Soomaaliya oo ku Guulaystay Bandhig-dhaqameed lagu Qabtay Dalka Malaysia

Published on March 8, 2010 by   ·   19 Comments   ·   print

Bandhig-dhaqameed lagu magacaabo “Ummatic Week” oo socday 4 maalmood ayaa maalintii Khamiista oo taariikhdu ahayd 4th Maarso 2010 lagu soo gabagabeeyey caasimada dalka Malaysia ee Kuala Lumpur. Bandhig-dhaqameedkan oo ay sanadkan ka qeyb galeen 32 wadan, ayaa waxaa lagu qabtay xarunta “Cultural Activity Centre” ee ku taala jaamacada International Islamic University Malaysia. Tartankan ayaa ahaa mid aad u adag iyada oo wadan waliba ku dadaalay sidii uu guul weyn u gaadhi lahaa, balse muddo afar maalmood ah ka dib, waxaa isu soo hadhay 3 wadan oo kala ah: Soomaaliya, Malaysia, ee Suuriya.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Malaysia degan waxaa tartankan uga qeyb galay ururka ardayda Soomaaliyeed oo ah lafdhabarta jaaliyadda Soomaalida ee degan Malaysia. Ardayda Soomaaliyeed oo looga bartay ciyaar wanaag ayaa kumanaan qof ay sugayeen ciyaarta ay caawa soo bandhigi doonaan. Sidoo kale boqolaal ka tirsan Soomaalida degan Malaysia ayaa soo buux dhaafiyey hoolka tartanku ka dhacaayey si ay taageero u siiyaan ardayda Soomaaliyeed.

Waxaa hal mar is qabsaday sacabka iyo sawaxanka ka dib markii ardayda Soomaaliyeed oo ku labisan dharka hidaha iyo dhaqanka u ah Soomaalida ay soo galeen hoolka tartanka, isla markiiba waxaa si diiran loogu soo dhaweeyey heesta astaanta u ah qaranimada Soomaaliya ee ah “Soomaaliyey Toosoo, Toosoo isku Tiirsada e, Hadba kiina Taag daranee Taageero Waligiinee”.

Dhalinyaro aad u da’ yar, balse kalsooni badan qaba ayaa isla markiiba bilaabay ciyaar ka mid ah ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka u ah Soomaalida, ciyaartaas oo ah nooca loo yaqaano “dhaantada”. Waxaa dadkii ka soo qeyb galay tartanka si aad ah u soo jiitay qaabka wacan ee ay ardayda Soomaaliyeed jaanta isula helayeen. Waxaa iyaguna sacabka iyo taageerada marnaba kala joojin Soomaali aad u tiro badan oo fadhiday qeyb kasta oo ka tirsan hoolka. Intaas ka dib waxaa iyaguna ciyaar wanaagsan soo bandhiga arday ka socotay dalka Malaysia, waxaana ku xigay arday ka socotay wadan Suuriya.

Waxaa la soo gaadhay xidhitaankii tartanka, dadkuna waxa ay u wada dhaga-taagayeen dalka ugu horeeya oo loo yeedhi doono. Sidii markii horeba la filaayey, waxaa lagu dhawaaqay magaca dalka Soomaaliya, taas oo mar qudha sacabka iyo sawaxanku is qabsaday. Kaalinta labaad waxaa galay dalka Malaysia, kaalinta sadexaadna Suuriya.

Tartanka waxaa dawlada Malaysia uga soo qeyb galay Xoghaya Guud ee dawlada Malaysia Tan Sri Maxamed Sidiiq Xassan, madaxda jaamacadda, iyo in ka badan 10 safiir oo ka socday wadamada ka qeyb galayey tartankan.

Dhinaca Soomaalidana waxaa uga qeyb galay Xoghaya Labaad ee Safaarada Soomaaliya ku leedahay dalka Indonesia Mudane Cabdi Salaan Cismaan Cabdi iyo guddoomiyaha jaaliyadda Soomaalida ee Malaysia Dr. Maxamed Cabaas. Waxaa kale oo labada mas’uul ku weheliyey madasha mudane Yaasir Maxamed Axmed (Yaasir Baafo) oo ka mid ah xubnaha ugu firfircoon ardayda Soomaalida Malaysia.

Safaaradaha degan Malaysia ayaa lacag badan ku bixiya sidii ardaydoodu ugu guulaysan lahaayeen tartankan. Dhinaca kale, dhaqaalaha ay ardayda Soomaaliyeed kaga qeyb galeen tartankan ayaa ahaa lacago ay ardaydu dhexdooda iska aruuriyeen. Waxaa kale oo xusid mudan iyo ardayda guusha weyn u soo hooyey Soomaaliya ay da’doodu aad u yar tahay, qaar ka mid ahina ay dibadaha ku dhasheen oo ilaa hadda aysan Soomaaliya arkin.

