Johnny Carson:“Mareykanku ma qorsheynayo mana ka qeybqaadanayo Howlgalada Milatari ee ay qaadeyso DKMG”.

Mareykanka ayaa Maalintii Shalay beeniyey kuluglahaanshaha Dagaalka DKMG ahi qorsheyneyso inay ku qaado Xoogaga Islaamiyiinta wuxuuna sheegay inuusan arinkaa gacan ka geysan doonin .

Johnny Carson oo ah Kaaliyaha Xoghayaha Arimaha Dibada Mareykanka ayaa ku tilmaamay wararka sheegaya in Mas’uuliyiinta Mareykanku diyaar u yihiin ka qeybqaadashada Dagaal Xoogan oo Soomaaliya ka dhaca ay yihii kuwa aan sal iyo raad laheyn.

“Mareykanku ma qorsheynayo mana ka qeybqaadanayo Howlgalada Milatari ee ay qaadeyso DKMG, marnaba kaalmo toosa ka geysan meyno Weerarka Milatari ee lafilayo” ayuu yiri Johnny Carson.

Waxa uu sheegay in Mareykanku kaalmo Milatari oo kooban siiyay DKMG una mariyey Midowga Africa.

Wuxuu intaa kudaray Johnny Carson in 185 Million oo Dolar 19-kii Bilood ee la soo dhaafay ay ku taageereen Ciidamada Midowga Africa ee Soomaaliya jooga wuxuuna sidoo kale sheegay inay 12 Million oo Doolar si toosa u siiyeen DKMG.

Waxa uu sheegay inay dhaqaalahaas ku bixiyeen Isgaarsiinta, Dharka Cidamada iyo Tababarka Ciidamada Dowlada ay siinayeen Dowlado African ah.

Waxa uu Carabaabay inay ku dadaali doonaan sidii xal siyaasadeed oo dhameystiran loogu heli lahaa Xaalada Murugsan ee ka jirta soomaaliya.

Hadalkan ayaa imaanaya Xili dhawaan Mas’uulka ugu sareeyey Taliska Dhexe ee Mareykan u qaabilsan Africa uu sheegay inay ka qeybqaadan doonaan Weerarka la hadalhayo.

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco

15 Comment(s)

  1. BISMILLAAH.

    beenta , khiyaanada , hagardaamada way ka siman
    yihiin gaaladu meelkasta yar iyo waynba, hadda
    waxay arkeen in shariifow iyo indhacadde iyo mooryaantoodu waxba ku hayn meesha , xasuuquna uu sii kordhinayo nacaybka loo qabo maraykanka
    iyo xulafdiisa.

    hadalkiisu waa khiyaano cusub ha la sameeyo.

    inshaa-ALLAAHU waa laga adkaan.

    WALLAAHU ACLAM.

    khaadimul-ISLAAM | Mar 13, 2010 | Reply

  2. ALLAH AYAA DHAGARTOODA FASHILINYA KUFAAR, AYGOO MOODA IN AY WAX U QARSAN YAHIIN,BAARAWEYNE KUFAAR WAXA MA QAADIDOONAN INSHA ALLAH, IS GARABSADA AMA ISKU HABAR WACDA, ALLAH AYAA IDIN FASHILIN MEELKASTA OO AAD ISLAMKA HILIBKIISA KU CUNEYSAN.

    WAXAAN DHIHI LAHAA SOMALIDA CAAMADA DAAQUDKA TAAGERSAN OGAADA WAQTI GU HADUU IDIN KA DHACO, ALLAH WAA SHADIIDUL CIQAAB,KUFAARTA YAAN LOO HIILIN.

    muslima | Mar 13, 2010 | Reply

  3. Isburin badanaa Gaaladan buuryada weyni…???

    Waase caadadooda Nijaasta markii ay cabsi dareemaan inay dib u gurasho sameeyaan…Balantana uga baxaan Tuugada ay ku biilaan gudaha dalka ee Gaalada iyo Murtadiinta isugu jira.

    VIVA AL-SHABAAB …..WAAN IDINKU FAANAYNAA MUDANAYAA.

    Faysal | Mar 13, 2010 | Reply

  4. kaasi waa fadli ILAAHAY iyo guul ay gaadheen dadka islaamka ahi, guushu waa dhowr nooc oo kala duwan tan iminka dhacdayna waa nooc ka mid ah.
    ILLAAHAY wuu galiyaay qulubtooda cabsi ay ka baqaan mujahidiinta.
    AL-XAMDU LILLAAHI RABIL-CAALAMIIN.

    abdirahman | Mar 13, 2010 | Reply

  5. kkkkkkkkkkk ALXAMDULIILAAH ilaahay gaalka sharkiisa ha naga hayo, kuwa daba-dhilifka ah ee ku faraxsanaa in dadkoodii Gaallo weerar ku soo tahay ee ku faanayeyna waxaan leeyahay Ilaahay kadabkiin ha jaro oo Bellaayada iyo sharka aad nala dooneysaan idinka ha idinku koobo insha allah.

