Shariif & Ingiriiska oo ka wada hadlaya la Dagaalanka Argagixisada & Burcad Badeeda
By Somalimirror on 9 Mar, 2010 8:46 AM in Main, Wararka
Shariif Sheekh Axmed oo Maalintii 2-aad ku sugan Magaalada Londan ee Wadanka Brittan ayaa kulamo kala duwan la qaatay Wasiirka Arimaha Dibadda David Milibandi, Wasiirka Arimaha Gudaha Jonson, iyo Ra’isul Wasaaraha Dalkaasi Gordon Barawon.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay Xaaladihii ugu Danbeeyay ee Geeska Afrika iyo siday labadoodaba isaga kaashan lahaayeen la Dagaalanka waxa loogu yeeray Argagixisadda iyo Burcad Badeeda ka qowlaysata Xeebaha Soomaaliya.
Jaamac Jangali oo u qaabilsan DKMG ah Wasaaradda Arimaha Dibadda oo u waramay Idaacadda BBC-da ayaa sheegay Qodobada ay ka wada hadleen Dowlada Ingiriiska ay ka mid ahayd in la iska kaashaddo Istiraatiijiyadda DKMG ah ay ku xasilinayso Wadanka, waa sida uu hadalka u dhigaye.
Sidoo kale Shariif wuxuu kulan la qaatay qeybo ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed.
Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegay in Maanta lagu wado inuu shariif Shir jaraa’id ku qabto Magaalada London taas oo uu uga warbixinayo kulamada kala duwan ee la qaatay Mas’uuliyiinta Dowlada Ingiriiska.
Shariif ayaa ka hor intii uusan u kicitimin Dalka Ingiriiska wuxuu soo dhaaweeyay go’aankii ay Britain ugu dartay Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin waxay ugu yeerto Liiska Argagixisadda wuxuuna yiri “Talaabadaasi waa Talaabo Muhiim ah iyo Go’aan wax ku ool ah, laakiin lala soo daahay”.
Daabaco

Shariifka wax islama hayo Shabaabna kaba siidaran ilaah ayaa Dalkan ujira Laakiin wali Rag ooma soobixin
Colujoog | Mar 9, 2010 | Reply
BISMILLAAHIRRAXMAANIRRAXIIM.
…….MA LABA LA ISKU BADDALANKARAA?……
nuurkii ISLAAMKA iyo kufri mugdigiis.
naseexadii quraanka iyo naaquuskii kaniisadda.
naxariistii rasuulka iyo naartii baadida.
……MA LABA LA ISKU BADDALANKARAA ?…
miiddii jihaadka iyo malaxdii nifaaqa.
macaankii walaalnimo iyo murankii colaadda.
midnimadii umadda iyo kala jabkii ururada.
…..MA LABA LA ISKU BADDALANKARAA ? ……
shareecadii ISLAAMKA iyo sharkii xeerarka.
shabaabalmujaahid iyo shaydaanka baahuuko
shashaxdii ammaanka iyo shirqoolkii isbaarada.
….MA LABA LA ISKU BADDALANKARAA ? …….
RABBII WAXDAHUU YACLAM.
naasix | Mar 9, 2010 | Reply
Gooni ninki loo wataa gebi lasaaraaye.
Gordon buu ka doorbiday golihii diimeede.
Gaalada qadhmuun buu gacalo moodaaye.
Guntigaa ka dhacay gole dhexdiisiiye.
Gaasirane wallee guuldara ku hoyatey.
Hadan wazniga khalday hala soxo dhawaan baan bilaabay inaan gabyo waa kii 3aad .
Abu-salman | Mar 9, 2010 | Reply
Ingiriiska waa Aano doon wuxuuna ogyahay wixii kaga dhacay Af-bakayle, Beerdhiga, Ruuga iyo meelihii kale ee ay Daraawiish isku heleen.
Adoon Eebe | Mar 9, 2010 | Reply
BISMILLAAH.
nin walba khiyaanadiisa baa disha,kanna waa saa
WALLAAHU ACLAM.
khaadimul-ISLAAM | Mar 10, 2010 | Reply