DKMG ah & Kooxda Sheegata Ahlu Sunnah oo Heshiis kala Saxiixanaya

Published on March 13, 2010 by   ·   17 Comments   ·   print

Maanta ayaa lagu wadaa in Magaaladda Addis Ababa ee Caasimadda Itoobiya ay Heshiis kuwada Saxiixdaan DKMG ah iyo Kooxda Sheegata Ahlu Sunnah Wal-Jameecah kaas oo ku saabsan Qeybsiga Jagooyinka Xukuumadda DKMG ah.

Heshiiskan waxaa Goob joog ka noqonaya Gudoomiyaha Ururka Midowga Afrika Jang Bing, Xubno ka socda Q.M, iyo Ururka IGAD, waxaana Dhinaca DKMG ah u saxiixaya Cumar C/rashiid, halka Kooxda Sheegata Ahlu Sunnahna uu u saxiixi doono Gudoomiyahooda cusub Maxamuud Macallin Xassan.

Wafdiga Kooxda Sheegata Ahlu Sunnah ayaa Shalay Galinkii danbe Diyaarad Khaas ah waxa looga soo diray Magaaladda Adis-ababa waxayna ka qaaday Magaaladda Dhuusa-mareeb ee ku taala Bartamaha Soomaaliya.

Heshiiska oo uu helay Wargeyska Al-Sharqal Awsat ayaa dhigaya in Kooxda Sheegata Ahlu Sunnah ay ogolaatay inay ku Biirto Xukuumadda KMG ah, Maleeshiyaadkeedana ay ku Biiriso Ciidamada DKMG ah, waxaana Shardi lagu xiray in Dowladu ay Magacaabayso Taliyaha Ciidamada.

Kooxda Sheegata Ahlu Sunnah waxaa la siiyay:-
1- 5 Wasiir oo Mid ka mid ahi ay ka dhexdooranayaan (Wasaaradda Arimaha Dibadda, Gudaha, Difaaca ama Maaliyadda).
2- 5 Agaasimo Wasaaradood
3- 5 Wasiiro ku-xigeen
4- Hal Wasiiru Dowlo
5- 3 Taliyayaal oo kala ah Milatariga, Booliiska, iyo Nabad-sugidda (Sirdoonka).
6- 3 Safiir iyo 3 Qunsul.
7- 9 Diblomaansi oo dhinaca Ganacsiga, Waxbarashadda iyo Ciidanka ah.

Kooxda Sheegata Ahlu Sunnah waxaa lagu Qanciyay inay ka Tanaasusho jagooyinka Madaxweynaha, Ra’isul wasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Labada dhinac ayaa isla ogolaaday inay la Dagaalamaan waxay ugu Magacdareen Xag-jirayaasha ka soo horjeeda Qiyamka Islaamka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed, waxayna isku raaceen inay Dhistaan Gole ay ugu Magac dareen Golaha Wadaniga iyo Wada Tashiga ee Culimadda Soomaaliyeed.

Heshiiska ayaa u Muuqda Mid ay Reer-galbeedku Dabada ka wadaan balse uusan ku imaanin Is-faham iyo isku aragti ay labada dhinac Wadaagaan.

Heshiiska oo lagu dhisay Qaab qabiil ayaa la saadaalinayaa inuu Hor seedi karo Bur-bur xoogan oo ku yimaada Kooxda Sheegata Ahlu Sunnah isla markaana Galaafta DKMG ah.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Kooxda sheegata Ahlu Sunnah & DKMG oo heshiis isla gaarey.
  2. Maleeshiyaadka kooxda sheegata Ahlu Sunnah oo kala dareeray.
  3. Kooxda Sheegata Ahlu Sunnah Wal Jameeca oo la wareegtay Wabxo
  4. Kooxda sheegata Ahlu Sunnah oo dib Dh/mareeb ula wareegay & Xaaladihii ugu danbeeyay ee Gobolka.
  5. Kooxda Sheegata Ahlu Sunnah “Dowlad aan la kulanay ama nala kulantay ama kulan noogu yeertay ma jirto”

