Maraykanka oo ku gacan siinaya DKMG dibu qabsashada Muqdisho.

Published on March 10, 2010 by   ·   14 Comments   ·   print

Xukuumadda KMG oo u diyaar garoobaysa weerar xoogan oo ay dib ugu qabsanayso caasimadda (Muqdisho) guri guri, iyo iyadoo la maqlayo guuxa diyaarad yar oo kuwa wax jaajuusa oo dul heehaabaysa habeenkii(magaalada), si loo ogaado cidda qarsoon ee taageeraysa isku daygaas.

“Waa Maraykanka”, sida uu yiri Jeneraal Maxamed Geelle Kaahiye oo ah taliyaha cusub ee ciidamada xoogga DKMG, oo xusay inuu dhawaan la wadaagay qorshayaal la taliyaal Maraykan ah oo ku aadan hawlgalo ciidan, “waa ay na caawinayaan”.

Taageerada Maraykanku waa mid lagama maarmaan u ah isku dayga dawladda Soomaaliya, si ay ugu dambayn u xaqiijiso gacan ku haynta magaalo madaxda, dibna ugu abuurto wax xasilooni u eg, dal ay la degtay amaba la hareen nidaam la’aan muddo labaatan sano ah.

Arintan Maraykanka waxay qayb ahaan uga tahay istiraatiijiyadda la dagaalanka argagixisada, si loogu diido Al-Qaacidda meel ay magangasho; iyadoo ka heshay xasilooni darada Soomaaliya gabaad muddo sanado ah, kuna dhiirigalisay in dalkani isku bedelo birqabato soo jiidata Jihaadiyiinta Dunida.

Maraykanku waxay si wayn u danaynayaan xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Yemen oo ah meel kooxaha xag jirka u ah mid diiran, iyadoo dagaalyahanadoodu ay horey iyo gadaal ugu kala socdaalaan Badda Cas, taasoo mid ka ah dadka arimaha Soomaaliya aad ugu kuurgala uu ku tilmaamay “Barnaamijka Is-Weydaarsiga Al-Qaacidda”; waxaase muuqda isbedel la hubo oo ku dhacay siyaasadda ku aaddan Soomaaliya, iyadoo Maraykanku ay dareemeen xaqiiq Soomaalida ku aadan oo ka qarsoonayd in ku dhaw labaatan sano: “Haddii Soomaaliya oo Nabad ah la Doonayo, Waa inay Soomaalida ka Timaadaa”.

“Kani ma ahan dagaal Maraykan”, sida uu yiri Jonie Carson caawiyaha xoghayaha qaranka ee arimaha Afrika u qaabilsan, “Ciidamada Maraykanku ma joogaan Soomaaliya, Waa Hadal Go’an”. Wuxuu intaa ku daray “Waxaa jira xadidaad faragelin dibadda ah, laakiin waxaa lagama maarmaan ah, in bulshada guduhu si balaaran ugu lug yeelato shaqadan”.

Inta badan caawimaadda Ciidan ee Maraykanku siiyo dawladda KMG waa mid ku aadan xagga tababarada, amaba waxaa loo soo mariyaa ciidamada nabad ilaaliyayaasha ee Midowga Afrika, laakiin taasi waa isbedeli kartaa.

Mas’uul Maraykan ah oo ku sugan magaalada Washington oo sheegay inaanu lahayn awood u ogolaanaysa inuu si furan bulshada ula hadlo, ayaa wuxuu odorasay in ciidamo qarsoon oo Maraykan leeyahay ay ka qayb qaadan karaan weerarka, kaasoo bilaaban kara muddo todobaadyo gudahood ah, si loo kala firdhiyo argagixisada Al-Qaacidda. “Waxaad arki doontaa duqayn hawada ah iyo hawl-galo khaas ah oo soconaya, ku dhufo oo ka dhaqaaq”, ayuu yiri Mas’uulkaasi, siduu hadalka u dhigey.

