaan.
Maogtahay kumanaanka qof oo aay barakiciyeen shabaab? Qoskeeyga oo idil oo ah dad xufaad ah oo ehlu diin ayaa ayaa laga barakiciyeey jubooyinka. Alshbaab iyo ajaanibteeda ayaa barakiciyeey. Ninkastoo shbaab lafikir ahayn waa gaal sida aay aamin san yihiin. Magaranayo somali intee muslim ah ayeey aamin sanyihiin.
Waxaan ku noolahay ingiriiska, diinteeydana xor baan uahay. Waxaam aamin sanaan jiray in shariifka uu yara khaldan yahay oo nimankan kasoo jeedo uusan fursad siinin lakiin markaan arkay Sheikh Axmed Madoobe sida loo gaaleysiyay iyo sida dadka loogu qooraco dalkeena khaasatan dadka Jubooyinka oo maxkamadaha sifiican usoo dhaweeyay ayaan ka niyad jabay nimankan diinta ku qaraabanaya.
Allah aaynu kacabsanno, umada somaliyeedna danteeda iyo dalkeeda haka fikirto. Alshbaab Allah ayaan ooga dacwooneynaa dulmiga aay nagu hayaan. Wallah inaan sh shariif isku qabiil ama xitaa 100% ku taagersaneyn sida uu wax uwado lakiin markaan arko kuwa kasoo horjeedo iyo fikirkooda waxaan taageeri shariif 100%.
cabdi Xassan | Mar 14, 2010 | Reply
urur london lagu sameeyey walad cabdalana kujiro ayagaanba diinta fahamsanayne horta ayagu diinta hafahmaan.teeda kale soomaaliya war uma baahna waxqabad bay rabtaa ilaahayna waa usoo saaray dad wax uqabta oo intiisa badan nabadeeyey ,ujeedada adisababa,london,dubay iyo meelo fog fog loo fafadhiisanayaa waa sidii loo wiiqi lahaa dadaalka ay islaamiyiinta soomaaliyeed wadaan, balse allaah bay leeyihiin warkiina kuma jiraan.
xasandeeq | Mar 14, 2010 | Reply
Waxaa wax la’la yaabo ah in rag culimo sheeganaya ay hogaamiyaan Urur lagu soo as-aasay Waddanka Ingriiska. ta kale Ninka lagu magac-aabay Cabdullaahi Bin Biin iyo Wald Cabdalla, labadaba waxay ka soo jeedaan Muritaaniya. markaasi ma’ waxa uu doonayaa in uu u xalaaleeyo, una sharciyeeyo Walad cabdalla dhiigga soomaaliyeed. Walad cabdalla waxa uu ku shaqeystaa ka baayac mushtarka dhiigga soomaalida. kuwan isku sheegaya culimada ma’Ingiriiska ayaa u taliya? imisa sano ayey soomaaliya mashaakil ka taagnaa? aawaye islaamninmdi? ummad culimadedi Ingriiska soo dirayo “”"”"”"
Hafoow | Mar 14, 2010 | Reply
DUBAI WAXAA WAAYE DAD UDABADHILIFEYA GAALADA HADAY WAXA TARAYA WADANKOODU NOQDAY SIDA WADAMADA YURUB OO KALE WALAYAQANA WADAMADA CARABTA WAXAA ISKA HEYSTA RAG USHAQEEYA GAALADA KUWAASI INEY SOMALIYA GAALADA GACANTA UGALIYAAN MOYE WAXKALE MARABAN DUBAI GAALO AYAA ISKA HEYSATA DHAQALAHA IYO MEELKASTABA WAXA GACANTA KUHAYO WAA GAALO DUBAI WAXA AY WADO WAA SHIRQOOL HALEYSKA ILAALIYO WAX DAN AH OO AY SOMALI KALEYIHIIN AYANBA JIRIN INEY SOMALIYA GACANTA UGALIYA GALADA MOYE DADKA AY SIRAYAN WAA KUWA MAANGAABKA AH IYO KUWA DHUUNTOODA RAACA…
MUJAAHIDINTA AL-SHABAAB ALLAHA DHOWRO AAMIN..
