Ugu yaraan 19 Qof ayaa ku dhimatay tiro intaa kabadana wey ku dhaawacmeen Dagaal Shalay oo dhan ka socday hareeraha Deegaanada Camaaara iyo Bacaadweyn ee Gobolka Mudug kuwaas oo u dhaxeeyey labo Beelood oo walaalo ah, waxaana isasootaraya Baaqyada lagu dalbanayo joojinta Dagaaladaas.
Dagaalka oo leysku adeegsanayo Hubka noocyadiisa kale duwan ayaa waxa uu dhexmarayaa mudo Isbuucyo ah Maliishiyaad ka kala tirsan labada Beelood ee Walaalaha ah ee Dirirtu u dhexeyso.
Maliishiyaadkii Dagaalamayey ayaa saaka la sheegayaa inay isku horfadhiyaan Deegaanadii ay ku dagaalameen waxaana wararka qaar sheegayaan inay jiraan Dad Dagaalada ku geeriyooday oo la aasi la’yahay maadaama ay ku jiraan meel labada dhinac u dhaxeyso.
Axmed Diiriye oo ah Afhayeenka Dhaqanka Hawiye ayaa sheegay inay ka xunyihiin dirirtaa wuxuuna ugu baaqay Beelaha Walaalaha ah ee halkaa ku dagaalamaya inay Dagaalada Joojiyaan wixii ka dhaxeeyana wadahadal ka galaan.
Waxa uu sheegay inay wadaan Dadaalo lagu joojinayo Dagaaladaas isla markaana gudiyo loo xilsaaray dhameynta dhibaatada ka dhextaagan walaalahaas Dagaalamaya.

Related posts:
BISMILLAAH.
waa dagaal jaahiliyeed, maadaama ay walaalnimadoodii ISLAAMEED iyo tii dhalasho ay
ka doorteen inay jahannama u hoydaan maadaama uusan ahayn dagaaal xaq ah oo saxa.
aaway maamulkii puntland ee sheeganayay amniga?
mase waa xuduuda jamhuuriyadda galmudug ! awalba jamhuuriyaadkii muslmiinta lagu kala
qoqobay baa na aafaysaye jamhuuriyaddii puntland may iska xilsaarto jaarkeed.
war shareecada ALLAAH ku midooba, haddii kale saas uunbaad u bakhtinaysaan waligiin.
WALLAAHU ACLAM.
Inta ay walaalkood warmaha
walaf kusiinayso
May cadaw wayaanaa dilaan
wacade waa yaabee
Ehel wada jiray diidayaan
waaris toodiiye
May gaalki weeteysanjiray
weerar ku ekaysoo
Wadaadaa utaagnaa inay weedha sheegaane
Mayshicibkan cadawgiis wanjalay
Maanta wacdiyeysoo
WALLEE ”ninkii soo joog laga waayo soo jiifaa laga helaa” marka waxaad ogaanaysaan waxaad fasheen markii aad ku dhimataan dagaalkaas JAAHILIGAA intiina dhimatayna hadaba way la kulmeen waxay faleen lakin inta haertay may kajoogaan waxaan waa ku NAAR GALAYSAANE
TO KHAADIMUL_ISLAAM walaal siday wax kaa noqdeen waamaxay JAMHUURIYADAHAA SHEEGAYSO MIYAYSAN KATIRSANAYN MEESHU SOMALAI MISE WAXA AJIRA JAMHUURIYAD AAN SOMALAIA AHAYN WALAAL SIDA AW CADAWGA NOO QAYB QAYBIYAY HA KU DAGMIN SOMALAI WAA SSOMALIA MAJIRTO PUNT SOMALILAND IYO MUDUG LAND WAXAAS WAA WAX AY XABASHIDU KUMAAGANATAHAY SHEEKADII 3 DII DIBI
bismilaahi
aaway kuwi sheeganayay suno maxay ugu fiirsanayay isbaani’inta mase siyasad doon kaliyay ahaayeen!!!
waad aragteen wadaadada gobolada koonfureed iyo kuwa dhexe qabaailka jooga islaaaxooda iyo heeshiisiintooda qaybta libaax ay ka qaateen iyo nabadday ku naaloonayaan.
Ogeysiis aan saxo walaal kaleh puntland wax hakaqabato dagaalada bacaadweyne taas waa qalad bacaadweyne waxaa waajib kasaaran yahay m.mulka ximan iyo xeeb ee ximan haguteen xil kooda oo ha utureen marasta islayneysa ee xilka uqaadeen alle halakaashadeen
Walaalayaal dadkan oo dhan cid ka mid ah nabadda waxba kama galin oo marka hore qabiil kasta iyo maamul kasta qabyaalad ayaa isku keentay ee dan Islaam nimo meesha ma taallo.
Xaqa ha lagu heshiiyo…..aad nabadda harsataane… ILaah ka baqa
Waaniyoow marka aad u carab taagaysid Ximan iyo Xeeb, maan la oran karin Galmudug iyadaa xoogaa Ximan ka maamulsane ha dhex dhexaadiyeen, Ximanna ha kala qayb qaateen
to waaniye….ximan iyo xeeb maxaa la dhahaa…magac aan jirin inta la samaysto miyaa la doonaya dadka dhulkooda iyo mood waxay leeyihiin in lagu boobo…ximan iyo xeeb kama taliso ximan iyo saleeban toona..waa dhul ay leeyihiin sure dir…marka qabiil qabiil ma xukumo boowe…sidaa u ogooow puntalnd waa ka soo bixi waysay howsheedi..maamul somaliyeed oo dhisan oo aan wax tar lahayn bey u muuqatay… dhulku dirirtu ka socoto waa mudug…dadka halkaa ku diriraya garab ka mid ah puntland wax waa ka dagaan..puntland waa gaabisay…waa indha la’adahay