Ogeysiis:- Mu’tamarkii Sanadlaha Oslo Norway oo qabsoomaya.

Published on March 14, 2010 by   ·   17 Comments   ·   print

Dhamaan bahweynta Soomaaliyeed gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed ee kheyrka jecel ee ku dhaqan Yurub. Waxaa idinku casuumeynaa idinkuguna bishaareyneynaa in la qabanayo Mu’tamarkii sanadlaha ahaa ee xiliga Gu’ga uu qaban jiray Masjid Tawfiiq.

Mu’tamarkan oo ah Mutamarkii 8aad ayaa la qabanayaa 01 April wuxuuna soconayaa Illaa 05 April Insha Allaah.

Waxaanu Idinka codsaneynaa inaad kasoo qeyb gashaan Insha Allaah, sidoo kale walaalaha sharafta leh iyo dhamaan marti sharafta ka imaanaya dibadda magaalada Oslo waxaan ka codsaneynaa iney soo qaataan hu’ gooda .

Shicaarka Mu’tamarka: (Jidka Toosan الصراط المستقيم)

Goobta iyo gaadiidka la raaci karo:

Fabrikken Arrangmenters As, Fabrikkhallen, Malmøgaten 2, Grunerløkka Oslo.

Bus. 30. iyo Trikk-ga 11, 13. Waxaa looga dagayaa ‘Birkulun’ Bus. 31. iyo Trikk-ga 17, Waxaa looga degayaa ‘Sofienberg’ Bus 20, 21 waxaa looga degayaa ‘Fagraheimgata’

Culimada:

1) Sh Maxamed Cabdi Umal Kenya

2) Sh Cabdiraxmaan Sheekh Cumar America

3) Sh Dr. Cali Maxamed Saalax Norway

4) Sh Yuusuf Axmed Maxamed Sweden

5) Sh Mustafe Xaaji Ismaaciil Somalia

6) Sh Maxamed Idiris Saudi Arabia

7) Sh Saciid Raage Canada

8) Dr. Axmed Daahir Aweys UK

9) Sh Cabdi Baasid Cabdisamad UK

La Xiriir.

Xafiiska TIS. +47 22192599 Axmed Sheekh +47 90067683

Abshir Faras +47 45809618 Cabdifitaax +47 90848579

Iclaamka Internetka kala xiriir Cabdiqani (Sakiin) +47 4580 8768, Email: sakiin1@hotmail.com



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Nawadii 8-aad ee Sanadlaha ahayd oo lagu wado in ay Caawa ka bilaabato Masjidka Al-rowda ee M. Boosaaso
  2. Banaanbaxyo looga soo horjeedo Sawiradii lagu Xumeeyey Nabiga S.C.W oo ka dhacay Norway.
  3. Norway oo DKMG ah ka saaciday gudbinta Map horudhac ah oo ku saabsan Xuduud-Badeedka Soomaaliya
  4. Mu’Tamarka Islaamiga 7aad ee Wadanka Norway oo Maanta Furmay
  5. Ogeysiis: Sh. Mustafa X. Ismaaciil oo muxaadarooyin si LIVE ah loola socon karo ka jeedinaya Denmark

Readers Comments (17)

  1. cabdidheere@hotmail.com says:

    Maasha alaah culumudii aanu naqaan waa kuwaa waxaan ka codsaneynaa iney umada jidka toosan u tilmaamaan.

  2. khaadimul-ISLAAM says:

    BISMILLAAH.

    …iska dhex mushaax dhulgaalo ma riyaa ?…..

