Xasuuq Rayid oo ka dhashey duqeyn galabta AMISOM ka geysatey Muqdisho

Published on March 10, 2010 by   ·   9 Comments   ·   print

30 meeyo qof ayaa ku dhimatey 65 kalena dhaawacyo kale duwan ayaa soo gaarey oo dhamaantood ahaa rayid, Madaafiic xoogan oo galabta ciidamada AMISOM Ku garaaceen xaafado ka mida Degmooyinka; Kaaraan, C/casiis iyo Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Duqeyntan ayaa bar-bar socotey dagaal dib galabta uga qarxey goobihii saaka Dagaaladu ka dhaceen oo u dhaxeeya xoogaga Islaamiyiinta iyo Ciidamada DKMG oo garabsanaya kuwa AMISOM.

Waxa uu dagaalkan yimid, ka dib markii dagaalkii Saaka xoogaga Ismlaamiyiintu la wareegeen inta badan fariisimadii ciidamada DKMG uga sugnaayeen Degmooyinka Bari ee Magaalada Muqdisho.

Waxaa la sheegayaa dagaalkan danbe ciidamada AMISOM marka laga reebo duqeyntan iney si toosa qeyb uga ahaayeen iyaga oo ku hubeysan gaadiidka gaashaan.

Inta badan dadka rayidka ee dhibaatadu gaartey oo u badnaa maato ayaa madaafiicdu ugu tagtey guryahooda, waxaana ku jira qoysas dhan.

Waxaan la ogeyn ilaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee ciidamada AMISOM Madaafiicda xoogan sida arxan dara ugu garaacaan goobaha ka fog halka dagaaladu ka dhacaan, dhibaato xooganiga ka soo gaarto dadka rayidka ah ee waxba galabsan.

Cali Muuse Sheekh oo ka mida Howl-wadeenada Gaadiidka Gurmadka Caafimaadka oo Saxaafada la Hadley waxa uu khasaarihii galabta ee rayidka soo gaarey ku tilmaamey kii ugu badnaa ee dhawaahan ay la kulmaan.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Xasuuq Rayid oo AMISOM ka geysatey Suuqa Bakaaraha.
  2. Khasaare ka Dhashey Duqeyntii Galabta Ciidamada AMISOM ka geysteen M/Muqdisho
  3. Khasaare ka dhashey Duqeyn Ciidamada AMISOM geysteen.
  4. Duqeyn Xasuuq Ba’an Geysatey oo Maanta Ka Dhacdey Bakaaraha
  5. Kontomeeyo Qof oo ku waxyeeloobay Duqeymihii AMISOM ee Galabta & Caawa

Readers Comments (9)

  1. yahya says:

    TO:SOMALIMIRROR
    MAR WALBA WAAD MASAXDAAN AMA TIRTIRTAAN QORAALKAYGA MAXAA DHACAY?WEB-SITKIINA MA IDIN DHAAFAA?

  2. abukurayb says:

    walaal kuwan amisom ha la iska dhiciyo, wallaahi waa cadow
    walaal kuwani, laakiin waxaan illaahay ka rajaynayaa in allaah ku salido mujaahidiinta

  3. Jacfar sheekh ibrahim says:

    ha dhibatada oo dhan waxa mas.ul ka ah koxda mayalka adag iyo khawarijta alshayadin ee xag jirka ah markey amisom mey bakaro ka baxan oo face to face ula dagalman hadey dagal raban

  4. muslima says:

    ALLAH HA HALAAGO GAALO IYO KUWA ASAFKA KULA JIRA INSHA ALLAH.

    ALLAH AYAA MUSLIMIINTA LA JIRA, LAAKIIN GAALO IYO MUNAAFAQIIN WAA QASAAREE.

