Sarkaalka ka tirsan Al-xizbul Islami oo Muqdisho lagu diley.

Sarkaal xagga ciidanka oo ka tirsan Ururka Al-xizbul Islami laguna magacaabo Bare Cali Bare ayaa maanta, Salaadii Duhur wax yar ka hor lagu diley gudaha Suuqa weyn ee Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Dilka sarkaalkan waxaa geystey rag ku hubeysnaa Bastooladu, sida dad goob joogayaal ahi ku warameen.

Afhayeenka, Al-xizbul Islami, Sh Maxamed Macalin oo ka waramey Dilka Bare Cali Bare, waxa uuna sheegay iney aad uga xun yihiin, ilaa iyo haddana ayna ka war heynin cid Dilkiisa ku lug leh.

Waxaa sidoo kale dilka Sarkaalkan ka Hadley, gudoomiye xigeenka Maamulka Gobolka Banaadir ee Al-xizbul Islami, Ibraahim Bare Cismaan, waxa uuna sheegay iney baaritaano dilkan ku aadan wadaan, balse ayna ogeyn cidda ka danbeysa.

Labada Mas’uul ee Dilka Sarkaalkan ka hadashey ayaa sheegay, Saxaafada iney dib warbixin ka siinayaan Markey baaritaanka Dilka Sarkaalkan ku aadan soo dhameeyaan.

Waxa uu dilkan qeyb ka noqonayaa kuwa soo noq noqda ee ka dhaca Magaalada Muqdisho oo aan si rasmiya loo ogeyn cidda ku lugta ah.

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco

51 Comment(s)

  1. inaa lilaahi wa inaa ilayhi raaji cuun waa geeri kulul kuna timid mujaa hidiinta soomaaliyeed waxaan udar daarmilahaa mujaahidiinta cadawgiinu wuu badan yahaye feejignaada idina ha isku soonoqonina kafogaada dagaal dhaxdiina waa dagaal fidno kuna xirnaada culimada iyo diinta

    c.qadir nairobi | Mar 9, 2010 | Reply

  2. waa la wada ogyahay cida dishay laakiin afkii ayaa baqanaya inuu sheego cida dishay ninkan.

    waali | Mar 9, 2010 | Reply

  3. Inaa Lilaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun Koleey Barre Maanta Waa Uu Dhintay Waxaana Dhib Qaba Kuwii Lagu Sababbay Dhimashadiisa. Kulu Nafsu Daa Ikhatu Mowd Waxaana Leeyahay Koleey Arinkaan Waa Fidnee Alloow Guusha Sii Qolada Dariiqaaga Ku Taagan Aamiin !!!!!!!!!!!!!!!

    Abuu Asmaa | Mar 9, 2010 | Reply

  4. Howlihi laga dhaxlay gardheere ayay ka mid tahay dilka Qiyaanada ah.

    halla baaro, kolleyba wax la ogyahay xidikooda hadana la baarayo micnaheeda waa wax aan sheegno mahayno.

    Kolleyba waxaa jiri doona qola dhahda waxaa dilay Cid isku diraysa walaalaha Mujaahidiinta kkkkkkkk

    ka xaaxaabiya dhiiga Islaamka aad gacmaha kula jirtaan iyo kuwa kala taageeraya.

    what is the difference? | Mar 9, 2010 | Reply

  5. waxaa filayaa in arintan in looga danlahaa in lagu kala dilo kooxaha dalwahada kasoo horjeeda lamana qiyaasi koro cidafulisay aritaa waayo meesha cid waliba danteeda wayka fushankartaan

    abubakar | Mar 9, 2010 | Reply

  6. Somalaay waxaad Ogaataan waxa dilkaan gaystay waa dad MUNAAFIQIINA uuna raba in ay isku diraan walaalaha safka kuwada jira waxaana luuga faa ii daysaa dagaalka ay maaganyihiin cadawga saliibiyiintaa ee maraykanka iyo shayaadinta shariifka waxaa ay rabaan in ay walaaluho safka isaga baxaan

    Fre Falastiin | Mar 9, 2010 | Reply

  7. Allaah ha u naxariisto. Waa fal shaydaan. Waa macquul in cadowgu diley shahiidka. Lakin cid kastaba ha dishee, yaa mas’uul ka ah amniga goobta dilku ka dhacay?. Sow ma ahan Alshabaab & Xizbiga. Waa inay soo qabtaan gacan-ku-dhiiglayaasha, haddii kale tuhun baa imaan kara.

