Sheekhii Azhar oo Sacuudiga ku geeriyooday.

Published on March 10, 2010 by   ·   35 Comments   ·   print

Sida ay tabisey Wakaalada Wararka ee A’sharqu Awsad, waxaa maanta dalka Sacuudiga ku geeriyoodey Sheekha Azhar, Sh Maxamed Sayid A’dandawi, xilli uu halkaa booqasho ku joogey.

Sida Wakaaladu sheegtay Sheekha ayaa u geeriyoodey wadno xanuun deg-dega ah oo ku soo boodey, waxa uuna ku sugnaa Magaalada Riyad oo uu uga qeyb galey Xaflad Abaalmarino lagu bixinayey oo loo qabtey hor marinta Luuqada Carabiga.

Sheekha oo 81 jira waxa uu hogaanka Azhar qabtey sanadkii 1996, wixii xilligaa ka danbeeyayna dood xoogan ayuu ka dhex dhaliyey, Siyaasiyiinta iyo Warbaahinta Masar iyo Caalamka Carabta oo dhan.

Go’aanada A’dandawi ee dooda xoogan dhaliyey waxaa ka mida gacan qaadkii uu la yeeshay Madaxweynada Yuhuuda Shimon Peres iyo kulamo uu yeeshay Hogaamiye Diimeedyo Yuhuuda, iyo aragtidiisa ku aadan Niqaabka oo ku tilmaamey Caado balse aan aheyn Waajib diiniya.

Azhar waxaa Mu’asasad Diiniya oo xoogan, waxaana hogaankeeda lagu doortaa Qaanuun Xubnaheeda u yaala iyo go’aan rasmiya oo ka soo baxa Madaxweynaha xilligaa ee Masar.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Qaar kamida Culimada Azhar oo kahoryimid dhismaha Madaaris Shiico.
  2. Golaha Sare ee Al-Azhar oo kulan Degdeg ah ka yeelanaya Mamnuucida indha Shareerka.
  3. Jabhadda culimada azhar oo weerartay go’aankii Dr. dandaawi ee niqaabka
  4. Culimada Azhar oo Sh Al-qardawi ku taageeray Xarimida u dabaaldega Ciidda Christmas.
  5. Ardeyad dhigata Jaamacada Azhar oo loo Jirdilay indhashareerkeeda

Readers Comments (35)

  1. umu anisaa says:

    inaa lillaaaaaaaaaaaaaaaaaaaah wa inaa illeyhi raajicuun ilaahey ha u naxariisto al caalimah sh maxamed sayid dandaawi raximullaah ilaahey janadiisa fardowsa aheyd ha geeyo aamiin aamiin aamiin.

  2. maxamed cj says:

    WIXII HOR MARSADAY AYUU LEE YAHAY .
    GABDHAHA XIJAABKA WATANA WAXBUU KA SHEEGI JIRAY , KUWAA DHILOOYINKANA WAA KA AAMUSNAAN JIRAY..

    MAANTA ALLA AYAA U HIILIYAY GABDHIHII ASTURNAA.

  3. abuu cali says:

    cibra qaadasho haku cibra qaateen midkasto oo xaqa qariya aakhirana aduun kadoorta
    culamaa u sulda masiirkooda waa halkaas
    ilaahay wuu usugaa lkn ma hilmaamo

    ilaahow khaatimada noo hagaajo

    shariif mujrim ilaahay hakabaqo inta uusan nafta waayin sida dandaawi

  4. aadan yare says:

    alaah ayaamaahd iska leh na dhaafiyay shartiisa..
    wuxuu hormarsaday Alaah ayaa kala xisaabtamaya

    khaatimada kheyr alaah hanoogu dhameeyo aamiin aamiin

  5. cade says:

    masha allah ilaahy ayaa shartiisa nadhaafiyey

  6. sha says:

    ((calayhi minallaahi maa shastaxiq)) carabi u akhri

  7. Gl says:

    ALLOW JANADII FARDOWSA GEE SHEIKH MOHAMED SAYID AAMIIN AAMIIN AAMIIN

  8. M.A.Samatar says:

    koonkan ilaahay baa leh ,isagaana og adoomihiisa waxii u horeeyey, iyo wixii jasaa i ah oo agtiisa u yaalaa, cidina kama hor imaan karto qadarta.