Dhawrkii bilood ee tagay, la taliyayaal Maraykan ah ayaa caawinayay, lana socday habsami u socodka tababarada Ciidamada Soomaalida ee ka qayb qaadan doona hawlgalka Ciidan, inkastoo mas’uuliyiintaasi sheegeen inay tani qayb ka tahay Barnaamij socda “Dhisidda Baaxadda Ciidamada Soomaaliya”, iyo inaysan jirin kordhin taageero Ciidan oo ku lug leh hawlgalada socda.

Maraykanku waxay siiyeen tababaro qarsoon Madaxda Sirdoonka Soomaalida, taageerada isku duba ridka hawlaha Nabad Ilaaliyayaasha, shidaalka, tababarada, xog ururinta sirdoonka meelaha kooxaha kacdoonka wadaa ku sugan yihiin, iyo lacag lagu gado xabado (rasaasta), iyo qoryabaha.

Waxay kaloo Washington isticmaalaysaa awoodeeda sidii ay ku ahaan lahayd deeq-bixiyaha ugu wayn ee gargaarka aadaminimada (samafalka) ee ku aaddan Soomaaliya, ayadoo ku dhiirigalinaysa Hay’adaha Gaarka ah ee gargaarka bini-aadanimo inay si dhakhso ah u soo buuxiyaan “Goobaha Cusub ee la Xoreeyay”, iyo inay u keenaan cuno iyo daawo dadka Soomaalida ee kacsan, ayadoo lagu dadaalayo sidii dawladda loo caan bixin lahaa.

Xilligii hore mar kasta oo isbedel ku yimaado Soomaaliya, Maraykanku wuxuu ahaa mid saamayn ku leh , si dahsoon amaba si muuqata.
1992-dii muddo yar ka dib markii taliskii dhexe ee Soomaaliya burburay, ciidamada badda ee Maraykanku waxay yimaadeen xeebaha Soomaaliyeed si ay u quudiyaan Soomaalidii gaajoonaysay. 2006-dii markii midowgii islaamiyiinta ku fidiyay dalka, ayaa Ciidmada Sirdoonka ee Maraykanka CIA-du waxay isku dubarideen hogaamiye kooxeedyada si looga hortago midowgaas, markiise taasi fashilantay (dhicisowday), ciidamada Maraykanku waxay si qarsoodi ah u taageereen duulaankii Itoobiya.

Kulaylihii (Diraacdii) la soo dhaafay, markii kooxaha kacdoonka wadaa ay qarka u fuuleen inay ridaan dawladda Soomaaliya, dawladda Maraykanku waxay si dhaqso ugu soo daabushay hub lagu qadaray amaba lagu qiyaasay malaayiin Doolar. Intaa ka dib, isku daygii kooxaha kacdoonka wadaa inay dib u hantiyaan caasimadda iyo qaybo kale oo dalka ka mid ah ayaa sii kordhay; sida saraakiil sare oo Maraykan ahi ay sheegeen “Al-Qaacidda ayaa u muuqata mid hogaamiyayaasheeda qaar ka mid ah ka keenaysa Paakistaan kuna abuuraysa halkan (Soomaaliya)”.

Saraakiisha Maraykanku waxay leeyihiin dhawr ka mid ah, hogaanka sare ee Al-Qaacida ayaa wali firfircoon, kuna sugan Soomaaliya sida Faysal Cabdullaahi Maxamed oo lagu tuhunsan yahay burburkii safaaradaha Maraykanka ee Kenya iyo Tanzania 1998-dii, ayadoo hadda la tuhunsan yahay inuu Bambaanooyin u dhisayo kooxda kacdoonka wada ee loo yaqaano Al-Shabaab, sida Wargeysku daabacey.

Lixdii bilood ee tagtay, xukuumadda Soomaaliya waxay u dirsatay dhalinyaro da’yar ah dalalka Jabuuti, Itoobiya, Ugaandha, Keenya iyo waliba Suudaan si ay tababar ciidan ugu soo qaataan, iyadoo ciidankaas badidiisu ku soo noqday caasimada sugayaana weerar dagaal, waxaa kaloo intaa dheer ciidan gaaraya 5000 oo ka socoda ciidamada nabad ilaalinta ee dalalka Burundi iyo Ugaandha, waxaad raacisaa ciidan dhan ilaa 1700 oo la rajaynayo inay yimaadaan, qayb muhiim ahna ka qaataan taageerada ciidamada xukuumadda ee siqaya.
Xukuumaddu waa mid si fiican u hubaysan (qalabaysan), kuna sugan si safaf ah meel ka danbaysa Aqalka Madaxtooyada ee (Villa Somalia); qalcadda madaxwaynaha ee bartamaha Muqdisho waxa ku sugan baabuurta xamuulka ciidamada, Taangiyo, kuwa dadka daabula iyo dersino kuwa qalabaysan ah, waxay dhawaan xukuumaddu iibsatay 10 Aambalaas (Dhaawac Gure) oo nooca Chevrolet-ka ah.

