Roobab ka da’ay qeybo kamida Jubbada Hoose.

Published on March 8, 2010 by   ·   3 Comments   ·   print

Roobab Xoogan oo ay Dadka iyo Duunyadu ku diirsadeen ayaa shalay ka da’ay Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubada Hoose iyo Deegaanada ku hareereysan Magaaladaas.

Roobabka oo ahaa kuwa Mahiigaana isla markaana dhowr saac oo Xiriira socday ayaa saameeyey Magaalada Dhoobley iyo Deegaanada hoostaga oo ay ka jireen Abaaro ba’an, Biyo la’aan iyo kuleylo.

Roobabkan oo watay Biriq ayaa waxa ku Nafwaayey Labo Dumara iyo tiro kamida Ari iyo xoolo kale oo ay dhaqanayeen kadib markii sida la sheegay ay haleeshay Biriqdii Roobku watay.

Dadka Deegaanka ayaa sheegay inay aad ugu diirsadeen kuna qabowsadeen Roobabkan oo ku soo aaday Xili kuleylo ah oo baahi weyn loo qabay.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Roobab Xoogan oo ka Da’ay Qeybo kamid ah G/Sh.Dhexe
  2. Roobab ka da’ay qeybo ka mid ah Gobolka Bakool
  3. Roobab lagu Diirsaday oo Xalay ilaa Saaka Muqdisho iyo hareeraheeda ka da’ay.
  4. Roobab ka Da’ay Banaadir iyo Qeybo kamid ah Shabeelooyinka
  5. Dab Xalay qabsaday qeybo kamida Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Readers Comments (3)

  1. Xilmadonto says:

    Ilaahay Baa Mahad iska leh, Asgaan uga Mahadcelinaynaa Roobka uu Dadkaa Siiyay, Ilaahayow Dadkaa Masaakiinta ah Dhibaatada Abaarta & Dhibka Shabaabka ha iskugu Darin , ee abaartana ka qaad Shabaabkana ka Xoree !! Aamiin

  2. khaadimul-ISLAAM says:

    BISMILLAAH.

    ALXAMDU LILLAAH nasrigii waa bilowday, waa bishaaro aad u fiican FILLAAHILXAMDU WALMINNAH.

    samadii baa furantay ducadiinii waa la ajiibay,
    FALILLAAHILXAMDU WALMINNAH.

    TAWXIIDKA ALLAAH iyo shareecada aad ku dhaqmaysaan iyo xuduuda aad oogaysaan baa fadligaa
    ku hesheen ee wada ku dhaqanka ISLAAMKA iyo raacidda sunnada RASUULKA CALAYHI ASSALAATU WASSALAAM .

    gaalada iyo gaal kalkaalkuna ha jabo oo ha hoogo.

    WALLAAHU ACLAM.

  3. jaabir says:

    al xamdu lilaahi




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Roobab Xoogan oo ka Da’ay Qeybo kamid ah G/Sh.Dhexe
  2. Roobab ka da’ay qeybo ka mid ah Gobolka Bakool
  3. Roobab lagu Diirsaday oo Xalay ilaa Saaka Muqdisho iyo hareeraheeda ka da’ay.
  4. Roobab ka Da’ay Banaadir iyo Qeybo kamid ah Shabeelooyinka
  5. Dab Xalay qabsaday qeybo kamida Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Latest Headlines