3 qof ayaa ku dhimatey oo Rayida 4 kale oo Askar ku jirtana dhaawacyo ayaa ka soo gaarey iska hor’imaad muddo kooban socdey oo Galabta ciidamo ka wada tirsan kuwa DKMG ku dhex marey qeybo ka mida Wadada Makka Al-mukarama.
Iska hor’imaadka ayaa u dhaxeeyay ciidamo ka kala tirsan kuwa Badda iyo Bileyska ee DKMG, waxa uuna ka dhashey dhac kuwa Baddu kula kacayey gaari rakaaba halkaa marayey.
Iska hor’imaadka oo ka dhacey inta u dhaxeysa KM4 iyo Hotel Ambasador ayaa saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqyadii kale duwanaa ee dadka iyo gaadiidka rayidka.
Ma jiro hadal dhinaca saraakiisha ciidanka DKMG ka soo baxey oo ku aadan iska hor’imaadkan uu ka dhashey khasaaraha Nafeed ee dhanka rayidka u badan.
Waxa uu iska hor’imaadkan qeyb ka noqonayaa kuwo soo noq-noqda kana dhex dhaca ciidamada DKMG ee khasaaraha kale duwan ee dhanka rayidka u badan ka dhasho.
Dhinaca kale askari ciidamada DKMG ka tirsan ayaa 2 Askari oo kale isla maanta ku diley agagaarka taalada Daljirka Daahsoon ee Degmada Boondheere.
Lama oga sababta dilkan keentay, balse isku dhacyada ciidamada DKMG ka dhex dhaca ayaa salka ku haya inta badan muran dhex mara.

Related posts: