Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa oo Xaqiijiyey inay DKMG kala qeyqaadanayaan Dagaalada.

Published on March 10, 2010 by   ·   22 Comments   ·   print

Hogaanka Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka u qaabilsan Africa General William Ward ayaa shaaca ka qaaday inay ka qeybqaadan doonaan Dagaalka DKMG ahi ku dooneyso qabsashada Caasimada wuxuuna arintaa ku tilmaamay mid lagu soo celinayo Xasiloonida Dalka.

Gen William Ward oo warbixin siinayey Golaha Odoyaasha Mareykanka ayaa sheegay inuu haatan socdo u diyaargaworga qabsashada Caasimada wuxuuna carabka ku adkeeyey in Mareykanku arintaa gacan weyn ka geysanayo.

Waxa uu diiday inuu tafaasiil ka bixiyo qaabka ay noqoneyso taageeradooda laakin wuxuu ku celceliyey inay Sh Shariif lagarab taagan yihiin Taageero dhan walba leh.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay ka gacan siin doonaan Dowlada Sheekh Shariif soocelinta Amaanka iyo kala dambeynta.

Wargeyska New York Times ayaa Isbuucii la soo dhaafay ka soo xigatay Mas’uuliyiin Mareykana oo diiday in la sheegay magacooda in Ciidamada gaarka ah ee Mareykanku gacan ka geysan doonaan inay DKMG lawareegto Caasimada Muqdisho lagan Ceyriyo Xoogaga Islaamiyiinta ah. Waxuuna wargeysku adkeeyey in Weerarkaasi bilaaban doono Isbuucyo gudohood.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Taliska Bileyska DKMG ah oo sheegay inay Ilaalo Suuqa Bakaaraha u sameynayaan.
  2. Mareykanka oo Dhaleeceyay Dagaalada ka Socda Muqdisho.
  3. Ciidamada Mareykanka oo bilaabey inay ka baxaan Gudaha Magaalooyinka Ciraaq.
  4. DKMG ah oo soo bandhigtey 5 dhalinyaro ah oo ay sheegeen Dagaalada inay ku soo qabteen.
  5. Mareykanka oo Eretrea ku tuhunsan gacan siinta Xoogaga DKMG ah ka soo horjeeda.

Readers Comments (22)

  1. jarabun says:

    waa guul usoo hoyatey mujaahidiinta waayo dadkii odhan jirey shabab iyo xisbll islam waxooodo mahaa diin ayaaa u cadaaneysa shacabka somaliyeed sidaas beyna ku guuleysanayaan ilahow jabi gaalada iyo gaala raaca waxaa lakiin shaqsi ahaanteyda igu noqotey mucjiso sida dhabta ha ee shariif diinta oga baxay ilaahow soo haanuuni hadaa hanuuka hayee

  2. jarabun says:

    waa guul soo hoyatey mujaahidiin in mareykan weerar ku soo qaado waayo daadkiiba fahmaya gaalada iyo gaala rac weyna jabayaan inshalah

  3. Abdulrizak says:

    Maraykanka waxaan ugu baqayaa in uu ka laabto hadalada uu hawada somarinayo oo ah somaliya ayaa dagaal ku qadeynaa Allah ayaa macigena ah

  4. Abu-salman says:

    Wallee maantuu dalkii aadis leeyahay
    waxaan naftayda iyo mujaahidiinta commentska ugu yeedhayaa in laysaga baahan yahay Muqdisho hadal waxba tari maayn e

  5. ma sidaan ayaan gaalo uga adkaan karnaa?!!!! says:

    Ilaahoow na badbaadi.
    Ma sidaan ayay gaalo u soo xeyd xeydanaysaa?
    anagana khilaaf & ururo magacyo badan ayaan kala nahay oo aan isku dileynaa ? mid kasta wuxuu sheeganaya in uu keligiis jihaadka wado, kuwa kalena ay yihiin …………!!!!
    Ilaahoow naga soo gaar.
    Lilaahi( Illahay dartiis) waa yaraatay , waxaa batay lil kursi & lil aduunyo oo hadana magac jihaad huwan.
    Yaa ii macneynaya nin sheeganaya in uu jihaad wado haddana walaalkiis safka kula jira madaxa ka tooganaya?!!! sababtana waa kaliya in uu urur magac kale ku jiro, ama aysan 100% isku aragti aheyn .!
    horta yaa adiga ku dahiray ? yaa urukaaga ka dhigay midka kaliya ee xaqa ku taagan?!!!.
    Marka aan arko xaalka muslimiinta guud ahaan gaar ahaan Soomaaliya waxaan soo xasuustaa xadiithkii nabiga ee uu ku sheegay in calaamadaha saacadda khiyaamada ay ka mid yihiin : (in arinka & maamulka loo dhiibo dad aan ahal u aheyn & in qof kastaa uu cajab geliyo ra’yigiisa oo uu isla saxsanaado….) Sadaqa Rasuulu Laah.

    Ilaahay Islaamka guuleey, Galaadana Jebi.
    Ilaahay na sii cilmi aan ku garano xaqa , & camal wanagsan.
    Ilaahayoow nagu toosi in aan xaqa raacno, oo aan ka fogaano in aan u tacasubno koox gaar ah oo aan darteed walaalheen ula coloowno.
    Ilaahayoow naga badbaado hogaan nagu hogaamiya hawadiisa & waxa uu jecel yahay.
    Ilaahayoow muslinkoo dhan walaalo nooga dhig.

    Aamiin . Aamiin

  6. CAWAALE CILMI says:

    Waxan leeyahay kuwa ka soo hor jeeda dowlada somalia hadii jihaadkiinu dhabyahay ma carari doontaan oo waa jihaadi doontaan hadii aad dan kale wadateena geedaha iyo bulshada ayaad ku dhuumandoontaan bal aan aragno waxa aad sameysaan

  7. CAWAALE CILMI says:

    Alla ha u kaalmeeyo shiq sharif shiq axmed waxa hor taagana ilaahey ha soo hanuuniyo oo ha ka dhigo kuwo u naxa shacabka daalan ee geedaha hoos daadsan

  8. wadaad yare says:

    Somalimirror

    Uma badna inaad warkeyga siin doontaan wax tix gelin ah, laakiin hadana aadanaha qofka kalee aadanahaa wuu ku qasbanyahey inuu mar kasta isku dayo inuu la xiwaaro inta albaab kasta oo xiwaar kasoo xirmayo. Markii albaabada xiwaarku xirmaana labada daraf oo aragtida isku diidan waxaan cunfi iyo gacan ka hadal aheyn oo u harey ma jirto, hadaan midkood passive qoorta u raariciya kii kale uusan noqoneyn, taasna dad badan ayeysan ka suurto gal aheyn.

    Waxaan kala garan waayey dadka Somalimirror qora sadex midkaad tihiin:

    1. Dad baqaya oo ku hoos nool caga jugleynta al shabaab, taasoo idinku kalifeysa in wararka iyo faalooyinkaba sidey jecelyihiin aad u tebisaan.

    2. Dad iyaga ku aragti ah laakiin is qarinaya sababtii rabtaaba haku kaliftee.

    3. Dad diin iney ku socdaan u heysta oo ku kedsoon oo dacaayadoodu duufsatey.

    Waxaa cajiib ah sadexdaas iftiraadba in mid kastaa wax burinaya uu leeyahey, markaasoo ay meesha imaaneyso iftiraad afaraad oonan idiin quurin oo ah inaad dano gurracan iyo xaasidnimo iyo dad ku xumeyn aad ula jirtaan.

    Nimankaan qofkii si caafimaad qabta oo fidrada waafaqsan u fekeraya iney wax kasta ka halisan yihiin wuu u jeedaa.