Readers Comments (17)

  1. hassan ali faarax says:

    ilaahay idinkama aqbalo makrigiina, illaahay wxaan ka baryaaa id gacanta mujaahidiibta idinku dulleyo, waar waxa idin talinaya mayasan Xabashi ahayn, haddii alle qayr idinku ogyahay alle hadin soo hanuuniyo , hadii kale qiyaamaha alle meel ha idinku soo saaro.

    nabad galyo.

  2. Abu-salman says:

    Cajiib!! Fiiradayda!!!
    Way sahlan tahay in shay walba oo xun loo doono magac wacan waxaa sahlan derbi madaw inaad sudhto daah cad oo midabyo wacan leh sida ay u sahlan tahay in Bambaano khatara oo baabi inkarta dhuldhan aad ugu samayn karto muuqaal xabbad Cambe ah.
    Intaa waxaa lamida kiimikadan halista ah ee Adis-ababa lagu diyaarinayo lana siiyey magaca wacan (wadaniyada, qiyamka Islaamka, dhaqanka soomaliyeed, Culumada.) erayadu wacanaa!!!
    Wuxu lamid yahay derbi Naarta ku yaal oo muuqaalka sare Raxmad mooday guduhuna Cadaab yahay. (SURATUL XADIID) ka doon.
    Musamayaatku waxba kama bedelaan shayga cayntiisa iyo xukunkiisa toona! Waa tallaabadii ugu halisaysnayd e soo marta soomaaliya!
    Cida keliyb ee tallaabadaa u diyaar garawdey itaalku halkuu doono hadhigee waa mujaahidiinta dagaalamaya cida halista ugu weyn ku jirta ee si filanwaaya haadaan hubuq ugu odhanay waa culumada salafiyiinta ah ee qurbaha joogta ee intay ka tageen walaaladood aan ugelin dhanka kale dhawaana iga qora aniga in fataawidoodu is bedelay oo halki Alshabaab taagnaayeen istaagi doonaan se aanay halkey Alshabab ku noolyihiin tegidoonin taasna macneheedu waa Al-ictiqaal laa qadarallah.
    Xawaaraha ahlu sun wuxuu cimri dedejin u yahay shariif iyo kuwa hasha lamaala.,

    somalimirror fadlan intaa iidaaya wax badan baan odhan lahaa se …….., igaro

  3. Abu fatima says:

    Adisbay ku oodeen
    Dawladay igmanaysoo
    Amaankeed kusugan yahay
    Waa duul ayaan daran
    Waana duul inkaar qaba
    Awowgood ninkii dilay
    Yey maanta eheliyo
    Aqribaba kasugayaan
    Misna waxay oranayaan
    Ahlu suno ayaanahay
    Soomaalaay ayaan daran
    Maxaa arin adleedahay
    Ey lagu wareejiyey
    Ninaan adiga kula dhalan
    Arxan aad bidayseen
    Walaalkaaga abidkaa
    Ku ufooday isleediin
    Gumaysiga ardaalkaa
    Noo arimiya leediin
    Soomaalaay ayaadaran
    Miyaad odhan karaysaan
    Cadawgaaga asalkaa
    Hadii adan itaal iyo
    Awoodkale kucelinkarin
    Ale aamin baanahay
    Islaam soocan baanahay
    Uurkaan kanicibahay
    Gaalada uraysiyo
    waxay arin wadaagaan
    Ajaraada moo yee
    Nooma ay ixsaan falin
    Abid horena maam arag
    Agab ay natara yeen
    Ka awow awowbay
    Eednooga galayeen