    see ku dhici kartaa in culimo intaas fara le’e
    ay iska dhex maraan dhulka gaalada ayadoo haddana la ugaarsanayo mujaahidiinta meelkasta
    oo ay adduunka ka marayaan , mase gaaladu way
    kala taqaanaa kuwa dhabta ah iyo kuwa aan dhabta ahayn , maxaa loo siidaayay kuwaan oo shiikh cabdurraxmaan abyad xabsiga loogu taxaabay ? WALLEE waxbaa si ah ! war nimanyahow nin aan wax arag baa wuxuu yiraahdaa waxbaan arkay !! war bal culimadaan waxaan su’aalay culimooy maxaa idin kala soocay oo kuwo loo leeyahay waa argagixiso kuwona loo leeyahay soo dhawaada soo dhawaada sida adinkoo kale ! ? haddaba culimadaan hoos ku qoran ma awoodi karaan inay si toosa xaqqa u dilaaciyaan ? ma awoodi karaan inay si
    dhaba ugu dhawaaqaan inaysan raali ka ahayn maraykan iyo waxa uu wato taasoo ay bari kaga noqonayaan gaala idilkeed.
    culimadu mujaamalada ma ka dayn karaan ummadda ay isku luqada yihiin , si aan lookala faquuqamin ee hal meel loo wada aado , hadda jihaad baa taagan culimadu ma oran karaan in jihaadku fardu cayn noqday maadaama gaaladu ay dhulal badan oo muslimiina ay haystaan oo ay ku soo duuleen oo dhac iyo kufsi iyo boob ku hayaan , haddaba haddii aysan caddayn karin xaqqa sow ma fiicna inay iska aamusaan oo guryahooda iska joogaan.
    …………………………………….

    waxaan filayaa inay culimadaani aysan is khilaafsanayn dhexdooda ! haddaba culimadaan ma laga yaabaa inay mujaahidiinta u duceeyaan oo ay taageeraan !?

    1) Sh Maxamed Cabdi Umal Kenya
    2) Sh Cabdiraxmaan Sheekh Cumar America
    3) Sh Dr. Cali Maxamed Saalax Norway
    4) Sh Yuusuf Axmed Maxamed Sweden
    5) Sh Mustafe Xaaji Ismaaciil Somalia
    6) Sh Maxamed Idiris Saudi Arabia
    7) Sh Saciid Raage Canada
    Dr. Axmed Daahir Aweys UK
    9) Sh Cabdi Baasid Cabdisamad UK

    waxaan idiin rajayn inaad soo raacdaan mujaahidiinta haddaad tihiin walaalo u naseexaynaya walaalahood maanta lama joogo waqti lagu dalxiiso dhulgaalo ee ogaada rag baa jihaadka waardiyo ka ah ee raaca raggaas oo ku biira inta ay goori goor tahay haddii kale yaan la maqal hebel baa gaalo fara xumaysan iyo bebel baa la dilay oo la qariyay ama hebel baa la xiray oo la dhacay.

    WALLAAHU ACLAM.

    binfaqiih@hotmail.com

  3. maryam says:

    culumada waxaan kacodsanyaa-ineey cadeeyan xaqa iskuna racaan -xaqa -wali waxaan arka arinta somaliya in lagu kala qeebsanyahay wajzakumlah kheyr allah hadin xafdo

  4. axmed yasiin says:

    maansha laah ilaahay haydinka abaal mariyo dhamaan cida soo qaban qaabisay eey

  5. Cali Guure says:

    Cinwaanka ma xuma oo duur xuliddu waa caddahay.

    May dhahaan shabaab inxiraafe, laakiin raggan maxaa kulmin kara?

    -sixidda caqiidada marka laga reebo sixidda shabaabka

    - raddinta inxiraafka marka laga reebo cabsi darteed inxiraafka manhajika shabaab.

    Waxaa shaki ku jirin shirkii Dubai ee Nuur Baaruud ka hadlay inuu ahaa dharbaaxo cilmiyeed oo shabaab ku dhacday.

    Laba qodob oo uu nuur baaruud ka shanqariyey:

    1- Tafkiirinta

    2- inay oogi karin xuduudda

    Labadaasi isha ayuu ka riday.

    Tan Shariifka waa uu ku guulwadeeyeen dhamaantooda.

    Si kastaba ha ahaate waxaa billowday dood cilmiyeed oo aan filayo in shabaab aysan awoodin inay si cilmi ah u doodaan.