  9. nuuradiin (abuu dujaana) says:

    SHEIKH MOHAMED SAYID DANDAAWI,

    SH MAAHEYN !!

    ilaahey ayaa umadda kaqabtey oo dhibtiisa dhaafiyey, kadib markuu isku dayey in uu ladaalamo shacaa,irtiisa iyo niqaabka gabdhaha muxajabaadka ah ee Qariyey jiirkooda

    iskuna dayey in uu Qaawiyo oo cawradooda banaanka keeno

    waa Mucjizo Rabaani ah oo larabo in ay kuwaan toobaan kuwa ladagaalamaya allaah iyo diintiisa

  10. hassan says:

    qof hadii u dinto wa laga aamusaa {fainahum qad afddow ila maa,qadamo]

  11. Fre Falastiin says:

    inaa lilaahi wa ina ailayhi raajicuun lakin maxaa sheekh u sabab aha ain aw hadiiba dhinto nna,am qofkastaa waa dhimanlakin sabab ayaa jirta marka sababta sheekhaan maxay ahayd

  12. damqade says:

    Inaa lillaah wainaa ilayhu raajicuun alle ha unaxariisto janaddii fardawza alle hageeyo muslimiinta iyo ehelkiisana alle haka siiyo samir iyo iimaan aaamiiiiiiiiiiiiiiiiin

  13. idil says:

    asc wr wb allaah baa ku mahadsan xaalad walba wadaadka xijaabtay gaaluu kaga farxiyay in niqaabku caada yahay laakiin rabbi baa wax walba xisaabinaya allaha noo fududeeyo xisaabta aakhiro aamiin

  14. amta allah says:

    asalamuclayakum inalilah wainaa ilahay rajucun allah ha u naxriisto hana u danbidhaafo isagaba axarisata qarabada iyo ehelkiisana samir iyo iman alah haka siyo allahuma ghifir lahu warxam hu hadi o qofka dhintaa ikhwanii wax lagama shegaa lianhu xisaabtiisa alah xagiisa ayay ahaate hadu doono wuu cafin haduu daoona waa ka jaseen wayo allah isgaba ah yagfiru limayshaa wayucadib may yashaaa barkallahi asalmucalayakum

  15. luula says:

    asc. walal shekha haduu wanagana allah u ziyadsho haduu qaldana allah ha cafiyo .lkn adinku haku danbaabina ilen RASUULK SCW,waxa uu yiri meydaka wax haka shegine marka iska daaya u duceya o kaliya asc

  16. samatar says:

    sheekha allaha u naxariisto ajarna ilahay haka siiyo wixi uu u qabtay diintan wixi khalad ka dhacayna allaha ka cafiyo

    caawaa lagu tukaday masjidka nabiga laguna asay qabuuraha baqiic oo ay ku asan yihiin saxaabo badan iyo tacabiciyiin iyo culumo waaween

  17. walaal says:

    al xamdulilah hadii u dhintay mujrimkaan. intaas oo dhib ayu u geestay muslimiinta.

  18. cawaale says:

    culimada soomaaliyeed illaah haka baqkeen hana ku cibra qaateen sh, dandaawi illaah raaligaliya waa iga nasteexo

  19. Mustafe says:

    Ilaahay ha u naxariisto Duqa, laakiin koleyba wuxuu ahaa nin u adeego dano siyaasadeed oo GAALLADA IYO YUHUUDU wataan wixii uu muteyna waa ka horreeyaaan kolayse nasteexo uma haynin ummada Islaamka waana howl inaga fududaatey.

  20. Abu-salman says:

    ALLAH yarxamuh waayo kufri kuma hayno cad se wuxu lahaa fataawi aan ku fadhiyin Shariicada Islaamka Allah baa la xisaabtamaya
    waxaan se la yaabanahay dadka moodaya qubuuraha Baqiic inay ka duwan yihiin qubuuraha kale
    marhadad dhulka hoostiisa gasho wixii aad kasbatay uun baa kaa horeeya
    Saxaabaa laygu barbar aasay wax kordhin mayso.
    Allow na ilaali.

  21. Miskiin Alle says:

    Ac waxay ila tahay walaalayaal in aynaan ku dambaabin wadaadkan wuxuu ahaaba wa dhintay wuuna helayaa wixii uu hormarsaday kheyr iyo sharba ninwalbana waa sidaas. hadaba dhibka muslimiinta haysta waxaa kamid ah in ay kumashquulaan wax aan waxba uga kordhaynin bale laga yaabo in ay kudambaabaan, nin waloow adigu is xisaab inta aadan ruxkale kumashquulin waxaan hubaal ah hadii uu ruux walba isagu is xisabiyo in uusan ku mashquuleen ruux muslim ah oo waliba dhintay. Ilaahay kheyrka ha inagu toosiyo.