    Nimankaani iyagaa san ku neefle colaad u naadiyey, una diidey muslim iyo gaal qofkaan iyaga madaxa u raaricin iney qudha ka jaraan. Khalqigii ay nolosha u diideen inuu isku baheysto khatartooda oo iska dhiciyo muslim iyo gaalba waa arin dabiici ah oo diinta iyo fidrada saliimkaaba qabto.

    Wax aqoon yahanimo u baahan iyo caalimnimo maahan arintaasi ee inuu qofku common sence ama garaadka caadigaa ayaa lagu fahmi karaa. Diintuna lagama yaabo iney fidrada iyo garaadka caadigaa ka hor timaado.

    Axkaamtaan la qaloociyey iyo aayadahaan sidii la rabo laga yeelayo haku kedsoomina. Aayado la qalloociyo Khawaarij ayey wax u tari lahaayeen, haddii aayad macnaheeda la taxriifiyey ahlul xaq lagu noqonayee.

    Muqadimadaas dheer waxaan u sameeyey inaan adinka qorayaasha boggaan idinla xiwaaro ka insaan ahaan.

    Common sensiga usoo laabta Shabaab culimo iyo aqoon yahan dalkii intey joogaan uma soo laaban karaan oo way dilayaan, haddii ilaahey khalqigiisa kuwo ka mid ah oo ka awood badan umadaas madluumkaa usoo diro oo balaayadaan malakul mawtkaa ku baabi,iyo ama ku wiiqo oo culimadii masaajida ka carartey duruustoodi bilaabaan oo soo noqdaan, oo muthaqafiintii iyo qaxootigii soo noqdo oo guryahayagi aan xaar xaarano ma islaamkey taasi wax yeeleysaa mise wax bay u tareysaa?

    Mareykanku waa dawlad xadaarad leh oo malaayiin muslimiin ah ayaa dalkeeda ku nool dhibaatana loo geysan, iyo gumeysato soomaaliya ama dadkeeda leysana wax dan ah kama laha, laakiin hadey dagaalka soo gasho iney cadawgeeda oo soomaalida inta badan cadaw u ah oo Alshabaab ah(Alqacida) iney la dirirtey usoo geleysaa. Waxaanan rajeynayaa iney godadka sharta iyo shirqoolada laga maleego ilaahey sawaariikhdooda ku aadiyo, dadka shacabkaana ka badbaadiyo.

    Hadaad somalimirrorey Shabaab la tacaadufsantihiin ciil iyo calool xumo adinkey idinku danbeyneysaa waana la hubaa. Ilaaheyna ajar kama aadnan gurubsan oo dad ahlul shar ah oo dhiiga abriyadu gacantooda ka difqayaad taageersantihiin, aduunkana dad la hubo ineysan mustaqbal laheyn oo baaba,ya laakiin dakano ka tegaya ayaad dusha saarateen.

    War is xisaabiya intaan leydin xisaabin oo muraajaceeya afcaashiina oo u hiiliya dadka madluumkaa oo xoogaas sharta isku baheystey uu ku tumanayo.

  9. nasriyare says:

    Waa arin la aqbalikaro maxayelay+anagu xalwaznay hadi aan somalinahay waxaana kucadaynaya halka aymarayso siyaasada islamiyinta taso tagan in ay is ugarsada o ay isgaleyan marka maraykan ha iska yimado hadii u xalku imayano hadanahay shacabka somaliyed xalkenu waxay maraysa ninbuka boqoli utaliday asc

  10. Hassan says:

    war wa fitnoooooooooooooo. kkkkkkkkkk. sheikh fulan ba yidhi.

  11. wanaag jecel says:

    War amay roonaan lahayd in la isu tanaasulo, oo Sh. Shariif joojiyo (haduu joojin karo) u gacan galka quwado ka xoogbadan oo hadhow amar siiya, Xoogagga Muqaawamaduna aysan cadaw ka xoog badan -tii Alle waa meesheedee- aysan u yeeran oo tamaniyin liqaa-gooda.