    Cabdallah. Lusaka, Zambia. | Mar 9, 2010 | Reply

  8. Inaa lilaahi wa inaa lilaahi rajacuun
    Mujaahid weyn ayaa maanta ummada islaamka ahi weynday khaas ahaan soomaalida
    waxaad ogaan doontaan marka gaaladu ay iskukiin adeegsato sida aad noqotaan
    ma uusan dilin mujaahidkaan nin cabashi ahi iyo mid madow ahi midna ee soomaali muslim ayuu gacantiis ku baxay
    inaa lilaahi waa inaa lilaahi raaajacuun

    Abu salaaxudin | Mar 9, 2010 | Reply

  9. Barre maaha qofkii ugu horreeyey ee ay iska dilaan labada xizbi, mana filayo inuu noqon doono kan ugu dambeeya!!

    war Hooy, fitnadu wey huruddaa Ilaahay ha lacnado ciddii toosisa!!

    falxado | Mar 9, 2010 | Reply

  10. Alle haunaxariisto waana katacsiyeeyni eheladii uu kageeryooday iyo inta taqaano tanlabaad waa wax lalayaabo oo horseedi karo dhibaato iyo bur b ur horleh iyo shaki kanax abuurmo ragii shaleey isla socday sida alshabaab iyo xizbul islaam ee Alle amuuraha haqaboojiyo meeshaas wanaag iigama muuqdee .

    axmedcade | Mar 9, 2010 | Reply

  11. Asalaamu Caleykum Waraxmatullaahi,

    salaan kadib, waxaan aniga waxaan qabaan Barre inuu la kulmay Alle wuxuu geystayna ay sugayaan.

    Illaahow na badbaadi oo gafkeena iyo geerideena ha kulansiin.

    Aamiin Aamiin Aamiin

    Msabir | Mar 9, 2010 | Reply

  12. INAA LILAAHI WAA INAA ILEHAY RAAJICUUN
    allaha u naxa riisto hadii uu ahaay mid xaq ku tagnaay intaas ayaa ku soo kobayaa hadal keyga

    Abdulrizak 11 | Mar 9, 2010 | Reply

  13. cid kasto alshabaab ayee uu qadanee in ee dishay laakin alshabaab ma dilin ee cid rabto in alshabaab la maleeyo ayaa dishay wana dowlada isku sheega cid kasto caqli leh taas weey ogaan kartaa

    anas | Mar 9, 2010 | Reply

  14. w/s
    mujaahidkaa mujaahidiinta ayaa ku jihaaday e xadiis cusub ayay la soo baxeen oo ah hadday laba mujaahid isdilaan kii ladilay iyo kii waxdilayba janadda ayay galayaa ileen ahlu bidacu iyagaa axaadiista tawiisha inay samaystaana dhib uma arkaan

    abu abas | Mar 9, 2010 | Reply

  15. waxaa is weydiin mudan ninka ladilay imisa muslimiin ah ayuu dilay
    qof walba muslimiinta sida ay u gashay ayaa loogali doonaa in shaa allaaahu
    wa bilaahi toowfooq

    adoon ilaahay | Mar 9, 2010 | Reply

  16. BISMILLAAH.

    ALLAAH SUBXAANAH baa iska leh waxuu siiyo iyo waxuu qaataba { WA INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN }.
    balse sh.xasan daahir ha la waydiiyo dhibka ka bilowda ugaarsiga madaxda wadaadada ! ma la oran karaa waxay salka ku haysaa hadalkii uu masjidka abii hurayra ka jeediyay ? maadaama uu yiri dagaalkii kismaanyo waa dagaal aduun , hadde lama fogaysan karo in hadalkiisu uu dhiirin galin u noqdo axmad madoobe iyo rag kale oo si hoos ahaan ah u bilaabaan fitno iyo hurin dagaal oo ay markaas ku dilaan dad ay u ciilqabeen oo ka tirsan xizbiga si loo dhaho waxaa ka danbeeyay shabaabka ! halkaasna dabku ka bilowdo , waxaana shaki lahayn inay jiraan rag badan oo xizbiga ah oo ka soo horjeeda qaladaadka shiikha iyo ragga uu wato.

    kolay war jiraaba cakkaaruu imaan , qofkii bilaaba fitno walaal asagay ku danbayn caybtu.

    WALLAAHU ACLAM.

    khaadimul-ISLAAM | Mar 9, 2010 | Reply

  17. Kooxdan isku wheegtah mujaahidiin ee dadka qaraxyo iyo gaado ku dilaya mujaahidiin dhab ah oo kaliya loo dilayo mucaarad baa tahay shariicada eey noo sheegayaan ma wexeey noqotqy “HADAAD I TAAGEERTID MUSLIM bAA TAHAY HADAAD I MUCAARADANA GAAL BAA TAHAY” , waa arin cajiib ah,shacabyahow toosa oo diintu waa cibaado,dacwo,waano, waa yusri wa leeysat cusr,naxariis,tabliiq,shariicado waa SHUURA ee ma aha DIKTEETARNIMO,shariicada ku dhaqan keeda waa in iskuulad lagu baraa ardayda,waa in bulshada lagu wacyi galiyo,waa in lago hortago fasaadka uu sameeynayo qof kaaso bulshada dhibaya kana baxsanshariicada islaamka,waa in masaajida looga muxaadareeya,waan in waqti la siiyo shacabka si uu ula qabsado sharcigan cusub,waa in aabo kasto la’baro ku dhaqanka shareecada iyo on uu reekiisa iyo qaraabadiisa gaarsiiyaa,waa in eey jirtaa maxamad islaamiyah taas oo la’xisaabtanta masuu’liyiinta hirgalinaya shariicada xil kastaba ha Hayes,shariicada ma aha in tuula la’qabsado AMA magaalo laga fara maroorsado dadkiidii kadibna eey gacmaha iyo qoorta ka jaraan shacabka Barakacsan ee geedaha hoos jiifa ayagoo ku indhacadoonaya in eey wax ku xukumayann shariicao Lana baxay magacyo eeysan dhaqan u laheeyn oo eeysan qaarkood luqada magac uu labaxayo aqoon u laheeyn sida ABU………….etc,dalka xataa gacanta si fiican ugu meeysan dhigin baa wexeey la’ordayaan shariico bulukeeti iyo dagaalo fitno ah,allow yaa calaam maa fil alxaadir wa qaa’ib mujaahidiinta dhabta ah adaa quluubtooda og ee hanuuniyo oo imaa nasrul’laah wa imaa al-shahaada fii sabiilak.