  22. farah says:

    Kuwa saxaabada ku ag aasay baa ka sii liita isaga.

    Ninkan wuxuu Al AZhar ka madax ahaa waqtigay
    ugu xanuun badnayd umadda Muslinka ah.

    Xataa Abughurayb wixii ka dhacay waxba kamuusan dhihin.

    Ilaahay wax ka saara maydkiisa qubuuraha saalixiinta ha u bixiyo muslinka.

    Waxani shuyuukh maahee waa dad la ijaartay oo
    umado kale u ijaaran, ee Shuyuukh ha ku sheegina.

  23. Abu-Hamzaa says:

    To miskeen Alle

    walaal waad asiibtay ee allaah swt hakaa raali noqdo.

  24. umu anisaa says:

    asc wr wb waxan ahey gabadhii ugu horeysey fikirka oo u tacsiyadeysey al caalimah sh maxamed sayid dandawi raximullaaaaaaaaaaaaaaaah waxa igu kalifey in aan mar 2aad ku soo laabto waa anigoo arkaya dad mowtada xataa aan ka fakaneyn subxaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaanallaah , qof garaneyn juz cama ama aan sixi karin salada ama aanba tukanin ayuu aflagadeynayaa culumada islaamka taasi ma aqlaaq islaam baa???? waa cajiib war ALLAAH ka baqqa oo isdaba qabta oo nin walbow naftada ka bilow sheekh dandawi raximullaah mid baa usoo qoraya gabdhihi xijaabtaa buu feydey subxaanallaah war culumada ka xishooda waa dhaxalkii anbiyada e , idiin la yaabi maayo waxad taagertan kuwa qabriyada qufaya ee lafaha culumada diintan na soo gaarsiisey fagaya ilaahey ha idiin soo hanuuniyo sh dandawi waa caalim weyn oo cilmi badan dunida kaga tegey oo kitaabo badan qorey maanta waxa lagu aasey meel ey ku duugan yihiin ASXAABU RASUULILLAAH SCW qabuurihi BAQIIC waxa ku duugan asxaab badan oo uu ku jiro CUTHMAAN BINU CAFAAN RC .
    Cabdullaahi ibnu Mascuud Allaah haka raali noqdee Nabiga (SCW) wuxuu yiri:
    “Qofka Muslimka caydiisu waa faasiqnimo, dilkiisuna waa (camal) gaalnimo.”

  25. nasrullaah says:

    UMU ANISAA
    adiga naftirkaga waxaad idha la aan kutaageertaa dad xaaladooda ilaaheey okyahay ogoowna nabiga waxaa dhaxlaayo ninkii wadadisa raco maanta waxaa jiro culuma badan oo nabigana NNKH noosheegay ineey soobixi doonaan diinta baranaayo oon ubaraneeynin dar allaah nin manta culuma isku sheegaayo xakna u adeegaayo galada ayaa jiro makas oo kale ayaa ladhihikaraa waxuu sidaa dhaxalkii anbiyada mideda kale dadka aad wxka sheegeysid mawa taqaanid iney toosiyaan salaada iyo inkale wax aan aqlaaqada islamka kamid aheena inleeys kushegana waa qalad firi culama badan ayaa tacsidooda inta laga soosheegay kasoo qaad sheeq rashaat kudhawaad 100 aya kadhiibatay fikrat kulina allahuma yarxamu raaximiin ayeey lahaayeen dadka soow ma ogid waamarqaatiyo markuu nabiga NNKH lasoo hor marsiiay meeydka dadkii markeey dhahen kan mafiicneen mawa xuu dhahay nabiga NNKH idinkawa salaad fiican matukatiine dadka waxwa haka sheegina mise waxuu dhahay wa ehlu naar aniga hada hadalkaan kama wado dandaawi lakii adiga sidadawa waxwaad indha la aan kutaageertaa sheequnaa usama xafiduhullaah ayaad wax kashektaa dad adeegii diinta eey oga baahneed aan dhameestirina daraja eeysan laheen ayaad siisaa tan sheekh dan dawi hadaan usoo noqdo waxa kama shegaayi waloow aan kamaqalay hadala badan aan dhibsaday hadana alahii abuuray ayuu jiraa waxuu kala kulmo ayuu helaayaa cid kabadali karto malahan waxuu allaah ugarto

  26. maryam says:

    inaaaaaalilahi wainaaileyhu raajucuun –allah ha u naxriisto sheekh-ilahay janatul fardawsa calaa ha geeyo amiin amiin