Hadda isbedel xagga tayada ah ayaa jira, sidoo kale xoogagga Soomaaliyeed waxaa hogaaminaya Jeneraal Geelle, kaasoo ahaan jiray Kornayl ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed tobaneeyo sanno ka hor, isagoo dhawaan ka ahaa caawiye (Manager) Mcdonalds wadanka Jarmalka, si aad ahna looga yaqaanay ciidamadii hore ee Soomaaliya, iyadoo lagu tiriyo inuu yahay mid ka mid ah saraakiisha ugu fiican ee hadda nool.

Qaar badan oo u kuurgala arimaha Soomaaliya, ayaa qirsan in weerarkani dib u riixi doono Al-Shabaab. Su’aashuse waxay tahay maxaa dhici doona ka dib?, “Inaad Qabsataa Ciidan baad u baahan tahay, inaad haysataana kala dambayn baad u baahan tahay”, waxaa sidaa yiri Axmed Cabdisalaam oo wasiir ku xigeen ka ahaa xukuumaddii Soomaaliya ee tan ka horeysay, wuxuu ku daray hadalkiisii “Yaa damaanad qaadaya in ciidamadaasi aysan shacabka ku noqon doonin (Shacabka boobi doonin) ama iyagu aanay isku noqon doonin (dhexdooda dagaalami doonin)”. Soomaali badan baa ka walwalsan in ciidamadu u kala jabi doonaan qabiiladii sababay dhicitaankii dawladii Soomaaliya ee 1991-kii.

Waxaa eed dusha looga tuuray Madaxweynaha Sooomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, oo isagu noqday mid iska fariistay aqalka madaxtooyada (Villa Somalia) oo ku qarsoon, isagoon la kulan la yeelanin siyaasad sameeyayaasha gudaha iyo isagoo siyaasadda qabiilka ku salaysan aad u isticmaalay. Inkastoo hab diineed cusubi daboolay dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya, iyadoo xoogag diineed oo dhexdhexaad ahi la dagaalamayaan kuwa xag jirka ah, saamaynta qabiilku waa mid weli tixgelin leh, keenina karta guul ama burbur.

Sidaa awgeed, xukuumaddu waxay heshiis siyaasadeed la gashay kooxda xoogga badan ee dhexdhexaadka ah, taasoo ku biiri karaan weerarka ka imanaya gobolada gudaha ee dalka (gobolada dhexe), waxaa sidoo kale socday wadahadallo ku lug leh maleeshiyo xooggan oo Soomaaliyeed ee ku nool xeryaha qaxootiga ee Kenya oo iyaguna ka soo dhaqaaqaya dhanka Kenya.

Waxaa faafiyay Wargayska nytimes.com
Waxaa Qoray: Jeffrey Gentleman, 05/03/2010.

Marka laga soo tago, qoraalka Wargeyska ee ku aadan iskaashiga Milateri ee u dhaxeeya DKMG iyo Mareykanka, waxaa arintan shafka u garaacey Xoogaga Islaamiyiinta ee Duulaanku ku wajahan yahey, waxeyna sheegeen iney iska difaaci doonaan weerar walba oo uga yimaada dhinacyada ay is hayaan, gaar ahaan Mareykanka oo ay xasuustiisa dib ugu celiyeen dhacdooyinkii 1993 ee ku qabsadey Wadooyinka Muqdisho.

