Sheekh Shariif Sheekh Axmed Hogaamiyaha DKMG ayaa Maanta booqasho rasmiya oo qaadan doonto dhowr Maalmood kaga bilaabatay Dalka Ingiriiska, waxayna noqoneysaa booqashadii ugu horeysay ee uu halkaa ku tago tan iyo intii uu Madaxda u noqday Dowlada.
Sh Shariif ayaa la kulmi doono tiro kamida Mas’uuliyiinta Dowlada Ingiriiska oo ay ugu horeeyaan wasiirka Arimaha Dibada David Miliband, iyo kan Arimaha Gudaha Alan Johnson kahor inta uusan lakulmin Ra’uusul wasaaraha Ingiriiska Gordon Brown waxayna kawada xaajoon doonaan Xaaladihii ugu dambeeyey ee gaaska Africa iyo sidii ay isaga kaashan lahaayeen labaa dhinac Arimaha Burcad Badeeda iyo ladagaalanka waxa loogu yeero Argagaxisada.
Sh Shariif ayaa casuumaadan lagu soo gaarsiiyey kulankii uu kol hore la yaashay Wasiirka Ingiriiska u qaabilsan Arimaha Africa Gelinz Kinnock oo uu Bishii June ee la soo dhaafay Nairobi kula kulmay.
Sh shariif ayaa dhawaan soo dhaweeyey go’aankii Ingiriisku ku mamnuucay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin wuxuuna ka codsaday inay Taageero siiyaan Dowladiisa.

Related posts:
sh sharrifow ka faaiideso fursadda aad u heshay inaad kaga hormarto filla baydhabo kooxdaadi aad kula tartameysay noqoshada madaweyne nimada Somaliya.
kooxda kalena waxaan leeyahay sida Shabab iyo Xizbul Islaam, inta aad heerkaan ka soo gaareysaan Ummmadda sii jahwareeriye kuna beer jileecsada cabsida Alle iyo Rasuulkiisa balse runtu ha ahaato wadiiqada aad ku gaari lahaydeen heerka uu shariif hadda joogo oo ah galaakana danahiisa haka wato somaliya adiguna kudangaar inta aad ka dhimaneyso.
dhalinyardana waa dad iska maska yare hala dhalan rogo si ay isku qarxiyaan. aad ayey u fududahay qof jaahil ah in lagu borogaraamiyo Intixaar.
Tussale ahaan:suufida waxay dadka ka dhaadhiciyeen in Shaqsi dhintay uu caawinkaro dadka aduunka joogo waxayna uga qaateen hantidooda.
Tabliiqa wuxuu ka dhaadhiciye in ay shacabka ilamahooda katagaan una baxaan Kalmadi Alle koryeelideed kana sii qaataan lacagta yare guriga taal ilmahana Ilaahi abuuray uu uga tago isgaa quudinayee.
shabab waxay ka dhaadhiciyeen dhalinyaradi wadad ay janno ku gelilahaayeen in ay tahay in la taageero rayiga Osma.
Al-islaax waxay ka dhaadhiciyeen kooxdooda in Musiga la dhagesto dancekana la ciyaari karo.
hadaba maadaama hala wadan intaas oo shacab lagu qaldayo Diinta Islaamka, madhihi karnaa waxaa sabab u ah aqoon la aanta?
dad laga dhaadhicinayo in ay is dilaan kan ka dhaadhicinayana uu aduunka kusii danbeynayo sidey kusuuro gashay arintaas oo aanan ahayn cilmi daro?
Cilmiga waa nolosha shaqsiga micnaheedu waa cilmi la aan waa nolol la aan oo waxaa kuu imaanaya mid sadex bari book soo aqriye sida uu u fahmay xadiiska ama aayadana kaaga dhaadhicinaya ileen mataqaanida sidaasi darteena aad naftaadi kuweyneyso qiyaamahana ciqaab kutaalo.
thanks
JAALE DANTA QAASKA AH
WAXAAD IS LEEDAHAY WAXAAD TAABATEY NUQDOOYIN DHABAH MASE IS WEYDIISAY WALIGAA WAX LA TAABAN KARAYO OO AAD EHELKAA U QABATEY OO AAD KAGA HORTAGEYSO IN AY KU DHACAAN DABINKA AY DHIGAYAAN KOOXAHA AAD TILMAAMTEY,?
