Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in ay Dowladiisu soo dhaweynayso dagaalka dhanka cirka ah ee uu qorsheynayo Maraykanku meeshana looga saarayo xoogaga kacdoonka wada ee ka jira Soomaaliya .
Sheekh Shariif ayaa hadalkan ka sheegay Magaalada London oo uu hadda socdaal ku joogo wuuuna sheegay in loo baahan yahay in DKMG ah la siiyo caawin caalami ah lagana qeyb qaato sidii loogu soo gacan galin lahaa goobaha ay haystaan xoogaga kacdoonka kadib marka lagu qaado dagaalka uu shaaciyay Maraykanku .
Warkan oo asalkiisa hore uu faafiyay Wargeyska New York Times maalintii khamiisata ahayd ee aynu ka soo gudubnay hadana Sheekh Shafiif waxa uu tilmaamay in warkaa hadii uu asal jiraa leeyahay in uu soo dhaweynayo dagaalka dhanka cirka ah ee uu Maraykanku qaadayo ayna kala shaqeyn doonaan howlgalkaasi.
Shir jaraa’id oo uu Sheekh Shariif ku qabtay London lagana tarjumayay ayuu ku sheegay in qorshaha Maraykanku hadii uu guuleystaa uu wax badan ka tari doono hanaanka Dowladda iyo baahinta awoodda DKMG ah.
Su’aal ay wariyayaasha qaarkood Sheekh Shariif waydiiyeen oo ahayd sawirka uu ka bixin karo hadii dagaalkaa la qorsheynayaa ay ka qeyb qaataan ciidamada Maraykanka kuwooda dhulka waxa uu Sheekh Shariif sheegay in uusan su’aashaad jawaab u heyn wuxuuna kaliya ku gaabsaday adeegsi kastaa oo muuqda oo ay sameeyaan ciidamada Maraykanku waxa ay noqon doontaa mid saxaasiyad leh .
Sidoo kale waxa uu Sheekh Shariif ka jawaabay s’aal ahayd qaabka uu ku guuleysan karo dagaalka la damacsan yahay iyadoo laga war qabo in goobaha ay haystaan xoogaga kacdoonku ay istaraatiiji yihiin marka meelo dhowr ah laga eego waxa uu Sheekh Shariif su’aashi uga jawaabay in istaraatiijiyadu ay noqayso in dadkalaga kaxeeyo goobaha la beegsanayo lana aamiyo goobahaas sidoo kalena dib u dhis deg deg ah lagu sameeyo howlgalka kadib lana soo celiyo adeegyada kala duwan ee asaasiga ahaa.
Waxa uu Sheekh Shariif dhanka kale tilmaamay in arimahaasi aysan waxba u dhimeyn dib u heshiisiinta wuxuuna dhanka kale tilmaamay in dhaqdhaqaaqa Al shabaab ay xidhiidh la leeyihiin ururka Al-qaacida wuxuuna intaa ku daray in labada urur (Al shabab & Xisbul Islaami) ay xidhiidh la yihiin kooxaha Budhcad badeeda .
Sheekh Shariif waxa uu muujiyay in ciidanka DKMG ah uu si guud u diyaar garoobay lakin la ogyahay xaalka Soomaaliya ee ah in ay u baahan tahay caawin caalami ah qaar ahaan dhanka arimaha Bini Aadaninimada iyo dib u dhiska goobaha laga laga saaro xoogaga kacdoonka ee hadda gacanta ku haya.
Su’aal sidoo kale la waydiiyay oo ahayd in DKMG ah ay qiyaasi karto tiradda Ajaaniibta ah ee ka barbar dagalama xoogaga ka soo horjeeda wuxa uu tilmaamay in xadidida arintaasi ay adagtahay hadana aan loo baahneyn in laga bad badiyo , wuxuuna intaa ku daray in dadka soomaaliya ah ay arkeen dagaal yahano Ajaanib ah oo wadaayinka socda iyagoon is qarineyn .