Xafiiska Isgaarsiinta iyo Xiriirka Guud
Jaaliyadda Soomaalida Malaysia

somalicommunitymalaysia@gmail.com

Arday Malaysian ah oo tijaabinaya colob

Arday Soomaaliyeed

Arday Soomaaliyeed oo faraxsan guusha ka dibAxmed (Mawliid) oo ka tirsan ururka ardayda Soomaaliyeed

Gabdho Malaysian ah oo ka helay cunto Soomaali

Qoys carbeed oo ka helay colobta Ardayda Soomaaliyeed soo bandhigeen

Xubnihii Ardayda Soomaaliyeed ee guusha soo hooyey

Soomaaliya oo soo bandhigtay dhaqankeeda

Yuusuf Calanside oo ka dhex muuqda wadamadii ka qeyb galay bandhig dhaqameedka Ummatic Week 2010



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Jaamacada Islamiga ee Malaysia oo soo dhaweysay codsi uga yimid Jaaliyada Soomaalida
  2. Jaaliyadda Soomaalida Malaysia oo Soo Heshay Meshii Warsidaha Dayniile Ka soo Qaatay Sawiradii Been-Abuurka
  3. Jaaliyadda Soomaalida Malaysia oo Beenisay War Dayniile Soo Daabacay
  4. Bandhig Jaamacada PSU ee Garowe loogu sameeyay Buuga(Soomaaliya Dad & Dal)
  5. Bandhig Ciyaareed lagu Qabtay Magaalada Marka.

Readers Comments (19)

  1. Farah hashi says:

    Runtii magac iyo milge ayay inoo soo jiideen dhammaan ummada soomaaliyeed Ardayda malaysia wax kabarataa kol haddi ay ka qaadeen Arday badan oo dadalkoodo dhisan yihiin oo ladab joogey maal iyo muruqba waxaan leeyahy HAMBALYO halkaa kasii wada dadaalkiina

  2. shaxshax says:

    waa mahadsan yihiin ardayda dadaashay , waxaanse aad ugu sii farxi lahaa tartanku xagga diinta islaamka inuu yahay , inshaa alaah xagga diintana waa ku badin doonnaa

  3. wanaag jecel says:

    Meeday looxdii quraanka ee Malcaamadaha/Dugsiyada safnaan jirtay ee ay Soomaalidu ab ka ab wax ku soo barteen ilaa intooda badani ay wax qori jireen akhriyina jireenu, cadawgu haba u diidee!

    Welldone.

  4. khaadimul-ISLAAM says:

    BISMILLAAH.

    ISLAAMKA iigu filan dhaqan aan ku faano oo aan la shir tago , ee dhaqan ibliis dhaqan iima ahan , markaan uurka dhexjiifay MUSLIM baan ahaa , markaan dhashayna muslim baan ahaa , haddana muslim baan ahay FALILLAAHILXAMDU ,waana ku faanayaa ISLAAMKA inshaa-ALLAAHU waan ku dhiman ISLAAMKA kanaxow ka nax ku faraxow ku farax .

    { ALLAAHU RABBII WAMUXAMMADUN NABIYYII WAL-ISLAAMU DIINII. }

    ALLAAHU ACLAM.

  5. Cali Guure says:

    Somalimirror

    Waa maxay waxan? Ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka la soo bandhige aa. Sidee baa loogu faani karaa

    Geblay shimbir
    Walasaqo
    Dhaanto
    saar ama sar lugeed
    Hiddidii
    dabshid
    Siteey

    iwm

    War Alla ka baqa ee naga daaya ciyaarahan dhulman wa cudwaanan nalagu farad yeelay ee anshaxa ka fog.

    Haddii

    Lagdan
    Farda fuul
    dhoolla tus ciyaareed
    kubadda
    dabaasha

    iwm

    la samayn lahaa waxbay ahaan lahayd.

  6. Hoobaan says:

    Somalimirror
    Maad ciyaarta naga deysaan mise waxaad rabtaan in aan ictiraafka idinkala noqonno.

    Rag akhyaarra ahaan idin moodeynaye wax lagu adkaado inta Ilaahay badiyay waa maxay Soomaali baa dhaanto koob kaga qaadday qolo dhex ka ciyaar la shir timid.

    Wuxuu in uu xun yahay waxaa idiinku filan kuwa raayay haddaanba u deyno in aan ciyaartooda maqmaqli jirnay oo dhegeheennu barteen kuwa laga raayay maxay ciyaareen ma la idiin sheegay.