  4. xamdiyeey says:

    shaki la,aan waxaa ah inay burburayaan oo iyagu iska hor imanayaay iskuqaskaan suna wajameeco isu bixiyay. suufi+mooryaan+ashahaado ladirir + qabiiliiste = iskuqas aan isfahmayn!.
    dowlad ku sheegta iyadu saas oo kale iskudar ahayd ayaa weli isfahmin isaamin siyaasadna aqoon, islana shaqayn karin.
    tiiyoo ay qadyaan ka taagnaayeen ayay waxay la kulmayaan kud kaguur oo qanje u guur iwm.
    insha allaah soomaalida nadiifka ah ilaahay ha ka badbaadiyo iskudhac iyo dagaal ahliya, waan soo aragnay ciribtiisa walina waan xasuusanaa, ilaahay SW waxaan ka magan galaynaa in maalin walba jaahil iyo danayste uu qabaa,ilada soomaaliyeed ee walaalaha ah ka dhex abuuro dagaal aan faa,iido lahayn aduun iyo aaqiro iyo colaad joogta ah oo nabada iyo naxariista iyo wada noolaanshaha liddi ku ah.
    umada soomaaliyeed waa inay koraan oo qaangaaraan dhamaantood, iskufilaanshana ay helaan xaga da,da maskaxda iyo muruqaba oo nin waliba uu xisaabtamo,si loo helo dad go,aanleh oo talada wax ku leh oo dhinaca wanaaga iyo qayrka wax ka eega waayo ilmihii dhashay 1990gii maanta waa 20 jir ma aha in loo meeriyo wixii juhalada ku dhaqmayeen haday tahay xeerarkooda aan diinta waafaqsanayn iyo qabyaaladooda aan salka iyo baarka lahayn ee ku dhisan umada in lakala fadilo,lakala saraysiiyo ama lakala sooco si aan waafaqsanayn islaamka iyo dhaqanka wanaagsan ee soomaliyeed.
    insha alaah waa la fahmay waana laga digtoonyahay.

  5. xaraare says:

    ALSALAAMU CALAYKUM.
    waxay tiri habartii jabadka looga guuray balaan wax dhowro. oo wasaaradaha hada la leeyahay ahlu suna waxa loogu yeeraa la siinaa soo kuwa awal magacownaa maahan mase hadaa dowlad cusub la dhisaa? mida kale hala kala daayo addis baa noo marjaca iyo ahlu sunaa nala dhahaa wax is qaadan kara maahee caruurtana xataa looma sheegi karo

  6. khaadimul-ISLAAM says:

    BISMILLAAH.

    { ALLAAHU AKBAR ALLAAHU AKBAR ALLAAHU AKBAR , ALLAAH BAA MAHAD LEH , ALLAAH BAA AMMAAN MUDAN,ALLAAH BAAN TALA SAARANAY ,
    ALLAAH SUBXAANAH BAA KU FILAN INUU ILAASHADO DIINTIISA IYO AWLIYADIISA MUUMINIINTA MUJAAHIDIINTA AH ALLAAHUMMA LAKALXAMDU WALMINNAH }.

    waxuu shariifku is qariyo , waxuu hadba meel ku gabado , waxuu hadba shaati siibo, waxuu hadba midab isu yeelo , waxuu hadba been sheego
    waxuu hadba wacdi jeediyo , waxuu hadba qaylo dhaan gaalo ugu yeerto : ma maanta buu haddana alhlu sun iyo jab la midoobay , waa meeshuu ku jabi lahaa ugu danbayntii inshaaALLAAHU TACAALAA .

    dadow wali miyaydan baraarugin ? wali ma huradaan ? aaway shariifow shiikhnimadiisii ?
    aaway midowgii maxaakimta uu takbiirta kor ugu
    qaylin jiray ? war ninku munaafiqsanaa ! ! ! !