Sheekh Shariif waxa uu meesha ka saaray wararka sheegaya in Dowlada KMG ahi ay Askar ahan u qoroto dadka Soomaalida ah eek u dhaqan Wadamada Dariska la ah Soomaaliya (Kenya+ Itobiya +Jabuuti), wuxuuna Sheekh Shariif tibaaxay in jiraan dad badan oo Soomaali ah oo doonaya in ay ciidanka u shaqeeyaan.
Hadalkan Sheekh Shariif ayaa laga dhadhansan karaa in uu jiro dagaalka uu Maraykanku damacsan yahay in uu ku qaado Xoogaga ka soo horjeeda DKMG ah ,wuxuuna hadalka Sheekh Shariif cadeyn u yahay hadalo mudooyinkii dambe ay ma’uuliyiin kala duwan oo DKMG ah ka tirsan ay siinayeen Warbaahinta maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ahba kuwaas oo dhowr jeer ku cel celiyay in ay dagaal ku qaadi doonan xoogaga ka soo horjeeda.

Related posts:
asc wrb walal ninkan waxa uu wado waad argtaan ee talo u radiya walal macane aniga waxan ra jeynaya jihadka soo mlaiy ka jira inuu yahy mid xaq ku tagn yahy byee
BISMILLAAH.
soo dhawee ama ha soo dhawayn wajigaa waa hoogay!
gaalkaad u sabacinayso asagaa ku dili doona ee waxba ha moodin , kumi iyo taano ka faa’idi mayside gaaladaada iskala hees , dhaantada la tumo .
gaal iyo gaala raace waa hoogeen waana laga adkaan.
WALLAAHU ACLAM.
A.c.w salan kadib ma ana walan mise cadan ba laga hesaya sheikh sharif kacdonu hogaminayey wuxu aha jihad dadkana wuxu ushegi jirey hagardamadan inu ka danbeyo mareykan, war shaley mareykan ma gaalka cad on wad ognahey bu aha manta ma ragad shaley lajihadaysad u tilmami sidu udabar jari laha war alle dulee miyadan marna hadaladadi hore xasusan.
Hada kahor waxa masajidka isbahaysiga nogu khudbeyey magacisan dhumiye midka sharifka kuxigenka u aha barigi maxkamadaha hadana dowladisa kujira wuxu yiri xalka kowad wa dagal in lagu qado clahi iyo axmarada marka kadib sheydhanka dabo fadhiyo ee mareykanka ah aya iskeni war manta ma ninkad sa u ogeyden ba ehel in noqday o ad markad la dagali laheyd ad laso safaten war alle dule intay gori gor tahey towbad kena o ragina garab gala.
asc Anelka ninkani xaquu kutaaganyahay kuwaad leedahay soomaaliya ayey jihaad kawadaan sawkuwan ayagu dhiiga dhexdooda banaystay ma aha, sawkuwan shacabka dhiigooda banaystay ma aha.runto waa jihaad maaha ee waa mooryaan diimeed
marak la yiraahdo nikaas sharifka lagu magacaabo diinta waa ka baxay dad badan baa qayliya oo dhaha dad baa lagaleeysiinayaa wuxuu ku hadlayona waad araktaan marka su aashu waxay tahay diinta ma shaati marna la gashado marna la bixiyaa? maxaa diin lagag baxaa bal arintaa u kuuraga jawaabna ka bixiya
BISMILAAH
sharif gaalada hadii aad u moodey in ay awood ayaga leyihin wan ka xumahay ALLAAH ayaa iskale awood sharaf boqornimo mujahidinta ALAAH ayaa garab tagan markii adiga aad dugsanaysid gaal oo carada ALLE kudhacdey ayagana waxay dugsanayaan ALAAH malaig ayaa dhul iyo cirka loso safayaa ilaah indinkis weyna guleysanayan shaki kuma jiro tas lkn adiga aduun walwal ayaa ku dhamesanee akhirana jahanama ayan ku dambeeso hadii aad ka towbad keenin wali qof kaa calaf xun ma arkin munaafuq aya tahay diintisa iyo dalkisaba adunyo ku ibsaday ILAAH waxan ka baryena in uu ku soo qabto sida oga dhaqsi badan,mujahidiinta waxan ugu baaqaayaa in ay wada heshiyaan dar alle isku garab istagaan kitabkana isla difacan ALLE yaa garab iyo kalmo idinsinaayo ha cabsanina anagana wa idinsoduceynay wana kugu leysaneeysan INSHA ALAAH