    Waan idiin xil heynaaye wax daran ha naga doonina oo webkan wadaad baan u naqaane ciyaarta ka daaya.

  7. Khayr sheeg says:

    To Cali Guure

    Hidaha iyo dhaqanka hadii uusan ka hor imaaneyn shareecada islaamka maxaa diidaya in la soo bandhigo meeshana aysan oolin Rag iyo dumar isku dhex jira oo ajaanib kala ah wiilal kaliya iyo alaabtii hidiha & dhaqanka soomaalidu u lahayd ayaa meesha lagu soo bandhigay sida sawirada ka muuqata hadii wax laga jaray waa baab kale oo qayb laga soo qaatay kolay wixii nas ama daliil loo hayo cid ka hadlaysa ma jirto.

    Waxaan filaynaa tartanka xigana inuu noqdo mid diinta ah & horumarka aqoonta maadiga qaybaha muhiimkaa.

  8. Raage Ugaas says:

    Laba bilood ka hor, 3 arday oo Soomaali ah ayaa ku guuleystay tartanka Qur’aan aqriska ee Jaamacada Islaamka ee Malaysia.

    Dad badan ayaa diinta qalad ka fahmay, sida Alshabab oo kale oo hadda dhahay English iyo Science lama baran karo magaalada Afmadow.

  9. MOHAMAD says:

    ASALAMUALAYKUM HAA AWAY LOOXDII ANA HADANAHAY SOMALI ALLE AYAA NAGA DHIGAY DAD KULI MUSLIM AH DHAQANKEENA WAA INUU NOQDAA MID KA TURJUMAAYO ISLAANIMADEENA NIIKO MAHAN DHAQAN SOMAALIYEED WAXAY NAGA SOO GAARTAY WADAMADAN AFRICANKA BUDISTA DABASHA GANIDA IYO INKALE OO KLABADAN AYAAN LASOO SHIR TAGI KARNAA.

  10. Ilaah baa weyn says:

    Cali Guure, ma waxaad rabtaa In khamiis iyo taaj sucuudi ah meesha laal yimaado
    war waxaas dhaqankeena maaha diintuna nama farin inaan dhaqan carbeed qaadano
    ee adigu haka tegin somalinimada

  11. Adoon Eebe says:

    Talagada shaaha, koobabka shaaha iyo tan yar oo hoos taala, malqacadaha, fargeetooyinka intuba ma aha weel soomaaliyeed. Alaabaha kale waa Ok.

  12. mono says:

    walaal wanaag jecel waxaan kuu sheegaa looxyada aad weydiisay wee ku jiraan waana kuwa ku dhagan darbiga sawirka u horeeyo

    walaal cali guure adigane waxaan kuu sheegaa in ee tahay ciyaarta la soo bandhigay ciyaar dhaqmeed oo ku saabsan hido iyo dhaqan eysan eheen mid diineed ..mideeda kale dulman wa cudwaanan wax ah meesha kuma jirin oo ciyaar aad iyo aad u saxsan ee eheed oo xumaato ama is dhax gal ku jirin

  13. Abu-salman says:

    Sharciga islaamku diidi maayo ciyaar dhaqameedkena mar hadaan dumar lala boodaalaysanayaa ku jirin nusuus cad cadna waan u haynaa Cali Gure waxan umalaynayaa qolyu muus udhigayaa siyu u eego mustawahoda e ilama aha inaanu garaneyn SUUDANTII uu daawada RASUULKU SCW. Iyago cayaaraya weliba xaaskisuna la daawanaysey

  14. cali warsame says:

    CAYAARAHA HIDAHA IYO DHAQANKA SOOMALIYEED WAA ASTAAN KA MID AH ASTAAMAHA LAGU YAQAAN SOOMALIDA. WAXAA KALOO LAGU YAQAAN DIINTA SOOMALIGA (ISLAM), LUQADA SOOMALIGA, JINSIYADDA SOOMALIGA IYO DHULKA SOOMALIGA.

    SHANTAN TIIR EE SOOMAALINIMADU KU TAAGANTAHAY WAA LAMA TAABTAAN. RAGGA LOHOOW MAAN KA TAGNO HIDDAHA IYO DHAQANKEENNA, OGAADA WAXAY LA MID TAHAY SOOMALI HA LA TUURO.

    ILAAHOOW JAHLI NOOCAAS AH NAGA KORI. AAMIIN.