    Aakhirona nin walba xisaab u gooni ah sida uu Alle diintiisa ugu tuntay ayaa sugaysa.

    Allow labada dhinacba sawaabka waafaji,

  12. sharmaake says:

    kan wadan ka inuu nabad kadhigo uma soo socdo

  13. abu sayaaaaf says:

    walalayaal marka hore waan idin salaamay slaan ka dib wax lalayaabo ama la qariibsado maaha in gaal ka cabaado markasta oo uu arko dawlad islaam ah oo dhisantay laakiin waxaan leeeyahay maraykanku somalia ayuu ku jabay yadoo aan diin loo dagaalamayn bal ka waran yadoo aanu u dagaalamayno diin dilkodana aaanu u aragno inaanu kaga badbaadayno naarta dilkayagana aanu u aragno shahaado alaaaaaaaaaaaaahu akbaar

  14. AhmedNuur says:

    Sida aan ognahay cadowga maraykanka & yuhuuda waxay kala qaybiyeen umadda soomaaliyeed walaalkaa aan dilee ila dil waa talada xumida maraykanka wayna guulaysanayeen walaalaha mujaahidiinta dagaalkuna waxa uu u dhexeeyaa ahlul xaqa & ahlu baadilka marka ahlul xaqa ayaa guulaysan doona waxaana jabaya maraykanka,amison & Kmg gaalo raacyada ah ee tuuga ah isla markaana mujrimiinta ah diintoodii & dalkoodii gatay

  15. c/laah says:

    waa guul usoo hoyoyatay mujaahidiinta ilaahey ayuaan ubaryeynaa in uu ilaahey jabiyo gaalo iyo gaalo raacba waxaan wax lala yaabo ah ninka lagu sheego in uu yahay madax weynaha soomaaliya sh. shariif. sheekh madhehi karnee wuxuu dhehi jiray ninka weydiista gaalo gaargraar waa uu gaaloobay hadana asigii miyaa weydiisanaya gargaar mareykan markii hore miyuu aldanaa waayaabe mise shilmaha ayaa wareeriyey waxaan leenahay shacabka soomaaliya ha is garabsadeen oo ha iska celiyeen cadowga diinta iyo cadowga soomaalia iyo wax u ah dabadhilif calooshoo ushaqeystayaal ah garab hasiiyeen mujaahidiinta tan waa aduunyo waa laga tagayaa waxaad helidoonaa inaad kaguuleysataan gaalada ama ama aad janadiisa wabillhi toqfiiq www

  16. Nafac Omar says:

    arintani waxy kor u qadi donta dadka ku so biraya Mujahidinta oo aan manta ka tirsaneyn iyo kuwa ka aminsan xumanta in ay fahman xaqa halka u ka jiro
    Eng. Nafie Omar

  17. Muxamad says:

    Ku: somalimirror. Horta waxaa ceeb idinku ah inaad dadka ugu yeertaan kaalaya faalo ku qora webkanaga hadana markay dadku faalada qoraan maskaxda ka shaqaysiiyaan lacag iyo dadaal iyo waqti ku bixiyaan markaa ka dib aad faaladii tirtirtaan ama aad luuq galisaan. Waa wax la yaabo inaad dadka tiraahdaan kaalaya fikrad dhiibta hadana fikradahoodii xayirtaan, la garay ninkii wax baadil ah rabo inuu meel mariyo inaad fikirkiisa hor istaagtaan sida midkaan wadaad yare laakiin ninka waxa uu ku hadlayo ay xaq yihiin waxa uu radinayo ay baadil yihiin waxa uu sheegayana ay run yihiin ninkaa marka aad fikirkiisa aad qarisaan sow xaqi ma ahan waxaad qarinaysaan? Sow ma garanaysaan goodiga ku soo arooray xaqa oo la qariyo? Aaway ninkii maalin dhawayd ayadaha quraanka af latin haku soo qorin ee aan balanta kala saxiixanay inaan tacliiqayga aan xaqa ku difaacayo aan la qarinin maxaad balantii u jabiseen? Ogaada website-yo kale ayaa la helay aan tacliiga xaqa ah aan qarinaynin adinkuna la idinka ag dareeri doono hadaad sidaan aad ku socotaan aydnaan waxka badalin