MA ISKU DEYDEY WALAALADAA CARUURTAA WAALIDIINTAA ILMO ADEERADAA INTA AAD HOR ISTAAGTEY IN AAD WAQTI BADAN KU BIXISEY IN AAD HADAL WANAAGSAN U SHEEGTEY SI JOOGTO AH OO AAN KALA GO LAHEEN IN AAD AQOONTA RABI KU SIIYEY UGU FAAIIDEYSID? IN KOODA DHINAC U LEEXANAYA GUNTIGA QABATEY KA JOOG MA TIRI MISE SACAB BAAD KU KAALMEESAY?
HADAAD ARAGTEY IN JAHLIGA UU YAHAY QUFULKA UMADA KU DHEGAN OO U BAAHAN IN LAGA FURO
TOLKAA OO QURA MA KU CAAWISAY IN AAD FURAHAAS INTA AAD U QAADID KA BIISID IN LA ISTICMAALO DHALINTOODA YARYAR ? WAA HOWL ADAG HADAAD TOLKAA HORTOODA AAD QOF LA LIIDAY KA TAHAY OO AAN QIIMO KU LAHAYN OO GANGS AY QUFULO KU XIRTEEN AADAN KA FURI KARIN ADIGA IS CEEBSO WAAYO KUWAAS LA KALA QEEBSADEY XIGTADAADA KOLAY KU TAHAY WALAALADAA KAMA FOGA. WELIBANA WAXAY U DHOWDAHAY IN AAD QUUDKOODA AAD BIXISO KALMADNA AADAN U SHEEGI KARIN TOOSAN OO ANFACDA ADUUNKIISA IYO AAKHIRADIISA.. RUNTU WAXAY TAHAY WAX BADAN BAA NAGA KHALDAN HADII LA YAHAY CULUMO IYO AQOON YAHAN IYO INDHEER GARAD KU SHEEGBA . WAXAYNA TAAS KU TUSEESAA SOOMAALI WAA SHACAB LEH QABAAIL KALA DUWAN QABIIL WALBANA WUXUU NOQONAYAA LAFO ISU SII KALA BIXINAYA REER REER ISU SII BELELAYA QOOSAS WALAALO AH HADABA JIRIDA HOOSE OO AAN SI SAX AH LOO TOOSIN MA SAHLANA FIDNO WADAHA IN LA ISKA QABAN KARO . SABABTOO AH MAALIN WALBA WIIL BAA QAAN GAARA U BAAHAN CAAWIN AAN XAD LAHEEN OO ANFACDA AAKHIRADIISA IYO ADUUNKIISA . HADAANAN LAGU BARAARUGSANEEN TAAS WAXAA FUDUD IN LOOGA FAAIIDEESTO MASKIINKAN AAN CAQLIGIISA DHAMEESTIRMIN SIDII LA DOONO OO QOFKII KA HELA MEEL DAGAN OO FIDNO WADE AH UU XATAA AWOODO IN UU U DIRO IN UU DHIB U GEESTO WAALINKIIS WALAALADIIS AMA SOOMAALI WEYN OO DHAN .
HADABA HADAAD AQOON YAHAN TAHAY FAHMEY KHIDADA AY IS TICMAALAAN KOOXAHA AAD KOR KU SOO SHEEGTEY JAALE DANTA QAASKA AH WAXAA KULA GUDBOON IN AAD KU DADAASHO OO AAD KA SHAQEESO SIDII AAD UGA HOR TEGI LAHEYD OO AAD MARKA UGU HOREESO EHELKAAGA MIXNADAAS UGA DADBAADIN LAHAYD MARKA XIGANA AAD U ISTAAGTO SIDII SOOMAALI WEYN OO IDIL UGU DHAADHICIN LAHAYD TAAS UGUNA DHABAR ADEEGI LAHAY FIKIRKAAGA TOOSAN OO WAAFAQSAN DIINTA SIDAAD U HIR GELIN LAHAYD ADIGA OO MAGAC MANSAB IYO JAGO DOON MIDNA AAN AHAYN.