    gaalo way ogoshahay ahlu sun iyo jab , mujaahidiintana way diidan tahay ! ! ! oo waxba
    iskuma diidana ? markaas waxaa caddaatay inay basaasiin u yihiin axmaarada iyo gaalada ! isla markaana waxay sheeganayaan inay muwaadiniin yihiin , diintana ay qiyamkeeda ilaalinayaan ! ! la yaab badanaa war sow lama
    aydin yaabin markii fircoon uu shacabkii masar uu uga digay in nabi muuse calayhi ASSALAATU WASSALAAM uu fasaad wado isla markaana uu waddanka rabo inuu idinka saaro ! ! haddaba nimankaan waddadii fircoon bay ku taagan yihiin oo faraacino .

    waxaana caddaatay inay gaalo la shaqaynayaan
    ee dadow baraaruga oo iska cesha mooryaantaan
    iyo munaafiqiintaan iyo gaalada hogaaminaysa .

    WALLAAHU ACLAM WA AQWAA WA AKMAL WA AKBAR.

    binfaqiih@hotmail.com

  7. jaamac dhoole tuse says:

    RUNTA KA FOG

  8. nasrullaah says:

    alxamdulilahi hadeey layadii dhan dhinac isla mareen ama koxda sheeydaanka inshaa allaah illaahey koodiisana waalashaan dheeyn doonaa oo waxaa lagu shaandheeynaayaa intaxan kadibna waxii illaaheey dartiisa udiriraayo weey isku soohari waloo lagayawo hada ineey lawa dhinac kala joogaan kuwa kale oo ku dhax dhumanayana kooxda sheeydaankeey kusoo biiri inshaa allaah illaaheey ma ogolaan doono wax ineey isku huur sanaadaan walakala saari EHLU JAGO WAL SANAAWI
    balaayo idinku dhacday illaahayoow kuwas sunadii nabigaga NNKH ayeey been usheekteen illaahayoow bur bur dhawarka usaar oo gacmaha mujaahidiinta kucadaab yaarabil calamiin markuu illaheey dowlada kudaray ayuu jab kudhigay wuuna soodhow yahay halaagodii inshaa allaah guusha waxaa iska leh inta kitaabka allaah iyo sunada nabiga NNKH sinadiif ah oo illaaheey marqaati ka yahay uqabsata oo jihaad xaq ah allaahuma yaamuqalibal quluub thabit quluubanaa calaadiinul islaam

  9. Mohamd Yusuf Muse says:

    Assallaamu caleykum wr wbr

    Walaalayaal marka hore waad salaaman tihiinn. Marka haddaan wax ka iraahdo arrintan.

    Walaalayaal waxaad ogaataan in ummadd walba oo dooneysa iney jirto, danaha ummaddeeda iyo nabadgelyadeeda iyo xasiloonideeda, ayaa waxaa muhiim ah iney lahaato laamaha amniga iyo sirdoonka.

    Haddaba su,aashu wexey tahay, hay,daha la macgaacabayo, yey xogta u geeyaan, yaana dhaqaalahooda bixiya, yey waardiyeeyaan. Faroole xor iyo puntlandba xornimo buuxda iyo dawladnimo buuxda miyey haystaan. Jawaabtu waa maya, dhaqaale ahaan iskuma filna, siyaasad ahaanna iskuma filna.

    Sidaa awgeed magacyadaan iyo magcaabidaanna dadka reer puntland ayaa lagu khaldayaa oo waxaa laga dhigayaa in laamahan sirdoonka ahi ay hoos tagaan maamulka puntland.

    Laamahani wexey shaqadoodu tahay in ay xiraan, amase shirqool ku dilaan amase warbixintooda u gudbiyaan qolloyinkii soo dirsaday, qof allaale iyo qofkii loo arko inuu yahay xilkas, waxgarad, aqoonyahan, waddani iyo culumaa,udiinka dadka wanaaga fareysa xumaantana ka reebeysa.

    Fiiro gaar ah: Khalad yaan la iga fahmin , anigu asal ahaan waxaan ka soo jeeda deegaanadaas laakiin waxaan doonayaa dad xor ah iyo iyagu jiritaankooda iyo aayahooda ka tashada oo aan waxba loo yeerin.