    Guul Ilaahay isagaa quluubta dadka maamula gaal iyo islaamba ee inta naga maqan sharkooda ha naga hayo kuwa nala joogana ha jabiyo oo muslimiinta iyo mujaahidiinta gacanta sare ha siiyo.

    Mustafe

    Mustafe | Mar 13, 2010 | Reply

  6. 185 Million oo AMISOM la siiyey.

    Xariifka entity (aka TFG) oo la siiyey US 12 Million dollars.

    Soomaaliyeey maxay idinla tahay? Waxay u muuqataa in sheekadu tahay “policy of Ambiguity”. Marna waan weerarin marna ma weerarayno.

    Judge actions not words!!!

    hymo | Mar 13, 2010 | Reply

  7. Mid kale u diyaar garooba. Kuwoo isgu yeeray Xarunta Calamka ee Soo Noolaynta iyo Hanuuninta (Global Center For Renewal and Guidance) baa waxay fatwo been ah kasoo saari doonaan Dubai. Waa sidaan u turjumay, markaa haddii aad haysid sio kale oo tarjumaad ah, fadlan soo qor.

    Ninkii Shariif Axmed (aka Xariifka) waa la joogaa. Sababta loo aadey Ingiriiska tanaa ugu muhiimsanayd.

    Waxaa wanaagsan in laga doodo oo la isla eego bal meesha ay salka ku hayso kooxdan isku magacwday “Xarunta Calamka ee Soo Noolaynta iyo Hanuuninta”. Aniga sida ay iila muuqato waa niman ay maamusho ama laga hago British Establishment. Waa koox cusub oo sida Muslim Brotherhood la hago.

    Ka horey cadowga Islaamka munaafaqadiisana la soco. Hadba shaati baa lasoo xiranaa oo la rabaa in lagugu qanciyo. Xaqa ku dheganow oo marnaba yaan lagu jahawareerin.

    Wabillaahi Tawfiiq.

    hymo | Mar 13, 2010 | Reply

  8. warku waa kaa maanaa kaa yeersiiyay waryaa al-shabaab waa ay sheegeen oo ay yiraahdeen waana yaqaaanaa ma iman karo shariif af cade oo aan warhayin waxaa uu lahaa waa taageerasanahay gaalada nala dagaal geleysa ee muslimiinta nala leynaysa laakiin gaalo waa baqday ingriisna waxaa uu ugu tagay war kaas ka xanuun badan oo oranaya war la heshii ama adkow si dhaqso ah hadii kale waxba ma jiraa waxaa uu la kulmay gaalkii u yeedhay shan iyo toban daqiiqo waa taqaan shan iyo toban daqiiqo kulan ah waa uun amar ee maaha wada tashi .

    gawaafe | Mar 13, 2010 | Reply

  9. tuuk waxuu kabaqayaa in umada muslinka ah eey udiyaar garoowaan beenloow allaah ayaa mahad is kaleh maanta quwadii sheegan jirtay awooda qadaray in hadalkooda isdawa maro mar eey dhahaan waan kaqeeb qadaneeynaa marna maka qeeb qaadaneeyno reer galbeedka wey ujedaan maanta in eey aduunka isbadali rabto oo lajoogo wakhtigii muslimiinta ayagana eey udhamaatay marka filaar gilgilasha kaagama fuqdo been beentaan kuma fakaneeysaan

    nasrullaah | Mar 13, 2010 | Reply

  10. a/c/w salaan ka bacdi allah ayaan noo sheegay ALAA NAC LATULAAHI CALAL KAADIBIIN marka run marnaba kama sheegayaan ee diyaar ahaada alaha idin guuleeyo …………………….

    ayman | Mar 13, 2010 | Reply

  11. Somalimirror maxaa ku dhacay fikirkaygii aan soo qoray ooku saabsanaa shirka la sheegayao inuu ka dhacayo Dubai oo niman culimo sheeganaya oo Xariifka u fadwoonayaa soo saarayaan?