    Nabad | Mar 9, 2010 | Reply

  18. Somalimirror Admins,

    Maxaa ku dhacay qoraalkaygii hore? Kaalay idinka waxaa u dhaqmaysaan sida kuwa maamula HOL oo dadka qoraaladooda dufanka isaga dhaqa haddii aan sidooda loo fekerin.

    Hala i dhaafo haddii kale sidaa noo daba dhigateen baa iniin daba dhiganaynaa.

    hymo | Mar 9, 2010 | Reply

  19. Waxaa iska cad ninkaan walaalaha laynayaa inuu yahay Indhacade iyo xulafadiisa. Mashruucii xasuuqa ahaa ee hore looga digay baa bilaabmay.

    Waxaan maqli jirey madmadoobe Allaa ku yaqaan. finger printska iyo sida wax loo wado aa iska cad yahay. Ninkaas wejiyada badan leh mashruuciisii uu u eg yahay.

    Dadkii masaakiinta ahaa ee Shabeelaha Hoose xaqoodii iyo xoolahoodii uu hamuun u qabaa. Jahanama ku dhac oo Muslinka Alle hakaa qabto.

    hymo | Mar 9, 2010 | Reply

  20. A S C W W,salaan ka dib ikhwaanii fil al islaam waxaa wanaagsan in xaqiiqada la taabto ma walba adoon cidna ka Baqeeyn una hiilinin,waxaan ka mid ahaa dadka aad u jeclaa shabaab aadna u taageersana laakiin kadib amxaaro markeey baxday waxaan arkay n eeysan Dan Somali wadin oo eey hadana dagaal fidno ah u horseedeen ummadii iyo jihaadka mirihiisii oo Hal bacaad lagu lisay eey ka dhigeen,shabaab shariica wexey noo dhigeen hadaad na raacdo Muslim baa tahay hadii aad naga soo horjeesato gaal baa tahay(subxaana Allah ),axmad madoobe wuxuu uga cararay waxaa weeye wuxuu ogaa ragani in eeysan talo gacanta ugu jirin iyaga oo eeysan yool iyo aragti fog oo waasic ah eeysan leheyn kana been sheegayaan kitaabkii alle,mujaahidka eey ku tookteen bakaaraha wexeey ugu Dan lahaayeen fitno iyo awood sheegsi mujaahidiin aan diyaar u eheen dagaal fitno,afhayeenkoodi hore ee jubooyinka ayaa 3 Bari ka kaga dhawaajiyay in eey la’hadlayaan dowlada hadii eey iska daayaan waxyaabaha eey wadaan oo eey isla markaan towbad keenaan ,wuxuu kaloo yiri waan iska dufaaceeynaa duulaanka keenya nooga imaanaya,gorma ayeey kuwan afka duuban dabaxsanaantaas lagu bartay soo ayagii dhihi jiray Kenya waan kku duuleeynaa,dowladu waa rida,xukunka ayaan ka tuureeynaa,waxaa cad maanta in shacabku dhinacoodaka siibtay,ayaga iyo xizbigana seeyfa ayeey isku sifeeysanayaan,wexeey bilaabeen in eey Kala hadlaan oo hadalo is khilaafsan saxaafad ka sheegaan sida xizbiga,dhaqaalihii qaacida uga imaanayayna wuu istaagayo sababtoo ah qaacida ayadaa barook ah,dowladii,suufiyadii iyo gaal raac oo gaala watana wexeey galeen Hal saf oo eey xabad ka tuuraan,xaalka marka uu halkaa marayo oo eey dowlada dagaalka eey nagu wareerisay eey qaado oo hadii laga fara maroorsado kismaayo wexeey u Mayan galayaan A/madoobe oo u ciil qaba dabadeedna qorta un ha raaciyo,kooxdan wax naga qabta allaha noo soo diro.