DKMG, ayaa dhinaceeda u riyaaqdey, talada Mareykanka waxeyna ku tilmaantey mid wax ku oola.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Xoogaga Al-shabab & Xisbul Islam oo Xaqiijiyay dibu Qabsashada Goobihii lagu Dagaalamey.
  2. Maraykanka oo P/and u soo gacan galiyay 9 Nin oo B/Badeeda ah.
  3. Maraykanka oo Sheegay inay Taageersiyiin AMISOM & DKMG ah
  4. Maraykanka oo Hub & Saanad soo gaarsiiyay DKMG
  5. DKMG ah oo Muujisey Khatar ku aadan Qabsashada Dalka

Readers Comments (14)

  1. maxamed/bhdle says:

    a/c adeer markaad israaciweydeen in maanta gaalo maraykan ah idiin dhiilo dhaansato idinkaa isukeenay soomaalay dantu maanta waa dagaal markale lagalo /

  2. RAAXEEYE says:

    Qofkii gaal kaalmeeyo af ama maal ama niyad ama ku farxo in muslimiinta laga adkaado ama muslimiinta la jebiyo ama ku farxo in gaalada iyo gaalo raacyadu ay guuleystaan

    Qofkaas ha ogaadu in uu diinta islaamka ka baxayo waan u digeynaa qof walbow ka fiirso maqaalaadka aad qori iyo wax aad niyada ku haysto iska jir in gaalo haba yaraatee aad wax farxad ah siiso si ay muslimiinta ula dagaalamaan

    Qofkii Alle raje ka qabow diintaada dhowro muslimiinta u ducey in Alle uu guul siiyo muslimiinta ku taager afkaaga maalkaaga iyo qoraaladaada

    Ha laga digtoonaado qoraalada gaalada lagu taageerayo qofwalbow araintaas iska jir ogow in hadalaka dheeldheelka ah lagu gaaloobo iska jir in tii Alle ay kuu timaado adiga oo gaalo taageerayo oo qoraaladaada ku taageerayo

    Ilaahow ma gaarsiiyay qolooyinka meeshan wax ku qor qoro Ilaaheyow marqaati ka noqo

    Inshaa Allah galo iyo gaalo raacyo wey jebi waa nala imtixaami Alle hana sugo. Xasbunalaahu wanicmalwakiil Allow na oofso anaga oo diintaada koryeeleeyno ama na nooley anaga oo diintaada cizigeeda ku dhegan

    Raaxeeye
    Mogadishu
    Somalia

  3. cabdisamad says:

    raaxeye walal ad aya umahadsantahy waxaan walalaha ugu darayaa qof walbow ogaaw in dagalkani ahaan doono kii muslim iyo gaal loogu kala bixi lahaa oo muslimiintu israci donaan , insha allaah muslimintu waygulesanayaan .
    walalayaal anagane ducada iyo maalka yana ka hagranin walaleheena mujahidiinta
    ogsonaw in walalahaga falastiin dhibato ku jiraan kagana bahan yihiin gacan inaa siiso
    marwalbaa ka damqu dhibatada lagu hayo muslimiinta melwalba oo ay jogan tas ayaa muslim xaqiiqiya ah walalayaal

  4. Abdulkadir SAbrie says:

    waxaan filayaa faaladan dheer ee maanta kusoobaxday wabka somalimorror, inaysan waafaqsanayn faalooyinkii loogabartay wabkan, waxaadna moodaa wabkanu inuu ahaa wab udhow runta inta aan kanaqaano, laakiin waxaad moodaa warbixintaanu inay kafogaynayso wixii loogabartay, wabkan, waxaana dhihi lahaa oo igatalaa inla,ilaaliyo karaamada wabkan, oo tani waadhacdaye, aan dib loogu celin faaladan iyo wax lamid ah, waad mahadsantihiin.

  5. MUUNYE says:

    DKMG U S A HA TAGEERAN MA XUNA LAKIIN WAXAA IGA SUAL AH ANIGA?