CABDULAHI | Mar 14, 2010 | Reply
Somalimirror fadlan iidaaya fikradeeydan hoos ku qoran. There is no reason for you to block it. Mahadsanid
Nasib darro aqoon yahannadii somaliteed sida Dr Ahmed ayaa sida au fikirayaa ee maxada umaleeyni dadkii kale. Somali kan wax bartay ee Dr nimo sheeganaya iyo kan baadiyaha jooga isku si ayeey ufikirayaan.
Maogtahay kumanaanka qof oo aay barakiciyeen shabaab? Qoskeeyga oo idil oo ah dad xufaad ah oo ehlu diin ayaa ayaa laga barakiciyeey jubooyinka. Alshbaab iyo ajaanibteeda ayaa barakiciyeey. Ninkastoo shbaab lafikir ahayn waa gaal sida aay aamin san yihiin. Magaranayo somali intee muslim ah ayeey aamin sanyihiin.
Waxaan ku noolahay ingiriiska, diinteeydana xor baan uahay. Waxaam aamin sanaan jiray in shariifka uu yara khaldan yahay oo nimankan kasoo jeedo uusan fursad siinin lakiin markaan arkay Sheikh Axmed Madoobe sida loo gaaleysiyay iyo sida dadka loogu qooraco dalkeena khaasatan dadka Jubooyinka oo maxkamadaha sifiican usoo dhaweeyay ayaan ka niyad jabay nimankan diinta ku qaraabanaya.
Allah aaynu kacabsanno, umada somaliyeedna danteeda iyo dalkeeda haka fikirto. Alshbaab Allah ayaan ooga dacwooneynaa dulmiga aay nagu hayaan. Wallah inaan sh shariif isku qabiil ama xitaa 100% ku taagersaneyn sida uu wax uwado lakiin markaan arko kuwa kasoo horjeedo iyo fikirkooda waxaan taageeri shariif 100%.
cabdi Xassan | Mar 14, 2010 | Reply
A/W/W
ULAAJEEDDADA SHIRKU WAA IN LA JOOJIYO JIHAADKA AY MUJAAHIDIINTA KULA JIRAAN KUFAARTA IYO MURTADIINTA, DADKA KASOO QEYBGALAYANA WAA DAD HOREY U RIDOOBAY EE MADAX JEBIN HALOOGU DADAALO DADKA NOOCAAS AH EE YAAN WAXBA LAGA MAQLIN.
Abukato | Mar 14, 2010 | Reply
ASC,
Salaan ka dib Somalimirror waxaan ku arkay waayadaan in fariimaha aysan gudbin, waxaan soo qoray fariimo hore waxaana filayaa inaysan jeclaysan oo ay titireen laakiin wax dhibaato ah malaha, ogoow mana aysan isiin sababta ay u soo gudbin waayeen, ama raali gelin inuu qalad dhacay. balse wax dhib malaha fikirka waa lagu kala duwanaan karaa, Arinta dhexdhexaadin, shiraar iyo is eedeyn waan ka soo daalnay laakiin yaan loo gefin culimadda, teeda kale ninkii awood leh rabi ha u baryo in soomaaliya ilaahay ka qaado waxaan ku habsaday.. hadaad awoodo akhri Allpuntlad waxaana ku qoran Shiikh Cumar Faaruuq wuxuu kA yiri dagaalada socda.
ASC
Jacfar | Mar 14, 2010 | Reply
wixii dhibaatada somaaliya waxka qabanaya oo macquul ah waa in lasoo dhoweeyo laakiin mu’asasad markii horeba lagu dhisay london ciddii dhisatay ayey u shaqaynaysaaye ogaada. midda kale maxaa shirka bilowgiisa shiriif looga qayb gelinataa? sow raga la heshiisiinayo kama mid aha.
axmed-daad | Mar 14, 2010 | Reply
umalayn maanyo in shirkaasi uu miro dhali doono
sababtoo ah maraykan waxuusan raali ka ahayn kuma dhacaan inay la yimaadaan. carabtuna waaba
dacayan yihiin maxay diidi karaan ? culimaduna
waaba cilmigii waxay dhaafsadeen in rabbigay u naxariistay mooyee, gaari iyo guur dumareed iyo
dalxiis bay ka bixi la yihiine , hadday sida xaqqa ah u sheegaan garta sow waayimaayaan nicmadaa aduun , waxaanse culuma waydiinayn baa jira , jihaadka maanta socda iyo dadka wada
baa qaldan ama sax ah waydiin maayo , anoo qof muslima oo cilmi u baahan baa garan kara in maraykan iyo inta la jirta ay gaalo yihiin , haddana arinka soomaaliya u malayn maayo in shir lagu qabtaa dubay uu wax ka tari karo ayadoon mujaahidiinta booska loo banayn oo aan la oran raali ahaada .
