Khasaare ka dhashey dagaalkii Saaka ee Muqdisho

Published on March 10, 2010 by   ·   8 Comments   ·   print

10 qof ayaa ku dhimatey 20 meeyo kalena dhaawacyo kale duwan ayaa ka soo gaarey oo u badan Rayid, dagaal iyo duqeyn bar-bar socotey oo maanta ka dhacey qeybo ka mida Degmooyinka Kaaraan & C/casiis.

Dagaalkan ayaa u dhaxeeyay Xoogag ka tirsan Al-shabab iyo ciidamada DKMG oo kaashanaya kuwa AMISOM, waxa uuna yimid ka dib markii Al-shabab weerareen aroortii hore ee Saaka Fariisimo ciidamada DKMG ku sugnaayeen.

Afhayeenka Al-shabab, Sh Cali Maxamuud Raage oo dagaalkan ka warbixiyey ayaa sheegay iney fariisimo dhowra kala wareegn ciidamada DKMG. Waxa uu sheegay Afhayeenku iney ciidamaduu gaareen ilaa Hotel Global oo horey ciidamada Dowladu ugu sugnaayeen.

Khasaare kale duwan ayuu sidoo kale sheegay Sh Cali iney u geysteen ciidamadii ay weerareen, balse faahfaahino intaa ka dheeraada kama aanu bixin.

Dhinaca DKMG sarkaal u Hadley oo lagu magacaabo C/risaaq Qeylow, ayaa sidoo kale dhinacooda guulo ka sheegtay dagaalkii maanta, waxa uuna sheegay iney iska caabiyaan ciidamadii soo weerarey khasaarana gaarsiiyeen, siduu hadalka u dhigey.

Waxa uu dagaalkan qeyb ka noqonayaa kuwa soo noqda noqda ee ka dhaca Magaalada Muqdisho ayna ka dhashaan khasaarooyin kale duwan oo Naf iyo Maalba leh.

WordPress Plugin Share Bookmark Email

Related posts:

  1. Khasaare ka dhashey Duqeyn, Dagaalkii Saaka daba socotey.
  2. Khasaare Nafeed oo Ka Dhashey Dagaalkii Cadaado
  3. Khasaare ka dhashey Dagaalkii Baladweyne.
  4. Khasaare ka dhashey Dagaalkii Ex-control Afgooye.
  5. Khasaare Xoogan oo ka dhashey Dagaalkii Guri-ceel.

Readers Comments (8)

  1. muxsin says:

    WAA ILAAHAY MAHADIIS HADII GAALADII IYO GAALA RAACDIIBA LAJABIYAY….INSHAA LAAHU BAADHILKU WUU ISKA DHANE KU SABRA ILAAHAY JIDKIISA………
    ALLAHU AKBAR…..ALLAHU AKBAR…………

  2. Ibnutayiyah says:

    Allah akbar dagaalka maanta wuxu gaaray isgoska JUBA wa madaxtoyo agteeda mujahidinta waxay ka so raacdeeyeen murtadiinta somalia iyo gaaladoda hotel GLOBAL iyo BAR FIAT iyo meelo kale o kawada tirsan degmada c/casiis wa ilahay mahadis gusha nasiyey waxana rajaynaya in maalmahan laga saaro maagalada kufarta iyo isbahaysiga.

  3. Ibnutayiyah says:

    Allah akbar dagaalka maanta wuxu gaaray isgoska JUBA wa madaxtoyo agteeda mujahidinta waxay ka so raacdeeyeen murtadiinta somalia iyo gaaladoda hotel GLOBAL iyo BAR FIAT iyo meelo kale o kawada tirsan degmada c/casiis wa ilahay mahadis gusha nasiyey waxana rajaynaya in maalmahan laga saaro maagalada kufarta iyo isbahaysiga insha allah

  4. adam says:

    ascwrwb dhamaan walalaha muslimiinta ah dadka maanta jooga siiba soomaalidu waxay l;a baxeen magacyo dadkii wanaagsanaa ee naga horeeyey,ma xuma laakiin waxaan la yaabanahay naxariis darada ka muuqata,maxaa yeelay hadii maanta 10 qof shacab ah la dilo waxay dhahayaan waa allaah mahadii.guushoodu waxay ku jirtaa laynta iyo baabi’inta dadka masaakiinta ah ee weliba ashahaadanay oo muslimiinta ah.dadkan waxa soo qora waxaan u malaynayaa inay dhamaantood dibadaha joogaan oo ay haystaan nabadgelyo laakiin waxaan u arkaa dad aan naxariis lahayn oo qayb ka ah dagaalka arxandarada ah.waxkasta oo xun ood soo qortaan waa la akhristaa ee maxaad wax wanaagsan usoo qori waydeen mise wanaaga iyo waanada waad ka indho la’dihiin? allaah haloo noqdo oo yaan lagu farxin dhiiga dadka muslimiinta ah ee korkooda lagu gorgortamayo
    wabillaahi tawfiiq
    asc

  5. abucaatika says:

    Allaahu akabar maalmuhu jihaad weeye oo miinadaa xidhane mintidaay muraadkeenu waa meel saroo hore

  6. adam says:

    ascwrwb dhamaan walalaha muslimiinta ah dadka maanta jooga siiba soomaalidu waxay l;a baxeen magacyo dadkii wanaagsanaa ee naga horeeyey,ma xuma laakiin waxaan la yaabanahay naxariis darada ka muuqata,maxaa yeelay hadii maanta 10 qof shacab ah la dilo waxay dhahayaan waa allaah mahadii.guushoodu waxay ku jirtaa laynta iyo baabi’inta dadka masaakiinta ah ee weliba ashahaadanay oo muslimiinta ah.dadkan waxa soo qora waxaan u malaynayaa inay dhamaantood dibadaha joogaan oo ay haystaan nabadgelyo laakiin waxaan u arkaa dad aan naxariis lahayn oo qayb ka ah dagaalka arxandarada ah.waxkasta oo xun ood soo qortaan waa la akhristaa ee maxaad wax wanaagsan usoo qori waydeen mise wanaaga iyo waanada waad ka indho la’dihiin? allaah haloo noqdo oo yaan lagu farxin dhiiga dadka muslimiinta ah ee korkooda lagu gorgortamayo
    wabillaahi tawfiiq
    asc.

  7. Abuu Maxamed says:

    Asalaamacaleykum waraxamtullaahi wabarkaatuh.

    Allow shahaado ku arzuq muslimiintaan la gumaadayo.

    Allow Mujaahidiinta quluubtooda isukeen.

    Alloow jabi gaalada iyo kuwa acdaada ah ee u adeegaya.

    Aamin Aamin Amiini.

  8. cali warsame says:

    Shacbi masaakiin ah oo aan waxba galabsan ayaa ku dhintay. Labada kooxood ee is dagaalaya waxa uga kala dhintay waa Soomali.

    WAA FITNO AAN DHAMAAD LAHAYN.

    Wax loo dabaaldago maahan walaayaal.

Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Khasaare ka dhashey Duqeyn, Dagaalkii Saaka daba socotey.
  2. Khasaare Nafeed oo Ka Dhashey Dagaalkii Cadaado
  3. Khasaare ka dhashey Dagaalkii Baladweyne.
  4. Khasaare ka dhashey Dagaalkii Ex-control Afgooye.
  5. Khasaare Xoogan oo ka dhashey Dagaalkii Guri-ceel.

Latest Headlines