  27. maryam says:

    subaxaan allah –dadkan meeydka xitaa kabaxsan mahayo–war qofka haduu dhinto xilmasarno–waa meeyd ee ilahay kabqa–danbiga iska daaya– uduceeya qofka macsum mahan qald waa kadhici karaa

  28. khaadimul-ISLAAM says:

    BISMILLAAH.

    sh.dandaawi maanta xisaabtiisii wuu haystaa waana uu helay, warkaasi waa mid uu la wadaago
    dhammaan intii dhimitay oo dhan .

    waxase is waydiin leh maadaama uu aha nin horseed ka ah azhar oo ah maclam aad taariikh dheer dhinaca muslimiinta inuu qaladaad fara badan ka galay ISLAAMKA iyo muslimiinta : fataawayaal fara badan oo ka dhana ISLAAMKA buu iftooday , naagaha gaalada meelo faraago ah buu u gacan qaadi jiray khaas ahaan kuwa madaxda ah, sheemuun biiriis oo ah yuhuudigii dhiigyacabka ahaana wuu gacan qaaday , xijaabka
    niqaabkana diinta asal kuma leh buu iftooday ! intaas waxaa ka sii daran fataawihii bangiyada ee uu yiri arbaaxda bangyada ribo ma ahan ! waxaasoo dhan waxaa ka sii daran asagoo garab xooggan u ahaa fircoonka masar , marka
    waa in looga digaa ummadda fataawayaashii qalloocsanaa iyo munkarkii ninkaas madaxa diineed ahaa uu la imaan jiray saan loo oran sh.dandaawi baa saa iftooday.

    qofwalbana ha ku quus qaato dhibka ay leedahay
    mas’uuliyadda diinta , bal u fiirso haddii lagugu ibtileeyo adduun , bal xaggeena fiirsha
    shariifow oo shalay midowga maxaakimta takbiir la hor taagnaa maantana gaalo iyo fannaan dhex taagan !!!!!.

    ALLAHAYOW XAQQA NAGU SUG, KHAATIMADDANA HA NAGA XUMAYN.

    WALLAAHU ACLAM.

  29. umu anisaa says:

    asc akhii nasrullaah waad mahadsan tahey waxan la hadlayey dadka ceynaya sheekkha, aniga ma caayo cidna laakiin ma taageersani alqacida iyo alshabab iyo cid walbo xoogg wax ku raadisa shacabka soomaaliyeed waa iney hishiiyaan isu tanasulaan oo ay midooban , diintena noo sheegtey in muslimiintu hadey kala tagaan oo is tafararuqan in lagu goobanayo marka waa in la midooba, caloosha leysu furaa soomaaliya ha noolato cisi iyo sharaf waxa leh ISLAAMKA , A DIINU NASEEXA NAXARIIS IYO RAXMAD.

  30. Abu-salman says:

    Umu nisaa wax xoog lagaaga qaaday baryo lagugu siin maayo gaalada wadamada muslimiinta ku duushey e naftooda iyo hantidooda uhuray u jeeday wataan una shaqaysanayaan e adigu garo ujeedkaaga ka muslin ahaan ALQACIDA gaalay ladagaalantaa waana dad muslim ah hadaad taageeri weydana ogow dhanka kalaad taageeray waayo suuragal maha inaad xaq iyo baadil ama kufri iyo iimaan wax udhexeeya kuso biiriso caalamka noqo inan indheheedo furan yihiin.

  31. Cabdiqani says:

    marka hore allah haka abaaliyo wixii uu u qabtay dadka muslimiinta, wixii u ku gafayna rabbi haka dhaafo, maantana rabbi ayaa la xisaabtamaya e anagu lama xisaabtamaynno e taa ogaada, dadka uga danbeeya xilka asharna waa inay ka waantoobaan wixii sheekha lagu haystay oo ah waxyaabaha hadda keenay in dadka qaar ay ku eedeeyaan sheekha, intii u noolaana ay dadbadani uga nasteexeeyeen, wixii intaa dhaafsiisani waa deel qaaf e iska jira,

  32. Baari says:

    ac waar inantu fikir wanaagsanaa hadii aanu magaceeda umu daasi la socan lahayn waan raadin lahaa halkay joogto, Illaahay dadka fakirkaa fiican haku wada ilhaamiyo aamiin.