    Wabillaahi towfeeq

    Mohamad Yusuf Muse

  10. shaandheeye says:

    waxaan layaaba ama ku qoslaa wasiisr , agaasime iyo xil cajiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiib war xilku xagee yaallaa , meesha waxaa yaala meyd iyo oohin cajiiiiiiiiiiiiiiiiiiib inta xilka maantay somaliya ka rabta waa tuug raba in la masruufo laguna masruufo axanka ummadda cajiiiiiiiiiiib

  11. cabdulaahi - a says:

    bismilaah
    labadaa waxaa kulmiyay waa baadil iyo aduunyo jaceel
    maxaa siyaasad galiyay sufahaadaas shalay waxay lahaayeen diin baan u dagaalamaynaa
    midda labaad waxaad layaabaysaa maxay gaalo uga wada talaqaadanayaan xabash iwm
    cidii xaq cad rabto in ay alaah birito lahortagaan nimankaa cadwga naga difaacayo hasoo raaceen , allaah baa wayn oo caadil ah barina dadka kalbixin doono
    wabilaahi tawfiq

  12. libaax says:

    BISMILLAAH.
    ALXAMDU LILLAAHIRABBILCAALAMIIN.
    ALLAAHUMMA SALLI WASALLIM CALAA NABIYYINAA MUXAMMAD WA AALIHII WASAXBIII WASALLAM.

    ASSALAAMU CALAYKUM , DHAMMAAN WALAALAHA KA AH XUBIN MEESHAAN , OO MARKASTA U QIIRAYSAN INAY
    GARAB ISTAAGAAN XAQQA IYO WALAALAHOODA U TAAGAN
    HABAY IYO MAALIN INAY KALIMADDA ALLAAH KOR KA DHIGAAN , ISLA MARKAANA HOR TAAGAN GAALADA IYO
    ADEEGAYAASHOODA SOOMAALIYEED EE AY UGU HOREEYAAN SHARAF BEELAHA IYO KUWA LA BAXAY MAGACA FIICAN LAAKIIN AAN U MALAYNAYO IN NIN KA MIDA WALAALAHA SIDA FIICAN UGA MUUQDA BOGGAAN ALLAAH HA KA ABAAL MARIYO HIILADA
    AAN KALA GO’A LAHAYN, WALAALKAAS BAA MAGAC U BAXSHAY QOLODAAS WAXAANA IS LEEYAHAY WAY KU HABBOON YIHIIN IN LOOGU YEERO ” ahlu sun iyo jab” oo ayagoo dhan waa sun soconaysa oo meeshay galaana way ku jabaan libintuna ma raacdo.

    waxaan filayaa dhammaantiin inaad wada fahamteen dantii iyo ujeedadii uu lahaa sharaf beelahu , sharafta rabbigay ka qaad, waanu ku qaldanay markaan u malaynay inuu wadaad yahay waanse loo noqon doonin.

    ikhwaanii hadda ka bacdi aynu raacno walaalaheena jihaadka u taagan aynu iska dayno
    tafaruqa iyo kala daadsanaanta , ninkii aduunyo
    doona wuu heli , kii aakhiro rabana wuu heli.

    waxaa nala gudboon inayu runta sheegno oo nafta
    aynu ka dayno beenta iyo khiyaanada , kuwaas maanta axmaarada iyo buruniga iyo yugaadhada iyo maraykan iyo keenya iyo jabuuti wata waxba nooma hayaan rabbigeen subxaanah baa wax walba noo haya , kitaabka iyo sunnada maxaa naga hortaagan inaynu sida ay yihiin u raacno oo culimadii salafka ku dayano , salafku waa kuwii u soo halgamay diintaan oo gaalada dhiigooda soo qubay , mise walaalayaalow qabiilka qurxintiisa iyo qabqablaha qabiilka baynu gabaad ka dhiganay ? runtii waxaan camalkeena ahayn waxba nooma tarayaan.
    qofkii camalkiisu reebo ,reer hebel baan ahay kuma badbaado maalinta qiyaamada .

    rabbow islaamka igu dil.