    Ilaahow xaqa nagu sug

  6. Haji CARAB says:

    mashaa alalh allah ha barakeeyo culimaadaa wakhtigooda u huraysa diinta islaamka faafinteeda

  7. waddani says:

    Asc shirka Norwey lagu qabanayo ma mid siyaasadeedbaa? Mise waa mid diin looga hadlayo?
    Waxaa meesha ka muuqata, in shirkaan yahay mid siyaasadeed ee uusan aheyn mid dariiqa toosan lagu caddeynayo, waayo culimada lagu casumay badankoodu waa culimo siyaasiyiin ah oo xarakooyin ka tirsan iyo waliba qaar xagga qabiilka u janjeera.Marka aan saas leeyahay ma ahan, in aan culimada ka soo horjeedo, bal waan raacsanahay, waana ku mahadinayaa dadaalka culimo badan oo xaqa garabtaagan har iyo habeyn.
    Shirkaan waa mid ujeeddooyin kale leh oo la doonaya, in waddanka somaliya dabka ka shidan saliid lagu sii shido oo qolo lagu canbaareeyo, qolana malaaig laga dhigo.
    Waxaan leeyahay maanta dabka shidan uma baahna, in baansiin lagu shido ee wuxuu ubaahan yahay, in xal waara loo raadiyo oo dalka annagaa iska lehe, hal af ayana ku wada hadalnaaye is fahanno oo xargaha qabyaladda iyo kuwa gumeystaha iska fogeynno.
    Shirka noocaana looma baahna waqtigaan lagu jiro ee waxaa loo baahan yahay, in shirarku ku saabsanaadaan, war qurbe dal nooma ahane aan dalkeenni maslaxad dhex dhigno oo aan dadaal muujinno, taas waxaan u leeyahay dagallada qabyaalladda dhulalka reer galbeedka ayaa laga shidaa lagana damiyaa oo dadka jooga ayaa lug weyn ku leh, sidee arrintaan fudud ee xalkeedu dhaw-yahay loo marin habaabinayaa.

    Waddani

  8. sambuur says:

    ascwrwb.

    dadka moodaya in shirkan looga hadli doono arimaha somalia wey ila qaldanyihiin.

    shirarka yurub ka dhaca maxaa la cunaa oo xalaal ah yaa looga hadlaa iyo taxi mala wadi karaa saprate mala noqon karaa weeye sheekadu.

    midda kale, reer oslo waa walaalo mideysan oo qolo walbaa ay ku jidho marka laga reebo qolyaha qabuuraha galeenka suufiyada oon sidaa ugu badneyn. shabaab, shariif, iyo xizbul islamiba wey leeyihiin waxaase ka dhaxeeya dantooda guud iyo iney ilmahooda bal masjidka ku celceliyaan.

    koleey shirarka lonodon wuu dhaamaa 100% oo mar marbaa wadaad iska jadboodaa markaasuu arimaha soomalia gashadaa lol.

    waxaase sida muuqada oslo ku badan dhalin diinta jecel oo somalinimadu ku weyntahay.

  9. c/fatax says:

    to: cali guure shabaab baa lagu saaray,shafka beel oo ka har mujaahidiinta adiga oo kale oo qaacidiinta ka mid ah wax kama sheegi karyo ee

    arinta muctamarkaan sh.umul sanadkii horeba wuu imanayaa bay dhaheen dabadena muusan imaan malag yaaba sandkaana in ay taas oo kale dhacdo wabilahi towfiiq

  10. khaadimul-ISLAAM says:

    BISMILLAAH.
    BISMILLAAH.

    …iska dhex mushaax dhulgaalo ma riyaa ?…..

