Qaar ka mida Culumada Soomaaliyeed oo ku baaqay ka qayb qaadashada dhismaha Markazka Dacwada & Tacliinta ee Gaalkacyo

Waxaa heer gabogabo ah maraya dhismaha markazka Dacwada & Tacliinta ee Gaalkacyo .Markazkaan ayaa ku kacaya lacag dhan 150.000$ oo kala ah :-

1) Booskiisa oo laga bixiyey $20,000
2) Dhismihiisa oo ku qaymaysnaa $130,000

NB: waxaa la socoteen xiligii la dhagac dhigayey in lagu qaymeeyey $120,000 laakiin $10,000 ayaa gadaal ka raacday badal lagu sameeyey naqshada oo daruuri ahaa awgiis.

Hadaba kharashkii sidaa ahaa waxaa maqan oo waliba ay dayn u leedahay shirkadii dhismaha fulinaysay lacag dhan 53,000$.

Sidaa awgeed qaybo kamida Culumada Soomaaliyeed ayaa baaq u diray walaalaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan dal iyo dibadba inay ka qayb qaataan dhamaystirka dhismaha Markazka waxayna dhamaantood ka hadleen muhiimada uu Markazku u leeyahay bulshada xag waxbarasho iyo xag wacyigalineed sidoo kale waxay ku nuuxnuuxsadeen in qofkii wax ku darsada ay u noqonayso sadaqo jaariya oo qabriga ku anfacda Allaahna uu badal khayr badan uu siinayo qofkaas.

Waxaana kamida culumadaas:-

1) Gudoomiyaha Hay,ada Culumada Soomaaliyeed Sh.Bashiir Axmed Saalad
2) Sh.C/qaadir Nuur Faarax.
3) Dr,Sh.Axmed Xaaji C/raxmaan
4) Sh.C/waaxid Xaashi.
5) Sh.Axmed Max,ed Sulaymaan
6) Sh. Max,ud Sh.Xasan(Abushaybe).

Ugu danbayn wixii faahfaahin hawsha Markazka Kalasoo xiriir hawlwadeenada dhismaha markaska:-

1) Sh.Axmed Dheeli Tell; 0025290756814.
2) Sh.Max,ud Awfaaraxa Tell; 0025290795566.
3) Caaqil Burhaan Max,ud Guray Tell;0025290795363.

Daawo Video-ga

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco

1 Comment(s)

  1. BISMILLAAH.

    ……….. REER GAALKACYO IYO …………..
    …… SHARCIGA YAW GARNIQI DOONA …………

    tawxiidka ma la ogolaan doonaa in laga jeediyo
    masjidkaa ay dhinacyada ka joogaan tima waynta
    iyo ahlu sunta iyo ahlu jabka.

    ma xuma inay culimadu isu badasho lacag uruuriyayaal , waana wadda cusub oo loo helay in lagu uruursho lacagaha , waxaan la yaabanaa culimo taleefishinada hadda dadka uga ducaynaya oo xoolo farabadan ku uruurinaya kuwaas oo dhul gaalo masaajidyo uga dhisaya , haddana dhulkoodii ka soo cararay oo dhul gaalo dacwo u tagaya ayadoo koodii uu u baahan yahay dhaqaalo lagula dagaalo gaalada iyo dhaqaalo lagu taageero jihaadka iyo mujaahidiinta .

    haddaba in la dhiso masaajidyo aan ahayn sidii masjidkii[diraar]oo kale ahaan jiray kaasoo munaafiqiintu waqtigii rasuulka CALAYHI ASSALAATU WASSALAAM dhiseen si ay ugu dilaan RASUULKA CALAYHI ASSALAATU WASSALAAM RABBI BAANA AMRAY IN LA GUBO OO LA DUMIYO.
    haddaba iska dhis ma ah masjidku ee waa in la ogaadaa inay hadda taagan yihiin wax yaalo badan oo kaga habboon dhismaha masaajidada , masaajiddu way bateen ee hadda jihaad baa taagan oo gaalo ayaa duulaan ah , marka lacag u uruursha mujaahidiinta iyo jihaadka oo hakad galiya dhismaha masaajidada ay ku gadaaman yihiin tima wayntu iyo ahlu sunta iyo ahlu jabku , walaalayaal reergaalkacyoow bal ka xarooba tima waynta iyo ashahaada la dirirka waxaana ogtihiin inaysan sahal ahayn inaad masjid inta dhistaan la idiin ogolaado inaad jihaad ka sheegtaan ama aad mujaahidiinta ka taageertaan.

    bal ugu yaraan qabriga baardheere dumiya si aan loo barakaysan ama kan cawrala iyo kooxdeeda , ama waqdhiska ka taagan kaalkacyo daafaheeda.

    WALLAAHU ACLAM.

    khaadimul-ISLAAM | Mar 14, 2010 | Reply

Fikrad ka dhiibo