rabbaw islaamka igu dil.
libaax | Mar 14, 2010 | Reply
waladcabdala waa cadawga islaamka waana ninka loo adeegsaday soomaaliya meeluu ku jiro faa,iido noogama muuqato amaa cidii wanaag soomaaliya la doonaysaa mujaahidiinta soomaaliyeed dhul balaaran ayay ka taliyaan maamul iyo kala dambayna u sameeyeen meel loogu hagaago iyo saldhigyo ay ku qaabilaan cidii doonaysa inay la xaltamto way joogaan allaahumalkal xamdu nikii aan taasqiimayn anagana waji iyo qiimo uma hayno sida xaqiiqda tahay.
markuu tigree na laynayay sow sheeda nagama daawanayn ugaandheyska madfaca ku hurgufayana sow looma jeedo,waxoogaa guul ah markay mujaahidiinta ku tilaabsadaan waladcabdala iyo cidii howsha u igmatay waxaa ku soo yaraada aduunka oo waa inay howl cusub qiyaano casriyaysan iyo lugooyo kale abaabulaan meeshaas laakiin sow ilaahay ma joogo,nacam anaguna kuwa ilaahay ku kalsoon ayaynu nahay ilaahayna wuu kashifayaa qiyaano wixii aad wadataan mujaahidiintana waa idinka digtoonyihiin insha allaah, ilaahoow naga badbaadi wixii shar ah dhamaanteed ilaahoow adiga kaliyaa awood leh noo gargaar ilaahoow.amiin
xamdiyeey | Mar 14, 2010 | Reply
shirkani waxaa laga soo agaasimay London ujeedada
shirka ma-aha sida maqaalka ku qoran mana aha miid dhexdhexaad ah oo shareecada islaamka laga doodayo
iyo fahamkeeda, bal waa shir loogu fatwoonaayo shariifka iyo ugandeeska, kooxaha mucaardka lugu ridinayo in aysan diin shaqo ku leheyn.
hadaba waa isku day dhinaca diinta lagu kaalmeenayo shariifka isigiina wuu fadhiyaa madasha shirka maanta. western media were invited as well check guadrian.
ceelbuur | Mar 14, 2010 | Reply
dinta barta ama sidii saca u ciya idiinka oo kale oo jaahillin ah yaa shacabka soomaaliyeed wax yeela oo aan fikir la heyn hadii aad taageero u heysan fidnada soomaaliya ka socota walee waa lunteen
ahmed | Mar 14, 2010 | Reply
Kkk urur lagu sameyey landhan iyo walad cabdala ayaa ayaa tagfirka ka hadlaya waa yaab
Sulayman | Mar 14, 2010 | Reply
BISMILLAAH.
….. waa la isu mujaamalaynayaa …………..
[ Shirkaasi waxaa Shir gudoominaya Sheekh u dhashay Wadanka Muritania oo lagu magacaabo C/llaahi Bin Biih, waxaana ka qeyb galaya Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee Suudaan Al-Mushiir Suwaar Al-Dahabi, Ergayga Q.M u qaabilsan Soomaaliya Axmed Walad Cabdalla, ku-xigeenka Ururka Islaamka C/llaahi Caalim iyo Dr. C/llaahi Nasiif ku-xigeenkii hore ee Golaha Shuuradda Sacuudi Carabiya.]
………………………………………..
takfiir iyo tafiirtiis midna ka hadli maayaane
waxay isugu yimaadeen raalagalin maraykan , wayna og yihiin in maraykan caraboo dhan uu haysto , bad,cir iyo birriba , mana suura gali
karto in xaq iyo baadil miis soo wada fariistaan, taasna ninkii ku riyoonayoow ha is daalin waa adoo calaacashaada timo ka raadinaya ! ! ! , raggaan meesha isugu yimid
marka laga reebo shariifow waa rag maraykanka u
liis garaysan oo aan is nuuxin karin walow ayba
dhinaca ikhwaaniga u janjeeraane , waxaadna moodaa in waayadaan danbe dhinaca siyaasadda waxa lagu sheego ay rag badani u carareen taasoo ay u maleeyeen inay kaga fakan karaan jihaadka fool ka foolka ah , waqtigaanna ma suura gali karto inaad munaafaqayso , waa inaad
labada god mid ku biirtaa.