    see ku dhici kartaa in culimo intaas fara le’e
    ay iska dhex maraan dhulka gaalada ayadoo haddana la ugaarsanayo mujaahidiinta meelkasta
    oo ay adduunka ka marayaan , mase gaaladu way
    kala taqaanaa kuwa dhabta ah iyo kuwa aan dhabta ahayn , maxaa loo siidaayay kuwaan oo shiikh cabdurraxmaan abyad xabsiga loogu taxaabay ? WALLEE waxbaa si ah ! war nimanyahow nin aan wax arag baa wuxuu yiraahdaa waxbaan arkay !! war bal culimadaan waxaan su’aalay culimooy maxaa idin kala soocay oo kuwo loo leeyahay waa argagixiso kuwona loo leeyahay soo dhawaada soo dhawaada sida adinkoo kale ! ? haddaba culimadaan hoos ku qoran ma awoodi karaan inay si toosa xaqqa u dilaaciyaan ? ma awoodi karaan inay si
    dhaba ugu dhawaaqaan inaysan raali ka ahayn maraykan iyo waxa uu wato taasoo ay bari kaga noqonayaan gaala idilkeed.
    culimadu mujaamalada ma ka dayn karaan ummadda ay isku luqada yihiin , si aan lookala faquuqamin ee hal meel loo wada aado , hadda jihaad baa taagan culimadu ma oran karaan in jihaadku fardu cayn noqday maadaama gaaladu ay dhulal badan oo muslimiina ay haystaan oo ay ku soo duuleen oo dhac iyo kufsi iyo boob ku hayaan , haddaba haddii aysan caddayn karin xaqqa sow ma fiicna inay iska aamusaan oo guryahooda iska joogaan.
    …………………………………….

    waxaan filayaa inay culimadaani aysan is khilaafsanayn dhexdooda ! haddaba culimadaan ma laga yaabaa inay mujaahidiinta u duceeyaan oo ay taageeraan !?

    1) Sh Maxamed Cabdi Umal Kenya
    2) Sh Cabdiraxmaan Sheekh Cumar America
    3) Sh Dr. Cali Maxamed Saalax Norway
    4) Sh Yuusuf Axmed Maxamed Sweden
    5) Sh Mustafe Xaaji Ismaaciil Somalia
    6) Sh Maxamed Idiris Saudi Arabia
    7) Sh Saciid Raage Canada
    Dr. Axmed Daahir Aweys UK
    9) Sh Cabdi Baasid Cabdisamad UK

    waxaan idiin rajayn inaad soo raacdaan mujaahidiinta haddaad tihiin walaalo u naseexaynaya walaalahood maanta lama joogo waqti lagu dalxiiso dhulgaalo ee ogaada rag baa jihaadka waardiyo ka ah ee raaca raggaas oo ku biira inta ay goori goor tahay haddii kale yaan la maqal hebel baa gaalo fara xumaysan iyo bebel baa la dilay oo la qariyay ama hebel baa la xiray oo la dhacay.
    WALLAAHU ACLAM.
    binfaqiih@hotmail.com