    Waryaa waa idin fahmay.

    hymo | Mar 14, 2010 | Reply

  12. walaalayaal, waxaa cadaatay in cidaa kaliya ee qarbigu kahaybaysto ama kabaqo aytahay shabaab iyo inta lahalmaasha. marka waxay isku dayayaan inay shabaab iyo inta lahalmaasha ka horgeeyaan marka hore kuwa daciifka ah ee aan wax fahansanayn.

    marka labaadna dowladaha afrikaanka ah ee aan xeebaha lahayn in xeebo looga raadiyo dalkeena.

    waxaan aaminsanahay haddii shabaab iyo intalahalmaasha ay dalka qabtaan in ingriiska iyo maraykan ay dhihi doonaan waan waan ayaan idin lagalaynaa. waxaan aaminsanahay in xitaa israaiil ay dhahayso qudus waan kabaxaynaa.

    sidde | Mar 14, 2010 | Reply

  13. Shariifka waxa ugu badnaa oo lagala hadlay oday iyo habar gaala ah oo la yiri waxaa lagu haystaa aaga xaradheere….taa macnaheedu waxaa weeye haddii aanu dadkaagu qiimo kuu lahayn anaga kuwayaga xilbaanaga saaran, ninkii wax fahmi kara baana arintaa garan kara.

    Teeda kale, arintaan maraykanka waa khayaano, si toos ah bayna hawshaan haddaba ugu jiraan. waxaayna hadalkaa ugu tala galeen dhagar.

    Adoon Eebe | Mar 14, 2010 | Reply

  14. Runto sheegey karson.

    waxa ogeysiinaa dhamaan dadka qeyrkajecel in mid amirkaaoo madax adkay maanta isagow dhawec culus eh ka soo kabtay roogo suqa bekaraha.

    magacisa waa Dr lamadage.

    waxu ku dhawecmay dagaladi ka dhici jirey yaqshid. intow diiday in amiriga lagu daweyo buu ku soo noqdey xamar.

    shartisa sharifow ilah ha qabto.

    xasan | Mar 14, 2010 | Reply

  15. Mr Carson,

    Bal noo sheeg waxay DynCorp International ka qabanayso Muqdisho? Hadda hanaga gadin waxay contact ka haysataa African Union. Waxaa la wada og yahay “ciday” hoos timaado e.

    Bal noo sheeg waxay CSS Global ka qabanayso Muqdisho? Waa la og yahay in Xariifka ama Afguduud sida qofba u yaqaano uu codsaday in AMISOM nabadgelyadiisa aan lagu aamini karin. Waa la og yahay in Safiirka Nairobi kuu fadhiyaa codsiga soo gudbiyey. Ma waxaad naga dhaadhicin arrinkaas shuqul kuma lihidin? Hadda la soco waa la wada og yahay “ciday” hoos timaado e.

    Ma waxaad dafiri unugga ka tirsan Xe (Blackwater) ee Muqdisho saldhiga ku leh ee shaqadoodii bilaabay? Waa aragnaa in shaqadii qabyteedii hore ay socoto oo rag Xisbul-Islaam ah la dilaayo ayadoo lagu eedaynaayo Shabaabka. Waa loo jeedaa in in Dronekii ay ku wareegayaan Muqdisho, Beledweyne, iyo Kismaayo.

    Bal noo sheeg hubkii cusbaa ee rasaas, tikniko, iyo taangiyo ahaa ee dhowaan ee Muqdisho loo gudbiyey? Yaa iibiyey hubkaas, yaa tababarada bixinaya?

    Bal noo sheeg saldhiga cusub ee Galmudug laga hirgalinayo ee la rabo in Piratesland iyo Soomaalidiidka laga difaaco?

    Bal noo sheeg saldhiga AFRICOM ee Berbera laga furayo iyo sawaariikda Nuclearka ah ee ciida Soomaaliya lagu aasayo?

    Bal noo sheeg qorshaha cusub ee la wado ee la arbo in Xisbul-islaam hogaamiyayaashiisu ku biiraan kooxda Xariifka ama Af-Guduudka boy ninba si buu u yaqaane? Halkee taasi maraysaa maalmahan waa la soconey in kooxdaan Xisbul-Islaam hogaamiyayaashu dibad iyo gudaba buuq wadeene?

    Soomaaliyi sidaa doqono ama dabaalo uma aha haddii idinku aa sidaa aaminteen, waxaa nalaka soo galay cudur qabyaalad la dhaho oo dadkii madax maray asigiina xal aa loo helay oo waxaa lagu furdaamiyey ku dhaqan ka Shareecada Islaamka. Haddii aad isleedihiin kacdoonka Soomaaliya ku jaha wareeriya munaafaqad iyo been, waar munaafaqadu waa wareegtaa oo ninkii ay ka timi bay dib ugu noqotaa. Wax walba oo aad Soomaaliya ka wadaan waa la idinla socdaa, waxaad khaldaysaan waa munaafiqiinta idin aaminsan.

    Nin Wax Og | Mar 15, 2010 | Reply

Fikrad ka dhiibo