    1 CIIDAMADA NAATO EE AFAGAN KU JOOGA 110.000 KUN MAXEY ILA IYI HADA U SURO GALAY DHINACA XOOG KU JOGISTA AMA GUMEYSIGA EE HORKACAYAN CIDAMADA CUSUB EE ANIGA ULA BAXAY DIIN LA DAGALAN AMA ROMANKA CUSUB EE QARNIGA

    MALIN WALBO WAXAA KU DHACO IDACADAHOODA YAAN KA FIRSANA JABKA KA SOO GARAY AFHAN IYO IRAQ ILA HADA IRAQ DOWLADEEDA WAXEEY KA TALISA GREN SON MEL LA DHAHO XITA BAQDAD OO DHAN KAMA TALISO ISKA BAA DAYE WADANKO DHAN MARKA SHARIIF SHAFKA NATO HA KU TUMATO AMA SHAFKA SHEYDAN HA KU GARACDO WAX KU SO KORDHAYO ANIGA UMA LEYN MAYO WHY WAXAAN ARKAY DIYARADIHI US OO 74 SAC OO JOGTA AH XAMAR DUQEYNAYAY MISANA DHULKA MARKEY USOO DEGTEN CASHIR UU U DHIGAY HOGAMIYE KOXDKII CAYDIID MARKA ANIGA WAXEEY ILA TAHAY XASUUQA UMADA LEE SI BADANAYO MAHE WAX DHUL AH EE QABSAN KARTO AYAA ISKA YAR WAA DHICI KARTA MALINTII IN EY DHUL CUSUB GALAN LAKIIN GABALKA MARKU DHACO EY KA SOO DAREERAN SIDA ARIGII OO KALE

  6. Wanaajiye says:

    Salaamun Calaykum.

    Waxaan oran lahaa dadka webkan ka shaqeeya ee soo qoray amaba soo tarjumay xogtan ku soo baxday wargayska nytimes, waa ay ku mahadsan yihiin, inay dareen siiyaan walaalahooda kale waxa cadawgu maleegaayo.

    Amaan Badan Baad mudan tihiin.

    Wanaajiye.

  7. ibrahim m says:

    salaanta islaamka ah kadib,
    waxaa cad in bulshada muslimiinta ah ( kama hadlaayo oo kaliya somaliya ee waxaa ka mid ah kuwa ciraaq, falastiin iyo afganistaan) ay leeyihiin laba caddow. waa kan koowaadee mareeekanka iyo xulufadiisa oo ay ugu horeeyso yuhuudda. qoladaasi waxaa ay mar walbaa kasoo horjeedaan in dadka muslimiinta ah ay diintooda si sax ah u hirgashaddaan. Cadowga labaad ay dadyowga muslimiinta ah leeyihiin waa kuwa aan fahmin hagardaamaddda ay gaaladdu ku hayaan, kuwaasi ma fahmi karaan sida bulshadda muslimiinta ah uga bixi karaan dhibaatada haysata dadka muslimiinta ah hadii ay ahaan lahayd dhanka bulshada, horumarka iyo tacliinta.

    Qof walba oo taageersan dowladda soomaaliyed oo hurmuudka u yahay sheikh shariif iyo kuwa kasoo horjeeda ay mayalka addag, alshabaab iyo waxii lamid ah oo taagersan in dad muslimiin ah la barakiciyo, fitno lagu dhex abuuro, caruur, haween iyo waayeel. mid hooy heesta iyo mid gaajoonaayoba, ha ogaado in bulshada soomaaliyeed oo dhan ay yihiin dad muslimiin ah oo u baahan maanta in la samatabixiyo. bulshada sooomaaliyeed ma u baahna daggaal, ma u baahna diinta islaamka ah ee naxariista ah in magaceeda lagu qaraabto oo qof aan waxba galabsan lagu dilo.
    su’aasha muhiimka ah ee aan u baahannahay inaan is waydiino waa ”maxaynu u garran la nahay in soomaalida midowdo” oo si nabad ah aan u wada noolaanno iyadoo qolonna la fogeynaynin. Maxaa ka keeni la’ hal mar oo qura alshabaab iyo xisbul islaam in ay lawada hadlaan qolada kasoo horjeedda, in miiska la wada fadhiisto kama dhgino in ay aqoonsanayaan dowladda, waa muhiim manhaj cad oo soomaalida u cuntama inay la yimaaddan qolada mucaaradka ah, markaasi waxaa aan ogaan karnaa qoladda dowlada isku sheegaysa iyo qoladdiina dagalaaka wada midka qaldan!.

    waxaa alle ka rajaynayaa inuu dadka muslimiinta ah dhibka kaqaado meel walba ay jooggaan. gaar ahaan soomaalida.