  13. RAAXEEYE says:

    Hadii gaalo raacyo midoobayaan waxaan aad iyo aad ugu kalsoonahay in Mujaahidiinta dhabta ah ay midoobayaan dhawaan dadkii qabiil iyo kursi iyo qabyaalad u dagaalamyayne ay iska kala tegi doonaan sida hada xamar noooga dhex muuqato

    gaalo raacyadu ogow uma midoobayaan in ay diin Alle koryeelaan ee waxay u midoobayaan in diinta Alle la dagaalamaan iyo in kuraas aduunyo ay qeybsadaan waayo Mels Zanaawi iyo gaalada kale diin islaam in wax loo qabto ama islaam la tadbiiqiyo lagama filayo

    Bishaareysta dadka dibada joogow kheyr badan iyo guulo badan baa xamar ka jiro gaalo wey jabtay labadii dagaal ee ugu danbeeyay

    Bishaareysta xamar beryahan kulamo badan oo midow ah ayaa jiree ducada noo soo badiya dadkiina dibada joogow dad muslimiin ah oo la dulminayo oo gaalo isku soo habarwacani baa nahay Alle bes ayaan talo saaranay soo duceeya in Alle Quluubta mujaahidiinta saxda isku wada xiro

    ogaada mar walba oo guusha islaamka soo dhawaataba waxaan maqleynaa shirar dibada laga abaabulayo si loo mija xaabiyo guulaha mujaahidiinta , Xasbunalaah wanicma wakiil bes ayaan haynaa weyna nagu filantahay waayo Alle isaga ayaa ugu cilmi badan cadowgeena isagaana nagu fillan . ee ducada muslimiinta fadlan yaan nalaka baqiilin

    Raaxeeye
    mogadishu Somalia

  14. hani says:

    BISMILAAH
    ehlujaga waljamaaca ilaah idinkis jabkiina waa soo dhawaadey waxa u noqondontaan adis qayaanadina hada ayeey soo baxdey waa ILAAH mahadiis mujaahidiinta ayaa nigu jaano tagi doona, war naftiina ayaad qayaanteen wad is duleyseen diintina ayaa ku ibsateen aduunyo niinki manta nool bari manoola war toobadkeena o diintina ku noqda waa wax idinka i nii roon ILAAH asaga ayaa sharaf boqornimo dhamanteen iskale wax uu idinka bahan yahay malahan hadi aad isduleyseen wa hol nitaalo hadal nin badeyeyna ma wada odhan nin yarreeyeyna kama wada tegin ee aan iska gaabsado

  15. xasan says:

    aniga waxan taageeraa mujaahidiinta la dagaalamee ugandheeska gaalada ah balse waan ku faraxsanahay heshiiska dhexmaraya dowlad ku sheega iyo ahlusab waljalaafa waayo waxuu soo dadajinaa burburkii 2da kooxood ee heshiisay, allaahu akbar allaaah siduu doono buu diintiisa ugu gargaara wadadii ay ku burburilahaayeen bey qaadeen.

  16. hani says:

    somali mirror fadlan nagadaya cunaqabateenka no daaya tacliiqa markan ku daalno ayaa jartan fadlan edanada wax ka qabta

  17. Cali Guure says:

    ahlu sunna kulahaa.

    Xasan Maxamud goormuu noqday ahlu sunnah? Markii iigu dambeysay duubwayn iyo xir wayn oo diinta dhabta baran baan ku ogaa. Reer Caabudwaaq iyo dhuusamareeb waa fikireen sidii ay u heli lahaayeen manaasib adduun iyagao oo qabiilooyin ah adeegsanaya xeelad kasta oo been ah.