  11. Nasteex says:

    To: ninka sheetay waddani.
    ninka wadani isku magacaabayow waxaan rabaa inaan wax ka iraahdo qormadaadan kulansatay hadalada jaaifada ah ee hadana u suuraysan Talbiiska ibliiska.
    waxaan taas ula jeedaa marka koowaad culimadii baad aflagaadeyneysaa oo aad qabyaalad iyo waxaan laaiq u ahayn ku tilmaantey,kadibna waxaad gadaal ka sheegtay inaadan culimada kasoo horjeedin,waliba aad raacsan tahay.
    Waxaa kale oo aad ku sheegtay hadalkaagaas in kulankaas noqon doono mid lagu sii hurinayo dabka soomaaliya ka oogan iyo waxyaabo kale oo aan ku habooneyn in lagu tilmaamo kulankaas islaamiga ah meesha ka dhici doona.
    Hadaba waxaad ogaataa ninkaasow in labo mid uun aad noqonayso waa marka hadalkaaga miisannka la saaree:
    1-in aad ka mid tahay kuwa lagu ibtileeyey inay ku faakihaystaan cirdiga iyo luxuumta culimada ee waliba u haysta jaaifada culimada wax ilaahay loogu dhowaado,meel kastoy joogaana aan wax kale ka hadlin,inay fulaan iyo fulaan uun warkood hayaan mooyaane,caadana ka dhigtay in ay manaabirta kala jahraan dhaleeceynta culimada.
    2-amase aad tahay kuwa cilmi la,aan dartood maanta godka ugu dhacay ee iyagana jahliga lagu ibtileeyey ee gaarey heer culimadii dhiigooda aanu uga duwaneyn daqsi la dilay oo uusan biyo u kabaneynin,culimadii salaaxa iyo dacwada salafka maanta aabaha u ahaydna u yaqaanna “CULAMAAU-SUU”,inaad labadaas mid uun tahay,oo waxa aad ka baqeysaayi uu yahay xaqa ay culimadaasi cadeynayaan,taas oo aad markaasi ku sifoobeysid maahmaahdii soomaaliyeed ee oranaysey “CAYRIIN CUNE CALOOSHIISA AYUU KA WALWAL QABAA”,macnaha ninkii hilib cayriin ah cuney dee jirro ayuu ka cabsi qabaa weeye,adigana waxa ku cabsi gelinaya in ay iftiimiyaan dalaalaadka faraha badan ee aad ku dhexjirtaan labadiinaas sinfi.
    Tan kale marka hadalkaaga la fiiriyo waxaa lagugu oran karaa inaad tahay JAAHIL amaba MUTAJAAHIL,waxaanan taas ula jeedaa,inaadanba mu,tamaraadka noocaan oo kaleba iyo culimadaanba aadanba aqoon hore u lahayn,iyo inaad aqoon hore u leedahay laakiin aad iska yeelyeelayso ood ismoogeysiinayso,hadii marka aad aqoon aadan u lahayn culimada iyo kulamadaanba waxaa belo kuu ah inaad wax ka sheegto wax aadan ogaal u lahayn,aadna ka warsugtaa inta wax kuu kala cadaanayaan oo aad arki waxa kulamada looga hadlo.Hadii kale oo aad aqoon u leedahay dadkaan iyo kulamadaana oo aad ismoogeysiinaysana dee waabataan hore uga soo hadlay oo qaskaad geysatey bayaamintiisa ayaad ka walwalqabtaa.
    Calaa ayyataxaal waxaan kuu dhihi lahaa adiga iyo inta lagu ibtileeyeyba culimada jaaifadooda ka jooga falalkiinaas baadilka ah ee alle ka cabsiga ka fog,kana hara aflagaadada culimadaan,waliba waxaa kaaga sii daran wax laga xishoodo ayaaba jiree aydaan hadana xishoodba dareemeyn markaad culimada wax ka sheegaysaan.
    Miyaanay culimadaani ahayn iyo mu,tamaraadkaasi kuwa lagu baahi tirey inbadan oo ka mid ah jaaliyaatka dibadaha ku nool ee ku dhexnool mujtamicaadka aan muslimka ahayn,ee khatarka badani kaga imaaneyso ee xagga diintooda,miyeysan cilimadaasi ahayn kuwa lagu yaqaanno inay hadh iyo habeenba u taagan yihiin dacwatu-salafiyyah,dacwatu tawxiid,mise tawxiid iyo wuxuu yahaadanba ka warqabin ? xaqiiqo ahaan jahli aad u badan ayaa ka muuqda hadalkaagaan cidii aad ka jahli bixi lahaydna waad aflagaadeynneysaa…FA-IN-KUNTA TADRII FATILKA MUSIIBATUN WA INKUNTA LAA-TADRII FAL-MUSIIBATU ACDAM.
    Waxaan hadal kusoo koobayaa alle ka cabsada adiga iyo amthaashaadaba oo kasoo hara culimadaan alle,kuna meshquula ceebihiina iyagaa idinka mudan inaad ku mashquushaane…wsc wrx wbrk.

  12. Cali Guure says:

    Cabdifataax

    Shabaab uma arko inay dowlad islaami soomaaliyeed u jeedaan kaddib markii dhiigga mujaahidiinta kale banneysteen, ku kalana dhantaaleen midnamadii mujaahidiinta diidmada culimada, khaarijin, cabsiin siibid iyo waysiin iska daa adeegsiga gowraca iyo dilka aanan diin iyo caqli midna xambaarsanayn.