  8. wacane says:

    bismilaaah

    war-bixintan dheer ee ay soo turmujeen bahda somalimirror waa isbedel bilow ah oo ku yimi tafatirayaasha wareegta somalimirror waana mid si weyn uga muuqata qoraalka iyo sida ay ula dhaceen maqaalkan ,,,,,,

    inta badan ardaaga SOMALIMIRROR waxaanu ku baray run iyo war hufan oo dacwadaysan haba ahaadaan qoraalada ay nooosoo gudbiyaan mid dhinac u janjeedha ama warar kale oo garoocan waxna ay ka garoocdeen laakiin taasi kama dhigna inuu la mid yahay ardaayada kale oo soomaaliyeed oo inta badan aan lahayn kalsoooni lagu aamini karo warkooda ,,,,

    waxaan kusoo koobayaa SOMALIMIRROR warkan au hada soo gudbiyeen waa dabacsanaan kasoo muuqatay in badana ka ogaaday alshabaab iyo alqaacida kadib markii sheekh xassan daahir aways si gabood la’aan ah uu u dhaliiilay alshabaab … runtii qoraalkan wuxuu ka turjumayaa sida SOMALIMIRROR sabirkii uga soo idlaanayo iyaga oo ku sii biiraya …………
    kacdoonka qalinka ku salaysan fikirka qunyar socodka ah ee islaamiga ah waliba

    waad mahasan tihiin BAHDA SOMALIMIRROR

    *********************************

  9. abu dujaana says:

    asc salaan kadib walaalaha samra ayaan leehay waan ducayna haynaa waadna guulaysan haysaan insha allah waxaana leehay halla kala boxo waa in lasoodilo shariif indha cadde iyo ragga lamidka ah murjifiinta munaafiqiinta naar alle hakufogeeyo wasalaam

  10. Dalmar says:

    Diinta islaamka waa diin nabadeed ee ma ahan diin dagaal. Maanta waxa qoriga isla hor taagan waa dad muslimiin ah hadii ay islaamnimo jirto kuwa dowlada diidan ayaa laga rabay ineey qaataan nabada loo soo jeediyay. Xitaa waa ay ka diideen culimadii dhex-dhexaadineysay. Marka waxaan dhihi karaa qofka qof muslim ah dilaya hadana dhahaya gaal ayaan dilay uma maleynayo inuu qof gaaleysiin karo. Laakiin soomaalidu waxeey ku maahmaahdaa ninkii soo joog laga waayo soo jiifo ayaa laga helaa. Marka in badan ka jooga ayaa laga waayay bal maanta ha arkeeno jihaadkii ay sheegeeyaana hala soo baxeeno ileen weey diideen aan heshiino wadanka wuu naga dhaxeeyaaye. Haku jiifteeno hana kusoo kaceeno in guusha ay raaceyso Dowlada Islaamiga ah ee uu Sh. Shariif madaxda ka yahay.

  11. cali says:

    taariikhdu iyadaa is-cel-celisa ..maanta waxay u ektahay maalintii BADAR .. Illaahay (SWT) uu yiri hadal la micno ah:
    [{IDINKU WAXAAD JECLAYDEEN TAN FUDUD (safarka).. ILLAAHNA WUXUU DOONAY IN GAALADANA LA LAAYO BAADILKANA LA JEBIYO}]