    Waxay Xabashida u alliftay magaca ahlu sunnah kaddib markii qaarkood ku dacwiyeen in magacaasi shaqayn karo.

    Suuqooda siyaasadeed waxaa uu cirka isku shareerary markii ay jabiyeen shabaab, wareen dhallintooda waddoonyinka.

    Labada qabiil ee doonaya inay siraan Soomalida kale waa mareexaan iyo cayr.

    Hadda labaduba waxay ku jiraan shabaab (mareexaan oo taarigiisa qabiil ahaan u taagersan yahay), Xisbiga, dowlad ku sheegga iwm.

    Marka xitaa kuwa xisbiga ku jira ee mareexaan badankooda shuhba ku jirta. Kuwa Kismaayo joogo ee shabaabka sheegta iyaga iyo mooryaantooda waxay dhammaan ka siman yihiin sidii ay ula dagaallami lahaayeen absamaha iyaga oo adeegsanaya shabaabka.

    Haddaba dhibka mareexaan haysata waxay tahay haddii heshiiska dhex mara shariif waxaa uu rabaa in lala dagaalo Xisbiga iyo shabaabka.

    Mareexaanka ahlu sunnada sheegtana waa og yihiin haddii uu heshiinkan Xabashida taagerto waxaa khasab ku noqonaya inay la dagaallamayaan wiilashooda gaar ahaan kuwa ula safan shabab hab qabiil.

    Arrinku waa ku qaraar yahay. Sidaa awgeed maanta kii u hadleyey oo cimaamadda madow xirnaa laba daan ayuu yeeray. Dhinacna heshiiska waa uu rabaa, dhinacna waxaa uu diidayaa qodobadda la doonayo in lagu fuliyo.

    Marka arrinku waa ku xees bees.

    Ahlu baadhilka waa lagu yaqaan is beddel beddelka.

    Haddii heshiiskan sidiisa loo fuliyo waxay dhib ku tahay shacabka Soomaaliyeed.

    Waxay si khaas u kashifi doontaa ciyaarta siyaasadeed ee mareexaan ee ku adkaatay fulinteeda sida muuqata.

    Waxay khasaaro ku tahay laba koox haba kala darnaadeene:

    1- shabaabka oo cudduddooda qabiilka ay ku taagnayd qabsan doonto laba daran mid dooro

    2- Qosyka Marexaan oo u muuqata in liqi kari la yahay cad ka wayn hungurigiisa.

    Si kastaba ha ahaate waxaa la sugayaa in markii kooxdan hadafkeeda gaarto ama ku fashinto in saaxada soomaliya u furan tahay in kooxo kale soo baxaan oo xambaarsan magacyo diineed iyaga oo doonaya himiliyo qabiileed.

    Labadan urur oo qarka isu saaraan waxaa ka muuqata inaysan lahayn karti siyaasadeed ee ay ku dhisaan dawlad Islaami iyo cudud ciidan ay ku muuqiyaan gaalada Amison iyo gaal la jireenka.

    Marka waa ha wareego caddeysato.

    Ilaahow na famsii fiqiqa jihaadka iyo in loo jideeyey jihaadka hanuunita dadka iyo helidda dawlad Islaami ah.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Kooxda sheegata Ahlu Sunnah & DKMG oo heshiis isla gaarey.
  2. Maleeshiyaadka kooxda sheegata Ahlu Sunnah oo kala dareeray.
  3. Kooxda Sheegata Ahlu Sunnah Wal Jameeca oo la wareegtay Wabxo
  4. Kooxda sheegata Ahlu Sunnah oo dib Dh/mareeb ula wareegay & Xaaladihii ugu danbeeyay ee Gobolka.
  5. Kooxda Sheegata Ahlu Sunnah “Dowlad aan la kulanay ama nala kulantay ama kulan noogu yeertay ma jirto”

Latest Headlines