    Af-nuug | Mar 9, 2010 | Reply

  21. qof dagaal ku jira caddaw badana leh meel ddagaalna jooga inuu dhinto oo la ddilo waa isska caadi meqaa maalin walba dhimata oo aan la is weydiin marka nin usoo bareeray oo soo aaday dagaal dhimashidiisa wax eyn ma aha waxi uu rabay beey eheyd

    samatar | Mar 9, 2010 | Reply

  22. dhaman kuwa tagersan argagaxisada xisbul xasuq iyo ururka shayadinta ah alshabab war ha isdilan wayo labadi badil ku heshisa xaqey isku dagalan marka war tagera dowlada si loo ciribtiro koxaha mayal adag

    Jacfar sheekh ibrahim | Mar 10, 2010 | Reply

  23. Al xisbul islaami aragtidiisu waa caddahay,jidkiisa ictidaalkana waa haynayaa.
    Ninkii dilka sheekhan ka danbeeyaana waxba ka qaadimaayo,gaar ahaan inta hoggaamiyaha xisbigu wadadiisa toos u haysto.

    cabdi yare | Mar 10, 2010 | Reply

  24. ascrwb salaanta islaamka kadib ,waxaa dilay mujaahid sh barre waa ,al-shabaab ee ha adkaystaan marka cadow ka xoog badan al-shabaab uu laato ,wxa uu galabsaday majiro ,ayaan hore ayuu mujaahidku ka hadlay gardarrada al shabaab ,maanta salaadad markuu kasoo baxay ayaa la dilay , war sidee guulk lagu gaarayaa dhiigga islaamka ayaaba la banaystay??? al-shabaab way dhamaananayaan ee suga wallee gardarro laguma waaro,waadna ogaan doontaan,ilaahay mujaahidka ha unaxaristo ,aamiin.

    abuu asmaa | Mar 10, 2010 | Reply

  25. waxaan aad uga xumahay in aad my comments ka saarteen meesha hadaad tihiin somali mirror markasta oo aan wax qorana aad ku qortaan your comments is waiting moderation,and i don not understand what you mean guys that so to be fire let me i write what i want.

    sh maxamed wali dheere | Mar 10, 2010 | Reply

  26. Sh.Xassan Daahir ayaa ku xiga ayaa filayaa waayo tani waa fariin isaga ku socota ee aan eegno bal xizbul-aweyz siduu u jawaabo.

    Xirsi.

    Runle | Mar 10, 2010 | Reply

  27. s/c waxaan layaabanahay dadka sida xigmad la,aanta ah uhadlaayo ama diin la,aanta maxaa yeelay qofka muslimka ah qofkii dhiigiisa baneeysto oo sikas ahna udilo qofkaas Alle baa qur aanka noogu sheegay iyo waxa uu kudanbeeyni bare gacan kagardaran baa dishay Alshabaabna afhayeenkooda baa horay uqirtay in xizbul islaam kadanbeeyeen qaraxyaal badan sida suuqa kujirtana waxaa laleeyahay gudoomiyihii kismaayoama jubooyinka ee zeylici lagu naaneesi jiray in uu bakaaraha kudhintay shirkii kismaayo laiskugu imaadana laga tashanaayay sidii wax loo wajihilahaay iyo maamulkii badali lahaay. Alle waxaan kabaryeeynaa in umada islaamka ah dhiigooda kala qaboojiyo waxaa loo badini in aarkoosi kooxeed loodilay ilaah baa naga og waxii kadanbeeyay ee danbiga yaa lasii badsanin Alle haunaxariisto bare kuwii dilayna Alle hasoo muujiyo oo hasoo kashifo,inteey iska horkeeni lahaayeen dad muslimin ah oon waxaba galabsanin ,

    axmedcade | Mar 10, 2010 | Reply

  28. Acw alaha u naxariisto walaalka la dilay kolay waxaan filayaa waxaa dilay cadaw raba inuu isku diro mujaahidiinta labo sababood ayaana loola jeedaa sidaan u arko.

    1-In laga takhaluso raga goobaha dagaalka ka muuqda oo hogaamiyaasha ah maadaama cadawgu dagaal adag isku diyaarinayo.

    2-In wax ma garatada laga dhaadhiciyo Alshabaab ayaa ka danbeeya si la isaga horkeeno walaalaha safka ku wada jira ee labada urur kadibna si ay fursad u helaan cadawga mareykanka & huwa durbaanka u tumaya ee dawladda sheegta.