  12. nasrullaah says:

    mareekan waa udhamatay waxiisa waa nin daad qaaday xumbo cuskay oo wuudiidan yahay taariikhda inuu kucibro qaato qof haduu maligasa galo mafadhinkaro marba waa inuu dhinac uboodaa oo indhaha hadeeyaa iska imaada dhiig baxa idinku socdo onbaan dhiigbax idiin kudareeynaa dhib malahan doqonimo ayaa heeysatee nin illaaheey ayaan udagaalamaayaa yiri miyaa laga adkaada midowgii suufiyati towan sanuu garaacayay afghanis waxwana kama qaadin asagoo duleeysan ayuu iskaga dagay hadana reer galbeedka dhan ayaa iskugu imaday wakaa weeywada duleeysan yihiin tariikh daas inuu dib umilicsado ayaa fiic naan laheed inuu iska ardo caku waxaan ilaaheey aqoonin dhibadanaa bal fiiri alahii dhukaan abuurtay ayuu rabaa kitaabkis inuu oga dhaarto in dhulkaan meel kamid ah lagu xukumo waxuu rabaa xaaraanta asaga uuqoray inuu dadka umeeriyo walaahi madhaceeyso dheh inshaa allaah illaaheey cudur ha idinkusoo dajiyo idin dhameeya

  13. Dalmar says:

    NASRUN MINALLAAH WA FATXUN QARIIB, Dadkii diinta ku gabanayay daadka ayaa qaaday bal waxa aan sugnaa waa bal eraygoodii gaalnimo ku orodka ahaa soomaalida ayaa gaalo ah aniga waan diiday. Dadka jihaadka sheegaya AIMSOM xabad hala hor tageen ma ahan ineey guryaha shacabka ay ka dhex tuuraan hoobiyo, jawaabta laga bixiyana ayaga ayaa damaanad qaadaya. Geesinimudu sidaas ma ahan, hadii aad aaminsantahay waxa aad la dagaaleyso inuu yahay gaal bal xabad ula tag. Waxaan leeyahay kuwa dowlada ka soo horjeedo maanta ayaad fursad haaysataan ee dowlada ku soo biira hadii kale fitnada aad abuurteen ama aad aad hadda wadaan ayaa qof walbo oo idin ka mid ah lagu qaadaa marka laga reebo ciyaalka aad maskaxda ka khaladeen.

    Muslimiintu waa walaalo, Kuwa ku jiro kooxah dowlada ka soo horjeedo waa soomaali laakiin hadii ay ayaga garan waayeen bal aan badbaadino dadkeena (hoobiyaha ay ridaan mucaaradku waxa uu ku dhacaa waa shacab soomaaliyeed kuwa AIMSOM soo ridaana waxa uu ku dhacaa waa shacab soomaaliyeed) waxaa mudan in la is weeydiiyo xalku muxuu ku jiraa ma labo walaalo ineey is dilaan dadkoodiina ku dhex dhamaadaan mise dadka mucaaradka ku ah dowlada xal kale oo u cuntamo ayaan jirin oo aan ka aheyn dagaal. Waxaa yaab leh dadkaan aan diinta waxba ka aqoonin oo hadana marka in wax loo sheego la damco aayad quraan ah oo aysan aqoon sababu nuzuulkeeda (Aayadu ma waxeey ku socotaa Gaalada mise Muslimiinta dhexdooda). Walaalaheyga Soomaaliyeedow waxaan idin dhihi laha waxa na walaaleysiiyay ma ahan oo kaliya soomaalinimada ee waa diinteena suuban ee nabadda ay diinteenu na bartay aan barano qolo afkaaro meelo kale kala yimid aan iska dhaafno.

    Umada soomaaliyeed qalbigooda ILAAHAY ha isku soo dumo, inta aan nabada jecleyna ILAAHAY cudur aan la aqoon iyo cimri deg-deg ah ha u keeno…AAMIIN…AAMIIN…AAMIIN

  14. Ayax says:

    Raxaye wad mahadsantahay lkn alshapap iyo maraykan maxay ku kala duwan yihin wayo alshabab dadka waydilan sabab la aan ma muslin nimo miya tas haday tahay muslin nimada nosheg




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Xoogaga Al-shabab & Xisbul Islam oo Xaqiijiyay dibu Qabsashada Goobihii lagu Dagaalamey.
  2. Maraykanka oo P/and u soo gacan galiyay 9 Nin oo B/Badeeda ah.
  3. Maraykanka oo Sheegay inay Taageersiyiin AMISOM & DKMG ah
  4. Maraykanka oo Hub & Saanad soo gaarsiiyay DKMG
  5. DKMG ah oo Muujisey Khatar ku aadan Qabsashada Dalka

Latest Headlines