    Ka hadalka khaladkooda waa diin ee wax garo saaxiib. Haddii kale ogow in durbaan tumid waxban tarayn

  13. libaax says:

    kaligay baa iswaydiiya waa maxay farqiga u dhaxeeya culimada afqanistaan joogta ee ilaa hadda gumaadka lagu hayo iyo culimada aan la gumaadayn ee say rabaan adduunka ugu dhoofi kara , marka waxbadan baan ka fakaraa oo isla yaabaa , talow xisaabtu xaggee ka qaldan tahay,
    haddaan dhaho kuwaan maraykanku raaliga ka yahay inay meel walba oo ka tirsan maraykanka iyo yurub ka dagi karaan baa qaldan waxaa la i dhihi culimadii buu wax ka sheegay , haddaan dhaho culimada afqanastaan joogto baa saxa waxaa la i dhihi argagixisaad taageeraysaa , marka kaligay baa go’aan gaaray ee dadow ila fiirsha haddaan qaldanahay iyo haddii kale :
    culimada soomaaliyeed in lagu dhex jiro oo aysan saafi ahayn waa kow, inaysan suura gal ahayn nin cadaw ii ah inuu haddana ubax igu soo dhaweeyo, in soomaali meel kasta ay joogaanba ay ka maqantahay wax badan oo loo baahnaa in laga taxadaro, waxaan ogaaday in dhexdeena cadawgu aad ugu badan yahay , waxaan kaloo ogaaday in si fudud loo kala jabin karo xoogga waddaada ee soomaaliyeed, waxaa kaloo ii soo baxday inay adagtahay in la midiiyo safka wadaada soomaaliyeed, ugu danbayntiina waxaa ii soo baxday inaynu u baahannahay culimo
    xaqiiqda taaban karta oo saafi ah oo aan aduunyo dhalaalkeed lagu qaldi karin .
    haddaba culimada haddii ay joogaan guri cadaw oo aan aamin ahayn oo meel kasta jaajuusku u taagan yahay maxaa laga faa’ida yaa shirkasta oo la qabto mar haddii cadawgu bilowgii ilaa iyo gunaanadka uu maqal iyo muuqaalba u duubayo
    dhaqdhaqaaqa culimada iyo muslimiinta, haddii la dhaho wacdi uun baa loo joogi hadde taas waa
    wax meelkasta laga heli karo , haddii la dhaho soomaali baa la isu keeni shirkaan hadde soomaali ku heshiin wayday gudaha soomaaliya miyaa diabaddiisa ku heshiinaysa ? waa la yaab
    ee waxaan soo jeedin lahaa inaan culimada la khasaarin oo lacagta haddii ay jeebkooda ka dhiibayaan aysan isa soo daalin , haddii laga dhiibayana aysan dadka khasaarin, meeshaan waa meel u baahan in run la sheego runtuna waa mid aad u kharaar oo soomaalidu inteeda badan ma rabaan runta , haddaba haddii runta la diido ayadaa si dandulayn ah ugu khasbi doonta soomaali iyo cid kalaba inay u hoggaansamaan sharciga rabbi wayne u dajiyay kownkaan in lagu
    hago , maamulka rabbigayna la’aantiis wax kala hagaagi kara ma leh, kaasna waxaa fulin kara qof run sheega oo kaliya , soomaali haddaan nahayna waxaa naga dhaadhacsan in aynu beenta ku badbaadayno, ee inta aynu fiyownahay aynu runta raadino oo beenta ka fogaano , waxaa beena inaynu dhahno maraykan oo cadaw baa wanaag soo wada .

    rabbow islaamka igu dil.

  14. axmed yasiin says:

    To libaax
    libaaxoo walaal misaan ma aha maraykan baa doon doonaya qaar qaarna wuu iska daayay
    ee waxa lagu xisaabtamaa qofka iyo mabda’iisa
    tusaale ahaan sh.xasan daahir aways waala doon doonayaa culimadana lamay haysto
    macneheedu maaha inlays dhiibay
    laakiin labaduba way dadaalayaan waanay iswaafaqsan yihiin oo culimadaasi isma haystaan iyagu dhexdooda
    markaa walaal gaalku wuu kuladagaalami sida asalka ah mar mar ay ku magangaliyaana waa wax dhici kara
    mar shubuhaat yaan lagugu akhriyin oo yaan lagu marin habaabin diintana baro cida khilaafka wadana baro ee gaarka isku soocasa

