Dagaalo Xoogan oo ay barbarsocdaan Madaafiic si xun loogu garaacay Xaafadaha ka baxsan Furimaha Ciidamada ayaa Maalintii labaad ka dhacay Qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho waxayna ku fideen Degmooyin hor leh, waxaana guulo ka kala sheegtay qaar kamida Dhinacyadii uu u dhexeeyey.
Dagaalka ayaa Subaxnimadii Saaka dib uga bilowday Degmooyinka C/casiis iyo Shibis oo uu shalay oo dhan ka socday wuxuuna sidoo kale ku fiday Degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag, waxaana barbar socday Madaafiic ay ku hoobteen shacab badan oo Rayid ah kuwaas oo ay Duqeymaha AMISOM ku saameeyey Deegaanadooda.
Tiro kamida Taangiyada AMIOSM ayaa ka qeybqaadanayey Dagaalka Saaka ka dhacay Degmooyinka Shibis iyo C/Casiis waxayna Ciidamada Shisheeye u qeybiyeen inta badan Degmooyinka Muqdisho Madaafiic Culculus oo waxyeelo xoogan u geysatay dadka Rayidka ah.
Cali Muuse oo kamida howlwadeenada Gaadiidka Gurmadka Degdega ayaa sheegay inay qaadeen dhaawacyada in kabadan 83 Qof oo Rayida isla markaana ay arkeen dhimashada in kabadan 30 Qof oo Shacaba.
Mafac ku dhacay Xaafada Jamhuuriya ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ku dhintay 4 qof oo isku qoys ahaa waaxaana sidoo kale duqeymuhu si xoogan ugu dheceen Yaaqshiid, Kaaraan, C/casiis, Shibis, iyo Xafadaha ay ka kooban yihiin Degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag sida Suuqa weyn ee Bakaaraha oo ay dad badan ku waxyeeloobeen Madaafiic ay la dhaceen Ciidamada AMISOM taas oo sababtay in suuqa uu xirmo.
Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo DKMG ah ayaa Guulo ka kala sheegtay Dagaalada dhacay Maanta laakin waxaan dagaalka ka hadlin Ciidamada AMISOM oo ay Dabaabaadkoodu Dagaalka qeyb ka ahaayeen.
Afhayeenka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Cali Maxamud Raage( Sh Cali Dheere) oo saxaafada Shir jaraa’id u qabtay ayaa sheegay inay Dagaalka Maanta soo qaadeen Ciidamada AMISOM oo watay Tobanaan dabaabado ah wuxuuna carabaabay inay jilibka u dhigeen iskana difaaceen weerarkaas.
Sidoo kale Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in Guutada Qaraxyada Al-shabaab oo adeegsanaya Khidado Cusub ay Gubeen Taangi kamida Dabaabaadka AMISOM ee Dagaalka ka qeybqaadanayey.
Dhanka kale Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga DKMG Yuusuf Indhacade oo isna shir jaraa’id qabtay ayaa beeniyey Sheegashada Al-Shabaab wuxuuna tilmaamay inay dagaalka dhankooda guul kagaareen.
Dagaalada iyo Duqeymaha galay Maalintii labaad ee ka socda Magaalada Muqdisho ayaa Qasaaraha ugu badan gaarsiiyey Dadka Rayidka ah ee ku dhaqan Magaalada, waxeyna dhibaatada ugu xoogani kadhalatay Madaafiicda Safmarka ah ee ay Ciidamada AMISOM mar walba la dhacaan Xaafadaha Shacabku ku badan yahay.

Related posts:
Guusha marwalba waxaa iska leh alshabaab iyo dowlada,,qasaarahana waxaa marwalba iska leh shacabka.
allahu akbar allahu munazil alkitaab sariical xiaasbi alhumma ahzima al saliibiyiina wa ikhawaanahaum inshllahu waa ay jabeen hal adkeesto waxyar baa dhiman mujihaadiinta lilaahyow sug cirbootoda
wa wax lala yaabo dowlada labo xaafada ku jirta kaliya oo shiisheyaa ayaana ka dicaayo
markanah lasoo weeraro shacabki xasuuqeeso
horto kowaan ma shacabaka loosoo diray sidee ee u xasuuqi lahaayeen ilaahy hanag qabto sheekh qaniis
Allow adaa weyne umaddaas Soomaaliyeed ee Musdisho iyo Koonfurta Soomaaliya ku nool dhibka ka saar oo nasar usoo dedeji.
Kuwan calooshood u shaqaystayaasha ee soo duulay markii wax la gaadhsiiyo maatada iyo maxasta ayay ka jaraan. Adduunka ninkii Muslim ah ee ka hor yimaada mashruuca duliyeynta Muslimiinta dhibkaas buu marayaa. Marka tan eegto iyo dhibka Falastiin, Ciraaq, iyo Afghanistaan haysata baa waxaa kuu cadaanaysa sida Islaam loo necebyahay.