    Khayr sheeg | Mar 10, 2010 | Reply

  29. Inaalilaahi wainaailayhi rajicuun, geeridu waa xaq sabab walba haku timaadee, lakiin waxaa iswaydiin leh bakaaraha yaa jooga, yaase dadka gaadmo ku dila oo hadana iskarayeelnin arintaas

    muse | Mar 10, 2010 | Reply

  30. Raaskambooni waa in ay u soo aargudaan Barre Cali Barre. Cida dishay waa la iska garanayaa oo waa Alshabab.
    Mooryaanta Sh.Shariif hawl sidaas ah kama fulin karaan suuqa Bakaaraha

    Faanoole | Mar 10, 2010 | Reply

  31. Ilahay ha u naxariisto ninkaas geeriyooday eheladii iyo asxaabtii uu safka u baneeyay sabir ayaan u dardaarmaynaa waxaan jeclaan lahaa in aan cadawga ku riixno nin waliba oo sufuufta mujaahidiinta dhaxdooda si qarsoon loogu dilo laakiin waxaa si cad u soo shaac baxaysa in ay iyaga dhaxdooda tasfiyo isku samaynayaan ama ha ahaato khalad manhaji ah ama cadow ku dhax gabanaya labaduna waa macruuf safka mujaahidiinta dhaxdooda baryahan danbe walahul muslacaan wa calayhi tuklaan

    Nazzaar | Mar 10, 2010 | Reply

  32. anasow meesha lagyu dilay ninkan meel ay dowladi wax ka dili karto ma ahayn

    Nazzaar | Mar 10, 2010 | Reply

  33. Ilaahayoow waxaan bari ka ahay ciddii dishay, ilaahayoow waxaan bari ka ahay Al shabaab iyo Xizbiga iyo Shariifka waxay sameeyaan,
    Ilaahayoow anigu adaan ku caabudaa ee urur iyo shaqsi ma caabudo!

    Dalxa | Mar 10, 2010 | Reply

  34. inaa lilaah waa inaa ilaah raajucuun marka hore marka xiga markaad leedihiin geesi aya ka baxey umada maxad ugu nixi wayseen Shahiid Pro cadow Dr Qamar iyo dhaman inta wax galka umada somaaliyeed u ahayd ee aad ku xasuuqdeen Hotel shamo 3.1209 ma ninka Umada xasuuqey ee barakacshey umada in ay nastaan ama loo gar gaaroo diidey baad leedihiin waa Geesi walh Tumma walh baan ku dhaartee inta umada dhibka ku haysaa maalin unbey dhiman lkn yaanan Munkar iyo dawaaqiid aan isugu horseedina ee runta hala isu sheego mida kale aan idin weydiinaaya waxay tahay dadka leh meesha waa gacan 3aad aya ku jirta leh meesha yaa ka taliya ma xizbiga, Alshabaab mise Dowlada? sow meesha lagu diley ma ahan meesha uu xasan daahir Jimcihii ina soo dhaafey Misaajidka Abu hureyra ku tujiyey ma ahan agteeda war Alle ka baqa ee ilaahigiina u towbad keena dadka runta haloo sheego mid ayaa yiri culumada haloo noqodo sow culumadii ma ahan kuwii aad tiraahdeen way Ridoobeen mise maanta oo ay dontu idinla qarqantey baad culumadii soo xasuusateen?

    Ibnu Bedel | Mar 10, 2010 | Reply

  35. Somalimirror

    Fadlan sii daaya tacliiqan aniga oo aanan u qori karin si tafsiil sidaan wax u ogahay
    _____________________

    Innna lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun dilka mujaahikda wayn ee ku dhacday akhuuna almujaahid Barre.

    Gacanta ka gardaran oo shabaab ah ayaa dishay. Af gobaadsiga xisbiga marna ma qarin karto dilkan waxshinnimada ah ee ay shabaabka gaysteen.

    Ugumana horreyn ugumana dambayn doonto dilalkan foosha xun ee lagu:

    -xalaalshanayo dhiigga mujaahiinta iyo muslimiinta

    -lagu kala dhantaalayo midnimada mujaahidiinta oo hadda si xun u wiiqantay

    -Lagu qaddisayo keligii taliye Godane iyo kooxdiisa takfiiriyiinta amniyaanta

    -Lagu inxiraafiyey manhajkii salafka

    -Lagu dhuminayo hadyigii laga lahaa jihaadka iyo mirahiisa

    -Lagu doonayn dowlad Islaami oo soomaaliyeed

    -Loogu danqanayn shacabkan jabay ee miskiin ah.

    Jawaabti dilkan oo ahayd laba dil oo ka dhacday Bakaaraha iyo mid kale dhammaantood waxay horudhac u tahay fiqi darrada shabaab iyo inxiraafkooda takfiiriga ah.

    Maxaa lagu dilay mujaahidka?

    Waxaa lagu dilay inuu:

    1- Kaddib markii Xabashida kaga dhiijiyey isaga
    oo hoggaaminayey Bridigade ama koomaandooskii Kambooniyinta, inuu ku sugnaaday manhajka wasadhka ah ee ilaalinaya miraha jihaadka

    2- Inuu si toos u diiday beenta iyo marin habaabinta shabaab ee damcay inay bililiqaystaan magaca mucaskarka kambooni

    3- inuu la saftay sh. xasan Dahir iyo Xisbiga yiraahdna kuma milmayno shabaab haddii ay midnimo sax ah imaanayn ama doonayn sida badi xisbiga qabay.

    4- Inuu ku yiri Godane iyo kooxdiisa amniyaadka war jihaadka ahdaaftiisa aynu ilaalinno

    Maalintii uu mowqifkaasi qaatay waxaa lagu weeraray bomb gacmeed, taasi oo sii xoojisay imaankiisa iyo Alla ku xirnaantiisii.