  15. ya says:

    salam alaikunm wr wbr
    walaal wali agendadeena ayey kujirtaa ina tartama diin so bandhigno sida quraan iwm
    inshallah
    so be patient inshallah
    and sry 4 somali xun safiican uma aqaano
    jazakallah khair

  16. AXYAA WADANII says:

    ASALAAMU CALEYKUM WARAXMATU LAAHI WABARAKAATU

    walaalyaal waan idin salaamayaa dhamaantiin waa dhamaan soomaalida meel kasto eey aduunka ka joogto ilaaheyna waxaan ka baryayaa in uu dalkeena hooyo nabad nooga dhigo AAMIIN YAARABI intaa kadib waxaa mahad oo dhan iska leh ilaahey oo nagu hanuuniyey wadada wanaagsan taasoo ah in aan nahey dad muslim ah alxamdu lilaahi ,waxaan kaloo halkaan uga mahadinayaa dhamaan dad weynaha soomaaliyeed gaar ahaan dhalinyarada meelkasta ka muuqato si eey utusaan uguna soo bandhigaan in eey wali soomaaliya sideedii tahey oo macnaha ah in eey waxyaabaha eey aduunka oo dhan ka aaminsan yihiin oo ah ineey is raacdey oo waxba u harin xataa dhaqankii iyo hidihii lagu yaqaaney ,eey dhanka kalana ka qeyb qaataan ineey usoo bandhigaan hidaheenii wacnaa iyo dhaqankeenii suubanaa isagoo lagu dabaqaayo diinteena islaamka maasha allaah ,sidaa ayaa la inaga rabaa meel kasta oo aan aduunka ka joogno in aan tusno waxaan nahey ilaaheeyna waxaan ka baryaayaa in uu dhamaanteen ama dhamaan muslimiinta oo dhan na wada hanuuniyo insha allaah ,aan kawadno howsha meesheeda aana ku dhaganaada diinteena iyo dhaqankeena intaa ka dib waan idiin hanbalyeynayaa dhamaantiin ardeyda soomaaliyeed meelkasta eey aduunka ka joogaan gaar ahaan ardeydaan MALEYSIYA MAASHA ALLAAH axyaa wadanii aan nooleyno wadankeena anagaa umaqan wuuna na sugayaa xataa anaga sanadkii hore dalkaan ayaa ardeyda soomaaliyeed ka gashey KALINTII 2AAD sanadkaana wali natiijada lama soo dhajin ama lamaba sheegin laakiin waxaan rajeynaa in aan sanadkaan galeyno insha allaah TAN 1AAD maxaa yeeley saan filaayo waxyaabihii eey ardeyda soomaalida soo bandhigtey oo dhaqankooda iyo hidahooda iyo ciyaarihiiba ahaa ayaa aad iyo aad loola yaabey marka sidaa ayaa inoo balan ah in aan wax walba oo aan leenahey wanaagiisa aana ku faano dadnimadeena tusnana caalamka sideey ayaguba ugu faanaanaan insha allaah qeyr aduun iyo aaqiraba maca salaama .

  17. maahir says:

    maashaa Alaah ilaah ha idin Awaal mari yo

  18. gaabshe says:

    NIMAN YAHOOW WAXAAD KA SHAQEYSIIN QAB YAALAD EE WAXAAN MESHA GALINOO HAKA SAARINA HADII AAD U QAB YALADEYNEYSAAN NIMANKA AAD ISKU QOLADA TIHIIN WAA LAGA FICNA YAHY EE SASA SAXAFADA LAGUMA NOQDO WAXAAN SHEGAY WAXAAN XAQ IDINKUGU LEYAHY OON AQOON ULEYAHY RAGAA AAN ISKU MESHA KA NIMID OO INKIRAAYO AYAAN BENIYAAY HADALKOODA EE MARDAN BE HAKA SAARINA EE KU SOO CELIAY WAXAAN KU SOO QORAYA IDACADAHA KALE IYO WAP KALE HADEYDUUN KU SOO CELIN OGAADA

  19. khadra says:

    ala maxaan farxaa markaan arko dhalinyo qurbaha joga oo dhaqenkoda ku fanaya soomaliyey isracaa ilahayna dhib hanaga dhowro




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Jaamacada Islamiga ee Malaysia oo soo dhaweysay codsi uga yimid Jaaliyada Soomaalida
  2. Jaaliyadda Soomaalida Malaysia oo Soo Heshay Meshii Warsidaha Dayniile Ka soo Qaatay Sawiradii Been-Abuurka
  3. Jaaliyadda Soomaalida Malaysia oo Beenisay War Dayniile Soo Daabacay
  4. Bandhig Jaamacada PSU ee Garowe loogu sameeyay Buuga(Soomaaliya Dad & Dal)
  5. Bandhig Ciyaareed lagu Qabtay Magaalada Marka.

Latest Headlines