  18. xog-ogaal says:

    Asc
    mid waxaan odhanayaa Nimanka Dawladda Sheegta
    midna waxaan dhan lahaa kuwa Mujaahidiinta Sheegta
    midna waxaan odhan lahaa Shacabka dhaga barjoobay.

    Dawlada kuwa sheegta

    waa ay iska caddahay sida dharaatru u caddahay in Gaalo iyo reer Galbeed aanay Dal iyo Dawlad toona idiin dhisayn, ee maad ilaahay ka baqdaan oo aad Dadka Maatida ah ee habaabay ee Geedaha hoostooda la jiifa Gaajada iyo Nafaqa darrada aad u tudhaan oo aad ka daysaan in Diyaradaha Amriika ay ku dhug bartaan Dabadeedna hadhow yidhaahdaan waa Gantaalo habaabay ( target-missed Missiles.

    Islaamiyiinta
    waad aragataan halka ay maanta idinla marayso diintii aad Dadka ku qaldi jirteen idinka oo doonaya in aad Xukun gaadhaan oo waa taas aad Hadh galay isku khaarajinaysaan Meelihii aad wada joogteen (sida loo badinayo), ma idiin haboon tahay in aad u tudhaan Hanbada Shacabka ka soo hadhay Madaafiicda Gaala Madawda Amisom iyo kuwiina, ugana diga rogataan Meelihiina Xeel Dagaal, (qaarkiin ayaa odhan doona waa Gaalnimo in Cadawga Duburta loo jeediyo, haddaan idiin aqbalo dacwaddiina, xusuusta Aayadda Qur’aanka ah ee Macnaheedu yahay “idinka oo xeel dagaal gadaal ugu guranaya”.

    Shacabka
    Geed ayaa maah-maahay oo yidhi “Gudin yahay imaad goyseen haddaan Badhkay kugu jirin”.

    waa hubaal in uu idinka yahay waxa Dhibaatada joogtada ah mar kasta haysata haddana idinku aad tihiin Masdarka dhibtaas, waayo waxa aad mar walba ku kala faylsan tihiin oo aad kala taageraysaan dantiinana ma taqaannaan, kolba qolo ayaa idinka Aw kacsata oo Dabka idinku shubta, mana lihidin Garaad aad maya ku tidhaahdaan, waayo waxa dhimanayaa, waxa dhaawacmayaa, waxa gaajadu laynaysaa, weaxa cudurada faafaa dilayaan waa Ubadkiinna (not theirs), ka fiirsada kala jirkan aad kala jirtaan oo isku kaashada Alle ka cabsiga iyo Wanaagga.