    In kasta oo loo digey oo lagu yiri shabaab gaal bay kuu arkaan wayna ku khaarijinayaan waa uu diiday inuu qaato waardiyo wuxuuna yiri xasbiya Allahu wanicmal wakiil.

    Waxaa naxdin leh inuu igu yiraahdo nin reer Guura ah oo shabaabka ka tirsan waxaa loo diley ninkii murarsade ee Gaagaale. Inuu mooryaanta waxban dhaamin ayaan u sheegay.

    Waxaa waajib ku ah dhallinta shabaab maanta;

    - inay ku gacan sayraan baycada beenta ah ee ay Godane siiyeen

    - ku biiraan Xisbiga ama la midoobaan midnaba dhab ah

    - diidaan khaarijinta iyo baanneysiga dhiigga mujaahidiinta iyo muslimiinta

    - Soo dhiibaan gacan ku dhiiglayaashi dilay akh Barre

    Xisbiga haddii uu uu aamuso sidii tii ku dhacday raggii ka horreeyey sida Daalibaan iwm, waxaan shaki iiga jiran inaysan anfaci doonin heegan gelid iyo shirar isdaba joog ah sidii kuwii shalay.

    Waxaan ogahay in mowqif xaraj lagu jiro oo gaalo iyo shariif oo is bahaysigooda duullaan soo wadaan, haddana waxaa kale oon aaminsanahy in Godane masuul ka yahay dhibkan dhacay jawaabtiisana heli doono insha Allah.

    Walaalow been ah ma socon karto iyada oo laga yaabo in Sh. Xasan Daahir ku xigo.

    Caycaydii soo dhaaftay…

    Xasbuna Allahu wanicmal wakiil

    Cali Guure | Mar 10, 2010 | Reply

  36. dawoco ayaa la yidhi caruurtaadii geel ayaa laayey markaasay tidhi geel la layne adhi ayaa laayey wana ka argoosanayaa
    xisbul islaam ha ka argoosteen shacabka ileen iygaa diley sarkaalkiiye SHABAAB madile Ileene

    raaskan boonu | Mar 10, 2010 | Reply

  37. alaha unaxariisto maexuumka kolay wuxuu ahaa nin qiimo badan balse nin kasta oo wanaagsan sidaa ayaa loo dilayaa gacan ka xaq daran ayaa dishay maalin aan maanta ahayn ayuu soo baxayaa qofkii dilaya isaga oo rabi hortaagan lana waydiinayo sababtii uu ku dilay mida kale haddii aan xaqiiqda ka hadalno waa la garanayaa cidda dishay suuqa bakaaraha waa layaqaan cida wax ku disha,waxaad kale oo aad ogaataan qof walba oo gacan ku dhiigle ah isna waa la dili doono aduunaka,(yaa qaatil abshir bilqatli wayaazaanii abshir bilfaqri)

    cabdalah | Mar 10, 2010 | Reply

  38. Koley asaguba wuxuu khoriga usitay inuu wax dilo.

    Abdiaziiz | Mar 10, 2010 | Reply

  39. bismilaah

    shacbiga soomaaliyeed nabad iyo dowladnimo ay ku dheehan tahay naxariiista islaamu wey u ooman yihiin laakiin uma oomana dhiig muslim qofka muslim oo wadankiisii iyo dhulkisii ku la’a nabad iyo degenaansho …..

    goobta dilku ka dhacay waxaa gacanta ku haya oo ka taliya ALSHABAAB IYO XISBUL ISLAAM ,,,, saraakhiishoodii bayna ilaalin karin nimankaasi ee shacbiga soomaaliyeed ma kasugayaan nabad iyo amaaan ,,,,,

    soomaalaadu waxay ku maahmaahdaa ,, ( KUGU DHIMAY OO KAA DHIMAY WAA HUQ )

    hadaba hadii ay sidaas tahay maahmaahdu macnaheeda ayaynu dhadhansan lahayn afhayeenka alshabaab oo ka dhiidhiya dilkan sarkaalkan BARRE CALI BARRE ilaahay naxariistii jano hana waraabiye …

    wacane | Mar 10, 2010 | Reply

  40. Bahda somali mirror hadii aad tihiin dad xishmeynaaya Afkaaraha dad weynaha Noo dhaafa waxaan soo qorney soo fasax hadii kale waxaan idin arkaa inaad dhinac u janjeeertaan

    Ibnu Bedel | Mar 10, 2010 | Reply

  41. asc
    kolley Muslimka god laba jeer lagama wada aniino, muslimkuna doqon ma aha. ciddaan magaca shabaab qaadan islaan inay tahay baaba shaki kajoogaa.

    war heshiiskii aan August 2008 wada gaadhnay kasoo baxa marki layiri murtad baa tahay iyo gaalaa lacag kusiisay intii layiri baa qabiil hub looqaybiyay oo layiri kismaayo idinkaa leh ee iska dhiciya qabiilka idinka qaadan raba.