asc waa jihaad xaq ah laakiin illahay kabarya in illahay qulubteenka ku suga diinta islaamka waad aragtaan ninkii shalay ahaa amiirka islaamka maanta halkay lamarayso waayo waxuu ku faraxasan yahay waxaan galay guriga looga arimiyo egland tolow maxuu ugu farxi waayey isagoo janada albaabka mid aha looga yeedhay
somalidu miyanay ka waantoobayn inay kaas oo kale dad islaam sheeganayaa ay yidhaahdaan waanu tageereynaa nimankii shalay sida aad ogaydeen u qaylin jiray ee ahaa hugaan dhaqameedyada away xagay joogaan maata qaiil ku dagalamayeen laakiin waxaa jira geesiyaal aan qabiil udagalamayn oo waxay udagalamayaan ay tahay in aydiinta ale kor ahaato markaas dadkamuslimiintaha meel ay joogaan ba waxaa loogabaahan yahay ina ducada ay ka adkaadaan oo aanay ka caajisin in sha alaah waxaynu arkidoonaa nasir iyo dadka oo xaqa ugar gaaray asc
koley mareekan imaayaa ma imaaninaa illaaheey jab waakula maagan yahay hadadan towad keenin marun walagu arki sidii cabdullaahi yuusuf adigoo uhuleelay oo haleey cafiya leh aniga maskaxdeeyda ahaan walee mafilayo in mareekan wax burburiyo krsi laguu salaxo inaad kufadhiisatit haakah ma dhaheeysid oo allaahana aad is hilmaamsiiso ogoow inuu allaah kuujeedo shalay markad laheed gaalna waan lasaxiibaa illaaheyna waan raaligilinaa wax suurtoowaayo ma ahan sabaab too ah hadaan allaah raaligiliyo gaalada weey kula caloowi maalin taas maalin ayeey aheed maantana wamaalin walaahi waxaan naftada aheen mahalaag sameeyso ee yaajook kudhaho dulmiga aad shcabka kusoowdo allaah ayeey lakaasha naayaan koleey hada galada waxwana aktooda kamatihid wey iska kaa wataan ma ahane dantooda ayeey kugu wataan illaahayoow sheeydaan iyo sharkiisa ayaan kaamagan galnay ee illaahayoow sheydaan iyo ciidankiisa dhagartooda iyo shartooda ayaan kaamagan galeeynaa ee illaahayoow noogahiili qoomka dhaalibiinta ah
ASC WALAALE WAXAA MUHIM AH IN LA KALA SAARO MA DEGAAL JOGTO AH O DHALIYA QAX IYO DHIBAATO CUSUB MISE NABAD IYO KALA DAMBEYN KA DHALATA SOMALI AYAA FIICAN , MIDA KALE SHABAB IYO XISBUL ISLAM LABADODA DIIN IYO DAL IYO DAD MID WAX UMA HAYAAN JIHADKANA IN SUUQA BAKAARO LA FADHISTO O AQON YAHAY KASTA O AYAGA AAN KA TIRSANEN AMA QALADKODA KU RACIN INEY DILAAN AMA BADAKACAAN AYAY U FAHANSAN YIHIN , CARUURTA WAXBARASHO LA.ANTA KU DHACDEY DA’ YARTA AH IYO DAD AMINSAN IN LA LIIDO O LADHOCO AYA ISKU ILALIYA SHATIGA ALSHABAB IYO XISBUL ISMAL ,WAXAAN DHIB IYO BARAKICIN AHEYN DADKA UMA HAYAN TAGERIDODANA WEY DHAMATEY ILLAHEY DHINAC HANOP DHAAFIYO WAXANA KU JIRA DAD MASLAXADOODA AANU KU JIRIN NABADA SOMALIYA EYNA GABAD KA DHIGTAN FOWDADA JIRTA , DOWLADANA WAXA LOGA BAHAN YAHAY INEY XIL ISKA SARTO SHACABKA INEYNA DAYACIN FURSADAHA NABADDA QAX IYO DAGAL NOOGU FILAN INTAN ,, THANSS