  15. Waaya Arag says:

    To:Libaax
    sida muuqata libaaxow waxaad raadinaysaa dariiq aad ku gaarto ood wax kaga sheegto culimada muslimiinta,adigoo istusinaya shubuhaat uu sheydaan kaaga dhigay xaq,oo ay ku lumeen in badan oo xaq doonaysa,waxaana taas ku tusinaya,suaasha aad naftaada waydiinayso,ee aad naftaadii ka dhigtay “XAKAM” iyadu wax kala xukumaysa,iyadoo aadan haba yaraatee aadan cuskan wax daliil ah oo aad culimada ku maagto.
    Bal caqlaad leedahay culimaa dalalka gaalada dhex mushaaxaysa oo u kala dhoofaysa,miyaa ah suaal,wax lagu duro oo lagu dhalleeceeyo,bal u fiirso oo baar yurub iyo mareykan inta masaajid iyo maraakiz islaamiya ka jira ee culimadu markasta u taagan yihiin faafinta dacwada islaamka iyo waliba muslimiinta ku noolba ee malaayiinta gaaraya,ma og tahay taas iyada,ee inbadan oo dadkii diimaha kale haystayna kusoo islaamayaan?
    Waxaanse ku oran lahaa yurub iyo mareykan oo culimadu u duushaayi ma shalay ayey dambi noqotay saw kuwa culimadu weligoodba dacwada u aadi jiray ma ahan?..mise waxaa lagugu akhriyey shubhada ah in caalamkani labo u kala qeybsamay oo kala ah daarul-xarbi iyo daarul Islaam,oo cid kastoo dal kale oo gaalo u dhooftaayi kaadhka Ridada la siinayo…?,waxaan la yaabaa iskaba dhaaf dhulalkaas gaaladee sanadkii hore ee 2009 dhexdiisa ayaa SOMALI MIRROR waxaa ku qornaa mid ku dhaleecaynaya qaar ka mid ah culimada soomaaliyeed oo booqday wadanka Qadar amaba Kuweyt,oo uu leeyahay “bal fiiriya dhulkii cadawgu deganaa ayey dhex gooshayaane” marka dhulkii islaamka ayaaba dembi laga dhigaye ma aha wax la baciidsado maanta inaad culimada ku gaarto dhul gaalo ayey u safreen,waxaanan filayaa inay ku heleen kuwa shalay soo rucleeyey ee aadan moodeyn inuu jiroba islaam iyaga ka horeeyey.
    waxaan kusoo gaabinayaa libaaxow ilaahay baad hor istaagi maalinka qiyaamo,oo ku xisaabin adoo qaawan ee hakaa nabad galaan culimada islaamka,oo si fudud ha ku gaarin cirdigooda naftooda. oo cilmiga sharciga ah baro oo culimada lagu kalsoon yahay ka qaado,jahli fara badan oo kaa muuqda waad ka bixiye.iskana daa nafta aad xakamka ka dhigayso iyada oo aan cilmi lahayn oo ugu dambeysta uu sheydaan kugu qanciyo in culimadaasi ay yihiin kuwo gaaladu aanay waxba oraneyn mar hadii ay saas tahayna ay yihiin kuwo islaamkoodu aanu sax ahayn…taas iska ilaali.