    ibrahim afqani iyo ninka jahliga kucaan baxay ee yacquub labaxay ee markay shabaab tageen dhoobley tageen yiri waxay galeen iyagoo khushuucsan, isagoo kaduulay sidi nabigu scw makka kugalay sanadkii sideedaad, taasna uuka wado reer dhoobley inay lamidyihiin kufaaruqureysh fatxiga kahor.
    waxay ilatahay calidheere oo dhiigi indhihiisaba kamuuqdo ayaa ninkan dilay, waana looma ooyaan barre sababtoo ah bakaaro oo mooryaanti murusade cumaamado madow afka kuduubatay oo shabaab baan nahay tidhi baa lugu dilay, allaah haunaxariisto, ilaahayna waa dullayn doonaa cidda dhiigas muslimiinta xalaashatay

    calinuur | Mar 10, 2010 | Reply

  42. Islaam haddii layahay allaah in xaqa laqariyo waa xarrimay, qofka xaqa ka aamusana waa shaydaan akhras ah

    way dhici kartaa inaan erayo kulul qoray, , hadiise diinti god lagalinayo oo caqiidadi saliimka ahayd lala dagaalamayo iyadoo cadowgu kafa aiidaysanayo oo shariif uu gaalo oodhan kaashanayo, kuwii diinta laga sugayayna ayba qofki dhaha waa qalad arintaas laqaarijinayo sidi maafiyada talyaaniga. waxay ilatahay waxaa lagaadhay xilligi laiska qaban lahaa marka hore inagodane iyo afgani iyo yacquub iyo abumansuur kadibna shariif laga eryo meesha umadana caqiidadii salafka lugu dhaqo ileen shabaab waan aragnaa manhaj cusub bay keeneene

    calinuur | Mar 10, 2010 | Reply

  43. ASC walaalayaal Alle ha naxariisto walaakeen Bare cali Barre waana wiil taariikh ku leh mujaahidiinta soomaaliyeed
    waa la yaqaan cidda dishay
    habeen ka horeeyey waxaa la dilay Gaagaale oo ka tirsanaa ciidanka xizbada
    ka dib waxaa u yimid Al-shabaab waxaana lagu yiri SH: Barre ururka Raaskaambooni ayaa naga dilay sargaalkii ahaa Gaagaale ee waxaan rabnaa in aad noo soo qabato ninkii ka danbeeyey . ka dib Barre waxuu u sheegay al-shabaab in uu san ogayn cid ka tirsan Kaambooni oo dishay ninkaa lagu eedeeyey. ka dibna waa u dhaarteen waxayna u sheegeen in ay dili doonaan hadii uu san keenin cidii dishay
    waana dileen
    Alle ha u naxariisto
    marka walaalayaal waxaan u dar-daarmayaa Mujaahidiinta in ay iska ilaaliyaan cadiifadda
    oo cidii la dilayo maxkamad la saaro ka dibna xukun sharci ah la mariyo si looga bad-baado masiibada socota
    tan kale waxaan ugu baaqayaa in Xizbigu baaro cidii ka danbaysay dilkii Mujaahid gaagaale soona qabtaan hadii ay ogyihiin
    Al-shabaab waxaan ugu baaqayaa in ay soo qabtaan oo caddaaladda horkeenaan cidii dishay Mujaahid barre iyo ciddii u soo dirtayba

    nageeye | Mar 10, 2010 | Reply

  44. s/c sheikh bare waxaa dilay oo loo adeegsaday sida loo badinihaayo xizbul islaam maleeshiyaad katirsan oo loo soo adeegsaday markii eey haleeliwaayeen shabaabka hada beey arinta kucakirantahay madaxda xizbiga oon iyaga lasoconin shirqoolkan waa wax laga xumaado bal aan aragno mesha eey kudanbeeyaan arimaha.

    axmedcade | Mar 10, 2010 | Reply

  45. Somalimirror

    ACW

    Maxay ku dhacday inaad joojisaan qoraalkayga war gal ahaa? Waxaa dhab ah joojinta qoraalkayga inaysan u adeegaynin midnimo iyo walaaltinnimo been ah. Sidoo kale inuusan hurinayn dab aanan hadda shidnayn.

    Marka sheekh Xasan Dahir ay xabbad shabaab madaxa kaga dhuftaan ayaad garan doontaan warkaan qoray iyo xaalka meeshuu maraayo.

    Shaki noogam jiro mujaahid Barre inay Shabaab u dileen qadran wa khiyaanat iyo u adeegid hadaf dhulyaal ah. U soo daaya dadka warkaan qoray si la ii naqdiyo ama looga faaidaysto.

    Fitno ka wayn ma jirto dhiigga muslimka inta la banneysto, haddana ninkii difaaci lahaa in afka laga qabto iyada oo la rajeynayo midnimo been ah.

    Inna lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun.