Allaa awood leh oo wax walba awooda.
Soomaali talo waa u taqaalaa. Waqtigii caqligu talin lahaa waa la joogaa oo 20 sanno ayaa inoo go’ay oo nabadgelyo iyo nolol la inoo diidey.
Mid shisheeye daba ka wado, mid diin u jihaadaya, iyo mid xukun u dagaalaya, iyo inteena kala taageersan ururada Soomaaliya ka jira talo waa inoo taalaa. War caqliga halaga shaqaysiiyo oo sidaan aan isu dhaano oo Alle ka baqno. Hooyooyin, caruur, iyo waayeel kale ayaa la xasuuqayaa oo BM (katyusha) lagu garaacayaa oo cid is weydiisanaa aanay jirin.
a/c/w waxaan walaalaheen degan moqdisho ka codsan lahaa inay isaga guuraan magaalada oo arlada alaah waa waasac,dad badan baa magaaladaas isaga tagay oo maanta aduunka cirafyadiisa ku nool alaha idin gargaaree magaalada shaydaamo qarsoon baa ku shaqeysaneeysee walalayaal ha ku baabi’ina,oo daga meel madfaca amison uusan gaareen
gumaad shacab dowlad laguma naqdo illaahow ka qabo tuugadan qandaraasleyda ah
Nin daad qaaday xumbo cuskay.
sheekh cali m raage..labo sano ayey kusii dhow dahay weerarada aad soomaaliya ka wadaan gaar ahaan magaalada muqdisho,kadib markii alle ka saaray Injirleydii Axmaarada ee jabka kala huleeleye soomaaliyana,illaa iyo wakhtigaas illaa hadda waxaa aad dagaal aad rideysaan xabbad aan cidna u aaba yeeleynin,natiijada markii lasoo koobana waxaa ay kusoo biyo shubaneysaa in 99% waxa ku dhimanaya ay yihiin dad soomaaliyeed,waliba dadkaasi dhimanaya 3meelood marka loo qeybiyo 2qeybood waa shacabka waxba aan galabsan ee hadana taagta daran.
Taas macnaheedu waxaa weeyaan 10kii qof ee dagaalada ku dhintaayi 8 ka mid ah waa shacabka,labada soo hartay ayuunbaa la oran karaa ama waa kuwiinan mujaahidiinta isku magacaabay amaba kuwa dawladda sheeganaya,waxaa intaas daba socda in sida laga soo xigto hey,adaha qaxootiyada ay maalin kasta dalka ka baxaan oo qaxooti ahaan isu dhiibaan ugu yaraan 200 oo qoys oo soomaali ah oo gala dalalka deriska ah,aan ku darno iyadana 10naanka maalin walba gaajada cudurada iyo datyeel la,aanta u dhimata,idinkuna hadaad islaamiyiin tihiin maalin walba waxaad ku hadaaqeysaan guul baan gaarney iyo ku celcelinta kelmadda alle ee (Allaahu akbar,Allaahu akbar) aaway marka sheekh caliyow guusha aad gaarteen?,aawayse daadkiinii qulqulqyey ee ku sheeganayseen inaad ku jiiri doontaan kuwa taangiga Afrikaanka ku jira ee dalkoodii iyo dadkoodiiba mansabka ku badashay? maanta waxaad dhaafi la,dihiin labadii xaafadood ee maalinkii ugu horeysay aad joogteen ,markii aad xabadda ka billowdeen magaalada Muqdisho,ma shacabka bara kacay iyo baabi,iisa ayaa guul ah ma hooyada iyo caruurta hoos daadsan banaanada cidlada ah ee qorraxda iyo dhaxanta waxay ka hoos galaan aan jirin ayaa guul ah?,ma shacabkaan badaha ku baaba,aya ee waayey wax sabata bixiya ayaa guul ah? ma raggii shalay dhufeyska ku wada jirey ee maanta dhiigoodii is xalaashaday ayaa guul ah? mise rajadan soomaaliyeed ee godka kusii dhacaysa ayaa guul ah?..waxaa la oran karaa intaasoo hoog iyo halaag laysku daray oo guul lagu sheegtaayi inay tahay oraahdii soomaaliyeed ee ahayd “NIN DAAD QAADAY XUMBO CUSKAY).
Bal aan fiiriyo in baandowgii la ii saarey la iga qaaday
mar walba saliibiyiinta ilaah ayaa jabinaya inshaa allaah alaahu akbar
Indhacadde oo khaain ah, umaleynmaayo Dowlad uu la’socdo in ay guuleysaneyso. Munaafuqaas Muslimiinta inta dagaal galiyey Xajka ku aaday xoolo xaaraan ah oo uusan shqeysan.
Waxaa nasiib darro ah, in rag reerahooda aan deganeyn wadanka ay dadka laayaan.