Waa mujrim shariif isla markaana gaalada kabaha u qaada sidoo kalana gatay diintiis & dalkiiskii marka la yaab ma laha in uu jeebabka ka buuxsado dhiiga shacabka soomaaliyeed ee AMISOM & USA u soo tafaxaydanayso insha allah cadaalada ayaa la horkeeni inta la qabto ayaa shareecada islaamka la marin doonaa oo laga goyn doonaa umadda soomaaliyeed dambiyadii uu ka galay ASC
asc wrwb wallahi waxa wax laga xumado ah in ay webyada qarkod oo ay ka mid tahay markacadey,iyo kuwa kale oo an waxba isku falaynin so qoran wax laga yaqyaqsiyodo oo ah cidamada amison oo ku durduriyey mucaradka war hadi lagu durduriyo mucaradka adiga ku xiga oo cagta lagu marina duliyal ba tihine wax isku fala oo allah ka baqa oo sida webyada muslimka ee ah sida somalimirror ,hilaaca,iyo kuwa kale oo badan oo wadanka iyo daadka ad wax u qoraysan ha is yeshan sababto ah hada waxad wax u qortan sida qof web ay galada aqrisato camal oo farxad iyo abalmarin galada ka rabo ee uma qortan si somalinimo ah ama muslimnimo ah ee allah ka xishoda oo caruurta ad dhashan dulinimo ha daxalsinina idinka waba idin dhamate mise waxad rabtan in hadaow caruurtina lagu cayo wadan la an iyo wax iskumafalayal ay yihin oo abayashod dulkoda u difaciwayen ogadana hadalkaba yilo ayu gala oo webka xita wad ku difaci karta dadkada dalkada iyo diintada ee in ad dilaag gasho bes mahan digalka hadhow shanlayto wax ma tarto la socda
SU’AAL???
Waxaan aad uga murugaysnahay dadka maatada ah ee iyagoo hoygoodii jooga madaafiicda lahuwinayo waanan ogahay inaanay gaaladaasi ka naxayn AMISON dheh ama DKMG ah dheh uma arko wax kala duwan.
SU’AASHAYDU waxay tahay?
Shalay markii uu madaxweyne ku sheega ahaa C/LLAHI YUSUF ee uu xasuuqayey maatada waxaa jirey odayaal dhaqameed ku hadli jirey magaca HAWIYE oo odhan jirey waa aargoosi waxaanan ognahay kuwii ugu cadcadaa inay joogaan goobo ay ka taliyaan islamiyiintu xasuuqan dhacayana eray kama gaystaan MA GAALADAAN TII LAMID AHAYN MISE MURTADIINTAAN KUWII LAMID AHAYN???
Nimanyow hadi nasri ladoonayo aynu dadkan maalinba meel ka miisaya beri kanoqono
To somalimirror gaar ahaan Cali Guure ayaamkan sikalaad wax uwadaan e xoriyada hanaga qaadina WEBkan waanu ictimaadnaa e thiqada aan idiin hayno ha luminana fadlan tacliiqaadka haku miisaamina tiina e haduu khaldan yahay sharcan tuura haduuse run walwaalayo haba qadhaadhaadee noo daaya fadlan
bismilaah
waxaan umalynayaa in uu waa shay ninkan sheydaan shariif
su.aashaada hadii aan isku dayo in aan ka jawaabo kuwaas magaca hawiye sheeganayay dee maanta ninka meeha shoogaa shaydaan shariif ayay magaca wadagaan marka qabyaalad xun ayaa lafta dadka qaar ka gashay gaaladuu waa gaaladii murtadiintu waa murtadiintii mark waxaan odan lahaa illaahay halaga baqo aadmi waxba ma sheegayee