WALLAAHU ACLAM.
khaadimul-ISLAAM | Mar 14, 2010 | Reply
ilaahoow xaqa na tus
aaqiro samaanka waxaa la arki culimada oo diinta islaamka looga danbayneenin iyo caamadii oo fatwada culimada fatwdo ka duwan saareeysa
waa yaabay diinta ma sida aan jecelnahay ayaa u fasiranaa
hadii diinta diinta islaamka wax ku farto waad inaad qaadataa hadii ay kaareebtana ka rebtoonaataa
WAMAAKAANA LI MU´MININ WALAA MU´MINATIN IDAA QADA ALAAHU WARASUULU AMRAN ANTAKUUNA LAHUM AL KHIYARATYU…………….
waxaan nafsadeeyda iyo idinkaba idiinh dardaarmaayaa alla kacabsi
waxaa la dhahaa rag iska dhici iyo rabi kacabso meel mawada galaan
maanta waxa dhiiga muslimiinta loo baneeysanaayo waa kaliya hebel iska dhici iyo hebel maa adiga madax kuu naqanaaqo
FACALAYKUM BI SUNATII WA SUNATI AL KHULAFAA AL RAASHIDIIN CADUU CALAYKUM AL ANAAMILA WA IN TA,AMARA CALAYKUM CABDUN XABASHI……….
walaahu subxaanahu watacaalaa aclaa wa aclamu bi al sawaab
wasalaamu calaykum waraxma tu alaahi wabarakaatuhu
cabdulaahi | Mar 14, 2010 | Reply
Walahii waa Cajiib Mufakiriin misa Cilmaaniyiin waa kuwa dhiiga shacabka somalia daadiyeyn, meel kasto ay joogaan dhib un baa ka dhasho.
Arinta soomaliya Xalkeeda waa islaam………
ilahow mujaahidiintaada quwee…..
DUBAI | Mar 14, 2010 | Reply
asc , waa arin lagu farxo in Umadda soomaliyeed loo cadeeya ragaan diinta ku qarabanaya,.. oo dadka takfiirinya, iskana xukumaya,.. iyo dowladaan waxmatarada ah in lacadeeyo waxa la isku haysto oo diiniyan ah ,, waxa ayy diinta ka qabto waa wax aad iyo aad u wanagsan ,.. waxa ka qaybgalaya waa culima dunida muslimiinta laga yaqaan maahan in axmed wala iyo shariifka ay wax ka waadaan ee waa lagu casuumay , aduunkaan hadii aad shir ka qabanayso waa qasab in lahelaa dad ay khusayso arintaas shariifk isaga aya madax ka ah wadanka waladne waa argay UNKA ah wwaa sidas ee aanu eegno tolow waxa ka soo baxa
ILAAHAYOW WAX UMADA DAN U AH KA SOO SAAR, Rabiyow umadaad masakiinta ah musliminta ah nabad iyo nolol nasiiiiiiii,
AAMII wabilaah Towfiiq walaahu Aclam
saakin | Mar 14, 2010 | Reply
SHARIIFKA WAA MUNAAFAQ,,GAALADA MARKII UU LA JOOGO WUXUU LEEYAHAY,,MARKII UU ISLAMKA UU U TAGANA WUXUU LEEYAHAY ,INTAAS WUXUU U SAMEYNAA SHARIIFKA ADDUUNYO RAAC IYO KURSI IYO MAAL,LAAKIIN ALLAH AYAA NAGA QABAN DOONA SHEYDAAN SHARIIF OO NOQDAY KUTUBO-XOOR.