    Cali Guure | Mar 10, 2010 | Reply

  46. Alle ha u naxariisto walaalkeen

    ali | Mar 10, 2010 | Reply

  47. TO somalimirror

    waan idinsalaamay asxaabta shabakada,salaan kadib wax layaab ah ma ahan caburinta iyo kigida aad igu wadaan. zabanka lagu jiro ayaan lahelayn amaba ay yartahay in meel uu maamulo cadaalad ka hirgasho.

    waagii hore waad wanaagsanaydeen lkn dhawaaanahan waa la idintaabtay.dadka oo dhan ayaa idinka cabanaya,waxii idinku fikir ah ayaad soo daabacdaan soona gudbisaan.

    haday daan sidan wax kabadalin wallee waxaan sxbayaal idiinka baqayaa in aad kaliidataan WAAGA CUSUB IYO ABAA QORROOW.

    ee niman yahow qoraaladayda ii amaan galiya ama meesha iga rookeeya

    wabilaahi towfiiq.

    Haragweyne | Mar 10, 2010 | Reply

  48. walaalo maxaad rayigayga udaabici waydeen?

    mise meeshii halista ahayd baan taabtay?

    runtu raga kama nixiso

    raaskanboni xalaqadaydi quraankaa laga aas aasay 1993

    xaqiiqadoo dhan baan ogahay marka soo daabac qoraalkaygi galabta ee aan nimankaas dadka gumaadaya ku cadeeyay

    calinuur | Mar 10, 2010 | Reply

  49. inaa lilaahi wainaa ileyhi raajicuun allaha unaxariiswalaalkeen nafwalbana waxay dhiman markii uu wkhatigeeda galo mujaahidiin tana waxaan leeyahay ha iskaqabtaa dadka mujaahidiinta laynaayo ayakoona ugudhawaanaayo alle taasna mid diinteena qabto ma aha taasna waxaa qabto shiicada marka haiska qabtan mujaahidiin dadkaas waxaan mujaahidiinta usheegayaa inay jiraan dad kaniada kenya lagusoo tababaray loona ikaysiiyay mujaahid ayaa jiro waxaa kaloo jiro dad toos ugu xiran sii ayeeda maraykanka toosna ugahoolkalo soomaliya marka dib halaiskugunoqdo

    khabaab | Mar 11, 2010 | Reply

  50. Dilka wadaadkaa aynu ku wadno ALLAH baa oge inu mujaahid ahaa cidna ALLAH u amaani mayno, waa dil murugo leh dhalinna kara dilal kale oo badan waxan odhanayaa fahmi aan kala soo baxay hadal RASUULKU S.C.W. Lee yahay suganna.
    RASUULKA S.C.W. ayaa goor fiida isaga iyo xaaskiisu majabaxsanayeen 2 saxaabi oo iyana goobta marayey ayaa cagta hoosta ka boobay markay indhohoodu qabteen NEBIGA S.C.W. iyo haweenayda la jirta si aanay umala xumaysan shaydaana qolof muus ugu dhigin ayuu NEBIGU S.C.W. Yidhi aayar iska socda tani waa SAFIYEE 2dii saxaabi way garteen ujeedka RASUULKA C.S.W waxay yidhaahdeen ALLAH ayaa xume ka hufan!!! NEBIGU S.C.W. wuxu shaydaanku wuxuu qulqulayaa halka ubadka ADAM dhiigu qulqulo.
    Hadaba NEBI MUXAMAD ayaa iska beriyeelaya tuhmo iman karta cidkalena kasii mudan
    2 xarakadood waxaa udhexeeya khilaaf gaadhsiisan dagaal meeshana ninbaa ku baxay waxaa waajib ah in Alshabab cadeeyaan in aanay iyaga ahayn waana saan jeclahay se shaki baa igu jira hadaanay cadayn tuhmad walba iyagaa u sababa.
    Waa inta ALLAH iga fahamsiiyey xadiiskaa WALLAHU ACLAM.

    Abu-salman | Mar 11, 2010 | Reply

  51. BISMILAAH, WAXAAN LEEYAHAY DIINTA ILAAHEY HALAGA RUNSHEEGO HADII SHALAY AAD AALE DARTIISO QORIGA U QAADAY INAAD MAANTA MUJAAHID DHIIGIISA LABANEESTO RAALI KUNOQOTAAN TAAS JIHAAD MAAHA BARE CALI BARE WAXAA DILAY SHABAAB MUJAHIDIINTA OO DHAN MAGAC KALAMA LAHE AMA XISBI HA AHAADO AMA QOLA KALE MUJAAHID WAXAA UU QORIGA UQAADAY KALIMADA TOWXIIDKA INEY KORYEELO HADABA YAAN SHAQSI QADHA LAGU RAACIN LAGUNA NAAR TAGIN NIN WALBA JIDKA XAQQA AH RAAC ASAGAAD KULIIBANEE WALEE SHABAAB KUMA GEYNAYO JANO AAD DHIIGA MUJAAHIDIINTA KU BANEESATO

    muscab | Mar 18, 2010 | Reply

Fikrad ka dhiibo