    ws wr wb

  19. Muxamad says:

    Wadaad yare. Maalintii daarood uu axmaarada keenay dalka waxaad lahayd waa jihaad ee hala dagaalo maanta oo hawiye maraykan uu watana waxaad na leedahay muslim iyo maraykanba ha isu bahaystaan al-shabaab oo ha baabi,iyaan! Markuu cabdulaahi yuusuf axmaaro keenayna waa jihaad oo waxaan markhaati ka ahaa adigoo fatwooda in cabdulaahi yuusuf fircoon ka daran yahay maanta oo shariif iyo c.qaadir cali cumar ay maraykan u fasaxeen inay umada muslimka ah xasuuqaan waxaad na leedahay waa sax oo ha isu garabsadaan laynta mujaahidiinta wadaad yare qabyaalad ayaa dhuunta ku joogto iyo hawiyiizim waanan ku aqaanoo waxaad tahay gudoomiyihii degmada hodan ee dawladii sal-balaar ee general caydiid. Balse anagu alle.sw. Waanaga shaafiyey jirada adiga ku haysa oo anagoo reer koofureed ah ayaan raali ku nahay amiirkaa reer waqooyiga ah ama anagoo hawiye iyo daaroodba leh ayaan dooranay amiirkaas reer sheekh isxaaq oo aan waliba raali ku nahay taasoon waligeed ka dhicin somalia al-shabaab ka hor in madaxweyne reer waqooyi ah ay koofur doorato kuna qanacdo ama daarood iyo hawiye doortaan madaxweyne reer sh. Isxaaq ah taasu waa cadaalada diinta islaamka tacliiqana waxaa kula wadaago cali guure iyo inta cuqdada qabta waa hadii la ii fasaxo inkastoon ka cudur daaranayo inaan qabiil magaciisa soo qaado balse xaqa aan u cadaynayey wadaad yare inuu fircownada daarood iyo fircownada hawiye uu kala soka marsaday welina uu joogo xiligii uu ahaa gudoomiyaha degmada hodan ee sal-balaar caqliyan.

  20. Cali Guure says:

    ACW.

    -Shaki waxaan ku jirin in Mareyka maanta soo goddiyo inay ku timid garasha gaabni shabaab iyo barnaamij siyaasadeed la’aan oo kaaba kan jihaadka oo Xisbiga laga waayey.

    -Waxaan kale oo aanan shaki ku jirin nin kasta oo diintan dhab ka tahay in la jihaadi doono gaalada gafuur waynta Mareykanka iyo huwanteeda Soomaaliyeed

    -Waxaa shaki ku jiraa in Xisbiga aamini doonin marnaba shabaab oo ay ka buuxaan dad wardoon ah oo aan la ogayn waxay yihiin.

    -Waxaa kale oo shaki ku jiraa in Xisbiga ku tashan doonin walaaltinnimo shabaab oo been ah kaddib markii ay banneysteen dhiigga mujaahidiinta iyo shacabkan miskiinka ee jabay.

    -Waxaan shaki ku jirin in laba quwadood aysan isla ekayn jirinna xikmad lagu waajaho imminka.

    Shicaarku ama hal ku dheggu waa immaa al nasr wa immaa al shahaada.

    Raggii dhuumashada ku jirey iyaga ha u sheegin.

    Ilaahow u gargaar mujaahidiinta dhabta ah, siina fiqhi sharci oo dhab ah, kana dhig kuwo u adeegsada jihaadka waxa loo jideeyay oo ah koryeelidda kalimada Alle iyo hanuuninta iyo jeclaynta khalqiqa sharciga Islaamka.

  21. cali says:

    Assalamu calaykum

  22. cali says:

    Tani waxay u ektahay tii quraanku kaga waramay dagaalkii badar ee uu yiri Illaahay hadal macnihiisu ahaa:
    [{WAXAAD JECLAYDEEN TAN DHIBTA YAR (ee ah safarka), ILLAAHNA WUXUU DOONAY IN UU XAQANA MUUJIYO BAADILKA IYO GAALANA JEBIYO.}]

    Midda kale, wadaad yare intii hore waa aamusnaaye .. markii la yiri maraykan baa dagaalka soo geleyoo hadlay .. taasina waa calaamadda MUNAADIQIINTA!!




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Taliska Bileyska DKMG ah oo sheegay inay Ilaalo Suuqa Bakaaraha u sameynayaan.
  2. Mareykanka oo Dhaleeceyay Dagaalada ka Socda Muqdisho.
  3. Ciidamada Mareykanka oo bilaabey inay ka baxaan Gudaha Magaalooyinka Ciraaq.
  4. DKMG ah oo soo bandhigtey 5 dhalinyaro ah oo ay sheegeen Dagaalada inay ku soo qabteen.
  5. Mareykanka oo Eretrea ku tuhunsan gacan siinta Xoogaga DKMG ah ka soo horjeeda.

Latest Headlines