Yahya | Mar 14, 2010 | Reply
Cajiib!!SHARIIFKA WUXUU NOQDAY MUNAAFAQ,,GAALADA MARKII UU LA JOOGO WUXUU LEEYAHAY,,MARKII UU ISLAMKA UU U TAGANA WUXUU LEEYAHAY ,INTAAS WUXUU U SAMEYNAA SHARIIFKA ADDUUNYO RAAC IYO KURSI IYO MAAL,LAAKIIN ALLAH AYAA NAGA QABAN DOONA SHEYDAAN SHARIIF OO NOQDAY KUTUBO-XOOR.
Xasan | Mar 14, 2010 | Reply
Reer Somali mirror warbaahinta kale go’aamo iyo qodobbo xaddidan oo ka soo baxay shirka ayay qoreene idinkoo xagga islaamka u yare xaglin jirey maxaa u daahdeen?mise walaalayaal waanay idin soo gaadhin?
Hanagu khasbina in aanu malaha xumayno oo idinka dhigno niman aan ka helin oo marada saaraya ee nagu darsada xisaabta haddaanu akhristayashiina nahay.
cabdi yare | Mar 14, 2010 | Reply
Sudan arrests Somali Islamist leader while trying to escape to Eritrea
Sunday 14 March 2010
March 13, 2010 (KHARTOUM) – Sudanese security services arrested a Somali Islamist leader while he was attempting to cross border to Eritrea, a Somali outlet reported today from Mogadishu.
Muse Abdi Arale, the secretary for defence of Hizbul Islam group has been arrested in Sudan while trying to enter in Eritrea with money embezzled from the rebel group.
Sheikh Hassan Mahdi, a senior official from Hizbul Islam told Mareeg Online that the Sudanese police arrested Arale while he was trying to cross the eastern Sudan border and reach Eritrea.
Muse Arale embezzled the money from the group and travelled from Mogadishu by car to Kenya from where he entered south Sudan and then reached Khartoum secretly.
Led by Sheik Hassan Dahir Aweys, Hizbul Islam is facing a leadership crisis inside since the defection of Sheikh Hassan Abdulahi Al-Turki, a notorious Islamist guerrilla leader to Al-Shebab early this year.
Last week, a senior insurgent leader from Hizbul Islam, Bare Ali Bar, has been shot to death in Mogadishu at Bakara market which is a stronghold of Al-Shebab rebels.
The gunmen shot the Hizbul Islam military leader several times in the head and escaped on foot. No one has yet claimed responsibility. But Somali say Bare was an outspoken critic to the Al-Shebab, a former ally of Hizbul Islam.
Formed by four groups to fight the UN backed government of President Sharif Sheikh Ahmed, the Hizub Islam is witnessing power struggle and divisions since last year.
(ST)
cali | Mar 14, 2010 | Reply
Juhalo warkeed waa warka wiilashaasi ku hadlayaan war dubai dad islaama ayaa ku nool oo ku nabad gala wadankeena ma diin ayaa ka socota waxaad ogaataan al xaaliqa inay ayadoo dhinac kata ah ka socoto haday ahaan la,hayd dadkii oo diintii la nacsiiyey dadkii oo dhiigoodii la banaystay haday ahaan lahayd juhalo muftiyaal ah dhinacna uma fiyooba ee bal miisaanka islaamka saara wax ka socda soomaaliya
cabdulahi | Mar 14, 2010 | Reply
Shirkan waxaa uu daliil u yahay sida culimada salafiga Soomaaliyeed u gabeen kaalintooda.
Baahida loo qabo marjiciyad Islaami oo tafniidisa inxiraafka manhajiga ee shabaab waa mid dad badan oo islaam isha ku hayaan.
Waxaan shaki ku jirin in culimada salafiga Somaaliyeed hurdada ka kacaan oo saxaan manhajka takfiiriga ee shabaabka.
Haddii nin walba ka baqo in la gowraco ama la qarxiyo waxa la gabayaa ballantii Alle ee uu la galay ahlul cilmiga taasoo ahayd caddeynta xaqa iyo inaysan qarin cilmiga,
Allow culimadeenna xaqa, hurdada ka kici una yeel wadnaha sheekhul Islaam ibnu taymiyah ama cizadiin cabdisalaam iwm.
Cali Guure | Mar 14, 2010 | Reply
BISMILLAAH.
….. waa la isu mujaamalaynayaa …………..