  5. ayman says:

    a/c/w salaan ka bacdi weli waxaan sugayaa nimankii lahaa heesta baroordiiqda aheyd ee la qaaday ardaydii laqaxiyey,waa xaq in loo baroordiiqo kuwa amison ay laayaan goormaa loo qaadi doonaa mise hadii loo qaado waa lays qaqaban oo waxaa la noqon ashabaab,mise gaalaa lagu farax galinaayey madaa ay idaacadahooda buunbuuninaayeen qaraxaas ,,,,,

  6. cabdilahi says:

    ha u biqin muslim guul isaga aya leh ha warwareegto oo kolba mid ha u yeedhato, shalay xabashi maanta aaka- aake iyo mid aan la aqoon asalkii oo lagu magacaabo amison[cabsun]

  7. muxsin says:

    sidaa dadka ulaynaya oo uxasuuqaya ayaa hadana waxaa laga sugayaa in ay dowlad noo keenaan,,,,,,,,, caruur iyo ciyaal nooma dhaqna ,,,, kuwa watana caruurtoodii iyo naagahoodii waxay gaysteen wadamo kale …..laakiin waxaasoo dhan waxa kasii daran shacabkaan wareray oo usacabtumaya qalbigana karaacsan … ma il;aahba wax laga qarin karaa…. adkaysta allaah waxa uu idin ku cadaabayaa xukunkiisa oo aad katagten ood raacdeen dad adinka iyo diintiiba ku iibsaday xoogaa shilimaad ah dadkoodiina dibada gaystay………MARNA USACBIYA MARNA AMISOON HAIDINKA ADEEJIYAAN…KOW MAJOOGTAANOO HADAABA MARAYKAN LAGA BARYAYAA IN UU b52 IDIN LA DHACO ….. SII SACBIYA

  8. Guhaadshe says:

    Bismillah

    Allaha u naxariisto dadkaa masaakiitna ah ee waxba aan galabsan ee naftoodii ku waayay gumaadka waxshinimada ah ee ay gaysteen ciidan ku sheegan calooshood-u-shaqaysteyaasha ah ee jooga Muqdisho.

    Markii shallay aan maqlay xasuuqan arxan-darada ah, ayaan wax yar indha indheeyey bal sida ay dadku u arkaan, ama ay uga kala hadleen; waxaa la yaab igu noqday in dadka kuwooda Qaylada, sawaxanka iyo Calaacalka aan kala joojin markii la yiraahdo Al-Shabaab ayaa Koob meel saaran XABADEEYEY, aysan shallay Ka hadlin, waxna aanay ka oran arrintaan XASUUQ AH ee dadkaa reer Muqdisho ee aan waxba gallabsan lagula kacay. Taasi miyaanay ahayn Damiir xumo ay ku dheehan tahay Dullinimo? Miyaanay ahayn waxaanu raali ka nahay Gumaadka arxan la’aanta ah ee AMISOM ay ka waddo Muqdisho? Miyaanay ahayn si toos ah ayaanu u taageernaa duulkaa Calooshood-u-shaqaysteyaasha ah?

    Xaqa iyo baadilku ma is-raaci karaan, mar ay ahaatana, siiba mar aan dheerayn, waa kala bixi doonaan. Gacanta sarena waxay ku dambayn Mutaqiinta Xaqqa ku taagan, Bi Idnillaahi Karriim.

  9. hani says:

    BISMILAH
    asc walaal yaal jihaad waa xaq oo haa latago niinki akhiiro rabo aduunkan yuu jecleysan wad u jedan sida lo dhamenaayo shacabka masakiinta wax na lagu hesto waa diintanad WALAAHI in ay wax kala jirin war gaalada mel ay joogan wey so gaceen sida ay noola dhagalami la hayeen ayeey falkeeda kujiraan anaga maxaa no diiday in an difaacno sharaftaanada war marki qabqablayaasha ay nahesten 15 sano kudowad maxaa loo soo dig iyo dam leen waaye hada markii la maqley mujahiindinba imaadey maxay u soo kala fakadeen waa la ogyahay wa silibiyiin




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Xasuuq Rayid oo AMISOM ka geysatey Suuqa Bakaaraha.
  2. Khasaare ka Dhashey Duqeyntii Galabta Ciidamada AMISOM ka geysteen M/Muqdisho
  3. Khasaare ka dhashey Duqeyn Ciidamada AMISOM geysteen.
  4. Duqeyn Xasuuq Ba’an Geysatey oo Maanta Ka Dhacdey Bakaaraha
  5. Kontomeeyo Qof oo ku waxyeeloobay Duqeymihii AMISOM ee Galabta & Caawa

Latest Headlines