  16. Dubbad says:

    Waryaada hee war ninkan aad libaaxa ku haysaan waaba nin hurdo kasoo kacay oo aabanba la socon meesha culimadu u socdaan iyo waxa laysugu tegi toona,bal u fiirsada hadalkiisa.wuxuu ku leeyahay soomaali dalkii baayba ku heshiin weydaye,ma dibad bay ku heshiin.waa tan kalee wuxuu ku leeyahay culimada yeysan lacagta iska khasaarini.waxaa kaloo yiri wacdi uun miyaa weligeed la wadi?
    Yaa ilaahii..war libaaxow horta shirkaan ay culimadu tegayaan waxaa dhulalkaas lagu qabtaa sanad kasta oo waa sanadle,waxaana la yiraahdaa afka carabiga mu’tamar waxaana soo qabanqaabiya jaaliyadaha muslimiinta ee ku nool dibadaha,halkaas oo ay culimadu kasoo jeediyaan muxaadaraad diini ah oo ku saabsan waxyaabah loogu baahi badan yahay,mana ahan shir siyaasadeed oo dad lagu heshiisiin amaba awood lagu qeybsanayo.
    Mana ahan mid lacag lagu khasaarinayo ee waa nooc dacwada ka mid ah ee yaanay isaga kaa qasmin,saas u fahan sxb marka hore.dhinaca kale hadaan u beyro wacdi uun miyaa la wadi baad tiri waxaan ku leeyahay haah waa la wadi waana dariiqii Ambiyada iyo Ducaadda,adigu waxa ka kheyr badan eed haysaayi noo sheeg.
    Hadaadse ka wado kaalaya oo qoriga qaada oo duurka soo gala soomaaliya qori haduu wax tari wuu ka buuxaa ee wax ku keena,mustafa xaaji ismaaciil iyo sheekh umalna u tilmaami meysid midaas iyada ah.
    Hada ka hor ayaa wadaado tabliiq ihi waxa ay yimaadeen magaalo madaaris badani ka jirto oo dhawr kun oo arday oo wiilal iyo gabdhoba leh subax kasta u dareerto madaarista waxna kasoo barato,markaasaa wadaadadii tabliiqdu ay culimadii madaarista dhigaysay u yimaadeen oo ku yiraahdeen kaala oo naraaca,dabeed culimadii baa waydiiyey oo yiri xagaanu idiin raacnaa,deedna tabliiqdii waxay yiraahdeen dacwaanu aadi oo khuruuj fii-sabiilillaahi baynu u bixi ee ina keena.kadib meeshii waxaa ka bilaabatay dood iyo idninma raacaynee taniba waa dacwee ordaha oo idinku khuruujka iyo socodka ku fillaada,intaas kadib ayaa ay tabliiqdii meel kasta la istaageen dacaayad ay culimadii dacaayadeynayaan oo ay leeyahihiin ilaahay diintiisii looma baxayo,illaa ay gaartey in la yiri war bal waxaad haysaan eed madaarista soo xira u leedihiin kaana oo isugu kaaya keena dood cilmiyeed aad manhajkiina ku fadilaysaan,kadibna wax ay keenaan bay waayeen,macnaha mafhuumka dacwada ayaanba ka dhaadhacsaneyn.
    calaakulli xaal waxaan taas ula jeedaa ninkaanina libaax wuxuu usoo tukabayo waan garan oo waxaa weeye kaalaya oo culimow kitaabada iyo waxa aad haysaan inta soo baneysaan duurka ilasoo gala,waxaase ka maqan waxa culimadu u socdaanba iyo dacwada ay wadaan,dacwo oo dhanna waxaa looga dhigay qori lala ordo,marka libaaxow alle diinta ha ina fahansiiyo.

  17. Dhursuge says:

    waa yaabka yaabkiis,war dadka maxaa culimadii ku taagay? waa maxay caruurtaan culimadii laga hor taagan yahay? Habarta Odayga la saar ayaan maqli jiray,aduunow xaal qaado.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Nawadii 8-aad ee Sanadlaha ahayd oo lagu wado in ay Caawa ka bilaabato Masjidka Al-rowda ee M. Boosaaso
  2. Banaanbaxyo looga soo horjeedo Sawiradii lagu Xumeeyey Nabiga S.C.W oo ka dhacay Norway.
  3. Norway oo DKMG ah ka saaciday gudbinta Map horudhac ah oo ku saabsan Xuduud-Badeedka Soomaaliya
  4. Mu’Tamarka Islaamiga 7aad ee Wadanka Norway oo Maanta Furmay
  5. Ogeysiis: Sh. Mustafa X. Ismaaciil oo muxaadarooyin si LIVE ah loola socon karo ka jeedinaya Denmark

Latest Headlines