1-Shariif xaasakiisa diyaarad aya diya rue h, shubka V.Somaliyana way ku xareesanyihin, asna safar aan dhamaman uu ku jiraa, kursi aan jirin-na wuu ku fahidyanaa, dadkanaa allaa u maqaan.
2-Xasan daahir, Reerkiisa Masar ay si nabad leh ku joogaan, Marka ay ilmahiisa waxbarasho iyo caafimaad tayo leh helaayaan, ilmo Soomalaiyeed ayaa ceelasha biyaha oo ah xaruntisa cusub gaajo iyo daryeel la;an ug dhimanaaya, ardaydana waad la socotaan qaraxyad alal beegsanaayo. waxan kaloo ka daraaya in farxadda caruurtiisa(caruuta xasan daahir) malamaha ciida, fasaxa iyo guurka mid la mid ah ay istaahilaan caruurta soomaliyeed dhamaantood.
3-Shabaab, Cali dheere iyo asxaabtiisa oo ug horeeyo Abu-mansuur, muddo ayay sheganaayeen in ay rbaan una gar-gaarayaan dad ay ku sheegen mujaahidiin(Al-Qaacida), hadaad xasuusaaan ayagon xiriir toos ah la yeelan ayay billaabeen beer-laxawsi iyo sheegasho ana sal lahayn o ay leeyihiin “Alqacida” ayan nahay. su’aashu waxay taahy? maxaad ku tihiin? mise la socotaan in ALqaacida ay tahay suuq ka mid ah suuqyada hubka iyo sir-doonka, oo laga iibsado hub iyo macluumaad? gacan goyn aan marqaati iyo miisaan sharci ah ku dhisneyn oo aan la xisaabin qiimaha sheyga la xaday(waaba haddii wax la xaday) waxan ka dhaxleyna oo aan ahayn dad cuuryamiin ah ma jiraan. midna waa iga xasuusin Ethopia markay soo noqot dhalinyaro dalka difaacdo aa loo baahanyahay dadka ha cuuryaamina..
Hadal badna haan ma buuxsho, umadda ilahay dhibka haka saaro. Qolooyinka is haayana meelaha ay ay ka yimaadeen ilaahay hanooga celiyo:-
Shariif & Qomkiisa, kenya iyo suudaan.
Shabaab & shartooda, buuraha Afghan(dadka afghan ee dulman)..
Xizbiga kale, Godadkii ay ka yimaadeen.
Ku:-Maamulka S.mirror, hadaad soo dabacdaan qoralkayagan dirac baad tihiin, laba kolba waa mahadsantihiin.
Al-shabaab waqtigoodii waa dhamaaday, Insha Allaah wadankana waa laga bixinaa. Dowlada Islaamiga ee uu Sh. Shariif hogaaminayo, Ha guuleysato cadawgeedana ha jabo.
BISMILAAH
mansha alaah akhii sheekh cali runti geesi ayaa tahay geesi marbuu dhintaa fulay kun jeer akhii geesi nimada wa loo bahanyahay maanta waliba geesi nimada waxaa ku darsatay run sheeg ayaa tahay waa la ogyahay in ay guusha ay mujahidiinta leyihin lkn reer bahuka kuwa hoosta kuwato akheyro iyo aduunba way qasareen war markay leyihin wan guleysanay intay shacabka xasuqan si xaqdara ah hadana ay kufanayan dhibka ay geesteen walee been fakatay runi ma gaadho munafiq yaa war kisa qadanaayo waa la ogyahay waxay yihiin ILAAH ayaa kitaabikisa kusheegay oo dhoormelood oga hadlay marka cawa iyo bari hadii ay dhahaan wan guleysanay cid maqleeyso majirto ilaa kuwa ayaga oo kale ma ogiye war munaafiqiyahoow waxaa tihin isu qabe yaal aan loo qabin oo isla qaali ah ALLE hii idin abuurtay ayaa ka fogateen gaalo isku dhiibteen ee maxaa isku kibrineysaan miyaadan ogeen in kibir lugu kufo war iska daaya riyada ee ALLE agtiisa u carara oo towbada keena gaala weerarka kuwado kitaabka ALLAAH iska qabta taas ayaa idin an faceeso akhiiro iyo aduunba iska daaya shacabka dhigooda aad baneesateen
ascwr wb salaanta islaamka kadib waxaan runtii layabanahay dalmar wuxuu ku leyahay dawlaada islaamka ah warmamida sharka iyo halaga musliiminta uhorseday oo meelwalba galo gacanta uhorsatay ayaad inay dawlaad islaama uaragta ilaaho mida musliiminta kaqabo shariifna xaqa waa yaqan oo wuu iska indhotire musliimka kaqabo kabaqadka galad cizti iyo sharaftiiba ilaahay ayaa kaxayubiyeye gal ayuu gacanta udhigtay wadankiina galo ayuu gacanta ugeliye masakiinti gumaday alow shartiisa naga
inaa lillaaahi wa ina ilayhi rajicuun ilaaahow somalifaraj khayr qaba ufur allaahu akbar