  33. Abu-Hamzaa says:

    ascwrwb
    to nasrullaah iyo walaalaha kaleba

    akhi filaah waa runtaa wa jiraan culamaa’u suu, laakin taa kam dhalanayso in lacaayo qof dhintay, umu anisaa waxay ka hadashayna waa in aan la caayin qof dhintay.

    qofka haduu nool yahayna u naseexee, haduu dhintana oo uu ka tagay wax xuna dadka uga dig, laakin in lacaayo qof dhintay, sina uma banaana, xataa hadii uu nool yahay ayasan caayda banaaneyn.

    marka Allaah swt aan kacabsano, qof dhintay tiisa ayaa heesata ee adna caay ha ugu darin,
    waxaaba laga yaabaa inuu camalkaaga buro adoon ogeyn, qof dhintay udaa Allahii abuuray, isagaa cadaabaya ama janeenaya.

    wabilaahi tawfiiq
    Abu-hamzaa

  34. khaadimul-ISLAAM says:

    BISMILLAAH.

    KU: ummu-aniisa iyo Abu-Hamza.

    marka hore sh.dandaawi duugista lagu duugay baqiic muujin mayso in ALLAAH raali ka noqday , midda kale munaafiqiintii madiina xagee lagu duugi jiray ? aaway madaxii munaafiqiinta c/llaahi bin ubay bin salool ? mase ogtahay in reeraraha lagu sliday maamulka labada xaram haddii ay awoodi lahaayeen inay ku duugaan kaafir buush way ku duugi lahaayeen , marka ictibaarku waa yuu jeclaa qofku markuu dhimanaayay ? hadduu jeclaa ALLAAH IYO RASUULKIISA IYO MUUMINIINTA
    taxiidkuna kor iyo hoos buux dhaafay WAJIGA ALLAAHNA uu yahay waxa kaliya ee uu raadinaayo qofkaasi markaas jannadu waa u diyaar sida RASUULKU CALAYHI ASSALAATU WASSALAAM uu noo sheegay.

    ummu aniisaay habar fadhida lagdini la fududaa ? ma umalaynaysaa in geesiyaasha buuraha fuushani oo maraykan iyo xulafadiisu wax ka qaadi waayeen inay adiga kuu baahan yihiin ! haddaadan jeclayn annagaa jecel oo ducana la daba taagan, shabaabkuna tawxiidka ALLAAH bay si sharef leh
    umadda soomaal ugu soo dabaaleen, asnaamtii lagu dawaafi jiray bay soo faageene , ee qabuuro waafaqsan shareecada maysan faagin.

    abuu-xamzow walaal nasrullaah ma oran ha la
    caayo qof dhintay , waxaase meesha ku jira in
    aan qofka lagu ammaanin qaladaadkiisa ee waa
    in dadka looga digaa qaladka uu samayn jiray hadduu dhinto taasina cay lama oran karo tusaale ahaan : ALLAAH SUBXAANAH umada dhintay buu nooga digay inaan ku dhacno waxay ku dhaceen oo kale sidii qowmu luud ama abii lahab ookale ama fircoon ama reer caad iyo reer thamuud ama haamaan , haddaba ma la dhihi karaa digiddaas waa cay ? haddaba haddii aan la sheegin nin kasta oo madaxa oo shar sameeya waxaa dhacaysa inuu qaladkiisu uu isu badalo markuu dhinto
    wax sharci oo kale ah , maadaama uu shiikh ahaa ama uu sharii ahaa !!!!! taasina
    waa khiyaano dadka ka danbeeya taabanaysa
    marka kala saara cayda iyo cilmiga .

    WALLAAHU ACLAM.

  35. ruunta waa ay macantahey says:

    Asc

    kuwnow sheeqa wax ka dheega ama marxuumka rabi haa uu naxariisto idnknh rabi ha idinsoo hadeyo.rabi isaga ayaa ninkii uu doono uu danbi dhaafiinshaa alu ee idnka xaq uma lihdiin afkiina in aad ku fiiqdaan sheekh azhashariif.
    ee rabi ka baqa




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Qaar kamida Culimada Azhar oo kahoryimid dhismaha Madaaris Shiico.
  2. Golaha Sare ee Al-Azhar oo kulan Degdeg ah ka yeelanaya Mamnuucida indha Shareerka.
  3. Jabhadda culimada azhar oo weerartay go’aankii Dr. dandaawi ee niqaabka
  4. Culimada Azhar oo Sh Al-qardawi ku taageeray Xarimida u dabaaldega Ciidda Christmas.
  5. Ardeyad dhigata Jaamacada Azhar oo loo Jirdilay indhashareerkeeda

Latest Headlines