[ Shirkaasi waxaa Shir gudoominaya Sheekh u dhashay Wadanka Muritania oo lagu magacaabo C/llaahi Bin Biih, waxaana ka qeyb galaya Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee Suudaan Al-Mushiir Suwaar Al-Dahabi, Ergayga Q.M u qaabilsan Soomaaliya Axmed Walad Cabdalla, ku-xigeenka Ururka Islaamka C/llaahi Caalim iyo Dr. C/llaahi Nasiif ku-xigeenkii hore ee Golaha Shuuradda Sacuudi Carabiya.]
………………………………………..
takfiir iyo tafiirtiis midna ka hadli maayaane
waxay isugu yimaadeen raalagalin maraykan , wayna og yihiin in maraykan caraboo dhan uu haysto , bad,cir iyo birriba , mana suura gali
karto in xaq iyo baadil miis soo wada fariistaan, taasna ninkii ku riyoonayoow ha is daalin waa adoo calaacashaada timo ka raadinaya ! ! ! , raggaan meesha isugu yimid
marka laga reebo shariifow waa rag maraykanka u
liis garaysan oo aan is nuuxin karin walow ayba
dhinaca ikhwaaniga u janjeeraane , waxaadna moodaa in waayadaan danbe dhinaca siyaasadda waxa lagu sheego ay rag badani u carareen taasoo ay u maleeyeen inay kaga fakan karaan jihaadka fool ka foolka ah , waqtigaanna ma suura gali karto inaad munaafaqayso , waa inaad
labada god mid ku biirtaa.
WALLAAHU ACLAM.
khaadimul-ISLAAM | Mar 14, 2010 | Reply
khaadimul-ISLAAM | Mar 15, 2010 | Reply
Arrinkaa cali Guure sheegay waa arrin sax ah.
Waxa kolley aniga rajo i geliyey oo aan maqlay in koox culimada soomaaliyeed ee ingiriiska deggan ka mid ahi ay qaban qaabinayaan shir lagu kulmin doono culimada ugu waaweyn ee ummadda soomaaliyeed.Si ay ummadda meel cad ugu hagaan.
Waana arrin ay tahay in laga qayb qaato haddii aad Ingiriiska joogtaan sidii loo hirgelin lahaa,oo aad la xiriirtaan culimadaa hawsha wadda..
cabdi yare | Mar 15, 2010 | Reply
Ninamkii walaalaheen ee Xisbul-Islaam hogaamiyayaashoodii iyo taageerayashoodii warkoodii wuxuu isugu biyo shubtay waxay reer waqooyigu oran jireen “KU QABSO KU QADI MAYSIDE” ama walaalaha reer Muqdisho soo saareen waqtigii warlordsku Muqdisho haysteen ee ahayd “ARYAA WAA TAABTAY, ARYAA WAA TAABTAY”.
Sheekadu waxaa weeye Nimankaan dhalinyarada ah dekada Kismaayo waa kula xukumi, tan Marka waa kula xukumi, tan Baraawe waan kula xukumi, hay’ada shisheeye hoostaan soo gashan mana igila hadli kartid xitaa haddii uu ku dili; Go’ weyn baan huwanaan oo cid waliba waa soo geli xitaa Indhacade, Axmed Madoobe, Prof. Ibi, Cabdi Qaybdiid, Faroole iyo cid kasta oo dibin daabyo wada waa soo geli cid igala hadli karta ma leh. UNKa iyo Kenya iyo cid kasta waa xu xirnaan laakiin Shariif Axmed fartaan ku fiiqi oo fartaan ku godi oo waxaan dhihi NIMANKA TUNKA WAAWEYN baa wax u yeerin laakiin haddii aan nahay Xisbul-Islaam hogaamiyayaashooda arinkayagu waa xeelad oo waa noo xalaal arimahaasi. Haddii aad nimankaas dhalinyarada tihiin waxaan ku dhihi aan midnimo raadino xulafadaas kala duwana waan wadan waxaana ku dhihin waa XEELAD. Xitaa haddii Indhacade iyo Xe ay dad iga dilaan waxaan ku dhihi idinkaa diley ee waa in raggii dilka geystay lasoo qabataa.
War nimanku isla qumanaa mar QARDHAAS baa u xiran, kkkkkkkkkkk!!
hymo | Mar 15, 2010 | Reply