WANAAGA AAD LA JECESHAHAY SOOMAALI WEYNA AAN KA GAABINEYN
WA BILAAHI TOWFIIQ WAXAANA LAGA YAABAA IN BALAAYOOYIN BADAN AY XIJAAB U NOQOTO BALSE SABIR BADAN BAY U BAAHAN TAHAY HANDADAAD BADANA WAAD KALA KULMI XIGTADAA WAAYO WAXAAD HOR ISTAAGEYSAA FIKRADO BADAN OO DHIBWADAYAAL AY LEEYIHIIN SI JOOGTO AH. WAXAABA LAGA YAABAA WALAALADAA IN AYBA YIHIIN. SHOW AYAGAABA KAAGA BAAHAN IN AAD ISBEDEL KU SAMEESID INTA AAN MEELKALE AADAN KA KHUDBADEEN OO LA DHIHIN SHIIKHU WANAAGSANAA . SHIIKHU CAQL;I BADANAA SHIIKHA WAAQICUU LA SOCDAA SHEEKHA AMUU WADADII ILBAXNIMADA KU SII SOCDAA SHIIKHA DHOOLA CADEENTIISA AYAAN KA GARTAA WAXA UU SHEEGAYO WAA XAQ . SHIIKHU ARKA WAAN KU KACSAN KARNAAYE YAAN NALOOGA HOR MARIN HADAAN TABLIIQ NAHAY WAX SHEEGIISA DAD WAAN KU HELEENAA AAN KU SHUBANO FIKIRKEENA . MAYA SHIIKHA ANAGUU MUCAARAD NAGU YAHAY AAN CEBEENO INTUUSAN NA FASHILIN DAAQADA AAN KA SAARNO . AAN KU SHEEGNO MAGAC UU TUUR KU YEESHO AMA KU AAMUSO KOOXDA KALENA HA KUGU TILMAAMTO . ISLAAXU XOOGAA SAN DAREERTO HA KU SIIYAAN MARKASNA MADAX HA KAAGA DHIGAAN SI KHUDBADAHA AAD SHEEGEESIDNA JANSUURO HA KU SAMEEYAAN SI AADAN WAX AYAGA UGA SHEEGIN LOOGUNA EKEESIIYO DADKA IN AAD LA KOOX TAHAY OO KA TIRSAN TAHAY DALADOODA.
DHALIN YARO KU SHEEGA DEE HADAL KOODA DAABA WAA SHEEKADII AFKAAGA HEESO AMA AFGOOYE AAD AMA AFWEYNE RAAC . WAXAAN KU DHIHI LAHAA NAFTAADA AYAA KA QIIMO BADAN MURAN AAN MICNO LA HEYNE . INTA EHELKAAGA AH EE HUNGURIGA U RAADSADEY AMA AY MADAX DOORIYEEN SIDAAD U SOO DABI LAHEYD OO FIDNADA AY KU JIRAAN UGA SOO DHEX SAARI LAHEYD WAA IN AAD KU DADAASHAA ADIGA OO DHAQAALE IYO DHAQAN CELIN U SAMEENAYAA . WAANA ADAG TAHAY WAAYO AYAGA OO DHALIN YAR DIINTANA JACEYL U HAYAYA AYAA CAQLI YARAANTOODA LAGA FAAIIDEYSTEY OO LA KHARIBEY WAXAY SAMEENAYAANA DIIN BAY KA TAHAY MARKA LAGA REEBOO XINIINYO WEEYNTOODA OO AAN WAXAY U AABO YEELAYAAN AYSAN JIRIN.
HADABA JAALE DANTA HOWSHA AAD KU ANDACOONEYSID WAA CILMI DARO . WEY MUG WEYN TAHAY . CILMI DARO OO KALIYA MAA AHE WA DAYAC DAR YEEL LAAAN FAQRI
XASAD NIMO. IWM
WAAN KA BAAY WABILAAHI TOWFIIQ
Shariif waxaa uu gaarey guul siyaasi ah laakiin ma gaarin guul caskariyeed.
Yey arrintan dhib ku tahay?
Waxay arrintan dhib ku tahay kooxaha u sheega dumarka iyo caruurta beenta ee yiraahda waxaa nala yiraahdaa Somaliland ama puntaland.
Waxay dhib ku soo kordhinaysaa jihaadka socda.
Waxay horumar iclaami u tahay Dawlad shariif.
Ruuxii wax garad waa garan karaa, doqonna ha u sheegin
bal fiirsha madaxweyne sida shariif jaanis u leh wali ma soomarin somalia wuxuu la kulmay raysal wasaaraha inigiriiska boqortooyada aan wali qoraxdeedu dhicin